SIYAASADIHII DHEXDHEXAADKA IYO DIBADDA SOOMAALIYA

– Qeybtii 3-aad, 15 September 2018

Waarimeysidee waddankaada u dhimo| ||

Qoraalkani waa kii sedexaad, sida aad ku arki doonto waa isku dhex qubanyahay, uma habeysna qaab daraasad ah, mana kala soocna. Danta laga leeyahay waxaa weeye in aqristaha loo tabiyo taxanaha taarikhda siyaasadda dibadda Soomaaliya, mowduuca qoraalka ka fikersiiyo, kuna dhiiriyo inuu ka dheregsanaado halka ay taarikhda kaga jiraan madaxdii Soomaaliyeed, si loo xasuusto wax qabadkoodii diblomaasiyadeed, daruufihii adkaa ay ku soo shaqeeyeen iyo dhibaatooyinki dalka soo food saaray xiligii gobannimada ka horeysay, iyagoo ku dadaalay Soomaali inay ummaddaha aduunka la sinnaato, inay dhisaan aqalkii Soomaali ay ku hoyan lahaayeen gobannimada kadib.

siyasada-somali-1Intaas oo dhan ka sokow, qoraalkani waxa uu ka warramayaa dhowr arimood oo falanqeynaysa looltanka labada quwadood ee geeska Afrika, kolkaa kadib waxaan u guda gali doonnaa kaaliintii lixaadka leheyd ee golaha Xeer-Dajinta iyo xukuumadi Daakhaliga ay ku lahaayeen aasaaskii iyo dhismihii dowladnimada Soomaaliyeed, go’aanadii iyo tallooyinkii ay ku lahaayeen maamulki Talyaaniga AFIS iyo waayo aragnimadii ay ka heleen, korna loogu qaaday horumarka bulshada Soomaaliyeed. Markeynu dib u raacno taarikhda sida ummadkasta ay qabto waxa markasta la xusaa qofkasta iyo nidaamkasta oo waxtar u leh horukaca dalka, si ay qeyb xusuus dhowr ah ugu noqdaan taarikhda dalka.

siyasada-somali-2Iyadoo iminka aannu xuseyno wax qabadkii madaxda xukuumadi Daakhaliga, kuwaasoo ilaah mahaddiis ha ku gaartee u soo halgamay Soomaaliya inay madaxbannaanato, soona gaarsiiyey xornimo buuxda wadankooda, miraheedana Soomaali ay guratay. Saas ayaa waligood loo xasuusan doona kuwii Soomaali wax taray, kuwii u soo halgamay, kuwii midnimadooda iyo wadajirkooda ka shaqeeyey.

Anigoo tixgalinaaya raad raaca taarikhda dalkeena, waxan doonayaa in aynu dib u fiirino waxqabadkii xukuumadda Daakhaliga, xaaladihii adkaa ay ku soo shaqeeyeen, dhibaatooyinki ka horyimid, niyaddoodii siday aheyd iyo waxa ay qabteen oo muuqda, taasoo aan ula jeedo in dadkeena maanta joogga in aynu aqoonsano dhibaatadii badneyd ay shalay ku soo shaqeeyeen madaxdii Daakhaliga oo waqtigaa isaga ah duruufihii adkaa ee dalka yiilay kuwa lamid ah ay maanta ku shaqeynayaan xukuumadda maanta dhisan, saas awgeed waxaa loo baahan yahay ummaddeena maanta joogta in aynu dhidibka u adkeyno dowladnimda aynu maanta heysano si bari kuwa imaan doona dhibaatooyinka badan ay la kulmahayaan aynu ka hor qaadno.

Intaa kadib waxaa xigi doona intii ka dambeysay gobannimda, sidii siyaasada dibadda Soomaaliya loogu cabiray baahida danaha qarankeena iyadoo laga faa’iideysanayo qiimaha Juquraafiga dalkeena. Haddii aan horey u sii socdo anigoo aan wali ka leexan halkii uu joogay qoraalki hore, waxa jirtay in geeska Afrika uu ka jiray looltan ka dhaxeeyey Bariga iyo Galbeedka. Dowladaha reer galbeedka waxay dareemeen khatar kaga imaan karta Ruushka haddii xoogga ciidamadooda iyo falsafada shuucinimadu ay ku soo fido geeska Afrika. Sidaas awgeed Mareykanku wuxuu bilaabay tabaabusho uu kaga hortagaayo damaca Ruushka oo lid ku ah danahooda. Sidaan horey u soo sheegay laba quwadood waxa geeska Afrika ku soo horeeyey dowlada Mareykanka oo garatay ahmiyad istaraateji uu ku fadhido gobolka. Mareykanku waxa uu doonayey saldhig miletari inuu ku yeesho magaaladda Asmara, taana wuxuu u maray dhabo diblomaasiyadeed iyo awooddaha uu ku leeyahay golaha amaanka iyo golayaasha ummadaha Midoobay intaba.



Qorayaasha taarikhda dagaalkii qoboobaa wax ka qoray, waxay idilkood isku raaceen in waqtigaa Mareykanku heshiis hoose la dhigtay dalka Itoobiya, isagoo u balan qaaday taagero diblomaasiyadeed inuu ugu raadsho golaha ummadaha Midoobay si Eretareya loo raacsho Itoobiya. Dadaalki diblomaasiyadeed ee Mareykanka ka dhex waday goleyaasha Ummadaha Midoobay waxa lagu soo afjaray go’aankii ay wadajir u qaateen Ummadaha Midoobay ee ku saabsanaa Ereteriya iyo Itoobiya inay ku midoobaan nidaam Federaal ah, saas awgeedna Eretareya ay u madax banaanaato xukunkeeda iyo maamulkeeda gudaha.

Guushaasi waxay bilow u noqotay in Mareykanku faraha ku dhigo saldhigii Ereteriya, taasuna waxay u gogoldhigtay labada dal inuu dhexmaro heshiiski ugu horeeyey ee dhinaca miletariga oo dowlada Marekanka u ogolaanaayey saldhiga “Kagnew” inay isticmaasho muddo ku siman 25 sano. Dowladda Itoobiya waxay heshiiskaasi ku heshay in laga taakuleeyo dhinaca dhaqaallaha, tababarka iyo qalabeynta miletariga. Markii ay soo dhawaatay gobonnimada Soomaaliya, waxaa heshiiskaasi lagu kordhiyey qodobo xasaasi ah oo lagu difaacayey jiritaanka Itoobiya. Haddaan tilmaan u soo qaato, Itoobiya waxay waligeed aaminsaneyd inay tahay dhul jasiirad ah oo ku dhexyaal bedweyn Islaam ah, taasoo ay ula jeedo inay ku wareegsan yihiin todobo dal oo islaam ah. Saas awgeed Boqor Xeyle Salaase waxaa u muuqatay haddii Soomaaliya ay qaadato gobannimo siyaasadeed oo kadibna ay ku midowdo Soomaaliweyn, inay Itoobiya ka go’doomeyso caalamka intiisa kale, taana ay khatar lixaad leh ay ku tahay danaha Itoobiya ee geeska afrika dhaqaale ahaan, siyaaso ahaan iyo miletari ahaanba. Itoobiya waxaa kaloo u muuqatay, Soomaaliya oo dhul ahaan iyo ummad ahaan midowdo waxay soo yareyneysaa dhaqaalaha iyo suuqii Itoobiya ay ku gaari laheyd aduunka dhinaca isgaarsiinta badda.

Haddaan hoos u sii dego, waxaa intaas dheer oo Itoobiya u muuqatay haddii Soomaali idilkeed ay midowdo inay keeneyso madaxbanaani siyaasadeed oo awood u siineysa dadka Soomaaliyeed inay helaan dhul aad u balaaran oo leh qeyraad dabiici ah iyo inay dhistaan dhaqaalahooda, dhaqankooda, ayna doortaan siyaasada iyo jidka ay ku gaari lahaayeen horumar deg deg ah. Dowlada Itoobiya si ay danaheeda u ilaashato, waxay qaaday tallaabooyin ay ku difaaceyso danaha qarankeeda kuwa ugu muhiimsan oo ay ugu horeeyaan xagga dhaqaalaha iyo nabadgalyada gudaha iyo dibadda. Waxay taageero hiil iyo hooba weydiisatay dowladda Mareykanka inay damaanad qaado nabadgalyada Itoobiya haddii ay gasho xaalad khatar ah. Waxaa kaloo heshiiskaasi ku jiray haddi Itoobiya lagu soo duulo in Mareykanku difaaci doono isagoo isticmaalaya awooddaha uu ku leeyahay golaha nabadgalyada Qaramada Midoobay iyo waddooyinka diblomaasiyadeed si loo xaqiijiyo qarannimada Itoobiya.

Qodobka ugu saameynta badan wuxu ahaa haddii Itoobiya lugu soo duulo oo ay gasho xalaad khatar ah in Mareykanku difaaci doono, haddii lagama maarmaan ay noqotana u soo gurman doono si loo baajiyo weerar kastaa oo Itoobiya kaga yimaada gudaha iyo dibadda. Si kastaba ha ahaatee heshiiska labada dal ee ku saabsanaa saldhiga “Kagnew” wuxu gurmay bishii Abriil 1977 oo ku beegneyn marki korneel Mengiste uu ku faraq xirtay midowga Soofiyeeti, islamarkaana uu la dhigtay heshiis iskaashi oo ku dhisan xagga miletariga iyo siyaasada, taana waxay keentay in Mareykanku ka alaab gurto saldhigi Asmara una wareego in uu fariisin ka dhigto jasiiradda Diego Gascia oo ku taal badweynta Hindia. Qodobada heshiiskaan iyo kuwa kaleba waxaan si kooban ugu faalloon doonaa qeybaha dambe ee qoraalka, gaar ahaan markii la soo gaaro dagaalki dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1977.

dowladdii ugu horeysay ee Soomaali dhisato



Anigoo aan wali dhinac ugu leexan danaha istarateeji ee geeska Afrika, hadana waxaan doonayaa in aan farta ku fiiqo danaha Soofiyeetiga ee geeska Afrika uu ku doonayey inuu ka sameysto saldhigyo miletari iyo tallaabadaas wel welka iyo cabsida ay ku dhalisay dowladaha reer galbeedka uu hogaansho Mareykanka. Intaa kadib waxaan isla meeldhigi doonnaa muhiimadda Istaraateji ay ku fadhido geeska Afrika si aan u ogaano sifooyinka juquraafi ay Soomaaliya kaga jirto gobolka geeska Afrika iyo adduunweynaha intuba.

Dagaalkii qaboobaa dhibaatooyinki uu ku hayey adduunweynaha ee lagu looltamaayey dhinaca aydiloojiyada, dhaqaalaha, miletariga iyo siyaasada waxay keentay in quwadihii waaweynaa ay geeska Afrika ku yeesheen saldhigyo miletari iyagoo danahooda gaarka ah raadinaya. Saldhigyo shisheeye oo la dajiyo dhul ay ummadi leedahay waxaa laga dheefaa kaalmo aan badneyn oo sharuudo ku xiran, waxay waxyeeleysaa danaha dowladaha yaryar gaar ahaan dowladaha dariska ee muranka xuduudaha uu ka dhexeeyo. Labada quwadood ee looltanka ka dhexeeyey iyagoo adeegsanaya Istaraatejiyada Juquraafiyeed “geostrategic” waxay mid waliba tabaabusheysatay inay faraha ku dhigto meelaha adduunka ugu muhiimsan oo ka mid ah geeska Afrika.

Marka aynu dhabo galno anigoo soo koobaya micnaha ereyga istaraatejiyada Juquraafiyeed, waa qeyb u adeegta siyaasada dibadda, waxayna ka kooban tahay laba qeybood oo kala ah Juquraafi iyo Istaraatejiyad. Waxaa lagu darsaa muhiimadda uu wadan leeyahay marka la qiimeynaayo halka uu kaga yaal juquraafiga adduunka iyo saameynta uu ku leeyahay awooddaha istaraateji ee adduunka, iyadoo la qiimeynaayo ku dhowaanshaha goobta istaraatejiga ah sida inuu ku yaallo meelaha biyo mareenada doorka weyn ka ciyaara isgaarsiinta adduunka ee la isaga gudbo wadooyinka loo maro badaha waaweyn iyo inuu leeyahay dhul beereedka wax soo-saarka cuntada, kaydka macdanta sida batroolka, birta, yuraniyamka, dheemanka, dahabka inkale.

Waxaan marka hore oron karaa dhinaca Juquraafiga waxaa lagu darsaa ujeedooyinka siyaasadeed ee la xariira juquraafiga dhulka, sameyska dhulka iyo muuqaalkiisa, xiriirka ka dhexeeya noolaha iyo deegaanka, cimilda, macdanta, xuduudaha dhulka iyo badda. Juquraafigu wuxuu kaloo darsaa sida dhaqanka dadka ula falgalo deegaanka, meelaha dadka ay ku badan yihiin iyagoo la darsaayo in la fahmo sababta ay halkaa ugu badan yihiin, siday u kobcaan iyo isbadelka ku dhaca waqti dabadeed. Istaraatejiyadda iyaduna waa hab Juquraafi oo lagu lafa guro marka la doonayo mudnaan gaar ah in la siiyo dhinaca juquraafiga, iyadoo la ogaanayo juquraafiga dhuleed ahmiyadda uu ku fadhiyo, xuduudaha iyo difaaca dabiiciga uu wadan leeyahay iyo kaalinta uu kaga jiro gobolka, caalamka iyo ku lug lahaanshaha xooggaga caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee saameynta ku leh adduunweynaha.

Waxaa lagu falanqeeyaa mabaadii’da asaasiga u ah istaraatejiyada dhinaca juquraafiga si loo ogaado caqabadaha saameynta ku leh qorshaynta siyaasadeed, kuwa dhaqaale iyo kuwa miletari intuba. Istaratejiyada waxay mar waliba tixgalineysaa isku dheelitirka iyo isdhaafsiga kheyraadka haddii uu yahay mid xadidan ama ballaaran, waxay kaloo sharaxdaa xeeladaha dagaalka siyaaso ahaan iyo miletari ahaan iyo sidii lagu gaari lahaa meelaha muhiimka ay ku yaallaan fursadaha waaweyn ee adduunka iyadoo la adeegsanaayo qorsheynta awoodaha militariga iyo kuwa hoggaaminta ee la xiriira hawlaha diblomaasiyadeed.

Arrimahaas oo idil iyo kuwa la mid ahi iyadoo laga duulayo, sida aad ogtihiin geeska Afrika wuxuu ku yaalaa goobta ay iska gooyaan badda Cas iyo badweynta Hindiya oo labaduba ah marinada isgaarsiinta badda kuwa ugu muhiimsan adduunka. Tartankii Bariga iyo Galbeedka markii uu sii kordhay, labada quwadood waxa looltan xooggan ku dhex maray gobolka geeska Afrika, iyadoo mid waliba ka soo hor jeeday midda kale inay saameyn ku yeelato geeska Afrika. Dowladaha reer Galbeedka waxay ka cabsi qabeen Soofiyeetiga inuu raad miletari ku yeesho geeska Afrika, iyagoo u arkaayey ku luglahaanshaha Soofiyeetiga ee geeska Afrika inay khatar lixaad leh ku yihiin danaha dalalka reer Galbeedka iyo inay lunshaan awoodaha istaraateeji ay ku leeyihiin badda Cas, taasoo ay ula jeedeen inay difaacaan danahooda dhaqaale ee ku xiran dalalka khaliijka soo saara bartoolka loo dhoofsho adduunka iyo gacan ku heynta marinka istaraatejiga badda Cas ay isaga gudbaan maraakiibta shidaalka qaada iyo kuwa ganacsiga ee ku sii jeeda Galbeedka iyo Bariga.

Waxay kaloo reer Galbeedka si cad u qirsanayeen haddii dagaal weyn uu dhaco, dabcan waxa laga baqaayey maraakiibta dagaalka Soofiyeetiga ee ku sugan aagga badda Cas inay bartilmaameedsadaan maraakiibta shidaalka qaada oo dhibaato aad u weyn ay ka soo gaari kartay dalalka reer galbeedka. Dhinaca kale, xilliga nabadda waxa kaloo hubaal aheyd joogitaanka Soofiyeetiga ee geeska Afrika inay keeni kartay marxalado kala duwan oo abuuri karay habab lagu bilaabi karo dagaal weyn inuu dhaco, sida Soofiyeetiga oo xakameeyo dhaqdhaqaaqa maraakiibta batroolka qaada iyo kuwa ganacsiga ee isa gudba marinada istaraatejiga; Baab el Mandab, Hormuz-ka iyo Khooriga Suweys.

Tartanka istaraatejiga ee ka dhexeeyey labada dal kuma koobneyn oo kaliya geeska Afrika, ee waxa kaloo leysaga hor yimid joogitaanka Soofiyeetiga ee geeska Afrika oo saameyn mug leh ku yeelan karay badda Cas oo dhinaca waqooyi Bari kaga xiran khooriga Suweys oo ku darsanta badda Mediterraneanka oo iyaduna ah bad istaraatejig ah. Horey waxaan u soo sheegay muhiimadda ay leedahay Bada Cas oo xuduud la leh dalkeena, hase yeeshee waxaan hadda faallo kooban ka bixinayaa ahmiyada ay leedahay badda Mediterraneanka si aan u ogaano looltanka istaraateji ee labada quwadood in uusan ku koobneyn oo kaliya bada Cas, balse saameyn mug leh uu ku lahaa Badda Mediterraneanka oo ku tolon badda Cas oo xuduud la leh xeebaha dalkeena.


Golihii Waziirada iyo Golaha Xeer Dejinta 1959

Badda Cas iyo badda Mediterraneanka waxa labaduba juquraafi ahaan loo aqoonsan yahay in ay ku yaallaan deegaan istaraatejig ah oo loo sii maro badda Atlaantikada iyo badweynta Hindiya. Badda Atlaantikida waa badda labaad ee ugu weyn aduunka oo u dhaxeysa qaaradaha Afrika, Yurub iyo Ameerika. Badweynta Hindiya iyaduna waa badda sedexaad oo u dhaxeysa qaaradda Afrika, Aasiya iyo Austaraaliya. Badda Mediterranean waxa ay leedahay muhiimad istaraateji oo dhamaan kulansatay xag juquraafi, xag siyaasad, xag dhaqaale iyo xag milatariba intuba. Badda Mediterraneanka waxay leedahay sedex meelood oo muhiim ah oo laga soo galo iyo laba meelood oo laga gudbo, kuwaas oo kala ah, aagga Gibraltar oo dhinaca galbeedka ah, Khooriga Suwez iyo Turkiga oo loo maro labada marin biyoodka ee Bosphorus iyo Dardanelles ee kuyaala dhinaca Bari.

Badda Mediterraneanka waxa xagga waqooyi ka xigga qaaradda Yurub, xagga Koonfurna Afrika, dhinaca Waqooyi barina Aasiya, dhinaca Galbeed waxay ugu furan tahay badweynta Atlaantikada “Gibraltar”. Sidaa oo kale dhinaca waqooyi Bari waxay iskaga darsamaan badda Modow oo loo maro marinka Dardarnelis, Khooriga Suweysna waxay iskaga darsamaan badda Cas. Xagga dhaqdhaqaaqa ganacsiga waxay leedahay ahmiyad istaraatiiji aad u weyn iyadoo ah deegaanka ugu dhaqdhaqaaq badan adduunka ee isku xira Yurub iyo Aasiya. Waxa isticmaala maraakibta ganacsiga, kuwa dagaalka iyo kuwa shidaalka u kala qaada adduunka oo dhan, sidaa awgeed dalalka reer galbeedka waxay ku dadaaleen in laga hortago Soofiyeetiga inuu saldhig miletari ku yeesho badda Cas iyo badda Mediterraneanka. Maxaa yeelay ku luglahaanshaha Soofiyeetiga waxay u arkaayeen inuu khatar ku yahay isticmaalka marinka isgaarsiinta dhinaca Atlaantikada, badweynta Hindiya iyo badda Cas iyo dhamaan saldhigyada istaraateji ee reer galbeedka ku leeyihiin waqooyiga Afrika iyo badda Mediterraneanka.

Waxaa kaloo muuqatay haddii uu dhaco dagaal weyn, oo dalalka reer galbeedka laga mijaxaabiyo isticmaalka labada badood, waxa loo arkaayey inay keeni kartay in dalalka reer galbeedka uu culeys miletari ka soo fuulo isticmaalka dhinaca bada iyo hawada iyo dhamaan adeegsiga saldhigyada ay ku leeyihiin qaaradda Afrika ee dhinaca koonfurta saxaraha, marinka isgaarsiinta Atlantikada, badweynta Hindiya iyo Badda Cas oo dhamaantood ah kuwa muhiim ah oo faa’iidadoodii la arkay labadii dagaal weyne ee adduunka soo maray. Haddaba danaha istaraateji ee dalalka reer galbeedka ugu muhiimsan waxay ahayeen in laga hortago Soofiyeetiga inuu maamulo ama raad ku yeesho labada bad.

Halkaa waxaan ugu baxayaa tartankii labada quwadood ee ku looltamaayey geeska Afrika iyo muhiimadda istaraateji ay ku fadhido badda Cas oo xuduud la wadaagta Soomaaliya iyo badda Mediterraneanka. Aqristow waxaad ogataa nimcada ilaahay goglay dalkeena dushiisa iyo hoostiisa waxa intaa u dheer ahmiyadda Juquraafi uu dalkeena ku fadhiyo! Ujeedada guud aan ka leeyahay falanqeynta istaraateji gobolka waa in aan ogaana sababta keentay shalay labadii quwadood NATO & WARSOW mid waliba inay ku looltamaan Soomaaliya, waa in aan ogaanaa sababta maanta ay Soomaaliya ugu looltamayaan Mareykanka, China, Turkey, Ingariiska, Isbaheysiga dalalka khaliijka (Sacuudiga, Imaaradka iyo Qadar) iyo Ruushka oo wadada ku soo jira. Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa goobaha istarateejiga adduunka, cidna ma beenin karto, laakiinse waxa loo baahan yahay fursadaha Istaraateeji uu ku fadhiyo dalkeena in looga faa’iideysto hurumarinta danaha Qaranka. Waxaynu ku gaari karnaa inaynu si kastaba mabdi’iyan u xorowno, ka xorowno nabadgalyada iyo awooddaha gaashanshiga, ka xorowno tacliinta iyo caafimaadka, ummadda aduunka ee hormaray dadnimo aan kaga soo muuqano oo ku dagaalano xaqeena.

Awoodda istaraategi uu wadan kastaaba uu leeyahay waa hubka uu ku dagaalamo ama Qaranka awood u siineysa inay dalkeeda ku xukunto siyaasad dabadeed madaxbanaan. Waddamada adduunka oo idil waxay dejistaan istaraatejiyad lagu hago siyaasadaha dibadda si ay u gaaraan yoolasha danaha qaranka, iyagoo ilaalinaya, korna u qaadaya danahooda qaranka kuwa ugu muhiimsan sida; difaaca midminada dhuleed, horumarinta dhaqaalaha, milatariga, danaha istaraatiijiyada iyo diblomaasiyadda caalamiga iyo wax kasta oo qaranku u tixgeliyo inay yihiin mudnaanta 1aad ee danaha qaranka. Sidoo kale sawirka wanaagsan iyo awoodaha uu dalkastaaba ugu muuqdo adduunweynaha iyo qorsho hawleedka diblomaasiyadeed ee si fiican diirada loo saaro waxaa labaduba lagu gaaraa danaha qaranka ee gudaha iyo dibadda. Taasina waxay macnaheedu tahay in siyaasadda dibadda ay muhiim u tahay dejinta, ilaalinta iyo joogteynta sawirka wanaagsan ee qaranka.

Waxaan u gudbayaa inaan wax yar ka sheego qodobo taariikhi ah oo la xiriiray daruufihii adkaa ee Soomaaliya yiilay xiligii gobannimada ka horeysay iyo ka dibba. Sidaas darteed waxaa ila haboon in fiiro loogu noqdo dowladnimda Soomaaliyeed aasaaskeedii intii ka horeysay gobannimada, haddii kale waxa nagu adkaaneysa in aynu fahamno su’aalaha la xarriira dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed sidii loo agaasimay, sidii laysugu duway dhaqaalaha dalka, siyaasadda gudaha iyo dibadda iyo inta kale ee ku saabsan isweydiinta; maxaa noo qobsoomay Daakhaliga? Maxay ahaayeen daruufihii adkaa ee dalka yiilay intii ka horeysay gobannimda iyo kadibba? Waa maxay sababta dhinac la isaga dhigay khilaafka xuduudaha intii aan la qaadan gobannimada? Waa maxay sababta reer galbeedka ugu cago jiideen dhismaha iyo tayenta gaashandhigga Soomaaliyeed? Maxay ahaayeen tallaabooyinki diblomaasi ee la qaaday gobannimada kadib iyo hawlihii la sugaayey in wax laga qabto horumarinta dhaqaalaha dalka iyo gaashaandhigga? Sidee danaha qaranka Soomaaliyeed loogu cabiray in looga faa’iideysto istaraatejiyadda dalkkeena iyo xooggagii ku tartamaayey geeska Afrika?

Waxaan isleeyahay qeybtaan hoose waa muhiim, teeda kale waxay inoo tahay faan iyo bogaadin in aan xusno madaxdii Soomaaliyeed wax qabadkoodi, howshii ay inoo qabteen oo qaayaha weyn leh iyo wixii noo qabsoomay intii ka horeysay gobannimada. Haddaan markaan hoos u sii dego oo aan ka hadlo aasaaski dowladnimda Soomaaliyeed waxaa loo baahan yahay wixii la qabtay in laga run sheego. Taarikhda ummadda waa in la xuso oo horey u socotaa si aynu u barano kii Soomaali wax taray. Sida aad ogtihiin golaha wasaayadda qaramada midoobay waxa leysku raacay in Talyaaniga muddo toban sanaddood uu maamulo Soomaaliya, iyadoo lagula xisaabtamaayo Soomaaliya inuu u diyaariyo maamul dowladnimo. Maamulkii Talyaaniga waxa la daba dhigay guddi la talishi ah ay soo wakiisheen Ummadaha Midoobay, oo ka kooban sedex ergo oo ka kala socotay dowladaha Masar,Filibiin iyo Kolombiya.

27kii Janaayo 1950Kii, golahii Wasaayadda ee Qaramada Midoobay kalfadhigii ay la qaateen dowladda Talyaaniga waxay isla meel dhigeen qodobo muhiim ah oo ku saabsan heshiiskii wasaayadda. Qodobka 1aad waxa uu oronaayey: Maamulka Talyaanga inuu ka shaqeeyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya, bulshada Soomaaliyeedna u diyaariyo sidii muddo tobon sanadood ah kadib ay u maamuli lahaayeen dalkoodi hooyo, iyadoo inta ka hortay muddaas la tababarayo, korna loo qaadayo garaadka siyaasiga ee bulshada Soomaaliyeed si looga qeyb galiyo tab-maamulka iyo golayaasha dowladda ee kala duwan. Haddaba iyadoo la tixraacayo heshiiski Wasaayadda, maamulkii Talyaaniga wuxuu sanadki 1951 ku dhaqaaqay in uu soo saaro dekreeto lagu dhiso golahii ugu horeeyey ee loo yaqaanay “territorial council” oo ka koobnaa 35 xubnood kuwaasoo isugu jiray Soomaali iyo ajanabi deganaa dalka. Tallaabadii ugu horreysay uu qaaday maamulka Talyaaniga ee ku salaysnaa heshiiska Wasaayadda waxay ahaayeen abuurista xubnaha latashiga ee ka koobnaa wakiillada golayaasha deegaanka. Golahaasi xubnaha ka qeyb galay waxa laga soo xulay qeybaha kala duwan ee bulshada, ulajeedada ugu muhiimsan ee laga lahaa dhismaha golahaasi wuxuu ahaa in Soomaalida ay ku lug yeelato talada wada-xaajoodka sharci dajinta maamulkii AFIS iyo sidii ay ugu qeyb gali lahaayeen dhismaha siyaasadda dalka.


Sanadihii u dhaxeeyey 1951-1955, waxa maamuukii Talyaaniga AFIS laga dhisay shan gole oo mid waliba mudadiisu ku sineyd hal sano. Xubnaha golaha waxay ka koobnaayeen shan qeybood oo kala duwan. Inkastoo golayaasha howlahoodu ay kala duwanaayeen waxay ahaayeen kuwa latashi ah oo la shaqeynaayey maamulki Talyaaniga illaa laga soo gaaray sanadkii 1956, markii dambena waxa lagu bedelay golihii sharci-dejinta ee la dhisay sanadki 1956. Waxa lagu dadaali jiray in xubnaha golaha noqdo qof dacaadnimo, waayo aragnimo iyo garasho siyaasad leh oo xilkuu hayo sidii la rabay u guto. Muddadaas intii ka dambeysay, waayo aragnimadii hawleed iyo musuuliyadii golaha way korortay, waxay garteen inay fuliyaan xilka iyo waajibaadka horyaalay iyagoo ogaa baahidda weyn ay ummaada Soomaaliyeed u qabto inay hesho gobannimo buuxda.

Dadaalkii golaha iyo tallaabooyinkii ay qaadeen dhinaca horumarka siyaasadda waxay aheyd inay garteen si garasho dheeri ah ay ku jirto inay alifaan calan Soomaaliyeed oo ka turjuma shanta Soomaali inay midowdo iyo inay iyagu is-xukumaan. 12kii Oktoobar 1954, waxaa la saaray calan Soomaaliyeed, maalinta iyada ah waxay aheyd maalin taarikhi ah oo dadweynaha Soomaaliyeed meelkastaba ha joogaanee u dabaal dagay calanka baluuga ee dhexda ku leh xidigta cad ee shanta gees. Waxay kaloo aheyd maalin dadka Soomaaliyeed miyi iyo magaalo ha joogaane ay shacuurtooda isku si u taabatay, una tabtay kuwii maalintaa aan joogaan calan saarka ee ahaa halyeeyadii, geesiyaashii naftooda ku waayey, dhiigoodi qaaliga ahaa u qubay, godna u galay iyagoo fulinaaya halgankii dheera ee loo soo galay gobannimada Soomaaliyeed. Astaanta uu yeeshay calankeena waxa alifay mudane Maxamed Cawaale Liibaan oo ka midahaa leegadii SYL. Xidigta cad ee shanta gees, wuxuu u la jeeday shanta gobol ee Soomaaliya ee gumeystaha kala firdhiyey. Calanka Soomaaliya ay yeelatay waxa lagu ansixiyay dekreeto amarka madaxweynaha Talyaaniga, taana waxay abuurtay kalsooni dhexmarta maamulkii Talyaaniga AFIS iyo xisbigii SYL oo labaduba dhextiilay kalsooni daro.

Xiligaa waxaa la isku diyaarinaayey gobannimo, waxa kaloo marba marka ka dambeysa sii lixaad sanaayey abaabulka golayaasha ee maamulki AFIS oo jagooyinki uu hayey Talyaaniga tartiib tartiib loogu wareejinayey Soomaalida. Markii la soo gaaray sanadkii 1956, maamulkii AFIS wuxuu qabtay doorashii labaad ee loogu tartamaayey xubnaha golaha sharci dajinta. Axsaabtii Soomaaliyeed waxay isku diyaariyeen inay ka qeyngalaan doorashadi lagu dhisaayey golaha sharciga oo laga doonayey 70 xubnood oo lagu bedelo golahii “Territorila council” si ay ugu gogoldhigaan dhismihii dawladda Daakhaliga. Doorashadii waxa la qabtay 29 bishii Febraayo sanadkii 1956kii, waxaa ku looltamaayey afar xisbi, waxayna aheyd doorashadii ugu horeysay ee la oran karo waxa ka qeyb galay dadweynaha Soomaaliyeed miyo iyo magaalo si ay u soo doortaan raggii ugu qeyb gali lahaa golahaasi. Xiligaan tirada guud ee kuraasta golaha waxa ay gaartay 70 xubnood oo ka kooban lixdan Somaali ah iyo toban dadka shisheeyaha ah ee dagan dalka, kana koobnaa afar Carab ah, afar Talyaani ah, hal Hindi ah iyo hal Bakistaani ah. Axsaabtii Soomaaliyeed aad ayey u tartameen, hase yeeshee waxa guuleystay Xisbigii SYL oo helay 43 kursi, kadibna golahaasi waxa ka soo baxay baarlamaan Soomaaliyeed kii ugu horeeyey ee la doorto, kaasoo maamula arrimaha gudaha dalka. 30 Abriil 1956, maamulki AFIS wuxu halkaa ku ansaxiyey xeerki lagu dhisay golaha sharci-dejinta, golahaasi oo ahaa halkii uu ka soo unkamay golaha barlaamka Soomaaliyeed ee maanta dhisan, wuxuu si daacadnimo ah oo Soomaalinimo ah ugu dadaalay sidii dhidibada loogu mudi lahaa dowlad Soomaaliyeed. Waxaa guddoomiye loo doortay mudane Aden Cabdulle Cusmaan, waxa kaloo ku xigeenka koowaad iyo labaad loo doortay Abdinur Maxamed Xuseen iyo Haji Cali Cumar Shego. Kalfadhigii ugu horeeyey golaha wuxuu shaqo bilaabay bishii Abriil, hawlihii uu qabtay ka sakow, wuxuu isku qeybiyey dhowr hogaan, waxayna dajiyeen qorsho iyo barnaamijyo lagu fududeeynayo inay hogaanshaan waaxyaha siyaasada, dhaqaalaha, arimaha bulshada iyo amniga si ay u gutaan hawlaha badan ee horyaala iyo sidii adeegga golaha waxqabadkiisa ugu fidi lahaa gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka.

Tallaabadii xigay waxay aheyd in gudigii u xilsaarnaa siyaasadda iyagoo kaashanaya maamulki Talyaaniga waxay si wada jir ah xil isaga saareen habkii lagu soo dhisi lahaa xukuumad hogaamisa dalka, ayna soo diyaariyaan barnaamijkii iyo xeerarkii xukuumadda. Mudane Cabdulaahi Ciise Maxamuud oo ahaa gudoomiyaha xisbiga SYL waxa loo doortay inuu noqdo Re’iisul wasaarahii ugu horeeyey Soomaaliya. Enrico Ansolotti oo ah wakiilka Somaaliya, xoghayaha guud ee maamulkii AFIS, gudoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliyeed mudane Aadan Cabdule iyo Saraakiisha ugu sareeysa ee maamulka Talyaaniga AFIS, soo jeedin kadib, waxaa Re’iisul wasaaraha Soomaaliya loo magacaabay mudane Cabdulaahi Ciise Maxamuud, iyadoo soo jeedintaas ay ku soo baxday dekreetadii lagu dhisay xukuumadda L. 1 ee 7 Maajo 1956.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdulaahi Ciise isagoo tixgalinaaya shuruucdii lagu dhisay xukuumadda, wuxuu diyaariyey xubnihii ka mid noqon lahaa xukuumadda, kadibna wuxuu soo dhisay xukuumad Soomaaliyeed middi ugu horreysay oo ka kooban shan wasiir oo mas’uul ka noqota maamulka dalka marka laga reebo arrimaha dibedda, dhaqaalaha iyo gaashaandhigga oo sedexduba ay mas’uul ka ahaayeen maamulki Talyaaniga.

Kalfadhigii xigay, Re’iisul wasaaraha wuxuu hortagay golaha sharciga isagoo hordhigay xukuumadda cusub qorshaha ay dejisteen iyo barnaamijyada ay ugu talo galeen mudada gaaban ee ka hartay gobannimada. Re’iisul Wasaaraha wuxuu soo bandhigay qorsho hawleedka xukuumadiisa, isagoo falanqeeyey xukuumadiisa inay fursad u heshay inay tijaabiso afar sano oo is-maamul ah. Wuxuu tilmaamay xukuumada cusub inay horyaaliin xilal culus, dowladiisuna ay dhaxashay ilo dhaqaale aan shaqeyn iyo shaqo la’aan oo ay wehiso saboolnimo. Wuxuu sheega inuu wax ka qaban doono: caqabadaha ku xeeran hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, abuuridda iyo horumarinta adeedyada bulshada, shuruucda lagu dhisaayo hay’adaha dawliga, dajinta barnaamijyo siyaasadeed, hagaajinta waxbarashada iyadoo qiyaasta wax qoris la’aanta uu ku sheegay inay gaarsiisan tahay 99,4%, xalinta khilaafka xuduudaha inta aan la gaarin gobannimda, diyaarinta dastuurka cusub, horumarinta caafimaadka dalka uu sheegay in Soomaaliya ay ku nooshahay 1.2 milyan balse 60.000kii kun oo qofood ay helaan hal dhaqtar iyo in loo gogol xaaro xukuumadda cusub ee dhalan doonta gobannimada kadib sidii ay ku heli laheyd deeq maaliyadeed oo lagu daboolo miisaaniyadda dowladda iyo baahida maaliyadeed ee loo qabo in lagu abuuro mashaariicda dalka u baahan yahay.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu kaloo ka hadlay shaqo alaanta, inkastoo saldhiga dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka ganacsiga uu meel hoose joogay, haddana wuxuu sheegay muhiimada ay leedadahay horumarinta xagga xirfadaha oo ay ka faa’iideysan karaan xooggaga shaqaalaha dalka. Iyadoo la fulinaayo in wax laga qabto daruufahi dhaqaale ee dalka yiilay iyo shaqo abuurka ay u baahan yihiin xooggaga shaqaalaha dalka, wuxuu Re’iisul wasaaraha sheegay in maqnaashaha dhismaha dhaqaalha dalka u baahan yahay dhaqaalo leysku haleyn karo, xaddi badan oo maalgashi shisheeye ah, quburo, qorsheyn iyo jaangooyo joogta ah. Wuxuu ku dheeraday dhaqaalaha wadanka isagoo ka faalooday in dhaqaalaha wadankeena uu ka kooban yahay sekterada xoolaha nool, beeraha iyo kaluunka oo ah salkii dhaqaalaha dalka ku istaagi lahaa, kuna xiran bixinta miisaaniyadda dowlada iyo wixii mashaariiic ah ee xukuumada ay kaga maarmi karto gargaar shisheeye. Wuxuu qiray iyadoo wadanka hantidaas leeyahay, haddana ay nagu adag tahay inaan ka faa’iideysano kheyraadka dalkeenu leeyahay iyadoo ay maqan tahay ka faa’ideysiga cilmiga, farsamada iyo teknoolajiyada adduunka haatan ku dhaqmo xagga beeraha, xoolaha iyo kaluunka, taana ay ugu wacan tahay in nolasheena ay ku xiran tahay kaalmo shisheeye.

Wuxuu sheegay haddii dal dhaqaalihiisu hooseeyo, waxaa sabab u ah aqoontiisa oo hooseysa. Haddii aynu dooneyno dhaqaalaheena in uu kobco, waa in aqoonteena sare loo qaado. Xukuumadda si ay ugu suurtagasho horumarinta sekterka beeraha, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay leedahay dhulbeereer lagu qiyaasay sideed malyan oo hekter, loona baahan yahay hogaamin ku dhisan in la helo xoogsatada dalka yool lagu kociyo oo lagu abaabulo, dowladuna raadiso dhaqaalle, waxbarsho iyo qalabka beeraha looga shaqeeyo sida qalabka dhulka lagu geed qaado, kuwa carada lagu rogo, kuwa carada nafaqeeya, gacmo badan oo wabiyadda laga jeexo iyo matoorada kiliyaasha buuxiya iyo in la dhiso wadooyinka isgaadhsiinta gaadiidka iyo dekedo laga dhoofsho dalagyada laga soo saaro dalka. Re’iisul wasaaraha wuxuu qiray haddii la qaado tallaabooyinkaasi, inay keenyso in xoogsada Soomaaliyeed ay waxtaraan nafsadooda, ummaddooda iyo dhaqaalaha wadankaba.

Re’iisul wasaaraha wuxuu kaloo farta ku fiiqay sekterka xoolaha, wuxuu ku dheeraday xoolaha kaalinta ay kaga jiraan nolosha bulshada, dhaqaalaha dalka iyo ganacsigeena dibadda. Wuxuu falanqeeyey muddadii gumeysiga dalka joogay in aysan waxba ka qaban horumarinta sekterka xoolaha. Dhibaatooyinkii uu taabtay waxa ka mid ahaa in xoolaha aysan heysan xanaano iyo daryeel, qaniinka iyo cudurada aan laga daaweyn, biyo aan loo diyaarin xiliga roob la’aanta oo keenta daaq la’aan, taana xooluhu ay ku le’daan. Wuxuu sheegay in xukuumadiisa ay raadin doonto gargaar maaliyadeedd oo wax looga qabto hormarinta xoolaha nool, iyagoo lagu dadaalayo caafimadkooda, daaqooda, biyaha ay u baahan yihiin, suuq geyntooda iyo warshadeyntooda (hargaha, hilibka iyo caanaha).

Wuxuu kale oo ka hadlay horumarinta warshadaha yaryar ee ku yaalla dalka, wuxuu sheegay warshadaha inay lagama maarmaan u yihiin horumarka dhaqaalaha dalka, balse wuxuu farta ku fiiqay kuwa hadda dhisan ee ku jira gacanta shisheeyaha la hormariyo, marka xigtana la dhiso warshado yar yar oo lagama maarmaan u ah baahida dadweynaha u qabo cuntada, dharka, maacuunta, qalabka dhismaha, kuwaasoo dhismahoodu uu ku sheegay inay qasnada Qaranka ay soo galinayaan dhaqaallo lagu hormarsho dalka. Arrimahaan fulinteeda waxay ku xiran tahay uu yiri in la helo dhaqaallo, dugsiyo lagu barto farsamada gacanta iyo gargaar xagga teknikda ah. Wuxuu kaloo ka hadlay qorshaha u degan xukuumadda inay wax ka qaban doonto dhinacyada nabadgalyada iyo canshuuraha bariga iyo badda, kuwaasoo aan ku soo qaadan doonto qeybaha soo socda.

Muddada xilhaynta xukuumada re’iisul wasaare Cabdulaahi Ciise waxay aheyd afar sano (1956-60), waxaana gacanta loo galiyey awood dowladeed oo heer daakhil ah, ha noqoto dajinta miisaaniyadda dalka, arimaha bulshada, qorsheynta maashaaricda iyo nabadgalyada dalka. Haddaan ku hakado mudaddii yareyd ay jirtay xukuumadda arrimaha muhiimka ah oo lagu dadaalay waxa ka mid ahaa sidii wax looga qaban lahaa hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka si ay wax ugu taraan horumarinta dhaqaalle ee mustaqbilka fog. Inkasta oo waqtiga xukuumadda ay dooneysay inay ku qabanqaabiso isbedelka dhaqaalaha ee la hiigsado uu ahaa mid aad u yar, hadana si daruufaaas wax looga qabto waxa muuqatay in mustaqbilka loo baahan doono isbadel siyaasad dhaqaale oo ku fadhiya istaratejiyad guud.

Si mudadaas yar looga faa’iideysto, loona hormariyo dhaqaalaha dalka iyadoo la xoojiyo kaabayashi dhaqaalaha dalka ee isticmaarku dhisay, waxa lagama maarmaan noqotay in xukuumadda ay daristo baahidda dalka ee mudnaanta 1aad leh iyo isbadelka dhaqaale ee deg dega ah ee loo baahan yahay, taana waxay noqotay in loo baahan yahay gargaar maaliyadeed oo joogta ah, maalgeshiga ilaha dhaqaalaha ee suurogalka ah iyo suuq loo iibgeeyo xoolaha iyo dalaga muuska. Saas awgeed, xukuumadii Daakhaliga iyo golahii ummadda si waajibkaas ay u gutaan waxay labaduba isku kaashadeen inay qaadaan tillaabooyin ficil ah ay ku xaqiijinayaan xukuumadda cusub ee dhalan doonta inay ka horqaadaan caqabadaha dhaqaale ee ka hor imaan doona.

Haddaba tallaabooyinki diblomaasiyadeed ee la qaaday waxa ka mid ahaa in dhowr jeer dhibaatooyinka Soomaaliya la hor dhigay golaha ummaddaha midoobay, iyadoo golaha sharciga iyo xukuumada Daakhaliga ay labaduba ku doodeen in wax laga qabto dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale ee Soomaaliya inta aan la gaarin gobannimda. Dabayaaqadii sanadka 1956, waxa dalka ka dhoofay wafdi balaaran oo ka kooban Re’iisul wasaarihii xukuumada daakhaliga mudane Cabdulaahi Ciise, guduumiyihii golaha ummadda mudane Aadan Cabdulle, ku xigeenkii golaha ummadda Cabdinur Maxamed Xuseen iyo xoghayihii golaha ummadda Cumar Macalin.

siyasadii-somaliya-5Wafdiga oo matalaayey dowladda Soomaaliya waxay booqasho rasmi ah ku tageen xarunta Jamciyada Qaruumaha midoobay si ay goobjoog ugu noqdaan kulankii sanadlaha ee maamulki Talyaaniga Soomaaliya warbixinta ku siinayey golaha wasaayada Qaramada Midoobay. Saa awgeed kulankaasi waxa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka intii aan la gaarin gobannimada, waxa kaloo shirka ahmiyadiisa looga hadlay gobannimada kadib xukuumadda Soomaaliya in aysan awood u laheyn bixinta miisaaniyada dowladda iyo mashaaricda dalka ee la doonayo in muddo gaaban lagu fuliyo. Waxaa soo jeedin kale aheyd oo xukuumada codsatay in loo baahan yahay gargaar dhaqaale, hay’addo maaliyadeed oo caalami ah ee maalgaliya mashaaricda ilaha dhaqaalaha dalka si ay wax ugu taraan dhinacyada daqli ururinta iyo baahida dhaqaale ee dalka.

Iyadoo la tixgalinaayo daruufta dalka jirta, isla markaana wafdiga Soomaalida ka faa’iideysanaaya kulaankaasi caalamiga ah, waxay golaha hordhigeen in dalka u baahan yahay in laga taakuleeyo hirgalinta iyo tayenta adeegyada bulshada, horumarinta hay’adaha dowladda, maalgalinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo khilaafka xuduudaha. Madaxda sare ee ummadaha Midoobay waxay ku baaqeen in Soomaaliya loo diro guddi xaqiiq raadin ah oo soo qiimeeya dhinacyada mashaaricda ilaha dhaqaalaha dalka ee mudnaanta kowaad leh iyo in la soo qiimeeyo sekterada u baahan maalgashiga ee dabooli kara baahida maaliyadeed ee xukuumadda. Shirkaa waxa ka soo baxay go’aano dhaxal gal ah, ka dibna wafdiga Soomaalida waxay soo maareen aqalka arrimaga dibadda ee Mareykanka, iyagoo labada dhinac ka wada hadlay in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya labada dal.



Run ahaantii kulanki diblomaasi ee dhex maray labada dal ee Soomaaliya iyo dowlada Mareykanka, wuxuu dhaba u xaartay in sanadki 1957kii, labada dal uu dhexmaro xirriir diblomaasi kii ugu horeeyey. Isla sanadkaasi dowladda Mareykanka waxay magaalada Muqdisho ka furatay qunsuliyad si ay ula socdaan horumarka siyaasada Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaqa Soofiyeetiga ka waday gudaha Soomaaliya. Sanadki 1960, markii Soomaaliya ay heshay xornimo siyaasadeed oo Mareykankuna si rasmi ah u aqoonsaday Soomaaliya, wuxuu qunsuliyadii ka dhisneyd caasimadda Qaranka u rogay safaarad buuxda.

Wafdiga marki ay soo gebagebeeyeen socdaalki ay ku tageen xarunta Jamciyada Qaruumaha midoobay iyo aqalka arrimaha dibadda ee Mareykanka, waxay soo mareen dalka Talyaaniga iyagoo kulamo diblomaasi la yeeshay madaxda ugu sareysa dalka Talyaaniga si ay u gaarsiiyey baahida ummadda Soomaaliyeed ay u qabto in laga taakuleeyo dhinacyada dhaqaalaha, amniga, maalgashiga, tacliinta iyo in Talyaanigu sii wado gabannimada kadib gargaarki dhaqaale uu siin jiray Soomaaliya. Kulanki labada dal guul ayuu ku dhamaaday waxaana la isku afgartay in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Wafdiga markii ay ka soo duuleen dalka Talyaaniga waxay soo mareen dalka Masar iyagoo ujeedada socdaalkoodu ahaa in dowladda Masar ay kala hadlaan mashaakilka ka taagan dalkeena iyo sidii dowlada Masar ay gacan uga geysan laheyd hagaajinta nolosha dadka Soomaaliyeed sida tacliinta, kabista miisaaniyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka gobanimada ka dib.

Haddaan soo koobo go’aanadii dhaxalgalka ahaa ee ka soo baxay Jimcayada Qaruumaha midoobay waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya loo soo diray ergooyin ka kooban xubno ka socday Qaramada Midoobay iyo Bankiga adduunka, kuwaasoo Soomaaliya yimid waqtiyo kala duwan Abriil 1956 iyo Juulay 1957 si ay u indha indheeyaan ilaha dhaqaalaha dalka ee kala gadisan iyo waxay rabto xukuumada Soomaaliyeed in laga caawiyo. Ergadii timid dalka waxay ku wareegeen koonfurta Soomaaliya, dabadeedna xukuumadii iyo golahii guud waxay ergadii hordhigeen waxay Soomaaliya doonaysay ay ugu waaweynayeen in wax laga qabto dhinaca horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka inta aan la gaarin gobannimadda. Si wax looga qabto dhinaca dhaqaalaha waxa lagama maarmaan noqotay in la sameeyo cilmi baaris si loo dajiyo qorsheyn dhaqaale oo leysku haleyn karo.

Qorsheynta sideedaba waa abaabulka iyo isku dubbaridka lagu jaangooyo dhaqaalaha iyo nolasha bulshada, taasoo laysu miisaamayo wax yaalaha loo baahan yahay qiimaha ay ku fadhiyaan, waxa la heysto, qarashka la doonayo in lagu daboolo, inta dhiman iyo waqtiga la doonayo in la gaaro horukac guud. Saas awgeed, waxa lagu dhaqaaqay in la fuliyo cilmi baaris ay iska kaashadeed maamulki wasaayada iyo bankiga aduunka, iyadoo si cilmi ah leysu miisaamay awoodaha dhaqaale ee dalku leeyahay iyo mashaariicda la rabo in la hirgaliyo gobannimada ka hor. Sahmintii cilmibaarista xogaheedii waxay muujiyeen in dalka Soomaaliya iskiis wax u qabsan karin, balse dalka u baahan yahay in gacan laga siiyo kocobka ilaha dhaqaalaha dalka. Waxay tilmaan u soo qaateen in Soomaaliya ay ka mid tahay dalka ugu saboolsan adduunka marka loo fiirsho qofka Soomaaliga dakhliga soo gala, iyagoo tusaale u soo qaatay tirada guud dadka ku nool Soomaaliya 1.2 milyan iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed ay ka kooban tahay: boqolkiiba 40 inay yihiin reer guuraa; boqolkiiba 30 xoolo dhaqato ku tiirsan beeraha; boqolkiiba 20 beeraley iyo boqolkiib 10 dadka magaalada deggan.

Waxay sheegeen in loo baahan yahay in kor loo qaado aqoonta bulshada, xoojinta teknooloojiyada hababka beeraha, iyo xarumo lagu xaneeneyo xoolaha oo dhamaantood aad ugu xiran in la helo wadooyin gaadiid iyo dekedo laga dhoofsho waxa soo saarka dalka. Saas awgeed, kheyraadka dhulka, beeraha, xoolaha, badda iyo macdanta waxay ku sheegeen in hirgalinta mashaariicdaas dhismahooda ay qaadaneyso in ka badan shan iyo toban sano. Waxay kaloo sheegeen xornimo qaadashada dabadeed inay Soomaaliya wajahayso caqabado ba’an si horumar u gaarto, kuwaasoo ay ku sheegeen maqnaashaha kaabayaasha dhaqaalaha dalka oo aan shaqeeyn iyo helitaan maalyadeed sida fursadaha maalgashiga dhaqaale ee dibadda iyo kuwa raasumaalka gaarka loo leeyahay si dhaqaalaha u xooggeysto. Waxay sheegeen inay jiraan dakhli yar oo ka soo xarooda sekterka beeraha muuska iyo shaqooyinka maxaliga oo labaduba ay tilmaameen in aysan dabooli karin miisaaniyadda dowladda iyo baahidda dhaqaalaha ee dalka.

Waxay qireen in Soomaaliya ay ku tiirsan tahay gargaarka geedi socodka dhaqaale uu bixiyo Talyaaniga ee sida tooska ah u hoos yimaada dardar galinta lacagaha maaliyadeed ee loo qorsheeyey maamulka AFIS iyo kuwa laga helo sekterka beeraha muuska oo dhamaantood laf dhabar u ah horumarinta mashaaricda waxbarashada dalka, caafimaadka, dhismaha wadooyinka, nabadgalyada iyo adeegyada kale ee bulshada. Si kastaba ha haatee, maqnaashaha qodobbadaas oo idil waxay qabiiraddu tilmaameen in dhaqaalaha AFIS uu ku egyahay mudadda xornimo gaarsiinta, taa badelkeeda loo baahan yahay Soomaaliya inaan la dayacin oo la sii wado gargaarka shisheeye ee Soomaaliya u baahan doonto.

Quburada waxay saadaliyeen in sanad waliba uu naaqus (deficit) ku dhacayo miisaniyadda dowladda iyo tan ganacsiga dibadda, taana ay ugu wacan tahay maqnaashaha sandhig xoogan oo dakhli ka soo galo, wax soo soorka dalka oo aad u hooseeya marka loo fiirsho xagga warshadeynta iyo dalagyada beeraha ee loo dhoofsho dibadda, ayna ka mid yihiin muuska, sonkorta, suufka, hilibka iyo kaluunka gasaceysan oo dhamaantood dakhliga ka soo xarooda aysan dabooli karin miisaaniyadda dowladda. Waxay tilmaameen xukuumadda dhalan doonta in aysan la hayn ama aan loo qorsheyn dhismo hay’ado maaliyadeed oo awood u leh inay kordhiso miisaaniyadooda, dakhli ururinta iyadoo ay maqan tahay qibradda, nidaamyada qorsheynta, cusbooneysiinta, wax ilaalinta iyo maamul wanaaga. Waxay falanqeeyeen in canshuurta ay meelweyn kaga jirto hantida dowladda oo ah midda lagu qabto hawlaha dowladda, balse nasiibdaro waxay ku tilaameen hoos u dhaca miisaaniyadda inay ku timid dakhliga oo aad u yar, kasoo inta badan ka imaanayey canshuuraha Bariga iyo Badda, xukuumada hadda jirta iyo tal dhalandoonta gobannimada kadib ay labaduba ku adag tahay canshuur urrurinta si loo korshiyo miisaaniyada.

Waxay xuseen inay jiraan fursado lagu uruurin karo canshuuraha ka soo xarooda xoogsatada ay ka mid yihiin beeraleyda, xoola dhaqatada, kaluunsatada, shaqaalaha warshadaha, jidadka, gaadiidka iyo shaqaalaha dowladda, balse waxay nasiib daro ku tilmaameen in dadweynaha Soomaaliyeed ay u muuqdaan kuwa ka soo horjeeda bixinta canshuuraha, taana waxay hoos u dhigeysaa rajada laga qabo in si weyn loo kordhiyo dakhliga canshuurta, umana muuqato mid mustqabilka lagu guuleysan doono. Ugu dambeyntii quburadaba qiyaasta ugu haboon ay bixiyeen gobannimda ka dib waxay noqotay in Soomaaliya iskeed wax u qabsan karin, saas awgeed haddii aan horumar deg deg ah laga sameyn dhinaca horumarinta dhaqaalaha dalka inta aan lagaarin gobannimada, oo aan la helin suuq loo iibgeeyo dalaga muuska ee qiimahiisu sareeyo, ay keeni doonto nusqaan (deficit) sanadle ah oo ku yimaada miisaaniyada dowladda, saas awgeed ay Qaramada Midoobay ka rajeynayaan inay qaaddo mas’uuliyadda dhaqaale ee Soomaaliya gobannimada kadib.

Walow ay saas tahay, tallooyinkii ay soo jeedsheen khuburada ee ku saabsanaa natiijooyinki ku aadana caqabadaha dhinaca dhaqaalaha iyo guuldarrooyinki la saadaaliyey gobannimada kadib, xaqiiq ahaan waxaynu oran karnaa si taas looga hortago, xukuumadda waxay oofisay balamihii ay qaaday ee ahaa inay xaqiijiso gobannimda kadib inay xukuumadda cusub hesho gargaar dhaqaale oo leysku haleyn karo si loo hagaajiyo nolosha bulshada. Markii la soo gaaray sanadkii 1958, waxaa la hormarshay dhowr mashaariic oo ku saabsan kaabayaasha dhaqaalaha, kuwaas oo ka mid ah dhinaca wax soo saarka beeraha. Waxa kaloo wax laga qabtay horumarinta arrimaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, nabadgalyada, dhismayaasha wadooyinka gaadiidka iyo dekedaha. Waxa sanadba sanadki xigay kobcaayey dakhliga, dhaqaalihi dalka wuxuu bilaabay inuu soo kobto, ganacsatadii Talyaaniga waxay bilaabeen inay maalgashi ku sameystaan dalka, waxaa furmay ganacsi cusub, waxaana sare u kacay hantida ma guurtada.

Mitaal haddaan u soo qaato: dakhliga dalka waxaa lagu qiyaasay inuu kor u kacay qiyaas ahaan 506 malyuun oo Somaali ah sanadkii 1954 marka la barberdhigo 597 malyuun oo Somaali ah sanadkii 1959, celcelis ahaan sanadkiiba wuxuu kor u kacay 3.3% (heerka tirada dadka wuxu kordhay 1.5% iyo 2%). Dakhliga caadiga ah ee dawladda (marka laga reebo miisaaniyadda maamulki AFIS) waxaa lagu qiyaasay inuu kor u kacay waqtigaas 36.8 milyan oo Somali ah marka lala barbardhigo 64.8 milyan oo Soomaali ah, korordhan 76.1. Waxaa kaloo horumar laga sameeyey ganacsiga dibadda; soo dejinta (Imports) iyo dhoofinta (Exports), kuwaasso ka soo kacay siday u kala horreeyaan 71.4 iyo 58.7 milyan oo Somali ah sanadkii 1954 marka labarbar dhigo 101,4 iyo 299,5 milyan sannadkii 1960. Intaas waxaa dheer, kororka dhoofinta (exports) wuxuu aad ah ugu sarreeyaa soo dejinta (imports), taasoo horseedaysa hoos u dhac ku yimaada dheelitirnaanta misaaniyadda ganacsiga dibedda. Waxaa kaloo hurmar laxaad leh laga sameeyey dhinacyada tacliinta iyo caafimaadka oo aan ku soo qaadan doonno qeybaha kale.

Dadaalkii xukuumadda ee xagga dhaqaalaha ay ka qaaday waxa ka mid ahaa tallaabooyinki lagu xaqiijiyey gobannimada kadib in xukuumadda dhalan doonta gacan laga siiyo gargaar dhaqaale oo lagu daboolo miisaaniyadda dowladda iyo wixii lagama maarmaan u ah hormarinta mashaariicda dalka. Markii la soo gaaray horaantii sanadka 1958, Re’iisul Wasaaraha wuxuu xaqiijisay in dawladda Talyaanigu diyaar u tahay gabannimada kadib inay Soomaaliya ka caawiso dhinacyada aqoonta; sare u qaadida dhinacyada xirfadaha illaa 250 farsamoyaqaano, 100 deeq waxbarasho ah oo wadarta guud ay ku kaceyso sannadkii ah $l500.OOO iyo tabaruc maaliyadeed oo lagu daboolo miisaaniyada dowladda. Sidoo kale kulamadii diblomaasi uu Re’iisul wasaaraha la yeeshay madaxda Mareykanka, waxa lagu xaqiijiyey 11 Juulay 1958, in Maraykanku diyaar u yahay inuu sii wadi doono gobannimda kadib gargaarka dhaqaale uu siiyo Soomaaliya. Intaa oo kaliya kuma ekeyn rajada ee waxa kaloo Re’iisul wasaarahu xaqiijiyey in Ingariisku ogolaaday inuu sii wadi doono gobannimada kadib gargaarka dhaqaale uu siiyo Soomaaliya ee ku saabsanaa kabista miisaanyida iyo horumarinta arrimaha bulshada. Waxaa kaloo xukuumaddu ay xaqiijisay in dowladda Masar ay balan qaaday inay sii wadi doonto gargaarka Soomaaliya, iyadoo cadeysay Soomaaliya inay ka caawin doonto dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo tabaruc dhaqaale oo sanadle ah.

Waxaan u gudbayaa in aan ka tusaaleeyo ama si tifaf tiran ugu faalado dhinaca siyaasadda wixii laga qabtay iyo dawrkii madaxda Soomaalida ka qaadatay dimuquraadiyenta maamulkii Daakhaliga oo xiligaa Soomaalida ay ku hoos jirtay maamulkii AFIS. Hawlihii waaweynaa ee maamulkii Talyaaniga AFIS uu qabtay waxaa ka mid ahaa inuu Soomaaliya u qorsheeyey inay ka dhacaan afar doorasho oo laba ay yihiin heer degmo, labada kalena heer qaran, muddo ku siman shan sano gudahood. Markii ugu horeysay, doorashooyinkii golayaasha deegaanka waxaa la qabtay sanadki 1954kii, waxaa xigay doorashadii guud ee dalka oo iyaduna la qabtay 29kii Febraayo 1956, laguna guuleystay 30 abriile 1956 in la dhiso golahii koowaad ee Xeer-dejinta oo beddelay golahii deegaanka Territorial Council.

Abuuridda golahaan waxay aheyd mid muhiim ah marka loo eeggo baahidda weyn ee dalkeena u qabay in la helo dad Soomaaliyeed oo maamula laamaha dowladda ee kala duwan, kana shaqeeya horukaca dalka. Dhismihii golaha kadib waxaa Soomaaliya u bilaabatay marxaladii 1aad ee is-maamulka dawladnimada , tallaabadii xigtay waxay aheyd intii lagu jiray waqtigii ay Soomaali is-maamuleysay, waxay xukuumadda Soomaaliya ku guuleystay inay qabato doorashoyinkii dowlada hoose (Municipal Elections) oo la qabtay sanadki 1958kii iyo doorashadii guud ee dalka oo iyaduna la qabtay sanadkii 1959-kii, taasoo lagu soo doortay golahi labaad ee sharci-dejinta si dalka ay u gaarsiiyaan madaxbanaani iyo inay dhameystiraan dastuurka Soomaaliya.

Iyadoo la tixgalinaayo hawsha baaxadda weyn uu golaha la wareegay iyo waqtigii yaraa waayo aragnimadii si habsami ah ay u guteen xagga kaalinta hogaaminta, waxay markiiba guda galeen inay salka u dhigaan barnaamijyo hawleed ay ka mid yihiin; dajinta siyaasadda dalka, meelmarinta sharuucda dalka, dhismaha maamulka dowladda iyo hay’adaha garsoorka Soomaaliya. Waxay kaloo golahu ku dhaqaaqeen in la sameeyo guddiyo gaar ah oo soo diyaariya xeerka madaniga, milatariga, xeerka shaqaalaha, xeerarka ciqaabta iyo nidaamka rayidka ah. Intaa waxaa dheer oo la diyaariyey, sharci qabyo ah oo ku saabsan sharciga muwaadinimada, saxaafadda, caafimaadka, waxbarashada iyo nidaamyada dhaqaalaha.Howl maalmeedka golaha waxa dusha kala socday maamulka Talyaaniga oo lahaa awoodda dhaqan galinta shuruucda golaha ansaxiyo, awoodaana waxa Talyaaniga siiyey Qaramada Midoobay oo ku talogalisay inay fiiro u yeeshaan wixii sharci ah ay soo gudbiso dowladda Soomaaliya.

Maamulki Talyaaniga iyagoo si dhow ula shaqeynaya xukuumadii Daakhaliga iyo golahii sharciga oo ka dhexeeyey iskaashi adag, waxay idilkood si wadajir ah u abuureen bishii Sebtembar 1957 guddi siyaasadeed iyo guddi farsamo oo soo diyaariya dastuurka dalka. Xubnaha gudiga siyaasadda loo doortay waxa gudoomiye u ahaa gudoomiyaha golaha dajinta mudane Aadan Cabdulle Cusmaan, Ra’iisul wasaare xukuumadda mudane Cabdullahi Ciise Maxamuud; dhammaan golaha wasiirrada; kuxigeenka golaha dajinta iyo hogaamiyeyaasha xisbiyada oo wakiil ka ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka. waajibkooduna wuxuu ahaa inay wax kadiyaariyaan dastuurka Soomaaliya iyadoo la eegayo baahida iyo rabitaanka ummadda Soomaaliyeed.



Dhinaca kale guddiga farsamada oo ka kooban sagaal khabiiro Talyaani ah oo taqasus kala duwan u leh arrimaha sharciga, waxaa soo magacaabay wakiilka maamulkii Soomaaliya Enrico Anzilotti, kuwaasoo jagooyin sare ka hayey Soomaaliya, ujeedada howshooduna ay ahayd inay diyaariyaan qaabdhismeed sharciga dastuurka Soomaaliya, wuxuuna golaha ansaxiyey dastuurki ku meelgaarka Soomaaliya markey taariikhdu aheyd 26-kii Juun 1960.Si kastaba ha noqotee, markii la soo gaaray May 1957, maamulaha Talyaanigu iyo Qaramada Midoobay waxay labaduba gabi ahaan joojiyeen kormeerkii iyo faragalintii ay ku hayeen golaha xeer-dajinta, waxayna golaha u madaxbaneeyeen inay la wareegaan sharuucda arimaha gudaha dalka oo dhan.

Sidaan horey u soo sheegay maamulka Talyaanigu wuxuu qorsheeyey oo maamulay doorashooyinkii la qabtay (1954-56kii), saas awgeed iyadoo markaan la tixgalinaayo bisaylka, iskaashiga iyo shaqada adag ee ka dhaxeysa golahii Sharci-dajinta iyo xukuumaddii la dhisay 1956kii, ayaa waxa suurtagal noqotay in maamulkii AFIS iyo golahii Wasaayada labaduba isla garteen in dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo hawshii abbaabulka ee lagu dhisi lahaa golayaasha deegaanka iyo kuwa xeerdajinta dajinta, ayna soo diyaariyaan barnaamij shaqo ay ku qeexan yihiin shuruucdii doorashooyinka dalka ka dhici lahaa sanadaha foodda inagu soo haya 1958-59-kii. Sababta mas’uuliyaad loogu warejiyey waxay dulucdeedu tahay, imtixaan lagu tijaabinaayey maamulka dawladda iyo xilka culus ee lagu aaminay inay ku gutaan si xilkasnimo iyo fiiro dheeri ku dheehan tahay masuuliyad.

Waxaa waqtigaas lagu dadaalay si ayan u dhicin doorasho lagu shubto ama looga gudbo ciladdo ku yimaada doorashooyinka, waxay Qaramada Midoobay ku talisay in xukuumadda Soomaaliya ay soo saarto sharci cusub oo ku saabsan shuruucda doorashoyinka (Electoral law). Intaa waxaa dheer oo dowlada Soomaaliya lagu cadaadiyey inay ka soo baxdo laba arrimood oo ku saabsan geeddi-socodka doorashooyinka ay ka midyihiin in kuraasta baarlamaanka lagu jaangooyo dadweynaha degan gobolada dalka iyo in la qabto tirakoobka doorashooyinka dalka, iyadoo sharciga cusub ee doorashada uu la socdo tirakoobka dadka codbixiyayaasha ah. Inkastoo waqitiga loo qabtay xukuumadda ay aheyd mid aad u yar, haddana dhaqan galinta iyo dedejinta xilka culus ee lagu aaminay waxay u guteen si habsami ah.

Haddaba dadaalki xukuumadda ma yareyn, waxaa wax laga badelay oo horey loo hormarshay maamulka dalka, dhismaha gobolada iyo degmooyinka dalka, waxaa loo baahday in dib loogu noqdo shuruucdii hore ay ku dhisnaayeen. Isbadelka shuruucda maamulkii hore waxaa laga damacsanaa in si haboon salka loogu dhigo siyaasadda dalka iyo arimaha bulshada sida; tirokoobka, diiwaangalinta axsaabta iyo golayaashada dalka ee la dooran doono. Waxaa la dajiyey barnaamijyo siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale oo waqti dhow iyo mid fogba lagu jaangoo’yey, kuwasoo dhamaantood taabanaayey nolosha bulshada Soomaaliyeed xag dhaqan, xag dhaqaale iyo xag siyaasad intuba. Dhinaca siyaasadda waxaa la qaaday tallaabooyin loogu gogoldhigaayo doorashooyinka dowlada hoose iyo kuwa guud ee dalka, saas awgeed waxa la sameeyey tirakoob dadweyne, ujeeddada tirokoobka ma ahayn oo keliya muhiimadda doorashada, balse waxaa kaloo loola jeeday in lagu jaangooyo qorshaha dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

Dhameystirka dastuurka waxa kaloo garab socday in la dajiyo shuruucda dalka loogu dhisi lahaa golayaal maamul oo heer gobol iyo heer Qaran, kuwaasoo ka mas’uul ah adeegyada ay u baahan yihiin bulshada. Waxa la abaabulay qabashada gogosha lagu dhisaayo maamulada degmooyinka iyo gobolada dalka, iyadoo masuuliyadeedu ay lahaayeen odoyaasha dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanka si ay u soo xulaan xubnaha ergooyinka, isla mar ahaantaana xaliyaan wixii qilaafaad ah ee beesha ka dhex taagan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Intaas waxa wehelisay kulamadii joogtada aheyd gudiyadda golaha ay yeesheen oo ay ugu doodayeen arimaha doorashooyinka, horumarinta dhaqaalaha dalka, siyaasadda iyo arrimaha buslshada.

Golaha sharciga isagoo fulinaayey tilmaamihii iyo jadwalkii lagu socday, wuxuu qabtay laba kalfadhi, kalfadhigii 1aad waxaa la qabtay xiligii u dhexeeyey 30 Abriil ilaa 19ka Luulyo 1958, waxa laga dooday oo la ansixiyey sharci qabyo ah oo wax ka beddelaya xeerarka ku saabsan garsoorka, maamulka doorashooyinka, qorsho qabya ah ee wax ka beddelaya heerka mushaharka milatariga iyo heshiisyada kalluumeysiga badda. Intii lagu jiray kalfadhigii labaad oo socday 29 Oktoobar ilaa 20 Desember 1958, golaha wuxu sidoo kale ansaxiyay sharci qabyo ah oo ku saabsan doorashooyinka siyaasadeed, wax ka badelida miisaaniyadda dawladda Soomaaliya ee sanadka 1958; sharci qabyo ah oo ku saabsan ka-dhaafidda canshuurta kastamka ay ka mid yihiin soo dejinta gawaarida culus iyo kuwa beeraha ee looga faa’iideysan karo horumarinta mashaariicda dalka, sharci qabyo ah oo siinaya dawladda awood gaar ah ay kula socoto dabagalka miisaaniyada. Bishii Sebtembar 1957, golaha Baarlamaanka wuxuu ansaxiyay gole cusub oo ah golayaasha deegaanka dalka, isla bishii Diseember 1957, waxay kaloo soo saareen shuruuc cusub oo ah sharciga jinsiyadda Soomaaliya.

Wax yar haddaan ka taabto hawlihii waaweynaa ee dowladda Soomaaliya ay qabatay waxa ka mid ahaa: markii la soo gaaray sanadkii 1958, waxaa la qabtay doorashadii labaad ee dowladda hoose, markaan doorashada waxaa ka qeyb galay oo codkooda dhiibtay dumarka Soomaaliyeed. Waxay aheyd dhacdo taarikhi ah oo Soomaaliya u soo jiiday inay tahay ummad dimuquraadi ah. Soomaaliya waxay adduunka iyo dalalka soo koraya taarikhda ugu dhigtay in dumarka aysan ka liidan Ragga, isla markaana kaalin weyn ay kaga jiraan talada iyo nolosha bulshada. Kuraasta loogu tartamaayey waxay dhamaayeen 667 kursi, waxaana badi ku guuleystay xisbigii SYL oo helay 418 kursi. Sanadki xigay bishii Febraayo 1959, waxaa la qabtay doorashii labaad ee loogu tartamaayey golaha sharciga, waxana loo tartamaayey kuraas dhameyd 90 kusri. Xiligaan waxa codbixinta ka qeyb galay qofkii da’diisu gaartay 18 sano rag iyo dumarba. Doorashadaan waxay aheyd mid aad u xiiso badan, xisbiyadii ka dhisnaa dalka aad ayey u looltameen, hase yeeshee kuraastii loo tartamaayey waxa mar labaad intii badneyd ku guuleystay xibigii SYL oo helay 83 kursi.

Sidoo kale waxaa mar labaad guddomiye baarlamaan loo doortay mudane Aadan Cabdulle Cusmaan oo xilkaasi hayey ilaa 30kii Juun 1960. Waxaa kaloo guddomiye ku xigeenki labaad loo doortay mudane Abdulqadir Mohamed Aden “Zoppo” iyo Xaaji Bashiir Ismaaciil sida u kala horeeyaan. Golahii sharciga wuxu isu bedelay golaha guud ee ummadda, dabadeedna golaha wuxuu Jimciyadda Qaramada Midoobay ka codsaday in Soomaaliya la siiyo gobannimo buuxda markii ay taarikhdu tahay 1 Luulyo 1960, saas awgeed Ummadaha Midoobay waxay aqbaleen codsigaasi. Kadib markii golaha cusub uu bilaabay shaqadiisa, kalfadhigii uu yeeshay golaha waxaa lagu gaaray go’aan ah in mar labaad Re’iisul wasaare uu noqdo mudane Cabdulaahi Ciise Maxamuud, ka dibna wuxuu soo dhisay xukuumad ka kooban 14 wasiir uu ka dhex doortay golaha ummadda.Taarikhdu markay aheyd 24kii Juun 1959kii, waxaa la dhaariyey Re’iisul wasaaraha iyo golihii xukuumadda iyadoo dharcigii lagu dhisay xukuumadda uu meel marshey wakiilkii Soomaaliya Mario stevano.

Dhismihii xukuumadda intii ka dambeysay, kulanki xigay ee golaha ummadda wuxuu Re’iisul wasaaraha soo bandhigay barnaamijkiisa shaqo ay ku qeexan yihiin waajibaadka saaran, isagoo qodobka koowaad ee qorshaha xukuumadiisa ku sheegay inay tahay xaqiijinta dhameystirka madax-bannaanida Soomaaliya, taasoo dulucdeedu tahay inuu ka hortagaayo in Talyaanigu isku dayin inuu dib u dhigo gobannimada Soomaaliya maalinta loo qorsheeyey. Wuxuu ka hadlay in ujeeddada xukuumadu ay fiiro gaar ah siineyso qorshaha lagu dhemeystirayo dastuurka iyo shuruucda dalka ee lagama maarmaanka ah inta aan la gaarin gobanimda. Wuxuu ku dheeraday qorshe hawleedka xukuumada ugu talogashay horumarinta wadanka, balaarinta awoodaha xukuumadda iyo heerka wax soo saarka dalka iyadoo uu sheegay in laga faa’iideysan doono cilmiga aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ka soo laabtay dibadda, quburo caalami ah iyo balan qaadyo mashaariic oo laga helay dalal saaxiib ah. Wuxuu sharaxaad dheer ka bixiyey xukuumadiisu siday u diyaarisay, u maamuleyso, una fulineyso miisaaniyadda iyo hirgalinta mashaaricda dalka ee ku saleysan sahminta iyo balaarinta kaabayaasha dhaqaalaha, baahinta tacliinta dadweynaha, daryeelka caafimaadka bulshada iyo xoolaha.

Wuxuu farta ku fiiqay inuu wax ka qabanaayo degenaanta iyo xasiloonida bulshada, xoojinta xiriirka iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka kale, isagoo sheegay tababarka shaqaalaha ee la xariira hawlaha arrimaha dibadda iyo qorshayaasha ugu muhiimsan ee xukuumadda ugu talagashay in lagu abuuro tallaabooyin aasaas u ah dhismaha siyaasadda dibadda, dhismaha safaaradaha iyo qunsuliyadda oo uu sheegay inay welwel weyn ka heysato xukuumadiisa. Sida muuqatay, xukuumadda cusub waxaa horyaaley xil culus oo fiirooyin u baahan, taasoo aheyd mudadda gaaban ee halka sano ugu hartay gobannimada inay ku dadaalaan in wax laga qabto fulinta waajibaadka ka saaran marxalada fooda ku soo heysay ee lagu dhameystiraayey maamuulkii Tayaaniga ee xornimo gaarsiinta Soomaaliya. Waxay dardar galiyeen heshiisyo hordhac ah oo caalami ah inay la galaan dalal ka mid ah galbeedka iyo carabta si wax looga qabto ilaha dhaqaalaha dalka, waxay xooggooda isugu geeyeen sidii loo xoojin lahaa horumarinta xagga nolosha dadka, maamulka dowlada, siyaasada, waxbarashada, caafimaadka, cadaaladda, dhismaha guud iyo dib-u-dhiska gaashaandhiga.

Xukuumadda cusub muddadii yareyd ay dhisneyd arimaha muhiimka ah ee lagu dadaalay in wax laga qabto waxa ka mid ahaa inay is hortaagtay Soomaaliya oo la doonayey in la raacsho Itoobiya. Waxaa jirtay mabaadi looga soo horjeeday midowga Soomaaliweyn oo loo arkaayey inay keeni karto xasilooni daro ku timaada gobolka geeska Afrika oo fursad u noqon kartay Soofiyeetigu inuu ku lugyeesho Soomaaliya. Iyadoo la tixgalinaayo arrimahaasi, isla markaana fiiro gaara la siinayo ahmiyada juquraafi ay ku fadhido Soomaaliya, ayaa markii ay soo dhawaatay gobanimada waxaa la isku dayey in Soomaaliya la raacsho Itoobiya, iyadoo qiil looga dhiganaayey gobannimadda dabadeed in dalka Soomaaliya uu iskiis wax u qabsan karin, isla markaana dalka uussan laheyn ilo dhaqaale oo leysku haleyn karo iyo siyaasad ku fadhida nabadgalyo. Arrintaasi waxay golayaasha dowlada ka dhalisay dood iyo muran!

Dadaalkii diblomaasi ee golaha ummadda iyo xukuumada ay la yimaadeen ma yareyn, waxay warbixin dhameystiran siiyeen golahii latashiga wasaayadaa iyagoo diidaya Soomaaliya in la raacsho Itoobiya. Waxay tusaale u soo qaateen taladii ay soo jeediyeen Qaramada Midoobay ee bishii Diseenber 1950 lagu mideeyey Ereteriya iyo Itoobiya inuu fashilmay oo reer Ereteriya gobannimadii dalkooda tartiib tartiib loo dhacay, taana ay dhalisay sedex jabhadood oo wadani ah inay abuurmaan si ay mar labaad u helaan inay ka taliyaan aayahooda dambe. Waxay diidmadoodi ku soo gabagabeeyeen midow hadduu faa’iido leeyahay Ereteriyaa ayaa wax ku dheefi laheyd! Halgan dheer ka dib bishii February 1994, waxay Ereteriya heshay madaxbanaani iyo inay ka tashadaan ayaahooda dambe.

Waxaan hadda u gudbayaa in aan ka faaloodo fulinta hawlihii la xariiray midowga labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur iyo doorkii ay ku la haayeen madaxda Soomaaliyeed. Maalintii la dhisay golahii sharciga iyo xukuumaddii ugu horeeysey waxay labaduba xoogga saareen sidii lagu mideyn lahaa ummadda Soomaaliyeed ee gumeysiga kala firdhiyey. Ma yareyn dhibaatadii laga soo maray midowga Soomaaliweyn, balse waxaa xusin mudin oo in lasheego istaahila qodobo taariikhi ah oo la xariira kaalintii madaxda Soomaaliyeed ay ku lahaayeen midowga labada qeybood ee Ingariiska iyo Talyaaniga gumeysan jiray oo markii gabannimadooda ay soo dhacsadeen isu tagay. Markii la soo gaaray 15 kii Abriil 1960, waxa magaalada Muqdisho booqasho ku yimid wafdi balaaran oo ka socday maxmiyadda Somaaliland uu hogaaminaayey mudane Maxamed ibraahim Cigaal. Wafdiga ujeedada socdaalkooda waxay aheyd in xukuumada iyo golaha baarlamaankii Somaaliyeed ay ka wada hadlaan arrimo ku saabsan midowga labada gobol Waqooyi iyo Koonfur si ay ugu heshiiyaan inay wada dhisaan dowlad dhexe (Unitary State). Waxay ku heshiiyeen in degellada Soomaalidu ka degan tahay labada gobol midoobaan, yeeshaan hal calan, hal madaxweyne, hal dowlad iyo hal baarlamaan.

Naxariistii Allaha siiyee kuwii maalinta gartay in Soomaali midowdo waxay u hiiliyeen dadkii u soo halgamay gobannimda ee qeybkasta ahaa, kuwii u dhintay dalkayaga inuu gumeysi foodda soo galsho, kuwii ku lixaad beelay, kuwii u dhaawacmay iyo kuwii nolol iyo geeri aan lagu arag iyagoo u halgamaaya inay xaqiijiyaan isticmaar inuu ka dul kaco Soomaaliya oo dhashooda iyo faraca ay dhaleen iyo Soomaali geddigeedba xornimo helaan, Soomaali la sinaato ummaddaha aduunka. Maalinta waxay aheyd dhacdooyinka taariikhda middii ugu qiimaha badnayd ee bulshada Soomaaliyeed soo marta, waxay aheyd maalintii ay miro dhaleen ujeeddooyinki loo halgamaayey muddo ku siman 56 sanadood oo dhimashadii, dhaawicii iyo xanuunkii badnaa ee gobannimda loo soo galay dhaxalkoodi uu noqday in Soomaali xorowdo oo laba gobol midoobaan.

Haddaan mitaal u soo qaato sidii shisheeyaha u diidanaa midowga Soomaaliweyn inta aan la qaadan gobannimada iyo sidii madaxda labada gobol ee waqooyi iyo koonfur ay xil isaga saareen mideynta labada gobol ee Soomaaliya. Waxaa jirtay in 6tii Abriil 1960, golaha sharciga Somaliland ay meel mariyeen qaraar ay ku dalbanaayaan xornimadooda inay si deg deg ah u helaan iyo inay la midoobaan Koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale waxaa cadeed inay adag tahay Soomaaliya oo dhan inay midowdo ama saddexda dhul ee maqan ee Soomaalidu ay ku nooshahay sida; Itoobiya oo heysata Soomaali Galbeed, Ingariiska oo heysta dhulka NFD iyo Faransiiska oo heysta Jabuuti, ay sedexduba la midoobaan koonfur iyo waqooyi. 30kii Agoosto 1959, magaalada Muqdisho waxaa kulan shirweyne ah ku yeeshay ergooyin ka socday shanta gobol ee Soomaaliweyn. Natiijada kulankaasi waxaa ka soo baxay xeerar lagu dhisay dhaqdhaqaaq gobannimadoon ah oo loogu ololeeynaayo madaxbanaanida iyo mideynta dhammaan degelleda Soomaali ka degto geeska Afrika.

Maadama arrinka midowga labada gobol uu ahaa arrin ay Soomaali ku heshiisay, hadana waxaa jirtay looltan iyo iska hor imaad ka dhex taagnaa dalalkii Soomaaliya qeybsaday sida Ingariiska, Talyaaniga, Faransiiska iyo Itoobiya. Ingariiska waxa uu doonayey labada maxmiyood inay midoobaan, iyadoo ujeeddadiisu aheyd inay labaduba ku biiraan dalalka barwaaqo-sooranka. Arinkaa waxaa ka soo horjeeday Talyaaniga, Faransiiska iyo Itoobiya. Talyaaniga ma dooneynin in koonfurta Soomaaliya ay gacantiisa ka baxdo ama ay ku biirto ururka barwaaqo sooranka uu Ingariiska hogaansho, maxaa yeelay ma doonaynin inuu lumiyo kaashayaasha shaqaalaha uu ku Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka ugu xooggan ee qorshaha Ingiriiska wuxuu ka yimid Itoobiya iyo Faransiiska oo labaduba daneynaayey halka ay ku dambeyn doonto mustaqbalka Soomaaliya. Itoobiya waxay inta badan ka welwel sananeyd xubinnimada Soomaaliya ay ka mid noqoneyso dalalka barwaaqo-sooranka, taasoo ay u arkeysay inay tahay fursad Soomaaliya u abuuri karto inay noqoto dowlad quwad leh oo Itoobiya ka dhinac abuuranta. Waxaa kaloo intaa dheer oo Itoobiya ay ka baqeysay, Soomaaliya oo yeelata awood dhaqaale iyo mid miletari inay keeneyso bunduq caaradi inay Soomaali ku soo dhacsato dhulka ka maqan.

Boqor Xeyle Salaase isagoo aan la gaban diidmada midowga Soomaaliweyn, wuxuu safaro diblomaasi oo deg deg ah uu ku tagay dalalka Faransiiska, Mareykanka, Talyaaniga, Beljam, Yoguslaafiya iyo kuwa kale. Intii uu booqasho ku maraayey dalalkaasi, wuxuu wadahadalo ku saabsan midowga Soomaaliweyn kala yeeshay madaxda dalalkaasi, isagoo warbixin ka siiyey, isla markaana gaarsiiyeyna arrinka Soomaaliweyn inuu Ingariisku ku lug leeyahay, taana ay halis galinayo Itoobiya iyo nabadgalyada geeska Afrika. Wuxuu kaloo madaxda dalalkaasi ka codsaday inay gacan ku siiyaan sidii Ingariiska uu faraha ugula baxi lahaa arrinka midowga Soomaliweyn, islamarkaana u xushmeyn lahaa heshiisyadii dhexmaray Itoobiya iyo Ingariiska ee ku saabsanaa dhulka Soomaaliya. Wuxuu madaxda dalalkaasi u falanqeeyey midowga Soomaaliya ee Waqooyi iyo Koonfur wajiga labaad inuu xigi doono inay sheegtaan dhulka xabashida in laga soo gooyo gobolada Soomaalidu degan tahay taana uu dagaal ka xigo.

Faransiiska isaguna wuxuu doonayey Jabuuti inay hoos joogto oo gacantiisa aysan ka bixin, wuxuu kaloo ka soo horjeeday midowga Soomaaliweyn oo ku biirta ururka Barwaaqo-sooranka. Faransiiska wuxuu watay laba qorshe oo midda hare ay tahay dano istaraateji. Sidaad ogtihiin xeebta Jabuuti waxay ku taal albaabka Koonfureed ee badda Cas, waxay tuuryo dhagax ah u jirtaa marin-biyoodka Baabel Mandab oo ah albaabka Koonfureed ee laga soo galo badda Cas ama ay isaga gubdaan maraakiibta ku sii jeeda Khooriga Suweys ama badweynta Hindia. Ahmiyadaas istaraateji ay leedahay ayaa u sabab ah in Faransiiska aysan gacantiisa ka bixin xeebta Jabuuti. Qorshaha kale wuxuu ugu daneynaayey Itoobiya, waxaa u muuqatay haddii Jabuuti la raacsho Soomaaliya, waxaa muuqatay in Itoobiya ay ku adkaaneysa inay hesho deked ay wax kala soo degto. Haddaba Talyaaniga, Faransiiska iyo Itoobiya waxay si wada jir ah u muujiyeen rabitaankooda ah inay ka soo horjeedaan qorshaha Ingariiska, taana waxay ugu dambeyntii dhalisay in Ingariiska uu ka laabto qorshahaasi.

Dhacdooyinkaan waxay muujinayaan mowqifka cad ay xukuumaddii iyo golahii guud ay ka qaateen arrinka midowga Soomaaliweyn, iyadoo waliba arrinkaan ay gacan weyn ka geesteen maxmiyadda Waqooyiga oo iyaguna u halgamaayey gobannimo, ka dibna laysla oggolaaday labada maxmiyadood ee Koonfur iyo Waqooyi inay midoobaan oo ay yeeshaan hal maamul gobannimada kadib. Tallaabooyinki laxaadka lahaa ay u qaadeen xagga midowga laba gobol waxay ahaayeen inay u gogoldhigeen in xal waara laga gaaro dhibaatoyinkii ka taagna sidii loo mideyn lahaa labada gobol oo ka soo kala jeeday laba mustacmarad oo kala duwan, dhinaca luuqada, maamulka, sharciga, dhinacyada aasaaska waxbarashada, tabmaamulka ciidanka, canshuuraha, lacagta iyo in kale.

Waxa kaloo dhinaca aragtida iyo iskudubaridka mideynta labada maamuul aad ugu kala fogaa aqoonyahanada labada maamul, saas awgeed hay’adda Qaramada Midoobay waxay abuurtay guddi latashi oo heer caalami ah oo ka shaqeeya is-dhexgalka labada gobol. Gudigaasi waxa hogaaminaayey aqoonyahan Paolo Contini, waxayna shaqadiisu aheyd inuu ka talo bixiyo isuduwida mideynta labada gobol gaar ahaan nidaamyada sharci-dajinta wadanka, dhismaha ha’adaha dowliga iyo inuu xaliyo khilaafaadka u dhexeeya labada dhinac. Waxay kaloo xukuumadi Cabdulaahi Ciise iyo labadii gole ee Waqooyi iyo Koonfur si wada jir ah ugu baarandegeen dhibaatooyinki hor yiilay xukuumada cusub ee xornimada ka dib iyo sidii loo mideyn lahaa labada gobol ee israacay.Waxaa kaloo la dardar galiyey midowga labada gobol sidii dib-u-dhis loogu sameyn lahaa siyaasada gudaha dalka iyo inuu dalku yeesho xukuumad tayo leh oo iskudubarida barnaamij siyaasadeed oo la jaanqaada amuuraha ka taagan caalamka si xukuumada cusub ay ugu suurta galsho inay taagero dhaqaale ka hesho ilaha reer galbeedka iyo kuwa bariga.

Waxaan wali ku jirnaa dhismihii dowladnimada Soomaaliyeed intii ka horeysay gobannimda, si aan u fahanno marxaladihii uu soo maray dalka, baahidii dhaqaalle iyo tii adeegga bulshada ee dalka tiilay iyo wixii noo qobsoomay gobannimada ka hor. Intaa kadib waxaan si toos ah ugu faalloon doonaa wixii laga qabtay khilaafka xuduudaha, aasaaskii siyaasadda arrimaha dibadda iyo dhismihii gaashandhiga si aan u helno sawirka guud Qarankeena. . . .

Author |Hassan Ahmed Sheikh | sinaandoon@outlook.com | Canada


Contact: ahassannn@yahoo.com   © 2006 Qaranka