Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact
Gabay: Waran Xaq (M C/ahi Gandaal 90aadkii asagoo jooga Kismaayo markii uu ku tiriyey dagaaladii qabaliga ahaa ee dalka ka jiray xilligaa.) Wuxuu yidhi:
Shir wareegay ooy wada idlayd, wadarba Soomaali
Isweydiin waldaafayma guud, dood la wada yeeshay
Soomaaliya wajaafkii ku dhacay, wiiqatadii gaadhay
Wixii ugu wacnaa oo la yidhi, wadhafka yaa tuuray
Taariikh waa horeetiyo haddeer, waalalahan taagan
Markii laysu wada geeyey buu, wawgii soo baxaye

Warrafkiyo dad waabeeyahaa, wadhida beeraaya
Waxaa laysku wada waafaqayoo, laysku wada raacay
Majeerteen inaad wade ka tahay, doonta waalida e
Waa la qiray inaad weheshataan, waliyo shaydaane
Waa la qiray inaad wagar tihiin, talo wadaagtaane??

Waa la qiray inuu kuu sawiro, wax is lahaysiine
Waa la qiray inay waranwaryadu, weyso kuu tahaye
Waa la qiray inaad been wardiya, walamta haysaane
Waa la qiray wanaaguba, inuu yahay wadkiiniiye
Waa la qiray inaan loo wanqalin, wiilashiiniiye

Waagii Darwiish iyo Gurey, horuwadkii Leego
Waa la qiray inaad wiiqayaal, wadar ahaydeene
Wanaagsane Rashiid walamdayahow, waydinkii dilaye
Waa la qiray inaad wada cunteen, wabaradiiniiye
Waa la qiray inaad waa dembaba, aamin waa tahaye
Waa la qiray gumeysiga inaad, wiidihii tahaye

Waa la qiray talyaanigu inuu, kuu wadaad yahay
Waa la qiray inaad weer qabtaan, sharafna weydeene
Waa la qiray inaad weyrax iyo, wahan ku noolayde
Waa la qiray inaad khaa’inimo, koobihii wadato
Waa la qiray inaad sixir waxshi ah, wada xabaashaane
Waa la qiray wax kuu daran inaad, yeesho waligaaye

Waa la qiray waddood garabmartood, widinwid roortaane
Waa la qiray wareentiyo qardiyo, guray wadkiiniiye
Waa la qiray markaad xumo wadici, walasaqeyntaaye
Waa la qiray wajaaf inaad tihiin, waa na soo galaye
Inaad walad shadeediin tihiin, laysku wada raacye

Khalqi waa horeeto rogmaday oo, walaha jiidhay
Iimaan wabadaroo ooman baad, wabax la doontaane
Kol haddaadse wixi qaadid iyo, wiririgtii weydo
Waxaan kuu qabtaba weygu khalad, iyo denbaab weyne
Daaroodna waa wada ogyahay, magac la waalkiiye
Walidkiin wasiir iyo haddaan, kuu walcamo sheego

Waqdabkiin wuxuu yahay Falaash,
Winiqdaani baa idin dhashaye, weydaan garanayne
Waligayna waa saa ma odhan, been la waaridiye
Wax la hubo wixii aan ahayn, wayga caaridiye
Dhulbahantuhu waqii waa tiih, waali agaheede
Nimanbaan ka weecweecanayn, run iyo waygeede

Warsangali warsada wuu ogyahay, wadashadiiniiye
Intaasoo waxyeelo iyo sun iyo, noqotay waabeeyo
Markii laysu wada geeyey eey, Waamo ka ahaatay
Maxkamad wood caddaali ahbaa jirtoo, wadar la qiimeeyey
Go’aan waafi loo gaadhayoo, waara noqon doona

Wareegtadii caddayd baan haddaba, kuu sakaar wadhiye
Murti kalana waa tay ahayd, weedh abwaan yidhiye
Wixii aadan lahayn wiilkayoow, laguma weynaado
Waxaad waayo maashaba nin laa, weel isugu geysta
Waxaa taa ka dhigan waa Waamoline, oon wareegsado e
Waad ka guuri ama waad ku dili, wixi Majeerteene

Waligayna waa saa ma odhan, been la waaridiye
Wax la hubo wixii aan ahayn, wayga caaridiye
Hadalkaa wareegtada ka daya, qodobka waa kow e
Waa la qoray Wajeerteen inaad tahay, waslaataaye
Waa la qiray inaad waadi Bari, wada tagaysaane

Oo waajibkiin yahay ku laad, keebka waalida e
Walwal iyo shalaytaad waqiin, weheshan doontaane
Wax dhanbaad xaglaha wiifisood, waaday walaxdiiye
Wax dhanbaad wajiijiday dhurwaa, weyd cunoo kale e
Wahab iyo waxaad wada tihiin, weysar gooni ahe

Siddii weer halaaqoo naflaha, laga wiraynaayey
Wid qofkaan ku odhan waa hubaal, inaad walaaqdaane

Wajigoodu gubay waad rogteen, beesha waligeede
Soomaaliya wareerkaa ku jira, weydinkoo qudhehe
War bal daya wuxuu Moorgan wado, waad wadarideene

Waraabihii fakaday baad haddana, qudhac u waabteene
Walaaxawlahaa laga qabsaday, saad u walafteene
Wasiirkii Siyaad ee ahaa, wiilka gabadhiisa
Rag waxaad lahaydeen intuu, weerar soo geliyo
Markii wadar la laayee nag iyo, wirixda loo gooyo
Wadna weyne waa Cabdi Billoo, wuu wisiisiyiye

Orodkuu waljaafii ku iman, waab dhexdiina ahe
Wakab ururiskii baad haddana, wada tidhaahdaane
Kenya hubkii ugu wacnaa, way usoo diriye
Is wadhaamintaasuu mar kale, Waamo soo galiye
Markaasuu wadkoodii helaa, lana wajeefaaye
Wayaakiyo waxaad lacag gurteen, baan wakaa dhigane
Wiilal iyo markuu xoolahaba, waaridee madhiyey

Inuu yahay wakiilkii Siyaad, waad taqaanaane
Su’aal waafigeed iyo haddaan, hal idin weydiiyo
Wixii dhacay wareegii horiyo, kaa waqtiga jooga
Waa in laga xisaabtamo siduu, waajibkii yahaye
Wada rogane diin laa wahaa, wayba idin seejay
Wiida dumarka weer iyo asay, aafo wada liita
Ma waxbuu idiin taray mise, waydin wada toogtay
Caqligii cawaam waa sidaa iyo, wax xun sheege

Mar kalaan wareegtadii caddayde, kuu sakaar wadhiye
Waa la qoray Ogaadeen inuu, way ku dili doono??
Waa la qoray inaan waran xaglaha, kaaga wagab siine
Markay wiriq tidhaahdee naftii, waayirka istaagto
Waa la qoray inaan waax kastaba, widhifyo kuu goyne

Waa la qoray waraajiyo inaad, naxashba weydaane
Waa la qoray inaan waalidii, webi ku yaacsiine
Waxaa taa ku wacan waad galabsateen, inaan ku wiidaaye
Waligiinba waagii beryaba, waydin weerariye
Hayga suginna waanwaan dambiyo, inaan walaalowno

Itoobiya dadkii waa dhaweyd, laga walwaalaayey
Israa’iilna waa annaga lahayd, wax isma dhaantaane
Iyagaad waalaaliyo tihiin, waalid iyo wiile
Waa la qoray inaan kuu waddaco, wadan Yuhuudeede
Waxay wadajir Soomaaliduna, wadar usoo saartay

Murtiduna wajaah leedahoo, waan khatimayaaye
Warka hoo waxaan kuu qaddimi, waa wareegtada e
Wax la yidhi ninkii waalana ah, waabiyaa hela e
Wiyil gama’san kii toosiyuu,, galay wadkiisiiye
Cagtii wiririglaysaa xumay, walam tidhaahdaaye
Wan illaa la gawraco indhuhu, koru ma weecdaane

Dhagihii Illaah waaniyaa, yeela wax u roone
Wiyeer malab ah waabeeyo sun ah, waasha laba ceel ah
Ninba tuu wadaan hoorsadaa, laga waraabsiine
Cirjiidh iyo mariikh way hanteen, xeradii weyneyde

Sugruhuna wakaa wuu rabaa, inuu la waageero
Beenta wararafkeedii gu’iyo, gola warfaadkiiye
Wakhtigii khayaaligu tag iyo, waali horarkiiye
Kitaabkii watiin iyo wagluhu, wariyey diinteenna
Run waxaan ahayn wuu xarimay, wuuna noo digaye
Idinkuna waqiin ... way ka dhigateene
Wax ku qaata waa Waran Xaqiyo, waa kas iyo maage

Xigasho: Dollo.com

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye