kolkii horreba kadeed uma yarayn, kooska niman yaale
Karbaash iyo Amxaar baa ku raray, koora Baqaleede
Eegana kadeed baa u dheer, kud iyo kaarkiiye
Koosarbaa waxaa looga dhigay, Kuuba iyo Ruushe
Karaar dhaafayey xalay miyaan, kaar la ladi waayey
Culimadu kitaabkii iyo cilimigii, koru ma qaadaane
Way soo korhdeen cadowyadii, laysla kululaaye
Allow kabaha uma sidi karno, kii ku caasiyeye
Koley iyo koley waa shihiid, kaalintaan galye
Klaashinkoofna kaariyo ma dilo, Miigan kacayaaye
Quwad kalana u mahaysanoo, lagu kaxeeyaaye
Karaar dhaafayey xalay miyaan, kaar la ladi waayey
Karinka ay istaagtiyo markii aan, kadarta weydaarsho
Kurtun baa wadada noo fadhiya, laygu kadayaaye
Kacaankaan bilownaba haddii, layga kala tuuro
Ogoobey kadeed iyo dhib iyo, waa karaahiyo e
Karaar dhaafayey xalay miyaan, kaar la ladi waayey
Ninna kaligii hawlaha adduun, soo katabin waaye
Haddaan lagula kaalmaynin, waad kariba weydaaye
Kalaam iyo kah iyo way iyo, siadani waaba kala kaane
Karaar dhaafayey xalay miyaan, kaar la ladi waayey
Cadowgaan karkabadaybayee, kabaha laalaadshay
Ee kadinka loo galay wadadee, kadiska loo laayey
Kolba kaabadii aan jaray, qaar u kabayaane
Karaar dhaafayey xalay miyaan, kaar la ladi waayey
Afartaa ka yaabaa nin weyn, hadalkii koobnaa dheh
Hayeeshee karaamaa jirtee, kama danbaystii dheh
Kurbo aniga igu taagan iyo, kaar i shidayaa dheh
Karaar dhaafayey xalay miyaan, kaar la ladi waayey
Geela koorta weyn baan lahaa, kor u hayaansiiye
Kafa iyo Hawaas baan lahaa, kayn cosob ah geeye
Nirgo kurusku dhuubtaan lahaa, karan ha goosteene
Kuraygiyo caruurtaan lahaa, kooraska u dira e
Kibsitooda maqan baan lahaam kabash ha qaateene
Kadeedkiyo ka saar baan lahaa, kaba la’aantiiye
Kafaarigiyo jaadkaan lahaa uga kaxaysiiye
Kafaygaan lahaa odayadii, waad u kululayne
Kuwa kaba-cadda ah baan lahaa, kibir ha luudeene
Kooxaha ciyaaraan lahaa, kaban ha qaateene
Kuligii Amxaarkaan lahaa, kaw kawada siiye
Koryeedhigiyo fuulbaan lahaa, kaarahoodaba e
Karimada ku laa baan lahaa, kun iyo dheeraade
Kuftintaan ku dhignay baan lahaa, yeyna soo kicine
Nimankaa kalyaha buuxsadayee, koodhka wada qaatay
Kuumaba kasayn baan lahaa, keyl halo daro e
Kuwa wada sirqaamaan lahaa, kaalay ugu yeedhe
Kolkuu kuu yimaadaan lahaa, feedh ku kala jeexe
Korneyladii kama madhi baan lahaa, kaalaxa ahaaye
Kolkaas Xaeyle qabo baan lahaa, kali ahaantiise
Kasabkiisii mari baan lahaa oo, kurkaba gooye
Kuligii dadkaagaan lahaa, haysu kaashado e
Fiidaa’iyiin ku kici baan lahaa, iyo kamaan doose
Kolkaasaan lahaa Kiiniyana, karadh ha saareene
Shantii kala maqnayd baan lahaa, meel isugu keene
Kulmiyaan lahaa Ina-Siyaad, kaalin haw galo e
Inkastooy kol Soomaali weyn, kaamil noqon doonto
Oo koono koonaha shanta ah, la isu keenaayo
Xornimada dadbaan kadabsanayn, oo kadeed qaba
Kadaraba kob aan laga filayn, buu kasoo baxaye
In kastuu kitaab kuu maroo, kaaf ku maqashiiyo
Dadka qaar unbaan laga karayn, xaajo kala tuure
Karaar dhaafayey xalay miyaan, kaar la ladi waayey
Afartaa ka yaabaa nin weyn, hadalkii koobnaa dheh
Hayeeshee karaamaa jirtee, kama danbaystii dheh
Kurbo aniga igu taagan iyo, kaar i shidayaa dheh
Karaar dhaafayey xalay miyaan, kaar la ladi waayey
Koley gabay kalkii galayba wuu, laba kacleeyaaye
Wali kaalintii aan rabay buu, kaafku tabayaaye
Karaarmaati iigama duwana, keenistiisuba e
Kalifaad unbaan Muxumadow, kolal ku sheegaaye
Caawana waxbaa igu kordhoo, waan kurbays nahaye
Karka dhariga waa uun kuleyl, wixii ka keenaaye
Kafa iyo Hawaas oon xornimo, ku arko mooyaane
Kalka geedi baan ahay siddii, geel kaliilhadaye
Waxaan kaaga jeedaa murtida, amaan kusoo koobay
Kol hadduu kaskaagiyo caqligu, kugu filaan waayo
Koolada kolaad laad fakaday, kor ugu soo qaado
War maankaaba lala kaashadaa, ku aad taqaanaaye
Waxaan kaaga jeedaa murtida, amaan kusoo koobay
Rag dalkooda inay kaafiyaan kooros, loo galiyey
Oo Kuuriya iyo Holland iyo, Kanada loo dhoofshay
Oo kuman malyuun oo lacag ah, koodhka loo galiyey
Oo kolkay yimaadeen gumaysiga, u kaalmeeyey
Kancaan iyo ogoobey Namruud, kama sokeeyaane
Koofil iyo Fircoon kama duwana, iyo kufaartiiye
Ma kurboodayaal waan aqaan, ceeb karuursadaye
Kuunkuuriga mooyee wax kale, uma kishleeyaane
Kacaanuna hadduu qaar og yahay, kabad ma saareene
Tiro laguma soo koobi karo kow, ukala sheege
Ku-go’ooyinbaa jira dalkii, kilo dhaafsadaye
Waxaan kaaga jeedaa murtida, amaan kusoo koobay
Xalay kola an hurdada jiifsadayoo, kaar la ladi waayey
Oon kacaa fadhiixsiga badshayoo, kararo boodaayey
Kuleyl iyo haraad iyo anigoo oon, i kala gooyey
Oo kubabka hoosiyo lugaha, aan ka kici waayey
Riyo malab ku koosaaran, saw haatuf iima keenin
Saw ma odhan Kafaad ugu jeclayd, inaad kol gaadhaaye
Inaad calan kor saartood xornimo, kaalintaa bogato
War kuu yeel Ilaahaye ciil, hays karaar duminin
Kolkaa Muxumadow saw farxadi, iguma koobnaanin
Soo Eebaheen baa karti lehee, kii umaan celinin
Kaafiyow Shariifkiina saw, kor uma luuqaynin
Sidee karadha roobkiyo cirkoo, karan hilaacaaya
Kontorool dhulkeenii maqnaa, saw ma tira-koobin
Kulligii kolkaan calan la sudhay, kaa xinada saaray
Soo kurbiyo xanuunkaan qabniyo, kaarkii nama daynin
Xigasho: Dollo.com
Qaranka online