Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact
Gabay:Dareen Dhiilo Makayte . Wuxuu yidhi:
Yaasiinow adigaa dib ugu noqon, dagalladeeniiye
Dooxii Hargaysaad adigaa, daakhilka u galiye
Duqaydii markaad gaadho iyo, danabyadii joogay
Durba Maxamed waa inaad, warkaa ugu dadaashaa

Adoon dabacsanayn waa inaad, dood u marisaa
Dalkeenii maqnaa Xabashidii, looga dacaree dheh
Wiilashaad dirteen waxay noqdeen, rag aan dakaameyn dheh
Damqashadaba waa rag aan aqoon, oon dabci lahayn dheh
Dabkii ay shideen wuxuu ahaa, damal aan qiiqayn dheh
Digtooniday halkaa kaga baxeen, wali ma sii dayn dheh

Duruustiinii baa lagu socdaa, damina maayaan dheh
Dadaalkoodu waa sida cagaar, doog usoo baxay dheh
Dan Soomaali mooye mid kale, dayiba maayaan dheh
Allay lehe da’dii bay noqdeen, aan ku diirsaday dheh

Warqadaa daboolkiyo markaad, diirka uga qaado
Dood kalana waa inaad markaa, dib ugu laabtaaye
Digtii hore Dhurwaaliyo markii, Qaaxo la is diiday
Siddeed kaare oy wada dileen, waan dul joogsaday dheh

Dabaqlaydii way madhatay oo, duugahaa maray dheh
Doofaarkii iyo way dhinteen, dibigii weynaa dheh
Maydkoodu wuu daadasanaa, dooxyadoo idil dheh
Oo haadkii ku dacarooday baa, diiday hilibkii dheh

Daafidii ay wateen iyo la qaaday, dahabkii saaraa dheh
Dabkii aan ka furanay kobuu, dadab u yaalaa dheh
Dacaskii iyo kabihii buudhkiibay, wadar ku doorsheen dheh
Dirayskiina way wada furteen, dun iyo shaalkii dheh

Durba saacadii iyo koodhkii bay, dam isku siiyeen dheh
Fidaa’iyiintu meeshaan u diro, kama dakaamaan dheh
Dakanada kuwii qabayna, way dabacsanaayeen dheh
Annagaan ku daynine runtii, way damqanayeen dheh

Kuwaad adigu daaraha qarxiyo, deynabada siisay
Meeshay diyaar ugu noqdaan, dib uga faaloo dheh
Gaadhigay soo diraan iyo markaan, taangigii duminay
Dacallada Kamiin iyo markii, Boobe lagu daaray

Dab inay shitaan iyo markaan, daawo uga dhaartay
Dushaa sare wax heehaabi bay, daraf ka keenee dheh
Oo Miig samada duuliyo Jet baa, laygu daydayey dheh
Saldhigii aan degaynay iyo halkii, ay darintu noo tiilay

Dhaawicii dushaasay aroor, nagu duqeeyeen dheh
Madficii ay dudada noo dhigeen, ruuxna dili waa dheh
Gamuunkuu dalbaday Yuusuf, ee dibada noo yiilay
Dam markay kusiiyaanba, way daba maraysaa dheh
Diinta unbaa bir noo noqotayoo, lagu difaacaa dheh

Afartaa wax layskuma daree, deel maka higaadshay
Durbaan iyo daf iyo muusik iyo, daramal ma u qaatay
Ma ka daayey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye
Doc ka fuulka kaadsiiyahaan, uga door bidaye
Intaan danafta raadkiisu jiray, anigu doonaayey

Een daahay la i mood inaan, daayey gabaygiiye
Kolse haddan dawaarkii rogeen, diiradda u qaato
Dulucdiyo ujeedada nafwaha, dood-cilmiyadayda
Danta aan ka leeyahay xikmadan, Daayin igu beeray
Dabcan inay abwaanadu gartaan, saan u daadagaye
Ku darso oo mid kale hoo hadaad, daristay taan sheegay

Dushii Muli ilaa Daaqatiyo, Erar dillaaceeda
Dagaal iyo markii weerar iyo, gaadmo lagu deyray
Geesigu balaynkuu dajiyey, bay dabar go’ qaateene dheh (plan)
Dhiigoodii durduray laaguhuu, wali duljoogaa dheh
Degta Fadis, Gobayle-Mujiyo, Julul, webiga daaciisa
Dalkaa aan hore usoo sheegay baan, diib u soconaa dheh

Nina laysma diidee xaqaa, lagu dadaalaa dheh
Dumarkiyo caruurtiyo habluhu, malaha deel-qaaf dheh
Mahmarkiina waysoo diteen, gaalku duufsaday dheh

Dalkuna inuu xoroobo yaan rajayn, deyrtan manta ah dheh
Dusha inaanu calankii sudhnayoon, Adari doonayno
Oonaan dib uga laabanayna, mari dabuubteeda
In dagaaladii wali socdaan, mari dabuubteeda
Daarihii la riday kaamashii, lagu duqaynaayey
Aar-biigihii lagu dalbaday, mari dabuubteeda (RBG) ...

Xigasho: Dollo.com

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye