Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact
Gabay: Lama Ilaawin, Abwaan Cabdi Ibraahim Magan waa gabay ah qiso dhab ah uu ku tiriyay burburka reerkiisa 2004
Nin akhyaar ah oo tacab adduun, dibad u soo aaday
- Mid umbaa agloolkiyo ka fura, ooduhuu dhigaye
- Adduunyada intaad saaranahay, een ifkaba joogo
- Tii aan lahaa inan-ragoow, kaa agtagi mayso

- Aadanaha taan ugu jeclaa, waxa naflay uumman
- Ubaxii naftaydiyo kalgacal, tii indhaha siisay
- Aqli iyo garaad iyo dadnimo, taan cid la ekaynin
- Indhadeeralaydii qalbigu, uu iskaba raacay

- Gabadhaan itaal quruxsaneey, kaba ahaan waayay
- Tii aan u aaminay sidii, wali Illaah ceesa
- Ammaanada middii aan lahaa, way asturi daa'in
- Tii ay islaankuba qireen, aashi socodkeeda

- Tii aan ku oon baxay sidii, ila xareed keenay
- Tii aan naftaydii idlayd, aabba uga yeelay
- Abidkay middii aanan burin, erey hadday keento
- Tii aan ilwaad ula baxeen, heeso ku ammaantay
- Aabbaheed midduu igu daree, Axaddi lay siiyay

- Gabadhuu arooskeedu dhacay, maalin loo ururay
- Ehelkiyo qaraabadu midday, u akhriyeen diinta
- Ragga aynigayga'a middaan, uga ilroonaaday

- Gabadhii ayaan ii dhahshee, ubaxna ii qaadday
- Awlaad walaala ah miduu, Eebbe iga siiyay
- Wax Ilaahay keeniyo waqtigu, kaa awood badane

- Soow taa ibliis igu direen, kala ugaadhawnay
- Soow taa isfahamkii lumee, lays afgaran waayay
- Soow taa ilmihii ay dhashiyo, ubadkii hoy waayay
- Soow waxaan ka ooyiyo ma dhicin, lama ilaawaan ba

Xigasho: Dollo.com

                                                  
© 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye