| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
|
|
|
Gabay:Internetka, w.t. Abwaan Cabdi Ibraahim Magan waa Gabaygii ugu horeeyay ee internetka laga tiriyo
- Intarneedku waa horumaruu, gaadhay aadmigu e - Aqli iyo garaad baa fikiray, inay abuuraane - Haddii aan akhbaaraha dhibyari, lagu ekaynaynin - Adduunyada wax badan oo ka dhaca, lama ogaadeene
- Asagaad wixii aad rabtaba, u isticmaashaaye
- Qaarbaa in ay madax noqdaan, aawadeed raba e
- Qaarbaa khamaar u igmadiyo, maysar oon ku hele
- Waa ila xareed iyo nimcadii, oo isgarabyaale
- Waxaa jira in badan oon aqoon, aaladdaa timide
Fure:
igmasho: u isticmaalid Xigasho: Dollo.com
|