Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact
Gabay: Ila Noqotay, w.t. Abwaan Cabi Ibraahim Magan Mar uu Safar Imaaraadka Carabta soo galay buu sida caadada Soomaalida tahay dardaaran xaaskiisa ugu tiriyay
- Aaminaay aqliga fiican waan, kugu ogsoonaaye
- Oo waa waxaan ugaasooy hablaha, kaaga aaminaye
- Inaad tahay akhyaar iyo gobbaan, aad u qirayaaye

Dharaartaan Imaaraadka iyo, Abu Dabay gaadhay
- Sidii inan yar ooy hooyadii, xaafad kale aadday
- Inyar oon maqnaa baa qalbigu, kuu abaarsadaye

- Afar iyo tobnaadkiyo mugdiga, aan wax la arkaynin
- Waad ii iftiintaa sidii laydh, awood badane
- Nafta udub-dhaxaadkeediyeey, kaama oon bixine

- Soomaalida Alla ha kaaga dhigo, aabbe iyo hooyo
- Alle naguma qadin caashaqaan, unugnay waagiiye
- Onkod iyo hillaac buu dhaloo, loogo iid nabade

- Ayaan iyo markay ubax dhasheen, waa la oon baxaye
- Cabdullaahi waa wiil anfacay, reerka oo idile
- Aniisada yar waxay iiga taal, meesha uurka ahe
- Gabankaa Ibraahina naftu, way ku Istareexdaaye
- Sahrana waxaan u eegtaa sidii, oogta waabariye

- Haddii uu ammaan yahay gayigu, kama abraareene
- Umaddii walaalaha ahayd, laysu soo uriye
- Waagii iftiimaba dadbaa, eeqo loo diliye
- Damiir lagu inqaadiyo Rabboo, urursho mooyaane
- Isticmaar inuu soo noqdaa, aano loo yahaye

- Uqubiyo iswaa baa ka dhacay, aradki Soomaale
- Ibtilada nahaysiyo markaan, eegay waxa yaalla
- Ila noqotay dhoof iyo inaan, dibad ka aadaaye

- Gabadhyahay Iblayskii ma dhimman, Aadan duufsadaye
- Aayadaha quraankiyo haddaan, diinta la adeegsan
- Irriddaad maraysiyo jidkuu, kaa Ambinayaaye

- Ha addeecin shaydaanku waa, duul inkaar qaba e
- Waxaan amar Ilaahay ahayn, kuma asiibaane
- Sida uu isagu doono bay, aakhir noqotaaye
- Waxba yuun qof adigoo kala ah, kuu indhacaddaynin

Xigasho:Dollo.com

                                                  
© 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye