Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact
Gabay:Dibadaha Ragii aaday, w.t. Abwaan Cabdi Ibraahim Magan Gabaygu wuxuu ka sheekaynayaa xaaladaha ay ku kala noolyihiin Soomaalida dibadaha ku nool
Dibadaha raggii aaday iyo, dumarkii Soomaali
- Duruufaha qabsaday baan badhkood, dood ka leeyahaye
- Dadoow maqal dareenkaan qaboo, gabay ku deelaysan

- Ninkii Damac leh ee eebahay, dawga garansiiyay
- Durba wuxuu abbaaraa halkay, door ka leedahaye
- Dan la'aan waqtigii uu lahaa, ooma daayaca e

- Nimanbaa cimaarado datiyo, daaro fooqya lehe
- Nimanbaa dayuurado gatiyo, doonyo shaaximane
- Nimanbaa diktoor sare noqdiyo, caalin daahfurane

- Nimanbuu ka soo galay dakhligu, dirac ay iibsheene
- Dusha niman xamaalka u dhigtoo, daalin baa jira e
- Dibjir hawlihiisii gaboo, dowdaraa badane

- Niman bay dillaal iyo mallaal, daawadood tahaye
- Rag badan baa daroogada ku gada, meel dariiqya ahe
- Nimanbuu khamaar daashadiyo, doollar baad heliye

- Nimanbaa darmada jaad sidii, wayla doog helaye
- Nimanbaa dacwado soo dhistiyo, duubigay jabane
- Qaar baa dad kale raacay oo, doorshay dhaqankiiye

- Dugsiyada rag badan baa ka dhiga, diinta eebahaye
- Qaar baa bulshada ooga diga, inay dayoobaane
- Niman baa siyaaso u dalbaday, doorashiyo foode

- Nimanbaa dayacay reerahay, dibadda gaysteene
- Dambi midaan samayn baa afadii, loogu daw galaye
- Nimanbuu dabayl roob watiyo, dayra dhaaf helaye

- Nimanbuu qabaw aad u daran, daakhilkaw galaye
- In badan oo waqtigu diiq gashoo, diif qabaa jira e

- Dacallada aduunyada rag baa, duullimaad ku ahe
- Daruuraha mar baa lagu marshaa, ood dallacantaaye
- Marna dow la wada qaadayaad, dacas la jiiftaaye
- Waana shay dabiici ah inaan, laysla degin meele

Fure: Daahfuran: aqoon leh, cilmi badan Dowdar: ma shaqayste Dayradhaaf: dabayl aad u qabow oo xilliga deyrta sii baxayso Soomaaliya ka dhaca

Xigasho: Dollo.com

                                                  
© 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye