Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact
Gabay: Hasha oloshay, w.t. Abwaan Ismaaciil Mire Waqtigii mustacmarka Ingriiska uu amar in Geela la xaraashi karo soo rogay baa Ismaacii yiri haddii Geela la dhacayo markii la doono anigu Lo' iyo Ari baan dhaqanayaa. Mar uu nin la ora jiray Diiriye Xiireey uuna u lisay hal kuna yidhi Ismaaciil cab caanaha aad sii socotide buu Ismaaciil gabaygan tiriyay
Hasha oloshey jeel iyo haraad yaan miduun helaye
Ama harag maqaar baa hor yaal hibasho waa dooge
Ama haaddo waxay sheegaysaa huudaan la ageyne
Ama hadowyo laga qaaday bay u hinganaysaaye

Wax la haaba hiinijiyo ninkii hoos-u tuur qaba e
Hinaasaha i galay reer tolkay hadiba maayaane
Dabaggaal hidiiriyo arbaa haar ku laacdamaye
Hargaamooyinkii buu ku lumay hagafse qooq moodye

Rag ninkii xarrago hawkiyaba hoos nin baw rida'e
Hawraartu waw jirtaa hadalku reer Gaale
Hoog lama qarsado waana taa Heetis loo faqaye
Hawadiisa dhigay geel markii loo habsadey Cayne

Horweyn moodhar Hawd iyo Nugaal dabo higgoonaayo
Oo hadal ku siman fookha wiil ka hindisoonaaya
Hantidiisa iyo waa bilaash hibo nin moodaaye!
Caligeri hawdkaa degaa haw haloosiyo'e

Madheedh hayla hadowgey jeclayd Halow ha daajeene
Hareeraha intay kaga tubaan ha ugu heeseene
Intay habi la'aan ugu tabcaan ha u hayeen awre
Hanqarkii hoglaha Doox ka da'ay ha u hilaadsheene

Nirgo hootanuug hawga dhigo hodan sidiisiiye
Habryoonis sidii ay yihiin ha u haleesheene
Hablo dhalada say wax u hayaan ha u hawoodeen
Haasaawaha haysaga rideen harada Ciideede

Hawraarsan mooyee haddii muran hagaafeeyey
Qabiilkii hundo ahaa haduu hiil isgelin waayey
Habeen-ka-hadhka haanka qotoma halab karuurkeeda
Intaan haaligguu ridahayuu igu habboonaaye

Dirirteeda anigaan holayn ka hargo waa ceebe
Heensaha intaan daba sidee Horor ku qaadaayey
Aan kii hayaba dhaafin jirey kama harraadnayne

Hadduun baan hawaarsadey sidii habaryartay Dhoole
Wiilyahow Hadhuubka iga qaad yaan huqduu dhimane!

Source:Golkhatmo.com

                                                  
© 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye