Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact
Gabay: Maxaa Xiga? Ismaaciil Mire Wuxuu yidhi:
Dadka wada dhashay een lahayn diirnax iyo xeebad
Labada uurka soo dabataye daacad kala wayday
Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane?

Daaraha kiraysane gabdhaha lagu dembaysiiyo
Oo biilka laga doonayaa waa darxumo wayne
Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane?

Darmaanaha waraabaha digliyo daalacay haadka
Dameeraha la bari siinayiyo diiftan Xamar qaayib
Daayimow maxaa xigi adduun dabadi weeyaane?

Naagahan dafiray kii qabee diiday gurigooda
Oo wada dareerayee nin kale doontay lacagtiisa
Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane?

Qarshigaan dirsaday saaka ee dooc i tari waayey
Ee duubka neef ariya iyo daasad bixi waayey
Daayimow maxaa xigi adduun dabadi weeyaane?

Hadday dunidu kheyr leedahay oo la isu daynaayo
Dadkii Xaawo laga uumay iyo duudkii Nebi Aadan
Derajada kuwii loo dhalaan laga dereersheene

Seben-aakhir inuu daahir yahay suurna daba joogo
Doqon iyo ninkii nacasa iyo daaldhaan garane
Cadaabaha dabkoodiyo Allow naar ha nagu daadin

Amiin yaa Ilaahii

Xigsho:Aftahan.com

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye