Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact
GABRE IYO GUMAYSANE waxa alifay-Maxamed Xirsi Guuleed,maanso-2008) ka hadlaya sida uu yahay dhaqanka u dhexeeya saraakiisha ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo jaalleyaashooda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliyeed iyo markii la faafiyey dharbaaxadii quudheed ee ka dhacday Villa Soomaalia Wuxu yidhi:
Gabre iyo Gumaysane
Iyo beri gadood dhacay

Gabay inan ka tiriyaa
Geeraar ka mariyaa
Way ila gudboontee
Waxan soo gudbinayaa
Murti layla garan karo
Warar laysu soo guray
Iyo guud mar waayeel

Wax la yidhi Gumaysane
Gabannimo yaraantii
Gob ayuu ahaan jiray
Geelbuu lahaan jiray
Gaawuu sidsidan jiray
Ha yeeshee gadaalbaa
Cudur aan la garanayn
Dhiiggiisa galayoo
Guudka sare ka soo baxay
Isna wuxu guddoonsaday

Dadka gebi ahaantood
Guri guri dhammaantood
In bukaanku wada galo
Xeeshaase lagu garay
Gacal iyo shisheeyaba
Dadkii gees ka wada mare
Goobtuu yimaaddaba
Gujo laysku fahansii
Sanka gacanta lala boob
Guclo orodna lagu dhaaf

Dabadeed galiilyada
Cuqdad gaadhay xididdada
Waxa uu goŽaansaday
Inuu geeshku baabaŽo
Guunyada la cidhibtiro
Godob laysu wada dilo
ilaa cudurkan gaamuray
Dadku kaga gataan lacag
Guul iyo xil loo qiro
Garbo shaashle lagu tolo
Gondihiisa lagu shiro
Gadhwadeenna laga dhigo

Guntay oo is xayd xayd
Sidii neef la gawracay
Hadba geedo sii jiidh
Hadba gebi ka sii duul
U gal aakhirkii cadow
Guluf soo abaabule
Hadba guuto soo dire
Ku hungoowyey dhawr goor
Mar ay talo gabaabsiday
Wiil Goondhar lagu dhalay
Gabre looga magac dhigay
Gosha bidix ku soo qaad
Garab iyo u noqoy xoog

Gabre waa habaarqabe
Dadka Goondhar joogaa
GURRAC! bay yidhaadaan
Gobolkuu degaabay
geeridu hadhaysaa
Guriguu yimaaddeey
Gaajadu u hoyataa
Inta cudurro gooniya
Guudkiisa lagu wadhay
Tiro laguma garan karo

Kuye waar Gumaysane:
Aan kuu gargaaroo
Dilka aynu guullee
Godobtaada ii sheeg?
Inta ay ku gadanteed
Ku gamŽayso ii sheeg?

Wuxu yidhi Gumaysane:
Gabre gacan macaanoow
Galti awliyaadoow
Marka hore gargaarsiga
In Giyoorgis lagu daro
Gaalada buruudka leh
Gurmadkeenna loo waco
Baaderiga gaadhsii

Marka xiga garaadoow
Gabannimo yaraantii
Markaan geela hayn jiray
Nin i gawdhiyoo beri
Gego igu legdaa jiray
Waa in aan ka goostaa
Qudhna uuma garan karo
Ha gubteene idilkood
Ku garaac madaafiic

Dhanka kale guyaal hore
Markuu cudurkan gaamuray
Sidaad aragto ii galay
Iimay gargaarine
Way igu giriifeen
Cidlay igaga guureen
Anna waxan goŽaansaday
Taa inan ka gooyaa
Gondahayga keenaa
Lay wada garaabaa

Gabre sheekadaa dheer
Gocashadaa raqiiska ah
GARTAY! kaga jawaab celi
Gacantana u soo tag
Duqan gees ku ciirka ah
Ballan inu la sii galo

Kuye waar Gumaysane:
Waan kuu gurmanayaa
adna awrka gaadiid
een ku guuro maad noqon?
Ciilka igu gaamuray
Markaan taada garab dhigay
Godobtaadu waa sahal
Haddday taadu gelin tahay
Taayadu geyood ma leh
Nimay Gurey lahaayeen
Mar uu beeshayada galay
Wuxu geystay waa hore
In aan goosto mooyee
Guul kuma xisaabtamo
Geeridaada dabadeed
Gulufkaygu wuu socon

Sidaa laysku gacan qaad
La gal duul warmooge ah
Gobol nabada weerare
kumannaan qof gawrece
Galacleeyey dhiiggii
Guryihii qurxoonaa
Laga yeel gabaahiir
Gurte duunyadii tiil
Shabackina gumaysiga

Geeri bay ka doorteen
GoŽaankii dullaysiga
U daruure gaashaan
Gabre iyo Gumaysane
Goolkoodi dhalan waa
Afartooda geesood
Kaga ciye gantaalladu
Fahme inay goŽdoomeen
Guuldarro iyo caadkeed
Iyagii is gooddiye
Gefaf laysku eedee
Gacan qaad la soo sheeg

Goolaaftan dirireed
Galab laysu soo baxay
Dad gumaysi diid ihi
maalin ay gadoodeen
wuxu yidhi Gumaysane
Gabroow geesigiiyoow
Geestaa waxa dega
Niman gacallayaalee
Garab aan ka dhigannee
Ka yaree gantaalada!

Gabre cadho is girangiri
Ku gadood af shaydaan
Gacantiisa kor u qaad
Ku bilow Gumaysane
Ku gaggabi dhirbaaxada
Isagina galgalashada
Gabbashiyo gargaar dalab
Gacmihiisa taag taag
Gasariir ku yidhi heeeeeee
Gabroow waan ka tegayaa
Gefkaan falay muxuu yahay?

Kuye inan gumeedyahow
Soomaali gibil-madow
Yaa kala gur kugu yidhi
Giddigiin qushaashaa
Midna gacal ma noqon karo
Adiguna garaad xume
Gaadiid-qaadkay baad tahay

Gabre maaha kii hee
Is gamaarintii daa
Galka seef ka soo sar
Geddii lagu aqoon jiray
Gole loo dhanyahay keen
Wuxu yidhi goŽaan culus
Magal YAA Gumaysane!:
Askartayda gaarka ah
Wixii gaadha qoomaal
Kuwa gaarka kuu aa
Laga goynayaa qabo


Waxan kaloo goŽaansaday:
Gabdhihiina quruxda leh
Oo wada gashaantiya
Goortaan u baahdaba
Gelbis inaad ku keentaan

Wuxu yidhi Gumaysane:
Gabre geesigiiyoow
Askartaada gaarka ah
Cidda looga aar gudo
Marna kama gilgilan karo
GoŽaankaasi hadal ma leh
Dhanka kale gabdhahayaga
Guurdoon haddaad tahay
Waa wada gayaankaa
Aw cali-gadhoosiyo
Sheekh Aadan good baa
Meher kuugu gawsiin

Gabre cadho is girangiri
Ku gadood af shaydaan
Gacantiisa kor u qaad
Ku bilow Gumaysane
Ku gaggabi dhirbaaxada
Suxulkana ku gaw sii
Isagina galgalashada
Gabbashiyo gargaar dalab
Gacmihiisa taag taag
Gasariir ku yidhi heeeeeee
Gabroow waan ka tegayaa
Gefkaan falay muxuu yahay?

Kuye waar Gumaysane
Nin garaad xunbaad tee
Gaabsibaan u baahnee
Guurkiina yaa raba?
Maydinkaa geyaanba ah

Isagoo Gumaysane
Iska dhigaya guulwade
Gabre raalli gelin kara
Gudan kara xilka u qoran
Wuxu yidhi garaad-xume;
Gabre ina Zenaawoow
Geesigaannu xididnoow
Gallad Eebbe weeyee
Gabadheheenna sharaftale
Anaa soo gudbinayee
Gelbintooda dabadeed
Gabannaday inoo dhali
Gabre maw bixbixinnaa?

Gabre cadho is girangiri
Ku gadood af shaydaan
Ku garaacyey feedh-jilib
Gacantiisa kor u qaad
Ku bilow Gumaysane
Ku gaggabi dhirbaaxada
Isagina galgalashada
Gabbashiyo gargaar dalab
Gacmihiisa taag taag
Gasariir ku yidhi heeeeeee
Gabroow waan ka tegayaa
Gefkaan falay muxuu yahay?

Kuye waar Gumaysane
Goxoshyahow habowsani
Garacyada sideebaa
Gabre loogu bixiyaa?????
Kuye hadal goŽaanlee
Gabre geesigiiyoow
Galabtaad aroostee
Gasho macatabkaagii

Waxaas oo gef lagu falay
Kuma duxin Gumaysane
Ma garwaaqsan xaajadu
Inay soo gurracantahay
Hadba gabadh yar doon doon
Hadba gaari raadcee
Hadba guuto dhan u dalab
Garbaduub mid lagu wado
inay golaha keenaan

balse guul lamay hoyan
Gabadh dhoorle xiitaa
Laga waayey gobolkii
Giddigood jihaadkay
Geesta uuga biireen Guubaabadooday
Geesiyadu ku dirireen
Shicibkana gadoodkii
Hadba goosan sii biir
Gurmadkoodi soo baday
Gulufkoodi weynaa

Isagoo Gumaysane
Gacma madhan la yuurura
Oy geeso tubanyiin
Gaaraayucuuntii
Gefka kala shaqayn jiray
Gabre yimi abbaartii
Gaafkiisa laga waday
Gebgeb iyo mashxaradiyo
Gelbinbuu filaayee
Afka juuqda gabay arag
Iyo geeri muuqeed

Kuye aawey gooshii
Aad ii gelbinayseen?
La ye garanba maynee
Bal weydii Gumaysane
Isaguna Gumaysane
Gargariir ku yidhi hee
Gobolkeena oo idil
Laga waa gashaantimo
Waaryaa gumaysane
Dadkii kaleba garannee
Gabadhaadi aawey?
Gabre ugu jawaab celi

Meel aan la gaadhayn
Iyo gobol shisheeye ah
Ayey guudka fidhaysaa
Gurxan hoose ugu sheeg
Gabre taasna liqi waa
Ma garaysan hadalkaa
Gogol badinse ugu celi:
Waaryaa gumaysane
Kuwan geesta kaa tuban
Gabdhohoodi aawey?

Intuu yara gunuunucay
Wuxu yidhi gumaysane:
Waddamada galbeedkay
Geysteen dhashoodo
Kama gaadhi karayaan
Inay galabta keenaan

Kuye maqal Gumaysane
Dhaxaad gidhiishiyo
Been iga gadaysee
Usgagbaa I gubayoo
GamaŽ jiifsan maayee
Haddii aan lahayn gabadh
Adba aan ku guursado!!

Haddeer fahan gumaysane
In aan guul dambayso
Gabre laga filaa jirin
Naxdin labada geesood
Gasariir u daymoo
Arki waa il gacaloo
Ka gilgilata ceebtaa
Dhidid leŽeg galaasyada
Guudkiisa sida roob
Gabax uuga soo yidhi
Ilmo goboŽle lagu arag
Gocay boqol xasuusood
Iyo wuxu gef soo falay
Gaarkii isula hadal
Alla geeri, waa hore
Godka maan u jiifsado
Alla yaa I gawraca
Muu gurigan baas dumo
Dhulku aniga ila goŽo

Isagoo halkii gegan
Gabre weedhi ugu celi
Guntigiina soo furay
Gogoshiina loo fidi
Hayeeshee GIG lagu toos
Goortaa tilmaanta leh
Waxa dhacay gariir culus
Madfac gawle baa baxay
Guushii Allaa timi
Shicibkii gadoodaa
Soo dhaafay gaadhkii
Waxa laysla soo galay
goobtii xilka lahayd

Goblan tala adduunyooy
Waa kaa Gumaysane
Ku galbaday nasiib xumo
Waa kaa godkii galay
Nin gumayste raacaa
Gaarka u lahaan jiray

Maxamed Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye