| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
| Gabay: Wacdi, w.t. Maxamed Cumar Dage, wuxuu gabaygu muujinayaa sida Maxamed diinta u jeclaa
Wuxuu Yidhi: Nimanyahow adoomaha badhkood, male aqoon wayne Kolba waxay arkaayaana waa, ku arin qataane Mana oga amuuraha Ilaah, inay ahaadaane Asmaa’iga qur’aankiyo sharcigiyo, aayadiyo diinka Kutubaha war lagu soo ebyee, uunka wada gaadhay Ogaadaay ninkii ka anfiyaa, aayatiin malehe
Aadaanka gabay waanigii, aaladayn jiraye
Maral lagu arkaayiyo ninkii, cuduri naafeeyay
Haddaad aragto aadmiga nimaan, ubad u ciidmaynin
Aabiga libaaxuba wuxuu, ayda sarre maaxo
Axad waabari toomantoo, dunidu aafowday
Jilaal abaaraad hadduu, adhigu kaa liico
|