Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact
Gabay: Gatatac, w.t. Maxamed Cumar Dage Abwaanku wuxuu gabayga tiriyay sida ula yaabay markii abaarti dhamaatay oo dhulkii doog iyo xareed nimcaystay sida fudud ee dhalinyaradii dhaso ugu hilmaantay jiilaalkii dheeraa ee la soo maray oo ay dhaanto ka tunteen meeshii ay ilaaheey ku mahdin lahaayeen. ?
Nimanka gaardiyahayoow waxaan, idin garwaaqsiiyey
Gudhiye goortuu dhacaye, uunku kala giigayr
Gaajada markii loo dhintiyo, gubayadii oonka
Garlowgubay in joogtiyo markii, gacalku eedoobay
Gabdhihii iyo xigaalkii markaan, garan aqoon wayney
Ee adhi haweenkii gabiyo

gabadhii raacaysay
Ee gara-habaas laga tagiyo, giiranoow sumalka
Gandaalkii haboonaa markii, giiran laga xooray??
Gurgur qaadku goortuu jilciyo, gaatiyaha owrku

Gallaydii Golweyn tiilay markaan, ganac ku soo waynay
Ee gaanidii naaxday iyo, goolkii la idlaystay
Geelii dhalaayey markuu, milicda gowriiray
Geeyaha habaaska leh markay, gabantu hoos tiilay
Ninkii gabal aroorshaba markuu, rarayey gaadiidka

Goglo iyo gayiga loo dagay iyo, Xero-xun gaafkeeda
Goofkii Tagaabeeye iyo, tan iyo Gees Dheere
Goon-ma-waaye intii, Toomo laga gaadho

Gaawaale Xaaxi iyo, Dhariye geestiisa??
Xidhkii Gowlalaale iyo gabriyo, Miiro gudahooda
Garasleey gargoorkii dusha, Gowlo iyo laago
Gummareey guryaha ilo Goonyo, iyo qaali??

Golduulaan Garaac iyo tan iyo, geeska Coboleey ah
Guro-koraadkii arlada markii, gooshin laga waayey
Galaal xoorku markuu dhacay ee, gaadhku na idleeyay

Gagabo xoog leh markii, goodir laga buuxshay
Gamco hoorsi midhihii markii, xoog la garan waayey
Giblo lama tumaynin iyo, gurbaan la gig siiyaaye
Waa tii ciyaar laga go’iyo, guuxi dibadeede

Waxa lagu gataataca hayaa, soo gu da’ay ma aha
War galadaha Ilaahay maxaa, gabay Abaalkooda
War gaardigeeniyo danbigu, soow guracan ma aha

Xigasho:Golkhatumo

                                                  
© 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye