Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact
Gabay:Geela w.t. allaha u naxariistee Cumaar Australiye. Cumar walaalkii Cabdullahi oo markuu Cadan tagay ku yidhi Geel baan inoo iibinayaa. Hase yeeshee markuu soo laabtay buu yidhi baabuur baan inoo iibinayaa. Markaas cumar oo Geela aad u jeclaa Gabaygaan tiriyay
Sabanadanba waa taan ka tagay sa' iyo wowgiiye
Waa taan ka saahiday tan iyo sebenki dayreede
Xalay uun baa saqdii dhexe hurdada siidhi lay tumaye
Sifaheeda maqal waa tixdaan saxayay waayaaye

Adduunyadu ninbay saacida saa'irtaa beriye
Sannado iyo gu'yaal dhawra bay sare u qaadaaye
Sinti adag haddaanu ka dhaqan siinad iyo xoolo
Markaasay sidii la arki jiray sibiq ku dhaaftaaye

Salaantiyo bariidadan cadmeed soorta iyo qaadka
Sanduuqyada camirin aaladdaa kuu sudhsudhan baydka
Sariiraha furshaantiyo cudbiga laysu kaa saaray
Sidaa aabaheen kuma anu dhaqan siiga iyo laane

Soomaali aradkeedu waa siigo iyo qiiqe
Salka lama fadhiyo nimaan lahayn suluxii heemaale
Ana waan sahladay waxaan miyiga siinad ku lahaaye
Ku saranseeray roobkoo ku simay Sud iyo Gaaroodi

Saqda dhexe haddii lagu lalabo socotadii geeddi
Koromada sagaal jiray haddii keeno lagu saydho
Aqalada sintoodii haddii sibirta loo laabo
Qarqarsiga haddii lagu sakalo sayncaddaha dhaartay

Heeryada haddii lagu sawiro suunka iyo bayda
Samay markaad tidhaahduu adhxaha sare u qaadaa
Waa wuxuu Ilaahay sandahay saad u eegtaaba'e
Sideed loola iyo tiirki iyo saamihii adari

surradii ubbada teedsan iyo saabka iyo haanta
Intaasaa la wada saarayaa saa'id weheshaaye
Siqiirkii dhalaankana guray uga sameeyaane
Goortii suryada loo furuu sare u boodaaye

Salinkiyo wax lagu caawiyaa suuradaa adag'e
Meeshiyo salaadiyo hadhkuu socod u jeedaa'e
Dadka oo surmiyay bay furaan sool abaar badan e
Dabadeedna seetada xiggtaa la isu saaraaye

Adduun lama sinoo geelu waa siinad gooniyahe
Rag sardamay sokeeye is dilay oo sabada mayd yaalo
Sooyaanka xaajada haddii odayo loo saaro
Sargad dheer haddii lala dhex galo seenyo xeradeeda

Sidka dhalay marcurad suura iyo sagal_madow qaalin
Sideed awrka lagu dhaamiyee sagal baruuroobay
Sodon na haysku dhimatee haddii ugub la soo saaro
Sulux iyo ammaan baa gacmaha laysu saaraa

Seedi iyo abti iyo walaaliyo nin iyo saaxiibki
Kol haddaan raggii kala suntaday wax iska siinaynin
Suuq joog magaaliyo dilaal sogobti mooyaane
Si kaloon ku taaba ma jiro suluxi heemaale

Source: Hooygasuugaanta

                                                  
© 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye