Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact
Gabay: Amaanta Geela, w.t. Cali Dhuux oo caan ku ahaa amaanta Geela
Haddaan baawar kama waayayee, bilo dhaqaaleeyo
Barrimada caleentana leh haddaan, bariba meel geeyo
Markay balaxsi doontana haddaan, dhanaha boobsiiyo

Bartuu fadhan ku yaallana haddaan, baalash kaga jiido
Middii aan dhukaan bido haddaan, biimo ku ogaado
Goortii ay bogsootana haddii aan, badhika fuudsiiyo
Haddaan baanto xooluhuba way, badan xumaadaane

Baadida lumaysiyo haddaan, baylah ka ilaalsho
Bahalkiyo waraabaha haddaan, Baar ka celinaayo
Haddaan baytimaal kuma gashee, Buro xannaaneeyo
Inay bulanto mooyee haddii, bixinta loo diido

Haddaan naago kuma baayacee, baali laga dhiibin
Barbaarnimiyo doobnimo haddaan, baaqi ku ahaado
Anigoo basaas qaba haddaan, bawdka hore seexdo
Boolbaraha ciiddiyo haddaan, boorashka u jiifo

Waa baxarka gelee haddaan, bidho ku haaneedo
Bakhayl magac ma yeeshee haddaan, bixiyo dheefteeda
Haddaan labanka Boodey martida, ugu bashaasheeyo
Bun haddaan u dubo oo wadaad, baro ku yaasiimo
Haddaan baraha jiilaal kobtii, baadle ku ekeeyo

Oon baagamuuddiyo u huro, inaan ka baashaalo
Bandarada magaaliyo haddaan, balad u moogaado
Buugtiyo iskuullada haddaan, barashadood daayo
Haddaan kabo banbiira ah toshiyo, rabadhka baabuurta

Haddii anan bashlaynine xarrago, baal isaga tuuro
Baqoole iyo guuraba haddaan, baadhi la ahaado
Bilaheeda oo idil haddaan, Baayir daba joogo
Barigay dhalaysana haddaan, boqon ku seeteeyo

Barqin horada laba goor haddaan, baaciyoo celiyo
Goortay cabbaar biliqsatay, meel isbabacdaaye
Bishamaha madow iyo markay, buulka hore keento
Bisinkiyo haddii aan u maro, baabaddii nabiga

Haddaan nirigta beydaanka dheer, bogga ka soo jiido
Bishaaraan idhaahdaa intaan, bururo reynreyne
Basarka geela loo dhaqo haddaan, baab walba idleeyo
Intaasoon ku baaqtamay haddaaan, been ka dhigi waayo
Saw badashadiisu waa waxyare, boqol ma dhaafaayo

xigasho:Golkhatumo

                                                  
© 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye