Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact
Gabay: Qurba kuma nagaadeenwe, Cumar Cabdi Nuur Nuux-10/05/2002.,Tixdaan Wuxuu welwel kamuujinayaa in xornimadii naf iyo maalba aabbayaasheen u hureen ay si fudud faraheenna uga sii sibxaneyso. Haddii aan rag kale u istaagin intay goori goortahayna saadaashu aysan fiicneyn.
Wuxuu yidhi:
Qaran dumay dadkiisaa dhamaan qaxar asiibaaye
Qaxii Xamar kadhacay waad ogtiin qulub wixii yaaley
Qolo qolo kusoo duushay iyo qolo ku sii duushay
Qiyaamaha wixii lagu matalay qac iyo baaruudda
Qardojeex waxaan soo maraan dibu qiyaasaaye
Qisadeedu waa dheertahaye yara an sii qaado

Qurac iyo mareerkiyo wixii laan iqabaneysay
Hadba buur qarfaa iyo waxaan waadi qaadaayey
Marna keymo qoofalan maryaha qaarba dacal jeexay
Qolofdhaca cagaagii waxay qodax innaafeysay
Qoloonkiyo biyaha qura waxaan quud kadhiganaayey
Intaasoo qatooyiyo dhibiyo qax iyo aafaad ah
Qurbe uma hayaameen haddaan qaran nabdoon heysto

Qaaraddii madoobeyd markaan qiil u bixin waayey
Qolo dibadda joogtaan kahelay qabasho dheefeede
Waxaan sii qaloombiyo waanigaan qaarad kale jooga
Inkastoo Qaxii iga haroo yara qaboobaaday
Oo qaddarka Eebahay cidina qoonsan karaheynin
Qurbe kuma nagaadeen haddaan qaran nabdoon haysto

Quruum aanan garaneyn guryaha qolo ma seexdeene
Qamandhaco jirkeyguna in badan lama qaloodeene
Qosolkiyo farxadda waayo badan kama qatoomeene
Anigoon wax qabankarin indhaha kama qashuuceene
Qamuunyiyo is ciil ciil haddana qosol maraacsheene
Qisadeydu waa dheertahaye qaarkale an sheego

Magaalada haddii aan qabtoo laamiga anqaado
Saanqaadka socodkaa lagaran qoomka aan ahaye
Qowl markaan iraahdaa nafluhu qosol laseexdaaye
Qobka diirka ayaa iigu filan inay iqoomaane
Qaxootiga wixii iga qabsaday yara an sii qeexo

Quursiga waxaa kaaga daran qadafka joogtaahe
Dhaqankiinu waa qaasiroo diintu waa qalade
Qoysaska waxaa loo dhaqaa qaabka reer yurube
Qamiiskiyo maryaha aad qabtaan waa wax qaabdarane
Qolol haysku xirinee baqtiga qooshta dhinaciinna

Intay qarinayaan baa kadaran qowlka hadalkooda
Halahaas qisooyinkii dhiciyo qarow abwaaneed dheh
Qurbe nimuu waxyeelleeyey iyo maanso quruxdeed dheh
Halakalana qubxis been ahoo rag ku qaraabtaan dheh
Qabqablaha dagalkee kidbiga qolokastaw sheegay
Toosh aan kusoo qabanayiyo qalin masiibaa dheh

Qabiil baa na laayeey in badan qiil kadhigayeene
Qallaafiyo Hawaasay iyana shirar ku qaataane
Qolo qolo makala laha intaas waa qayilayaane
Qosolkana waxaa loo mudaa duul qaraaba ahe
Ninka qaba sidii dumarka bay amar ka qaataane
Sambabadu intay wada qarxaan qufac ha daataane
Sow beentii qorrax kama caddaan qaranka naafeysay?

Qori iyo gantaal bay la dhicin qolo masaakiin ah
Qafaalkuna mareebana hadday quud kuhelayaane
Qurqurada waxay ugu hayaan dhiig qabow badane
Qanjir iyo waxay nagu noqdeen cudur an qaadeyne
Sambabadu intay wada qarxaan qufac hadaataane
Qaniinyada sidii bahal wax cuna qolodu saw maaha?

Xigasho:Dollo.com

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye