| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
|
Gabay:Tolkeey Heshiiya, waxaa tiriyey Cumar Cabdinuur Nuux(Cumar Nabadoon) – 05/05/02. Gabaygu wuxuu isugu jiraa guubaabo, calaacal iyo tusaaleyn intaba.
. Wuxuu yidhi: Soomaaliya dalkeennii baa ragow silic ka muuqdaaye Saadaasha gabay baan rabaa inaan ku saafaaye Mindi saawiraan laga samrine saaka idhageysta
Sahal uma tillaabsado ruux hadduu seedaha isgooyo
Sujuudiyo nimaan lagu kareyn inuu salaadaaba
Qabiilada rabbaa suubiyoo waa sirgooniyahe
Sagaal bilood ninkii lagu dhalee socodna kaa liidan
Saqiirkiyo maxaa loo dilaa samaha kii sheega
Sodoh iyo dumaashiba haddii saaqid ka adeego
Dhaqan soo jireenaan lahayn waad la socotaane
Sanawaad haddii aan jabnoo suurku nagu yeeray
Deeqdii subxaankaa dhammaan wada saluugteene
Su’aal baan jawaab uga rabaa kii siyaasiyahe
Siyaasadda waxaa loo galaa ma ahan seegseege
Sikastoo layeelaba haddii xooggu socon waayey
Sankuneefle khalqigii dhammaan waa na sugayaaye
Sacabbada wixii kuugu jiray yara intaad seydho
Siinleyda meeshaan la rabay sahal ma qaadsiiyey
Subxaanow adaa karahayee samaha noo meeri
Sirta kii maleegana Rabbow siriqda uu laaco
Sannadkaan Ilaahow qabqabo samaha kii diida Xigasho: Dollo.com Qaranka online |