| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
|
Gabay:Dhambaal
Gabaygaan waxaan ugu talo galay in aan ku baraarujiyo dhalliyarada Soomaaliyeed ee hogaamiyayaasha dagaalku ka dhigteen wax ay ku meel gaaraan, mustaqbalkana uga ciyaaraan.
Wuxuu yidhi: Dhallin iyo waxgarad Soomaliyeey, waa ad dhimateene Dhanba kuuma nooliyo, waxaad dhowrataa abide Dhugmo yeesha oo diida nimankan, jaqaya dhiigiina
Dhufeysyada maxaad ugu jirtaan, dhaxan idiin laysay
Dhalashiyo hadday garanayaan, dhaqan wanaagiisa
Dhalanteedka beentaa arkoo, dhaayaha iftiinsha
Dhaawacaba cidlay uga tagaan, dhaaxa abidkoode
Dhibka iyo waxyeelada, maxaa dhaxal idiin siiyey
Dhaqaaliyo tijaariyo malaha, meel wax laga dhoofsho
Ma wax dhaama oo taliya baan, dhalanin waa yaabe
Dhambaal weeye gabayguye, u dira dhallinta soomaali
Dhacadiidka isagoo hurduu, amar ka dhiibaaye
Dhabarkiyo kolkaad uga jabtoo, dhudhun ka naafowdo
Waxay kugu dhahaan qolo kalaan, kaaga dhicin maale
Dhibaatada ku soo gaartay arag, dhallinyarow maanta
Uma dhalan inaad daafacdaan, oday dhallaan ruuga
Dhagax weyn haddaad qaado oo, dhimbil dab aad saarto Dhammaad male bagteeriya sideed, waa is dhalayaane Aduun baa dhimanayee, iyagu waa dhursugayaane Dhaldhalaalka waxaa lagu sugaa, dhabar jabkiinaase
Dhambaalkeygu waa kuu yimiye, dheeho hadalkeyga
Dhagax jebi ama dhoobo qodo, kaaga dhow nolole
Muslinimo haddii lagugu dhalay, diintu waa dhaqane Xigsho:Dollo.com Qaranka online |