| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
|
Gabay:Dacwo, Cumar Cabdi Nuur Nuux, – 10/05/2002. TixdaanWuxuu welwel kamuujinayaa in xornimadii naf iyo maalba aabbayaasheen u hureen ay si fudud faraheenna uga sii sibxaneyso. Haddii aan rag kale u istaagin intay goori goortahayna saadaashu aysan fiicneyn.
. Wuxuu yidhi: Deggen inan yar oo goor barqaa, dooxadatu fuushay Umul deyrka gurigeedii hore, lagu dukhuulaayo Iyo hooyo doorkay dhashaba, duugta laga yeelay
Duq waayela digtoor iyo wax-garad, culimadii diinta
Inta dibadda joogtee qurbaha, dayac ka meel waayey
Rag baa doolar laceggeed ku hela, dhiiga daadanaya
Dawladnimo rag baa diidey oo, doonin oo nacaye
Deriskii heshiiyaba rag baa, dacar ku nooleyne
Ilaahoow adaa daa’iinoo, dunida maareeya
Ninkii samaha diidaa Alloow, dabinka uu laaco
Dadka iyo dalkuba waa bestood, daqaradii gaaray
Inkastoon dambownoo in badan, dalag xun aan beernay
Eldooreete kii diida ee, nabadda diihaalsha
Daalucul quuluubow adaa, daawan oo garane
Diyaaradaha sii wada raggaan, Diridhabow qaada
Intaas oo shirbaa loo dalboo, looga soo digaye
Qaran dumay rag soo celin karaa, doorkan ha yimaado
Dagaal ooge wixii lagu yiqiin kolley ma dayaane
Gumeystaha na dilayey intaas, dagal la jiifaane
Hadba meeshii loo dira unbay, dali katuuraane
Dumar iyo caruur bay kasli’i, duugayaan abide
Ilaahow adaa daahiroo, dunida nooleeya
Dagaalada na wiiqiyo, raggaan gaalka daba jooga
Amiin-yaa Illaahii
Qaranka online |