. Wuxuu yidhi:
Ilaahay markuu dunidan godey ees giraangiriyey
Isagoo quruumana gadiyey oo gab kaga siiyey
Sow Aadan oon gacal lahayn gegi masoo taagin
Sow Xaawo Feedha godan ugama soo goynin
Ninba sow geyiga Eebbahay geesta kama raacin
Goosan waliba meeshii uu tegey sow rag kama guulin
Oo Geeska Afrikaad sow annaga Guulle nama keenin
Adhiyo geel gammaan iyo lo' iyo geedo kala jaad ah
Biciid gees leh garannuugta iyo goodirkiyo cawsha
Geriga iyo deeriyo gunburi goray hadaafaaya
Golcasta iyo dabataagta iyo guunyo dananaysa
Gabbadow shabeel gaatamiyo haramcad guuxaaya
Maroodiga gollaha daaqayee wada gaboodyeystay
Afka laguma wada gaara iyo gaar u kala sheege
Waxaan godollo waxaan gowracniyo qaar an gadannayno
Iyo gurada qaar laga koroo orodka gawsiiya
Iyo dhul aan gasiirado lahayn guguna seegeynin
Oon dabeyli guri kaa rideyn dahabna guurtaas ah
Durdur aan go'ayn goof bir-qod ah webi gufaacaaya
Iyo beer dhaqsaba kuu go'doo godadka loo jeexdo
Sow gorodda Eebbahay waxaa nooma soo geline
Guud ahaan Soomaalidii sow gees isuma raacin
Diintuba gallade sow Furqaan laguma gowriirsan
Gaban iyo gabow sow qur’aan gawda kama saarin
Waqti gudub waqtina gaadh waxay goortu noqotaaba
Barwaaqadii garoodhiyo nimcadoo gililicdaa haysa
Shayddaan giblani waysagii xeebta soo galaye
Gardarriyo waxay suubiyeen caado gogoldhaafe
Rag bay inay gadh qaataan rabeen amay gumeystaane
Geedaafadaana Soomaaliyey waan ka gubanaaye
Axmed Gurey intuu subax guntaday sow shir uma guulin
Sow gulufku qaylada dhulkii guure kuma jiirin
Sow Gal iyo Caameer farduhu gaasas kama keennin
Geeridu xaq weeye sow cabbaar la isma guubaabin
Gamuun dhoobe leeb iyo gantaal xadhigga loo giijo
Garmaqaate gaalleef mindiya gudimmo xiireysa
Gamas waran billaawaha gayaxan seef gal laga jiito
Iyagoo hubkaa gacanta iyo geesinnimo haysta
Sow gaashaandhig weeye dagaal uma garwaaxeedsan
Nacabkii garbuhu sow ma jabin way gaggabiyeene
Gorgorkoo cuniyo sow darxumo goobti kama raacin
Sow gaardaymoode ee cabsiyu kama gariirsiinin
Guryihii faqriga sow kolkaa dani ma gaarsiinin
Kama gudose geed baa la yidhi neef la gowracaye
Goommane dugaagguba ma karo goobis kala jiife
Intii wiil gaboobaa nimani way gabbanayeene
Goonyaha dhulkeenniyo waxay badaha gaaftaanba
Illayn tuug dadkoo gama'san waa soo galbanayaaye
Gasadeenna iyo sow ma iman ciidda gudaheeda
Sayid Maxamed sow kama gilgilan xumihii loo geystay
Sow gabayadiisii nafluhu kama galiilyoonnin
Gurmadka iyo sow qaylo dheer lama galaayuusin
Kolkaa sow fardaha gaamuriyo geenyo lama fuulin
Af-gumaas shanlaha goyska iyo giirre labammaar ah
Jigre-gaab hilqadlaha gadhka leh godane maadhiinka
Wajaf gowso weyniyo rasaas gumucu qiiqaayo
Iyagoo gunaanaday naftoo weliba gaadiid leh
Geyr kulul Daraawiishtu sow uma gadaan saarin.
Cadaawihii galdaasayey sow lama gawaanraacin
Ha galgalato sow laguma dhigin way gasbanayeene
Sow guduri xuurti ihi ma cunin waa geddii hore e
Kolkay taladu gow joogsatayoo ciiddan laga giigay
Gafuurro-cadde sow Reer Galbeed ficil ma soo goohin
Giddigoodba sow maalintaa nooma gacanqaadin
Dusha guudka xarunteenii sow lagama soo gaadin
Dayuurado garnayl tuuri sow weerar kuma gaacin
Taleex sow gelgelintaa ma noqon ama gabaaddiirta
Gambo xidho ma yeelaan kol bay gobise liicdaaye
Gujo qudha xornimo kuu jirtana waad u geyllamiye
Inaan gibisha tuurnoo caqligu naga galoofoobin
Sow rag is galaalaa mar kale uma gallaydhyeynnin
Guhaad baan qabnaye sow indhaha looma guruxsiinnin
Ha Noolaato geeraarkii sow laguma soo gaabin
Galabtii caddaankii ogaa goobta Dhagaxtuur ah
Galow ciyey haddii ay maqlaan ama galool foodhyey
Sidii gaban carruureed ilmadu sow ma gobo'leynnin
Hashiise dhowrka jeer gaaggaxdee layga gudhinaayey
Lixdankii anoo gool ah sow gaaxdi kama maalin
Xigsho:Aftahan.com
Qaranka online