| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
|
Gabay: Seben, Axmed ismail Dirie "QAASIM" (HY), 1974.
wuxuu abwaanku ka tiriyey markii Afweyne ku dhawaaqay wuxuu ugu yeedhay sinnaanta ragga iyo haweenka.
. Wuxuu yidhi:
1. Eeylo iyo Siwaaqroonta xumi ha i suryeeyeene 2. Seetada ha ii gaabiyeen sabab la'aaneede 3. Seeddiyo boqnaha hay jareen sab iyo laangaabe
4. Sanqadhyari ha ii dilo Tumaal siiqya looshadaye
7. Hadba hay saloosheen sidii geedka saarka ahe
10. Seeftii Abgaal bay agtaal saawirta ahayde
13. Warsangeli Suldaan iyo ma jiro Boqor la sooraaye
16. Wax Siyaasaddii loo egmadey silic ku nooshiiye
19. Dhulkan Suuradii lagu beddelay socodna dhaameelay
22. Waa sixirradii Bucurbacayr sananka muuqdaaye
25. Naagaha surwaalkali mashxarad ha u safnaadeene
28. Saadaaladaa lagu gartaa sebenka caal waa'e
31. Samadii daruur laguma arag Seermaweydadae
34. Nin kastoo sallaan dheer u baxa siibashaa xigiye
37. Maantana Siciidow waqtigu saamaxaad malehe
40. Dhiig buu sidaa waqalkan aad sagalka mooddaaye
43. Duulkii sedkoodii dhammaa saancadka lahaaye Xigasho:hoygasuugaanta.com Qaranka online |