. Wuxuu yidhi:
Allahayaw adaa deeq baxsho, dooja aadmiga e
Adigaa diyaafadin naflaha`, qurus u door roone
Adaan daalin oo aan kabaqan, deegis iyo caydhe
Adaa ruuxa meded kaa, dalbaday hiil u soo dira e
Anna maanta baaq baan damcaye,ducada ii oofi
Eebow abaaraa damyidhi, degeladii qiiqe
Waa kaa cirkii soo dednaa, dagagar saarayne
Ma daroorin deyrtii wacneyd, doorkan laba waaye
Daydadii hungowdoo ma rogin, dooxyadiyo ceele
Diraacduba marbay fiican tahay, daayinkay magane
Danbe-same halkii uu lahaa, dirir u duukeeye
Dhulkii xaalufbaa diirtayoo,doog kabixi waaye
Dhidinkiyo kolay daran ku tahay,geedma saac daye'e
Danbar lagama helo xoolihii, dararta waynaaye
Nugulkuna daraayee isagu, daayay hadalkiiye
Wuxu deeblihii geel ku lumay, degeladii hawde
Harraad baa ku dilay dalawadii doolo iyo cayne
Ma daryeesho nirigtee hadday kale digaasheene
Hadduu muur dac-dhebo lagama filo doob inuu rida e
Dawladkii nirga dhalay ma dayo ugubku doonaayay
Dirka magac ugaadheed kobii dixi ka goyn waaye
Dibtiiq iyo cawshii bankii sii dabayshada e
Farawgii durduuro weyn lahaa deysey orodkiiye
Gorayaduba way daadataa yibil daraadiiye
Xagal daaca nugulkii ku dhacay dacatay geesley ye
Boojadu waxay daadsan tahay dawga suumaha e
Dunugluhu wuxuu yuururaa damasha waaweyne
Dayibkiyo hareerigii qalale dooganaan jiraye
Daraygii midhaha loo`igmaday daadi ubixiiye
Dabadheer saleeley ahayd diirataa timiye
Caydh buu dadkii halis u yahay dawgal baa jira'e
Dahabkaygu xooluu ahaa daaqsa taan ahaye
Waxa aniga ii doolar noqon deero iyo cawle
Allahayaw dayawnoo kalkeer laysu dacareeye
Dab cadaaba baa laysku shiday doorkan maanta ahe
Ehel kale dilaa nagu dhacdoo diirtay lawyada e
Waa kuwaa dameerii hungada daadin tanagiiye
Caagad bey la daban-deebaysaa gaaridii dumare
Duhurkay baqoolaan siday duulan tagayaane
Dadku wuxu ku noolyahay biyaha haanta loo daro e
Durrduradii hadday naga go`een dawlis iyo ceele
Deebli lagama soo dhaansho iyo dooxyadii Herere
Reer Berbera dubaar kama cabaan guuro laga daalye
Shabeelaan diniin lagu ogayn dalagii naafawye
Sanaag baa la duudyaabayaa deriskii caydhawye
Hadaan ceelka dhaan loo deriyo duunyo tegi hayne
Denbigaan falaayaa waqey laygu dawgalaye
Caadkii la duugiyo kuwii diiday nebigooda
Waxaan duulashii hore ogayn doorkan soo baxa e
Dilka iyo dhacaa nagu batiyo duud sigiyo maage
Ribaa lagu dan seegiyo dulsaar boobna daba yaalo
Dibir oo wuxuun qaadabaa loo deg degayaaye
Xalaal iyo marnaba looma dayo amase xaaraane
Dumarkaa is qaawinahayee debeda meeraaya
Ee aan dedeyn cawradaa laygu dawgalaye
Qoomkii is doorshaad rabaw daba martaysaaye
Inkastoo dunuubtaan qabnaba dunidu ciir-ciiri
Adigaa dul qaatee rabow daymo naxariis leh
Intay dunidu raartiyo lahayd duubashiyo Xeerka
Ee uu dad soo jiray ilaa duudkii nebi aadam
Hadba doobi baa buuxsamoo daata oo dhaca e
Mashaqaduna waa dayr ku xidhan daartan oogada e
Waxse darajo hela waa ninkaan diinta laayicine
Muusiyo dadkiisii markii dhabiga loo diiray
Ee guuto loosoo dumay iyo ciidan daba jooga
Ee uu fircoon doobyayaa danaxa soo saaray
Badii dabartay waadigii kadhigay daw haloosiya he
Anna maanta baaq baan damcaye ducada ii oofi
Daan-daansi gaalaa waqeed loogu dawgalaye
In la dilo ibraahiim markay duqaydu soo goysay
Dab kuu shiday namruud iyo wuxuu dogobo soo jiiday
Waa digii danshay raranki ay bilo ku daaleene
Anna maanta baaq baan damcaye ducada ii oofi
Yuusuf oon dareen qabin markii ceelka lagu duugey
Duul ooman baa loobaxshiyo dawlis iyo fay e
Waadigii daluuntii ka fadhay soo dalacay jeere
Ee uu dadoo idil xukumay biligu waa doore
Anna maanta baaqbaan damcaye ducada ii oofi
Nebi dooran waa caadadii inuu ducaystaaye
Duq Sekariya goortuu dadkiyo, ubad ku weydiistay
Deg deg waadigii uga aqbalay ducoga diisiiye
Yaxyoo daahiraa loo waqlalay ubadku waa deeqe
Ana maanta baaq baan damcaye ducada ii oofi
Cudurkii ayuub daashad iyo dacatigii gaadhay
Diif iyo xanuun iyo wuxuu daal la kici waayay
Markii uu jidhkiisii daldh ee haragii soo duubmay
Waa digii cusayb dooriyiyo saaray daawada e
Ana maanta baaq baan damcaye ducada ii oofi
Yooniskii danbaabee kaduday duuluu Kari waayay
Doonida markii uu koray ee dooshu socon wayday
Dan baa tidhiye goortii ladhigay badaha duunkooda
Dalqo bahal markii uu galay ee nibiri duuduubay
Intuu baryada soo dirsaday daa'imaw yidhiye
Ana maanta baaq baan damcaye ducada ii oofi
Insaankaa darjiidhkiyo lahaa daw dariyo Saar
Aadam oo wuxuu doonayaba darajadii haysta
Oo dagal barwaaqiyo fadhiya daaro iyo seero
Waakii iblays soo dusee dayn ka raaridaye
Markay geedka daaqeen ganaax dabada loo tuurye
Hayeeshee ducaa loo aqbalay too baduu dumaye
Ana maanta baaq baan damcaye ducada ii oofi
Hadii darajo lagu waarayiyo daabbad iyo xoolo
Ama boqor dumaal heli lahaa dunida soo joogay
Dunta bili Nin baa looga xidhay duhur dharaareede
Danabkii sulaymaan ayaa daaro buux sadaye
Waa digii dabaysha usakhiray jeeruu doonaba e
Ana maanta baaq baandamcaye ducada ii oofi
Beder maalintii laysku dilay dooxatiyo weerar
Damta iyo rogaalka iyo markay seeftu dami wayday
Xamse maalintuu dariska dhigay diricii reer haashim
Abu jahal markii soodh ladaray gaaladii dida e
Inay diintayadu guusha heli dunida loo sheegye
Adaa madadka noo soo diriyo iyo malagyo door roone
Ana maanta baaq baan damcaye ducada ii oofi
Allahayow waxaan doonayaa daa cirkoo da'a e
Daruur caafimaad baan rabaa lagu dawoobaaye
Ridwaan noodir oo nagu gargaar daad namulac yeeya
Dal dhameeye iyo soo waqaal muuda dibir siiye
Dani biiye, dareen nabad kadhige dunida kaalmeeye
Dulka hele daakhilka ugu dhace beesha wada deeqe
Xayeesh dooje weyd daaq ku kabe boojo dib unaaxshe
Isu didiye midka taagta daran dooga ugu hiishe
Dalag beere danyaraha qotiyo dibiga kaal meeye
dayib koriye diib geed ku wadhe damal sitaaceeye
Allahayow nasoo daba qaboo aradka noo dooji
Allaw caydhi way daba xuntee debad hanoo saarin.
Xigsho:Aftahan.com
Qaranka online