Haddii dunida qaarkeed
Baryo loo dalxiis tago
Wax ka mudan dallkeenee
Aan ku daadaheeyee
Daymadaada maad Bogan
Degihii hebeer iyo
Hegaboo dul iyo daaf
Daraf iyo ilaa daraf
Dirir gaaxsanaa iyo
Dulka hoor warmeeyuu
Toddobaad ku maaxdumay
Oo mayey dihnaa iyo
Miiraa ka daba yimi
Gabalkii danbe uriday
Dabadeed gudguduhuna
Maalaa daqiiquu
Waagu ugu daalacay
Oo dayr hillaacdiyo
Deydada biyaha badan
Guna aanu daba Marin
Oo dooxadii guban
Daacul iyo maaraan
Galli jebiyay daadkii
Oo raha dibboodhiyey
Luuqdiyo durbaanada
Dadku seexan waayeen
Oo geel jir dirisiqay
Dardhaduu habeenkii
Dab jeexeen ardaayada
Oo duudka buuraha
Dixidiyo sifaarkii
Faraqa isku duubteen
Oo golis dusheedii
Dhirtu dookh macaaniyo
Daymo gaara leedahay
Oo daray magooliyo
Dayibkiyo hareerigu
Dusha ubax ku yeesheen
Oo dhebiga deynkiyo
Isdul baxay madheedhoo
Hoobaan ku doog saday
Oo dhabaqu dayrtii
Soo daacay malaboo
Sida xabag barsheed da`ay
Oo xamudhka daatiyo
Like dabed usoo baxay
Dabagaale ka hirqaday
Oo dugul karreeb ihi
Iyadoon burqudha deyin
Fataheen danbeedadu
Oo igadh mar curad dihin
Daba dhoon salaaxuu
Ka dafsiiyay jaarkii
Oo baarqab deeblihi
Intuu doobta soo riday
Ka dideen shinbirihii
Oo qaalmo deercadoo
Abasaxay degii hore
Degta gooja saareen
Oo koranki dabarkiyo
Laga daayay seetadu
Dulaha u mirood tegey
Oo maqashu daaqiyo
Weli debed u bixinoo
Qaadhku u dugsoon yahay
Oo daylo naysheed
Ku dul weehanaysoy
Daba rogan mareegtii
Oo degelka wayluhu
Durduro u dhamaatoo
Soo daba shabeelleeyn
Oo dibi tabaadiday
Geesaha is dareenoo
Dhulka daaqsin jeexeen
Oo cuudkii daran iyo
Gulaan lagu dabaaloo
Ka dawoobay jeelkii
Oo dulin dhibiiqiyo
Faradheer dilaacdiyo
Hulunbuhu danbaabidhin
Oo darato jaaniyo
Sanbab laga ducaystiyo
Laga dayrey aafaad
Oo aan dad qaadiyo
Aarkii dabooliyo
Dacaw laga mildhaaweyn
Oo digirin kurusiyo
Galawgii digriyi
Daanshoonayaan kibir
Oo dareemo mooyee
Diinkii carmada nacay
Ku caweeyay doomaar
Oo marista duushaa
Intay daadah kugu tidhi
Ku dulgeysay doocaan
Dul ahaan ugaadhuna
Iyadoon dareen qabin
Dugsaneysa xoolaha
Oo wiyeer durduurliyo
Dhane duunyo loo horo
Darmijoole lays nacay
Oo gacal is daystoo
Ina aan dareen jirin
Cidina is danqaabayn
Oo dayax habeenimo
Hurdo dakhar ka toosuu
Soo direy falaadhaha
Xidiguhu damaashaad
Intay farax la deexdeen
Daareen ifkoodii
Dabadeed cadceeduna
Inta ay ka daba timi
Dusha laga ilaaqtamay
Oo daan cirooliyo
Duqaydiyo waxgaradkii
Duleedada ku shirayaan
Dayartiina cuudiyo
Cadalool ku daahdooy
Bardoodidey saqii dhexe
Dumar kuna kabdii iyo
Falkiyeen darfooley
Jiibta isla doonteen
Oo harraro duubnaa
Todobaale daabacan
Hadba midab kadoorteen
Oo udubo duban iyo
Dhigahoo jil lagu dahay
Loolkii dulquban yahay
Oo laba daryaaliyo
Aqal daahyo weynaa
Dudadii ka taageen
Oo duleedka sacabiyo
Ciyaar loo daleeyoo
Aroos loo dabaal degey
Oo duhur gamaankiyo
Farduu deedameenoo
Ishu daawasho u timi
Oo doobkii guursaday
Yabadh loogu deeqoo
Kadimo uu dareersaday
Sodohdiina diiqiyo
Fujaan dabaqu saaraa
U daruurtay gabadheed
Dadba waa lamaanee
Dalka aan tilmaamiyo
Deeqdaa layaabka leh
Inagoo ul iyo diir
Dermo qudha kuwada nool
Daayin haysku keensimo
Xigasho:aftahan.com
Qaranka online