Ma gartoo wixii ila gudboon waan ka gudayaaye
Hadba kii i gowracahayaan garab istaagaaye
Godkuu cadowgu ii jeexayaan hoos u galayaaye
Waxaan gacal wadaagnoo dhanbaan jeel ku gurayaaye
Guduudkiyo salaadaan u kici goor la jiifsadaye
Gumaystaaha i baabi'inayaan soo gud lee yahaye
Kolba kii i goygoynayaan guri la seexdaaye
In uu guuldaraystaan rabaa geestan ii maqane
Gobonimo ma raaraadiyee waan gambinayaaye
Oomana gurbaan tumo xornimo inaan gabraartaaye
Ha yeeshee garaadkaygiibaa guurayoon dagine
Geestayda weer baa fadhiya goodna way mirane
Garab maray jidkii aan lahaa o gunbaan ahaye
Gunti foolxuntaa liidatee gubaya jiidhkayga
Een ii garaabayn mar qudha iguna guud xeeran
Ayunbaan intaa ugu garnaqi goboladaydiiye
Nacas gaado weyn baan ahoon ciddi gargaarayne
Ray'igana gardoof baan ka ahay goor iyo ayaane
Mar haddaan waxaa iga gardaran uba garbaynaayo
Sidee baan gantoob ula sinmaa gaabis baan ahaye
Gayigaynu lee nahay intuu nacabku gowriiro
Ee uu gumaystuhu fadhiyo godankan aan joogno
Anna aan ganaaxnahay waqtigu waa is gurayaaye
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Isticmaarkan gunka ah intuu ii gu' tirinaayo
Ee uu goboladaydii nimcada uu ka guranaayo
Anna aan guhaadaa qabiyo gaajadiyo oonka
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Galaayuuska qaylada intay go'aydu yeedhayso
Ee uu ganboolayda dumar nacasku gaadaayo
Anna goodka aan weheshadiyo goodirkiyo cowsha
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Garaadaran amxaaradu intay shacabka guulayso
Eey geesigii noo kacaba gowrac marinayso
Anna aan galiilyada qabiyo goodigiyo ciilka
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Goojaamo nimankaa ka yimid ee gandiga moodo
Gurta bidix intay saydhayaan eey is garab yaaci
Anna aan garuun ahay la raro goor iyo ayaanba
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Garbo iyo Godey iyo intay Nogob ka geeraari
Gurdamadu intay igu hardiyo Jarar gadaankeeda
Anna aan gurbaanada ku tuman Bari gadaashiisa
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Federalka soo galo intay iigu gacan haadin
Gumaystahan hayaanka ah intuu joogo gurigayga
Anna uu go'aankaygu yahay dowladnimo gaar ah
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Gurdan culus intay igu dhexmari gaalo dabaqlaydu
Goonyaha Aawiriyo intay Sagag ka guuxayso
Anna geeda aan rogahayiyo goonburkiyo ciidka
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Dhulka ginigu noo yaalo iyo gaaska iyo maalku
Inta ay ka gaariminayaan nimankan gaagaaban
Anna aan gunbada hoose iyo gabi ka laalaado
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Gacamada iyi jeexa iyo wabiyada guuxa
Inta uu galaabixi kufrigan Goondhar laga keenay
Anna gaadhku iga saaran yahay een la guban oonka
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Inta ay gamaarayda baas gogosha ii jiifto
Gaaduhu intuu ii hadhsado guriga hooskiisa
Anna aan garaaxaa qabiyo garab ku taaglaynta
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Giinbaaradaa naaxay ee ganacu waynaaday
Inta ay i guulguulayaan eey i gacan dhaafi
Anna goolkii aan laadaba iga gadoomaayo
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
War geelayga ii dhaan intay gudub u haaneedi
Eey gorof u aabaynayaan Xabashi gaaflaydu
Anna gaawahaygii madhee gudubka loo tuuray
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Inata aan galaydaan tabcaday gaalo raranayso
Gobol kale intay geysan eey gaadhiyada saari
Anna goonka aan qodanayeen gowlalaha ruugo
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Inta ay garoonshiidka dhigan Faafan gudaheeda
Guulaamadaa baas intay igu kor gowriirto
Anna aan gacmaha laabatay ee gunudka doonyeystay
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Gabagabo colaadeed intuu galowgu yeedhaayo
Gubnigaa hayaanka ah intay xeesha ila gaadi
Anna aan gunuunucahayeen goobta madhan joogo
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Guurtaanyada xanuunka leh intaan gocosho ooyaayo
Gardararda intay igu hayaan guduridaa waalan
Anna gooxa aan yuurureen guudka ka cadhoobay
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Gunagada Galaadiyo intay Gila huleelayso
Oo Gaaladu Wardheer iyo intay Caado gocanayso
Anna aan ka go'ay goor habeen gogol in aan seexdo
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Inta aan gubnoodkiyo fadhiyo guri abaaraadka
Geedkay intaan leeyahay een gubada siiyo
Anna aan godkii aakhiriyo geeri filanaayo
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Godobtayda nimankaa qabee guran alaabtayda
Inta ay gamuuntiyo warmaha galabtii soofaysan
Anna gudoodiga ku jiro gaadmo waa halise
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Inta ay gartaydii xaqiri xuunsho guluc dheertu
Diyaaraadka guuxiyi intay gaadhiyada fuuli
Anna geenyadaydii fadhido waan gulaalnahaye
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Gofanuhu intuu igu cayilay guudka iga saaran
Inta uu go'aygii huwado guriga ii yaalay
Anna aan golaha jiifo iyo geela xeradiisa
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Inta ay i igowdhgowdhayaan Xabashi gaagaabtu
Gaadiid sidiisii intay gibilka ii yuuqi
Anna aan guhaad ciil ka kicin jeelka gudihiisa
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Guutada wax jaajuusta ee gurata laaluushka
Inta ay guryaha baadhayaan goor la kala seexday
Anna aan gadaafada tirsado godobi waa wiishe
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
Inta gabigu igu fooraro iyo gowtigiyo goonku
Gocandhadu intay iga mudmudi gogosha hoosteeda
Anna garashadaydii luntee geedka lagu laalay
Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye