-Wuxuu yidhi:
dalkayagi gumeystaa qabsaday xoog ku soo galaye
gobanimadi niman baa gatiyo godoshi maandeeqe
gunbaan maanta nahay xamarne waa gegi colaadeede
gurgii madaxda gaashaan dhigiyo gabiyadii liido
ninki aan afxabashiga gareyn looga gacan seyrye
cadowgaan is googoyn jirnoo godobtu noo taalay
goroon kii cayaaraha ayey saab ka gamayaane
goobihii xoriyadey dhigteen gumac yadoodiiye
ayagaa ku gaar dinahayoo looma soo galaye
misne oday gabooboo da iyo gaban ma daayaane
genka wixii dhaqaajiba karey halowda gooyaane
waan ku gowracaa bey hablaha ugu galmoodaane
gegsan weyday guurtiyo saqiir gabarya waayeele
qori buu garaarsaday ninkii goojo dhiiglihiye
gumaadkeena bey dunida dhami gacan ku siiyeene
geerida ninkii diidi jiray waa garwaaqsadaye
jahaad nin galniyo dirirtu waa noo gudboon tahye
guumowday soomaalidii geesiga aheyde
kala googo`aa lagu arkaday gibil neceybkaahe
hadii ay is garabtaagan tahay lama guhaadeene
dhulkoodii haduu gacan galee cadow ka guuleystay
gayi maran hadey hogon yihiin qaranki gowriiray
geestaad damootaba haduu gaafan yahay meydku
guryihii markii laga qaxee geedo lagu yaacay
gantalaha kuruus kaa hadii lagu garaacaayo
aduunkuna ka wada gaabsadoon laga garaabeynin
iska daa is garasho heshiis in ay gudoomaane
ayagaa la sii kala gadaa gooriyo ayaane
gefka dunidu ay naga gashiyo gaalka ina haysta
kitaabkaa la guulguulayiyo culuma iibgeynta
gardarada intii diidayeey guux isku ogaada
dhanbaalkaan idiin soo gudbiyo gaar isula dhuuxa
gorfeyn baa wax lagu meel marshaa gooni loofoqaye
talaabadi gar noqotaba hadaan shuuro lagu gaarin
waxdhaanku godoshiin karaa sheybku gaagixine
galti kuma habana xaajadii geed ku miligtaaye
hadii ay wadadu kaa godood geesne mari weydo
godod laguma dhoco iyo musbaar caasha kaa galiye
garaad kaa la maalaa bahdaa showr la galiyaaye
hadaad garabyo kala sheegataan gowrac baa xigaye
gumeystahana waw farax in aad kala godoodaane
waa waxaw ku geel maali jiray noona soo galaye
waa gedow aduunka u jeclaa godob dhexdeenaaye
guno waxaw ku dhiibaa in aad kala gariiftaane
waxkastoo na kala geyn karaa gamatankiisaaye
goofki dibida lagu kale siraan galabta joogaaye
gobol gobol in uu noo jaroon gumac is leefsiino
asne guudka naga maamulow gaar is leeyahaye
guulse lagama helo eebehey geesi aaminaye
anagoo guyaal dib u dhacnoo gaabis nagu raagay
oon gantaalo noo keydsan jirin gaaxne nagu oolin
gashaan buur midowdiyo hadaan gaal is huri weynay
wallaan ciida yada lagu galeyn gaado ka ciyaare
waa waxa illaah nagu galaday guuto aan baqine
geel ilaalshe goobaha dagaal jananka guuleysta
gunya baar aduunyada anagey gooni noo tahaye
geerida nin jecel oon aduun gacaladiis haynin
gamasne isku xira ee sidii gumac u qiiqaama
oo cadowga kala gaabiyaan gaar u leenahaye
ruuxgacmaha cirka u godahayoo garan macbuudkiisa
oo gocashadiisii halkaa lagu gudoonsiiyo
waa gooni raac iyo astaan nala ku goobaaye
dhalin yaro garuumiyo uliyo dhagax ku goodeysa
oo gaalka sii cararayaa gamayo saaruuqyo
hibo ow alluhu noo gartiyo gacalo weeyaane
sheikh goloha diiniyo cilmiga meel sare u gaaray
oo geysh dagaal galinayoo dumaya guutooyin
oo xaqa u gacan haatiyoon uga ganboon duuna
nimca nala gudoonsiiyayoon nala ku gaareyn dheh
gudi manso gabay iyo mashxarad laysku guubaasho
waa gabal hidaha yaga ka mida mana salguuraane
gasha seefta waan kala baxniyo gunudi maareede
iminkaba waxaan geysanaa gugucu yeeraaye
markaan libinta gaarnana ifkaa godobi noo taane
ragbaa jira odorostiisa garan guga hillaacaaye
ama ficilka goortaa dhacaa galiya saadaale
oo garanti shiishka uga dhiga gedo qiyaaskiiye
anne guuldarada saadanboo cadowga gaareysa
illaahey ha ila garab galee waan gudbinayaaye
markii hore gobliyo faan ayey laabta galiyeene
gacantey ku dhiga oronayeen gudaha soomaale
gadaasheedne taliyey qalbiga gurun u sheegeene
tamashlahey ku geegaarayeen waayahaa gubaye
geesiyaal inaga naga dhashiyo gaasas baa helaye
xabad waa ka gudub too birtaa laysku gowracaye
kumanaan garaadihi wataa haadka loo gegaye
geerida xanuun keedi bey wada gariiireene
maantana godoon bey noqdeen saadka aan gadane
goobtana dagaal kula socdoon guluf ka joogseyne
baritone gacmahey taageyaan si ay u guuraane
saadanbana shalay wixi gudbey dib u gayaane
inaguna dabeyl gobanimaan galabsan doonaaye
Qaranka online