| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
Soomaaliyeey intaanan u sacaba tumin Ergayga cusub ee U.N. u magacawday Safiirka Tanzania u fadhiya U.N.-ka bal akhriso hadalkan Communiqué
The Qaranka online
![]() Soomaaliyeey intaanan u sacaba tumin Ergayga cusub ee U.N. u magacawday Soomaaliya Safiirka Tanzania u fadhiya U.N.-ka bal akhriso hadalkan Communiqué
Soomaaliyeey intaanan u sacaba tumin Ergayga cusub ee U.N. u magacawday Safiirka Tanzania u fadhiya U.N.-ka bal akhriso hadalkan Communiqué ay qoreen Dawladaha ku bahoobay International Somalia Contact Group following an abrupt shift in policy this week after Islamists seized control of the Somali capital from U.S.-backed, warlord-led militias
*The 15 June 2006 meeting convened at the Permanent Mission of Norway to the United Nations included Norway, Sweden, Tanzania, the United Kingdom and the United States, and Italy. The UN and the AU participated as observers.
Hadaad Communiqué warbixinta ah ay qoreen Dawladaha ku bahoobay International Somalia Contact Group aad u fiirsato waxaad ku arkaysaa dhowr mucjiso.
Tan kowaad, Reer Galbeedka lala yaabimaayo in arrimaha Soomaaliaya ay ka tashadaan bal TANZANIA maxay 193-da dawladoodoo kale uga soo dhex baxday oo u gashay International Somalia Contact Group ?Tan labaad, labada xaraf ee ugu dambeeya Communiqué ay soo saareen”The UN and the AU participated as observers.” waxay tahay abeeyo Tanzania haba ka mid noqoto International Somalia Contact Group, laakiin maxay UN-ka iyo AU-da ka dhigay daawadayaal meesha lagu falaanqeynayo arrimaha muhiimka ee Soomaaliya?Mucjisada saddexaad waxa ay tahay Sababta Mareeykanku u sameeyay International Somalia Contact Group si xukunka looga rido Islamic Courts Union ayadoo International Somalia Contact Group ay ka dalbadoonaan in Soomaaliya in Soomaaliya laga qaado cunaqabdeeynta UN-ka ee Hubka si ciidamada Ethiopia ee markaa ku ilaalinayay dawladii Cabdulahi Yusuf ee fadhiday Baidoa Soomaaliya ugu duulaan una qabsadaan.
Taariikhdu isma qariso: Bilaawgii December 2006 Security Council,cunaqabatayntii hubka Soomaaliaya wuu ka qaaday.
Tanzania waa dalka kaliya ee Caalamka Saddexaad (Third World) ee ka codsaday UNka in Somalia laga qaado cunaqabadeynta hubka
Tanzania waa dalka kaliya ee Caalamka ee Mareeykanka iyo Ingiriiska la sameeyay Dalabkii (Resolution Draft-hoos ku qoron) UNka looga dalbaday inay u fasaxdo hubka si Itoobiya Soomaaliya ugu duusho
Warkiyoo kooban:
Amxaarooy UN-ka Soomaaliya inaad ku duusho way kuu fasaxday.
Markii Majliska Amniga Qaraar Resolution gaaro waxaa caadaa in ay ku faanaan kuwii qaraarkaa watay sida markii Qolada kubada ku guuleeysataba ay ugu faanto guusheeda.
Safiirkii Mareeykanka markaa UN-ka u fadhiyay sidaan buu hadlay:
Speaking after adoption of the resolution, JOHN R. BOLTON ( United States) said he was pleased to have co-sponsored the resolution with all of his African colleagues on the Council. Through the International Somalia Contact Group, he said his country was committed to working with its international partners to encourage dialogue among Somali partners.
Hadaad dib u fiiriso warka Bolton Dawladaha uu ku tilmaamayo all of his African colleagues on the Council waa Tanzaniia iyo (Congo Kinshasa oo ayadu markaa haysay madaxtinimada sanadka ee African Union (AU). Markaan 2006 ugu tagay xaafiiskiisa safiirka Congo, naagta Sekretaarka u ah si naxtin leh bay indhaheeda iigu fiirisay.
Ninka u hadaly Tanzania sidan ayuu yiri:
TUVAKO N. MANONGI (United Republic of Tanzania) thanked the United States for co-sponsoring the draft and for its support. While it was not a perfect resolution and did not offer all the answers to the challenges facing Somalia, it was, however, a step in the right direction.
Laakiin nasiib daro labo usbuuc waxaan dhameeyn kadib 21 Dec. 2006 Itoobiya Soomaaliya ku duushay.
Warkan oo macnihiisu yahay Soomaaliya idinkaa 1976 Idi Amiin taageeray oo inaga kolkaa dagaal dhul nooga qabsaday, kolka idinkuna kolkiina xanuuka dhadhamiya oo maanta anaguna Amxaaraan taageernay in ay idinku soo duusho. Waxaan xasuustaa 1976 habeen aan galay Ruwaayad lagu dhigayay Masraxa Soomaaliya waxaan arkay Siyaad Bare iyo Idi Amiin oo isla fadhiya safka hore dhinca midigta. Xiligaas Idi Amiin Xamar wuu ku soo laab laabanayay -Soomaali badananaa suuqa soo galisay in Idi uu gabar Soomaaliya ha lay siiyo yiri.
Ugu dambeystii car yaadan Soomaaleey dhawaan maqlin Mahiga oo arrimaha Soomaaliya kala shiraya Madaxweynaha Kenya Kibaki iyagoo afkooda Hooyo Sawaahili Soomaaliya sideey ka yeeli lahaayeen uga wada hadlaya, ama Mele Zenawi buu kala hadlay arrimaha Soomaaliya.
Qaranka online
|