Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

- Ma lagaaga been sheegay burbcad badeedka

The Qaranka online
Waxaa idiin soo turjumay: Cumar Axmed

18 April 09



Ma lagaaga been sheegay burbcad badeedka

Maqaalkaan cinwaankiisu yahay, "Ma lagaaga been sheegay burbcad badeedka"

oo uu qoray Johann Hari ee ah weriye caan ah kana soo shaqeeyey dalal badan sida: Ciraaq, Israiil, Falestiin, Congo, Afrikada Dhexe, Venezuela, Peru iyo dalka Mareekanka. Waxaan jecleestay in maqaalkaan xiisaha leh ee waxbadan ifinayo ayaan turjumadiiso iyada oo kooban idiin soo gudbinayaa. Maqaalka wuxuu ku bilaabanayaa sida tan:

Yaa u maleenkaro in sanadka 2009 waddamada aduunka ay si cad shaaca uga qaadaan in ay dagaal cusub ku qaadayaan burcad badeedka? Hadii aad tani sii akhrisid ayaa ciidamada Boqortooyada Ingiriiska ayaa maraakiibtooda dagaal u heenseesan iyagoo ay wehliyaan in ka badan laba dersan oo umado badan ka kala yimid dalalka sida Shiinaha iyo Mareekanka iyagoo u sii shiraacday xagga iyo biyaha Soomaaliya. Dhawaan bay ciidamaas dagaal ku qaadayaan waxayna doonayaan in ay doonyaha Soomaaliyeed wada burburinayaa waxayna buracd badeedka baqo-ceyro ku geyn doonaan gudaha dhulkooda kaas oo ah waddanka dunida ugu saboolsan. Halkaan ka aqrisa maqaalka oo ingariis ah

Wararkaas sheeko-xariirka ah marka laga soo tago, waxaa jirta sheekooyin aan weli daaha laga qaadin. Madaxda waddamadeyna waxay kugu sundayaan (shaabadeynayaan) sheekooyinka qofka lagu mucaaradayo taas oo ah khatarta ugu weyn waqtigeyna- oo markaa iyagu wey isla saxsanyihiin iyagoo ka fog cadaaladda. Weriyaha isagoo maqaalka qormadiisa sii wato ayuu inoo sheegayaa in burcadbadeedka weligood sida aan wararkooda u haysano ay wax ka dhimanihiin.

Xilligii u dhaxeeyey 1650 ilaa 1730 figradda laga heystay burcad badeedku waxay aheyd dad aan miyir qab ahayn, bahallo wada tuugo ah ee aan sheekadooda joogsan ilaa maanta oo waa sheekooyinka ay dowladda Ingiriisku buun-buuniso. Dad badan oo caadi ah ayaa rumeysan in sheekooyinkaas been yihiin oo ay burcad-badeedku in inta badan waxaa badbaadi jirey shillal dadka lagu dal-dalo oo waxaa caawin jirey dad koox-koox ah.

Sababtu maxay tahay? Maxay u arkeen in aynu awood lahayn? Buugga lagu magacaabo Sharta dunida oo idil " Villains of All nations" ee uu qoray taariikhyahanka Marcus Rediker ayaa daraasadiisa ku cadeyyey xaqiiqada dhabta ah.

Hadii aad ganacsade noqoto ama aad badmaax tahay ka dibna aad ku dhiiranaatid furdada East London End, isla markaana ay da'daadu yartahay - oo aad cidlo forineysid markuu daadku ku qaado. Markaa ka dib aad ka hawlgashid markab faqri ah oo aad hawl dhiban qabatid. Markaa adigoo ilbiriqsi ku ilduuftid hawsha kolkaa uu kabtanka markabka si aan naxdin lahayn kuu karbaasho. Hadii ay dayacaadda hawshu joogto noqota markabkaba waa lagaa tuurayaa. Markaa bishaas kolkay dhamaato ama sanado ka dib mushaarkaaga inta badan waa lagaa khiyaameynayaa.

Burcad-badeed waa dadkii ugu horeeyey ee dunidan ka gadoodo. Waxy mucaaradeen kabtankooda manaxa ah. Waxay kolkaas billaabeen in ay badda kaga shaqeystaan nolol kaloo ka duwan tii ay qaban jireen.

Hadii ay burcad badeedku markab soo helaan waxay cod wada jir ah ku doortaan hoggamiye ama kabtanka markabka. Waxay wada barakeystaan waxa ay helaan oo uu Rediker ku yiri: "waxay burcad badeedku wax ku qeybsadaan mabda' sinaan ku dhisan iyo dabeecad wanaagga wixii ila dhaqaale ee laga helo taa oo ku xusan qarniaga sideed iyo tobnaad".

Xitaa waxay burcad badeedku soo furteen dadkii Afrikaanka ahaa ee la addoonsanayey ee la soo qafaashay ka dibna kula noolaa sinaan. Marki aan u soo noqonnon xaalada burcad badeedka ee ka oogan dalka Soomaaliya waxay soo shaac baxday sanadkii 1991 oo ay dawlad dhexaadkii burburtay. Sagaalka miliyan ee Soomaalida ka koobanna ay gaajo la ildaran yihiin. Hasa yeeshee dawladaha reer galbeedka ayaa munaasabaddaasi kaga faaideysanayaan si ay u xaalufiyaan kheyraadka badda oo ay misane waxay ku daadgureeyaan wasakhda niyuukiliyaarka.

Waa dhab ah markii ay dawlad dhexaadkii Soomaaliya ay galbatay ayaa maraakiib haamo waaweyn saaran oo reer Yurub leeyihiin bilaabeen in ay ku shubaan qashinka niyuukiliyeerka badweynta Soomaaliya. Taa waxay keenatay in dadka xeebaha deggan ay xanuunsadaan. Ugu horreyntii waxaa jirkooda ka soo yaacay nabro, lalabo iyo iyagoo dhalay caruur kala dhantaalan. Taa waxay ka dambeysay duufaantii Sunaami sanadkii 2005tii. Waxaa xeebaha Soomaaliya ku soo caariyey boqolaal barmiil ee sun kawa daadanayaan. Xanuunka ay suntaas sababtay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 300 qofood.

Mar aan la kulmay Axmedou walad Cabdalla, ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ii sheegay in ay halkaan dad ku gurayaan qashinka Niyuukeliyeerka. Waxaa wasakhda ku jira biraha leedka iyo bira kaloo cul-culus sida merkoriga, rsaasta iyo kuwa kale. Qashinkaas int abadan hadii la raadraaco waxay ka yimaadeen wershedaha iyo cosbitaalldada Yurub waxaana si rakhiis ah ku soo daadgureeyey Mafiyada Talyaaniga. Markaan weydiyey Axmadu Walad waxa ay dhibaatadan ka qabteen Reer Yourub. Wuxuu ku jawaabay "Innaba waxba kama aynan qabanin, oo ma jirto wax xil ah ay iska saareen ee xagga nadiifinta ah ama magdhaw ah ama ka hortag ah."

Waqtigaan xaadirka ah maraakiibta reer Yurub waxay biliqeysanayaan keyraadka badda Soomaaliya. Sanad waliba si sharciddarro ayey waxay badda Soomaaliya oo aan cidna gaarka ka heynin kaga xadaan in kabadan $300 milyan oo toono, shrimbi, aargoosto iyo kheyraadka kale oo badda leedahay iyagoo adeegsanaya shabaagta aduunka laga xaaraantimeeyey. Kaluumeysata Soomaaliya durbadiiba waa la xaalufiyey oo way macluuleen. Maxammed Xussein, ee ka mid ah kaluumeysatada Marko ayaa ii sheegay " Hadii aan dhibaatadan waxba laga qabanin in baadu kalluunba ku haridoonin".

Waa sidan waxa kaluumeysatadan loogu yeerayaa "Burcadbadeed". Waa kaluumeysato Soomaaliyeed oo caadi ah ee soo kaxeystay doonyahooda dheereerya si ay uga waaniyaan kuwa badda sunta ku shubaya iyo kuwa shabaagta la xarrimay dhiganaya. Wareysiaan lala yeeshay Sugule Cali ayaa wuxuu leeyahay "Sabatu waa in la horistaago kuwa badda sunta ku shubayo iyo kuwa sida sharcidarrada ah badda uga kalluumeysanayo".

Waxaa dadkani dhex jiro kuwa burcad ah oo haba yaraatee sabab uma noqoneyso in la qafaasho dad badda ku safrayo ama la horistaago raashinka ay wadaan maraakiibta Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) oo ay ugu gargaarayaan dadka tabaaleysan. Laakiin dhibaatooyinkaas awgeed waxay burcad badeedku leeyihiin taageerayaal ballaaran ee ah shibiyadda gudaha ah. Taageeradaas waxaa la mid ah in waagii Kacaankii Mareekanka (American Revolution) ee uu hogaaminayey George Washington oo ka mid ahaa raggii hoggaanka Mareekanka asaasay ayaa wuxuu gargaari jirey burcad badeedka si ay ugu ilaaliyaan badda Mareekanka oo waagaas aan lahayn awood badan ooy ku ilaalsan karaan badooda.

Ma ka filaneynaa in dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan in ay gacmaha ka laabtaan boobka lagu hayo baddooda, oo aynu ku shubeyno haraaga niyuukiyaarkayna oo isla markaana si xaqdarro ah uga soo boobno kalluunka aynu ku cunno maqaayadaheena Roma, London iyo Bariis.

Inagu waxba kama aynan qabanin denbiyadaas, laakin markii ay qaar ka mid ah kallumeysatada ka jawaabceliyeen in ay ka dhifsanayaan boqolkiiba 20 saliidda dunida halka ay marto, ayaan waxaa bilownay in aan ka qeylino "shartaas." Hadii aynu rabno inaan la xaajoono burcad badeedeeka waa in aynu joojinaa halka ay dhibtu ka aasaasantay ee ah denbiga aan geysanay inta aan dirin doonyo hub saaranyahay oo aynu rabno in aan ku xidid siibeyno denbiilayaasha Soomaalida.

Qoraagu wuxuu maqaalkisu ku soo gaba-gabeeyey sheeko dhexmartay Boqorkii Alexander iyo Burcad Badeed qarnigii Afaraad Ciise Hortii. Ninkaas inta la soo qabtay ayaa la horkeenay Boqorkii Alexanderkii Weynaa (The Great Alexander), waxaana la weydiiyey ninkaas waxa uu ugala jeedo ilaalinta Jaceylakiisa Badda; Burcad badeedkii baa intuu muusooday ku jawaabay: "Waxaan ula jeedaa waxa aad adiguba caalamka oo idil u qabsaneyso, laakiin dhibto waxa weeye markii aan qafaasho hal markab oo yar waxaan ahay burcad, halka aad caalamka oo idil xoog ku qabsaneyso waxaa tahay boqor"

http://www.huffingtonpost.com/johann-hari/you-are-being-lied-to-abo_b_155147.html
Waxaa idiin soo turjumay: Cumar Axmed
(Xig. Dayniile)

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye