| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
-Dowlad Goboleed mise burburinta Soomaaliya ???
The Qaranka online
Sida runta ah, mixnadda Soomaaliya maanta haysato, waxaa looga bixi karaa oo keliya marka la helo ?Maskax Soomaaliyeed oo caafimad qabto?, si wadajir ahna ugu gurmadaan xal u helid kama dambays ah, si loo afjaro dhibaatada soo jiitameyso, dibna loogu soo celiyo Soomaalida karaamadii & sharaftii ay ku lahayd Adduun-weynaha.
Haddaba, anigoo tixraacaya waaya-aragnimadeyda aan ka gaaray Dalkayga iyo Dadkeyga xagga aqoonta, siyaasadda, dhaqaalaha, hiddaha & taariikhda Ummadda Soomaaliyeed, ayaan aaminsanahay in arrinta aan kor ku soo xusay ay ku imaan karto oo keliya haddii soomaaliya ay wax ku qaybsato qaabka ?Federaaliga ah?, la iskana iloowo xukun ku dhisan talo maroorsiga, lagana madax-banaanaado fara-gelinta iyo siyaasadda gurracan ee Dowladaha shisheeye oo mar kasta ku dadaalaan in Soomaaliya laga dhiso Dowlad ayaga daba-dhilif u noqoto.
Waa in laga tanasulo in Maamulka Dalka lagu soo koobo Dowladda Dhexe oo ahayd tii keentay bur burka hadda ina haysta, isla markaana la qiro in ay ka jiraan kala duwanaansho shacabka soomaaliyeed dhexdeeda sida: xagga xirfadaha, hiddo, dhaqan iyo dhalashoba. Tusaale: bulshada soomaalida marka la kala sooco, dadka ku dhashay Gobollada qaarkood, way ka duwan yihiin soomaalida u dhalatay Banaadir, Bay & Bakool, waayo markay sheekaynayaan waxay isku maaweeliyaan haddalo faan iyo tookh lagu dheehay, waxaa ka mid ah: waxbaan dhici jirnay, waxbaan dili jirnay, waxbaan weerari jirnay iwm. Waxaa aad ugu yar hadalada samaan ka talinta, wanaaga & weeraha naxriista leh sida: waxbaan tacbi jirnay, nabad baan ka talin jirnay, waxbaan taakuleyn jirnay iwm.
Aqristow, dabayaaqadii qarnigii 19-aad, markii gumaystayaasha ay soo galeen geygiga geeska Afrika, bulshada soomaalida waxay u qaybsanayd Beelo kala madax-banaan, nabadna kuwada noolaan jireen.
Xorriyadda Soomaaliya kadib, waxaa soo ifbaxay ?Tafaraaruq?, qabyaalada ayaa noqotay cudur halis oo dilaa ah oo asiibay aayaheeda, taasna waxaa daliil u ah bur-burkii Dowladdii MSB, kadib inay soo ifbaxeen arrimo sabab u ah dhacdooyinka mar kasta ka dhacaaya Dalka gudihiisa, mas?uulna ay ka yihiin Dowladaha deriska la ah Soomaaliya oo qorshahooda iyo hadafkooda uu ku dhisan yahay in Dalka Soomaaliya gebi ahaanba uu bur-buro, si ay fursad ugu helaan in ay danahooda ka higeliyaan amaba ka fuliyaan Waddanka gudihiisa,shacbigana ay gumaystaan.
Aqristow, cidna kama qarsoon in Madaxda Dowladaha deriska la ah Soomaaliya oo taageero & ayidaad (Hiil & Hooba) ka helaan Dowladaha waaweyn ay si toos iyo si dadbanba wax ka maamulaan siyaasadda Dalkeena, taasna waxay ka dhigan tahay in dhibaatada & nabad la?aanta ka jirta soomaaliya ay sii socdaan, lagana quusto si fursad loogu helo in Xukunka Soomaaliya lagu wareejiyo gacanta Qaramada Midowday, kadibna Soomaaliya ku hoos noolaato ximaayadii Q.M., maxmiyad ahaanna lagu wareejiyo mid ka mid ah Dowladaha deriska la ah Soomaaliya.
Haddii aan is weydiino Soomaaliya ?Dib ma u dhalan doonta, mise siday u dhimatay ay u bas-beeli doonta oo dib maxmiyad loogu celin doona?, sida ay Rajaynayaabn deriskeena? Jawaabtu waa HAA & MAYA:
2.Waa HAA: waayo inta nololi jirto rajo way jirtaa. Noloshana ma jirto xaalad aan is beddelin ?Tuu xun & Sanba?;
3.Waa MAYA: haddii lagu sii wado sida ilaa iminka loo dhaqmaayo, haddaan la beddelin habka loo fikiraayo, haddaan la helin caqli garta in dagaalka la joojiyo, isjiid-jiinta la dhaafo, isla markaana qab-qablayaasha qabaa?ilada ballaaran ee sida xad-dhaafka ah u hubeysan ay ka tanasulin tartankii nin kasta ku doonaayey in uu awoodda qabiilkiisa ku kasbado jagadii MSB baneeyay, wax ma toosaayo.
Nasiib darrose, loolankaasi wuxuu Waddanka u horseeday Dowlad la,aan iyo fowdo lagana dhaxlay in Soomaaliya Gobol Gobol u kala googo?do, gacantana u gasho Koox Hubaysan oo xullufo la ah Ururka AL QAACIDA oo Adduunka looga yaqaano Urur Argagixiso.
Aqristow, Shirarkii dib u heshiisneed ee lagu dhisay dhowr Dowladood ee KMGS., hase yeeshee, mid si dhab u shaqeysa oo barnaamijkeeda fulisa waa la waayay. Sidoo kale, Dowladdii lagu dhoob-dhoobay JABUUTI,iyadana waa laga horyimid, awoodeedana & xukunkeeda way dhaafi weyday dhowr Degmo oo ka tirsan Muqdisho. Intaasna waxaa u sabab ah Hoggaan xumo iyo gacanta ajnabiga ee ay is-garabsadeen hoggaankaas xun, ku hore iyo ku hadda joogaba.
Waxaa loobaahan yahay ma ah Dowlad dhalanteed ah oo maanta la dhoo-dhoobaayo, kuna dhisan rabitaanka iyo tilmaamaha Dowladaha Gumaysiga, berrina noqota ?DHAYS BAKAYLE?. Waxaa loo baahan yahay ma aha SAXIIXID heshiisyo ku salaysan dano shisheeye & munaafaqnimo. Heshiisyo & waraaqo aan dibna la xasuusan doonin, looga saxiixo dad ka maqan ?Dareen Waddaniyadeed?, qowlna lahayn, isla markaana ah qof danaysi daba-dhilifna ah, si toosna u adeega shisheeyaha.
Aqristow, waxaa loo baahan yahay is-beddel dhab ah, dhan walba saameeya, is-beddel looga guuro dulliga Dalka maanta ku sugan yahay, laga xoreeyo Kooxda Qaran diidka ah oo siyaasadooda iyo hadafkooda gurracan ay maamulaan dad shisheeye ah oo aysan dan ka lahayn Soomaaliya aan ka ahayn in dantooda ka fuliyaan Wadaanka Soomaaliya gudihiisa.
Badbaadinta Dowladda Soomaaliya, waa in loo mara waddo Dowladnimo ku dhisan yaan lala aadin weegaar ama dano qabiil. Tusaale Go'aankii ay wada gaareen dagaal Oogayaasha & qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Soomaaliya oo ku saabsan ?Awood qaybsiga? (4.5), ma aha mid ku qotoma ?Caddaaladda & Sinnaanta?, wuxuuna ka soo horjeeda ?Dhaqanka & Hiddaha Soomaaliyeed?, maxaa yeelay Beelaha Soomaaliyeed tiro ahaan aysan isla ekeyn, Degaan ahaanna ku kala weyn-yihiin. Sidoo kale, Qowmiyaddii xaqooda nus laga dhigay, laga yaabo in ay ka tiro badan yihiin Beelaha Soomaaliya qaarkooda ay isku tiriyaan Beelaha waaweyn. Sidoo kale ?Awood qaybsiga? oo lagu heshiyay in lagu dhaqmo, waa la iska indha-tiray, waxaana kuugu filan aqristow in aad tiriso xubnaha uu kooban yahay Wasiirada ee Xukuumada ina Cabdirashiid iyo xubin kasta beesha ayka tirsan yahay, waxaad ogaan doonta in ?Awood qaybsiga? (4.5) ee Dastuurka ku qoran, aan si caddaalad loogu dhaqmin, maxaa yeelay Beelaha qaarkooda min 3 Wasiir ama 2 Wasiir la siiyay, halka Beelaha kale aan laga qayb gelin awood qaybsiga lagu heshiiyay.
Aqristow, haddii aan dib ugu noqdo Cinwaanka maqaalkan oo ah ?Dowlad Goboleed Mise bur burinta Soomaaliya? , waxaan ula jeeda in qab-qablayaasha qabaa?ilada ay weli maskaxdooda ka bixin in ay mar uun xukunka Soomaaliya gacanta ku dhigaan, taasna waxaa daliil cad u ah Ragga xilligan ku shiraya Nairoba (Kenya) oo lagu tilmaamay in ay yihiin: ?Siyaasiin, Aqoon-yahaano,Duubabka Dhaqanka iyo Waxgaradka? oo ka soo jeeda Mudulood, kuwaas oo ku dhawaaqay dhismo Dowlad Goboleed oo ay la magac baxeen ?BANADIRLAND?, Maamulkoodana ku teedsan (sida ay sheegeen) laga bilaabo Xarardheere ilaa Baraawe.
Ayaan darro, Raggaasi oo hadda iska dhigaayaan in ay yihiin ?KAADIRIINTA? Mudulood, waxay ka mid yihiin dadkii ka soo shaqeeyay bur-burkii Dowladdii SB., isla markaana huriyey dagaaladii sokeeyey ee Soomaaliya ka dhacay. Waa raggii Soomaaliya gaarsiyay heerka xun ee ay maanta ku sugan tahay. Waa raggii bi?iyay magacii Ummadda Soomaaliyeed. Waa dadka had & jeer ka shaqeeya tafaraaruqa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.
Aqristow,ma ogtahay ciddii ka dambeesay ?Iska horimaadkii USC iyo dagaaladii dhex-maray General Caydiid & Mudane Cali Mahdi?? Waa ragga hadda ku shiraaey Nairobi, doonaayaan inay si dadban u ?Inqilaabaan Dowladda Sheekh Shariif?, dibna ka huriyaan Beesha Mudulood dhex-deeda-
Markii MSB xukunka la qaaday (27/01/1991), raggaasi waxay durbadiiba la shireen qaar ka mid ah taagereyaasha USC, waxayna Cali Mahdi u magacaabeen in uu noqdo Madaxweynaha KMG ee Soomaaliya, iyagoo aan la tashanin Caydiid iyo Madaxda Ururada SNM & SPM. Waxaa magacaabidaasi dhacdey labo maalin markuu MSB Xamar ka sii maqnaa. Tallaabadaasi oo ay qaadeen Raggaasi, waxay ahayd mid aan siyaasad wanaagsan ku saleysneyn, balse salka ku haystay qabyaalad iyo wixii la haalmaala.
Siyaasad xumadood, saldano jeceylkooda iyo sed bursigoodaba waxay dhalisay in USC. Labo garab noqoto iyo Gobollada Waqooyi ee ay SNM hoggaanka u haysay ay ku dhawaaqeen Dowlad madax bannaan oo gooni ah. Kadibna wixii Xamar ka dhacay iyo guud ahaan Dalka waan ka dheregsanahay .Fidnadii ay huriyeen raggaasi ilaa hadda waa la damin la?yahay.
Si runta ah, anigu weli ma fahmin ujeeddada dhabta ah ee ka dambeysa dhismaha BANADIRLAND ee raggaas ku hawlan-yihiin, maxaa yeelay, haddii ay ku qancin waayeen jagada Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed ee walaalkooda loo doortay,ma qabo in ay ku qanci doonaan Madaxweynaha Dowlad Goboleed. Soow waajib kama saarna raggaasi in ay taageeraan Dowladda Sheekh Shariif oo ka tirsan Mudulood, kana shaqeeyaan nabad gelyada Xamar & horumarkeeda, gacantoodana ku soo celiyaan Degaanadooda oo laga maroogsaday, intii wax kale isku mashquulin lahaayeen.
Waxaan Ragaas u sheegaaya marka hore in ?DHUL NINKIISAA ISKA LEH?. Mar labaad waxaan leeyahay ka fiirsada waxaad damacaysaan iyo waxaad sheeganaysaanba, sababtoo ah, Soomaaliya maanta dhibaatada ugu weyn ee haysata waa dhul kala haysasho, sidaas darteed, Qowmiyad kasta, waxay maanta awood u leedahay in ay deegaankeeda difaacdo kana horeeyo kuwii caadaystay in si xoog ah ku degaan dhul aan isir iyo asli u lahayn.
Si kastaba ha u dhacdee qorshaha Odayaasha Mudulood ee ku shiraya Nairobi, sheekada ku saabsan dhismo Dowlad Goboleed Banadirland, waxaana u arkaya in ay tahay wax dhalanteed waqti lumis ah oo la isku maaweelinaayo iyo in Prof. Geedi wax laga shaq-shaqo, kistii uu ka helay Dowladii Col.Cabdullaahi Yusuf, taasna waxaa u daliil ah in dadkii mas?uul ka ah dhibaatada ka aloosan maanta soomaaliya abuuray, colaad huriyay, Dowladdii dhisnaydna dumiyay, degaanadooda daafici waayeen, doorbideen in ay Dibadda u qaxaan, hantidooda (Mood & Noolba) uga cararaan,lagama yaabo in ay maantan keeni karaan xal waara ama dhisi karaan Dowlad Goboleed si dhab u shaqeysa.
Hadda iyo dan, waxaan Ragaasi kula talinaayaa in ay ka waantoobaan in mar kale fidno ka abuuraan beeshooda, taageeraanna Dowladda uu madax ka yahay Sheekh Shariif, suurtagalna ma ah in Xamar gudihiisa ay ka wada taliyaan labo Madaxweyne oo ka tirsan hal beel keliya. Sidoo kale, waxaan Odayaasha Mudulood, gaar ahaan kuwa Nairobi ku shiraayaan, ku boorinaaya in ay xoogooda iyo maskaxdooda isku geeyaan si ay degaanadooda dib uga ceshadaan.
Waa Billaahi Towfiiq.
Qaranka online
|