Qaranka. com
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Muqdishu video xiriir/contact
Qasim Hirsi
Magac Bixinta ‘Azania’

16 July 2011- Aniga oo soo gaabinaya qormada aan ku falanqaynayo Magaca “Azania” ee loo bixiyey qabyo ka mid ah dhulka Soomaaliya, ayaan ku bilaabayaa tafsiirinta luuqad ahaaneed ama eray bixnta kelmadda “Azania” oo ah mid in dhawaalaba la is weydiinayey, balse aysan cidina helin jawabateeda kolay kuwii keenay ku tahayna. Waa cajiib qof garan waayey macnaha magicii uu bixiyey waxa ku xambaarayna ay tahay uun xin iyo ku xumayn lagu xumaynayo qaybo ka mid ah dadka la sheeganayo in magaca qudhiisa lagu xukumi doono.

Aan udaadegee, kelmadda “Azania’ waxaa laga helay ilaa saddex luuqadood oo kala duwan. Saddexdaas luuqadood waxay kala yihiin: Afka Carabiga, Afka Giriigga iyo Afka Cibriga ama Yahuudda. Haddaba aannu eegno macanaha ay kelmaddu ku leedahay mid kasta oo ka mid ah saddexdaas Luuqadood, aniga oo ka bilaabaya kan ugu dambeeya, dabadeedna aannu is weydiino maxaa noo keenay oo nala soo doontay qaadashada magacaas baas.

Afka Cibriga - Yahuudda: “Azania” waxaa waayadii hore ee Islaamka iyo Masiixiyadda ka hor loo bixin jiray gabdhaha loogu talo galay in ay ka khidmeeyaan Macbadyada ‘synagogues”. Oo loo daayey in ay Rabbiga u adeegaan, iyaga oo ka go’aya hawl adduunyo tay ahaataba. Gabdhaha hawshaas loo doorayo waxay ahaan jireen kuwa aan loo hayn cid korisa ama daryeesha oo markaa laga sii welwel qabo mustaqbalkooda iyo halka ay ku dambayn doonaan. Waxaa la islahaa intay hallaabi lahayd oo derbi jiif ahaan lahayd soona jiidi lahayd fidnooyin isugu jira zino iyo fasahaad halaga dhigo mid u adeegto halka Rabbi lagu caabudo oo ahayd madasha ay beeluhuna isugu imaan jireen ‘community centers’.

Haddaba gabadhaas oo lagu asteeyo in ay tahay miskiin aan helayn daryeel ka sokow Rabbigii abuuray waxay ahayd mid la isaga naxariisto lana sheego in uu Rabbi aqbalayo habaarkeeda illeen waa madluumade. Nolosheedana intay doontaba ha jirtee lama guursan jirin loomana adeegsan jirin wax ka baxsan hawsha Macbadka. Dhaqankii waxa u sidaa ku socdaba waxaa dhalatay Maryama hooyadii Ciise oo noqotay mid hawshaas uga soo dhalaasha si aan la arag oo la maqal. Dabadeed waxaa bilaabatay in gabdhaha ku dheereeya caabudaa Ilaahay lagu idlaaqo (loogu yeero) waa caabidad oo la mid ah midda manta, gaar ahaan, goblka Gedo laga isticmaalo oo ah in gabadha loogu yeero “Cabdiya’, halka wiilkana loogu yeero ‘Cabdi”.

Waxay magacabiddaasi sii socotaba waxaa Yahuuddii ku fogaaday colaadihii iyo xinkii ay u qabeen diinaha kale ee Masiixiyadda iyo Islaamka oo iyagau la isticmaalay eray bixinadaas iyo weliba dhaqamadaas qaarkood, sida Masiixiyiintii oo gabdhihii barkood u asteeyey adeegga Kaniisadda oo uu guurna ka xaaraansan yahay “inanta Kaniisadda iyo Carmalka Kaniisadda” ayaa la kala yiraahdaa. Halkaa markay hawshu marayso ayey Yahuuddii u badeshay istcmaalkii magaca in uu yahay in loogu yeero gabdhaha Addoonta ah ee weliba la cabiidiyo. Halkaana waxaa ku can baxaday in gabadha addoonta ah, arxan lahayn, foosha xun, falka xun, ficilka xun, firka xun, ee fagaaraha looga guuro lagu magacaabo “Azania”.

Afka Giriigga: Waxa xusid mudan in uu ninka asalka iska leh fikradda “Azania’ ku andacooday in uu magacani yahay mid ay Giriiggii hore u bixiyeen dadka iyo geyiga gobolladaani ku yaallaan. Waxa uu ninkaasi xusay in xilliga uu Giriiggu magacaas bixiyey ay tahay kolkii uu Geeska Afrika u yimid si uu Masiixiyiintii Xabashiyeed uga kiciyo maamulkii Islaamiga ahaa ee uu hogaaminayey Axmed Gurey ee ay Soomaalidu ku qaaday kuna qabsatay dhulka maanta loo yaqaan Ethiopia. Haddaba si aan taas u fahamno aan marka hore is weydiino macnaha Magaca Ethiopia.

Magaca Ethiopia waa eray Giriig ah oo macnihiisu yahay “Wejigaa Gubay”. Waxaa bixiyey ciidankii Masiixiyiinta Orthodox ka ahaa ee Xabashida ugu yimid si ay ugu hiilliyaan oo uga difaacaan weerardii is dabo joogga ahaa ee ay Muslimiintii (Soomaalida Maanta)ku hayeen. Dhanka kalena Ciidankaas Giriigga ihi waxay cadawgoodii ay colaadooda intaas oo bad iyo barri ah usoo jibaaxeen u bixiyeen “Azania”. Taasi waa sida dib laga soo weriyey ee ma hubna, Laakiin waxaa huban in ay giriiggu lacnad dusha uga ridi jireen dadka Muslimiinta ah ee ka soo horjeeday fikirka Masiixiga ah, kuwaas oo ah Soomaalida maanta. Haddaba su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay mar hadday Giriigu walaalahoodii ay u miciinayeen u bixiyeen “Wejigaa Gubay” oo la mid ah “Lacnadi kugu dhacday”, muxuu noqon karaa magaca ay u bixiyeen kuwii ka soo jorjeeday ee ahaa cadawgooda ay neceb yihiin iyo cadawga walaalahooda ay u hiillinayaan oo isugu biyo shubanaya in ay u aaminsan yihiin “Cadawgood ama cadawga aadana iyo Cadawga Rabbi”? Halkaa Malaga filan karaa magac qurxoon oo wanaag ah oo lagu faano mustqablka?

Macna ahaan eragyga “Azania” waxa uu afka Giriigga ku yahay “Addoon dullaysan oo lacnadan” ama ugu yaraan “Cabiid” oo aan ka macna fogeyn isla sida lagu yiraahdo afka Cibriga, taas oo macna ahaan usii dhaw Afka Carabiga.

Afka Carabiga: kelmadani waxay afka Carabiga ku tahay isla sida ay Afka Soomaaligaba ku tahay oo ah Eray diineed macnihiisu yahay “Ruuxa galmood sharci darro ah ku kaca ee zinaysta”. Macanhaas oo kooban cid kastaana ay fahmayso ayaa ah mid in bada oo dadka Soomaaliyeed ka anfariiriyey kuna abuuray shaki iyo naxdin. Waxay gaartay in ay kooxihii Gobollladaas xukumayey ee “Ciyaal Shabaab” oo iyagu ku caan baxay in ay dad masaakiin ah inta soo qabsadaan dhagax ku dilaan iyaga oo ku masabidanaya ama ku qasbaya qirashada in ay sinaysteen ay yiraahdaan ‘Haddii uu dhulkan yahay naag zinaysatay ha naloo keeno ninkii ka zinaystay aan isagana dhagax ku dilnee’.

Hadda Yaa La yiraahdaa Azania? Azania waxaa la yiraahdaa Qabiilka ama Qawmiyadda ugu tirade badan dalka Koonfur Afrika oo waxaa badanaaba ku loollama Koonfur Afrika labada qabiil ee kala ah “Zulu iyo Azania”. Qabiilka Azania ee reer Koonfur Afrika waxaa magaca loogu bixiyey sifooyin ay ka mid yihiin “fool xumo, fal-fal xumo, fadaranimo, iyo fasahaad (waa sida ay gumaystayaashii caddaanka ahaa u arkayeene). Haddaba innagu miyaan ku faanaynaa sifooyinkaas aan xusay?

Muxuu Sharciga Aduunku ka qabaa in lala baxo magac ama astaan ay horay cid kale ula baxday? Xagga Qaanuunka dunida “International Law”, Waa dambi weyn in lala baxo magac ama astaan ay horay cid kale ama shirkad kale ula baxday oo loo aqoonsaday. Qodobka xaaraantimaynaya xaditaanka ama min guurinta magac dadow (copy right) waa mid caan ah ooy dadka ilbaxa ihi wada yaqaanaan ha ahaadeen culimada cilmigaas ku takhasustay ama caamada ku xeel-dheeraatay ilbaxnimada iyo galgalnimada. Haddaba su’aasha aan is weydiinaynaa waxay tahay Mu’alifkii magacani miyuusan weligiis wax soo akhrisan? Miyuusan dunida la socon? Miyuusan ilbaxnimada cusub ka war qabain? Miyuusan qaanuunka adduunka daalacan? Miyuusan oraahdiisa iyo aragtidiisa ka fiirsan oo u meel dayin? Dhab ahaantii, sidaan waxa adhaantay isaga oo magiciisa bixiya Geyiga oo dhan?

Maxaa ku kallifay? Waa yaabe ma geyigaas oo dhanbaa laga waayey magac lala baxo? Ma cid colaad loo qabo ayaa magicii dalka oo dhan loo baabi’iyaa? Dadka colaadda loo qabaa sow isla kuwa in la uxkumo la doonayo ma ahan (shakhsi ahaayaa iyo koox ahaayaab)? Giriigguma Allaheen baa? Ma abuuraheen baa? Ma aabaheenbaa? Ma cilaaqaad saaxiibtinimaaa naga dhexaysa? Sidee buu magac noogu bixin karaa? Haddii ay kow iyo toban qarni ka hor askar qawlaysato ah oo Giriirg ihi magacaas noo bixiyeen ma dawladda iyo dadka Giriig oo dhan baa noo bixiyey? Ma dadka reer Giriig een isku casriga nahay baa inoo bixiyey?

Allahayow fiirsigu fiicanaa, aqoontu wacanaa, caqligu caafimaad badanaa, cibaadadu toosanaa? Degennaantu doorsanaa? Rabbow ina hanuuni.

Waa qaybtii labaad ee Qormadii Magac Bixinta Dawlad Goboleedyadeenna ee uu soo diyaariyo Dr. Qasim Hirsi (la soco tan xigta oo ka hadlaysa Puntland) www.qasimhersi.com email: qaasim@mail.com

Qasim Hirsi
HESHIISKA JIBUUTI, BILOWGA HALGAN CUSUB!!

Contact Qaranka.com Email: ahassannn@yahoo.com

 
                        © 2006 QARANKA.COM| Design by Ali E H Naleeye