Qaranka. com
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Muqdishu video xiriir/contact
Ali E.H. Naleeye, editor,
7 June 2011- dhulalka cadowga sojireenka Somalia: Kenya, Jabuuti (gumaysigi faransiiskoo wali
fadhiya) Itoobiya, Uganda(saldhiga CIA-da ee Afrika) oo soo badanaya

Dowladaha ku bahoobay Xiriirinta Caalamka ee Soomaaliya/Somalia Iternational contact Group Xiligii 6 bilood ee Maxaakiimta Soomaaliya xukumaysay baa ururkan si kadis ah loo abuuray cadeeysteen in qasadkoodu yahay KALIYAH sidii ay Soomaaliya dowlad Islaam ah aysan uga dhalan lahayn.

Xiligaas ayay Caalamka warsaxaafadeedkan u soo saareen:

International Somalia Contact Group following an abrupt shift in policy this week after
Islamists seized control of the Somali capital from U.S.-backed, warlord-led militias

The 15 June 2006 meeting convened at the Permanent Mission of Norway to the
United Nations included Norway, Sweden, Tanzania, the United Kingdom and the
United States, and Italy. The UN and the AU participated as observers.

Markaas 2006 ninka safiirkii Tanzania u fadhiyay QM Augustine Mahiga baa si bareer ah ugu khudbeeyay inay Golaha Amaanka ee QM ka codsadeen in Itoobiya u fasaxaan inay Soomaaliya ku duusho, ninkaas hadda wuu soo rogaal celiyay oo Augustine Mahiga waa ninka haatan Xog.Qaramada Midoobay Soomaaliya u matala. Mahiga wuxuu ka walwalay haddii Dowlad Islaam ah Soomaaliya ka dhalato inay Jaziirada Zanzibar oo dowlad Islaama horay iskugu taagay inay Zanzibaar Tanzania markale ka go'do.


Kampala, Uganda

Dagaalka Mareeykanku kasoo xoojiyay Soomaaliya isagoo adeegsanaya Amisom iyo iyo shirarka aan kala go'in ee dalalka IGAD Soomaaliya loogu qabanayo ma dagaalka Afganistanoo kalaa oo uu yiri intaanan askartayda kala bixin Talebaan dagaal culus baan ku qaadayaa si ay wada hadal u ogalaadaan?

Hase ahaatee Generaalka askarta ugu sareeyay baa is kaga tagay shaqada isagoo leh sirta dagaal lama sheego, maadaama Talibaan isqarinayso ilaa Mareeykanku ka baxuo.

Dhaqaalaha Mareeykanku ku bixiyo Amisom iyo la dagaalanka burcad badeedka Soomaaliya iyo kharashka uga baxa DKMG ah wax saasa ka yarayn dhaqaalha uga baxa dagaalka Ciraaq.

Marka ma wuxuu Mareeykanku damcay inuu xoog u yeelo Dowladda daciifkaa ee uu Soomaaliya ka dhistay si ay ula gorgortanto Al Shabaab?

Mise waa balaan la rabo in Soomaaliya gobol gobol inta loo kala qaybqaybiyo dabadeedna dalalka dariska la ah loo hoos geeyo sidii ku dhacday Dowladdii la dhihi jiray Kurdistaan Repubic 1948?

Mise waa balaan la rabo in si daahsan “DKMG” oo shisheeyuhu Soomaaliya u doortay xilka loogu kordhiyo?

Waxaa cad in Shirarka 21 sano Soomaaliya loogu qabanayo dibidaha in lagu qarinayaa burburinta Soomaalida?

Intaanan bilaabin Faaladan bal aan wax yar idiin sheego qiso yaab leh oo shalay salaadii Jimcada ka dhacday Masjid ku yaal dal Yurub ah wiilal Soomaaliya. Kolkii salaada laga baxay baa la yiri wiil inoo ducee walaa. Wiilkii wuxuu ducadii ku bilaabay.

ILAAHOW WAXAAN KAA BARYAYNAA INAANAN FARAHEENA DALKANU Computarka ka HELIN.

(qaxootigu marki ay Yurub soo galaan faraha lkhad madow mida sida qoftaan wax qorin farta ay wax ku saxiixdo oo kale dabadeedna Computarka lagaliyaa raadkii farta oo sawirin. Adduunka majirto qof faraheedu qof kale u egyihiin)

Dhibaatada ugu weyn ee qaxootiga Soomaalida ee Yurub qaxooti weydiista haysata waa markii farahooda laga helo dalalaka sida Talyaaniga. Kolkaasoo sharciga loo diido. Waxaa la yiraa maadaama aad soo martay Taluaaniga ama Gariiga ayagaa xag qaxooti ku leedihiine ku laabta.

In maanta Dhalinta Soomaalida masjidyada uga duceeystaan in ILAAHEEY u sahlo iney qaxooti noqdaan waxaa sabab u ah kuwa kol walba leh shirkii ay qabteen cadowga Soomaaliya baa nala ku soo doortay.

Markaad internet furtid ama idaaco Soomaaliya ka hadlaysa dhagaysatid waxaa kaa soo horbaxaya Shariif Sakiin , Shiikh Shariif ama RW Farmaajo baa Kenya ama Kampaala ama Yurub shir dhibaatada Soomaaliya lagu xalinay. Waa maxay ujeedada QM ka leedahay Shirarkan isdaba jooga oo aan dhamaadka lahayn oo mar walba lagu soo dhiso dhulka cadowyadda soojireenka ah ee Soomaaliya? Maadaama aan jawaabtaa aay qariyaan dwoladaha ku takhasusayay si shir beeneed Dowlad Soomaaliya loogu sameeynayo ilaa sanadkii 1990-91 kii Cali Mahdi Reer Galbeedku ku soo

CALAAMADAHA 21-kii sano, DKMG ay kuli wada lahayeen:

1.In Soomaalidu u sacabo tumto dowladda shisheeyuhu DKMG ee shisheeyuhu u soo dhisay, maadaama boorsooyin doolar ka buuxo kol walba laga soo hormariyo si shacabka loo yiraahdo faanoole fari kama qodna

2.in ay u badan yihiin rag maan gaab ah oo wadaninimo ka muuqan.

3.in Reer Galbeedka iyo Carabta kuwa saliida leh kharashka ka bixiyaan.

4.in kuli abuureen dagaaladdii ugu xumaa ee Taariikhda Soomaaliya soo maray abad.

5.Miidiyaha Caalaamka oo ku buun buuniya in DKMG ee Soomaaliya u dhalatay ay tahay tii ugu raja fiicnayd oo dadka Soomaalida oo dhibaataysan aad iyo aad ay muddo dheer u sugayeen.

Roobku inta uusan curan dabayl iyo qorax kulul baa loo baahanyahay. Dagaalna dhaqaale hub iyo askar lagu gato baa loo baahanyahay.

Laakiin maanta Reer Galbeedka dhaqaalihii hoos buu uga dhacay, dalalka Carabta oo ay shidaalka ka heli jireena dagaale sokeeye baa hareeyay. Inkastoo Soomaalida ama Caalamka laga QARIYO, dhaqaalaha Mareeykanka uu ku bixiyo dagaalka Soomaaliya Amisom iyo la dagaalanka burcad badeedka, Soomaaliya waxay noqonaysaa dhaqaalaha ugu badan ee Mareeykanku ku bixiyo dalalka ku yaala Qaaradda Afrika marka laga reebo kan uu ku bixiyo dalka Masar.

Maadaama ay cadahay in dagaalada Carabta ka qarxay ay ku fidi doonaan adduunka arintaasna dhaqaale cusub Mareeykanka uga baahantdoonto waa ku qasab inoo jaro dhaqaalaha daahsan ee uu Soomaaliya ku bixiyo.

Haddi saddex qof oo jirin isbitaal la geeyo takhtarku marka hore waa inuu daaweeyaa ruuxa sacad laga yaabo inuu ku dhinto kuna cijiyaa qaliinka kan labo saac gudaheeda inuu ku dhinto, uguna dambeysiiyaa kan saddexsaac gudaheeda laga yaabo inuu ku dhinto.

Macnuhu waxaa weeye bimathal Yemen baa nin Mareeykan la saaxiiba Madaxweyne u noqday, marka maadaama dhaqaalihii Yemen uu burburay waa dhaqaale dib u dhis uu Mareeykanku ku bixiyo si madaxweynahaa uu u hanaqaado.

Macnuhu waa sidii takhtarka isbitaalka oo kale oo waa in dhaqaalaha Soomaaliya la joojiyo maadaama Yemen ay Sacuudiga xuduud dheer la leedahay.

Kolka Dowladaha iyo Midiyaha Caalanku Soomaaliya ka hadlayo waxay uga hadlaan si caadiya, bimathal Madaxweynaha Somalia baa Kenya booqasho ku soo gaaray oo la shiray dhigiisa Kenya. Laakiin dhigu hadal un buu ahaa maadaama hadal kasta oo Soomaaliya laga qoro lagu soo gaba gabeeyo qoraalkaan:

Somalia did not a governmen since the overthrew of dictator Siyaad Bare in 1990.

"Beesha caalamka haddii ay iyadu dhaqaalaha iyo fangareynta nasiiso kama yeelayno in ay waxa ay rabaan noo yeeriyaan waxaan leenahay hadaad rabtaan naga jarta biilka aad nasiisaan marnaba tegi meyno shirka lug gooyada ah ee aad abaabuleysaan”  ayuu yiri Farmaajo.

R/wasaare Farmaajo oo islamarkii ladoortay aan ku deg degin booqashada Itoobiya ayaa lasoo baxay Erayo dhab ka hadal ah oo u ku diidanyahay shirka ay Q. Midoobe gar wadeenka katahay ee dhawaan ka dhici doona Nairobi."

Labo bilood baa laga jooga markii R/wasaare Farmaajo Caalamka ku yiri:

Sida Soomaalida badanaaba ogeyd Farmaajo usbuuci hore boorsadiisa buu u qaatay shirkii Ugaanda Kampala ka dhacay. Taas mucjisoonyinka Soomaaliya bay ka mid tahay. Ninkii labo bil ka hor lahaa shirarka dibada wax aan luggooyo ahayn uma hayaan Soomaaliya usbuci la soo dhaafana Kampaala Caalamka u horkacaya si Soomaaliya dhibaatada looga saaro.

Laakiin nasiib wanaag maanta waxaa jira Kacadoonka Islaamka ee Carabta ka bilaabtay oo reer Galbeedku ka cabsi qabo inuu Soomaaliya iyo Bariga Afrika uu kusii fido.

Maadaama 21 sano Gumeeysiga Reer Galbeedka oo adeegsanaya QM ay ku fashilmeen Labo bilood baa laga jooga markii R/wasaare Farmaajo Caalamka ku yiri:

Shirarka beentaa oo ay Soomaaliya dowlad magac u yaal ugu abuuraan, maanta waxay adeegsanayaan labadda Shariif iyo IGAD Amisom ilaa iyaga la rumeeysan maaye.

Meeshii awal QM ay si toosa Soomaalida ula hadli jirtay maanta Shariifow saan dheh ama Mussevinow saan dheh baa la leeyahay si arrinta ugu ekaato arrin Soomaalidu ay wadato.

QM 21 sano ay Soomaaliya Madaxweyne usoo dooranaysay inta sano Dowladda Soomaaliyana iyadu iclaaminaysay in xiligaan oo nacaybka iyo shakiga Soomaalidu uqabto UN-kana uu batay, mudadii ay u qabatay jiritaankeedana dhamaaday in haboon tahay in labadda Shariif hogaamiyaan waqtiga ku darsiga loo adeegsado oo xitaa loo fasaxo inay UN-ka waxqabadkeeda dhaliilaan oo cambaariyaan si hadalkooda uu Soomaalida uga gadmo oo ay ugu muuqdaan Soomaalida inay yihiin niman wadaniya. Sidii ruwaayad bay UN-kana diidaysaa go'aankaa ku darsiga.

Taasi waa Kaarka Xogeeyaha QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustin Mahiga ciyaarayo: Waqti kordhis majiro. Xiligii doorashada Dowlada Soomaaliyo loo qabtay oo muddo bil ka hadhana way dhaceysaa. Muqdishu buuna shirka doorashada ka dhacayaa.

Cadowtinimo uu Mahagia u qabo ummadda Soomaaliyeed buu la leeyahay Xamar oo maanta xitaa AY iska daa bani'aadani ay dhib ku tahay dariiq Xamar ku yaal in uu nabad ku maro. Shirka shalay Kampala Ugandha ugu soo dhamaaday Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya waxaa la isticmaalay Madaxweynaha Uganda Museveni oo yiri aan dowladda Shariif hal san loogu kordhin askartayda Soomaaliya waan kala soo baxayaa.

Dagaalka Amisom Muqdishu ka wado asna waa mid loo adeegsanyo xili kordhiska. Si loo yiraahdo maadaama dowladda Soomaaliya ay Soomaaliyoo dhan nabad ka dhigi rabto bal Golaha Amniga ee QM wuu ku raacay codsiga Igad Amisom iyo Dowladda Soomaaliya oo Hal sanaan waqtiga ugu daraynaa.

Saddexda sano oo Shariif Sakiin oo dhigma Baarlamaanka dalka Soomaaliya iyo Sanadka Shiikh Shariif dalbaday in QM rabto inay ka dhigato saddex sano iyo hal sano waxaa cadaalad u ah labo sano ee DKMG labo sano haku darsato. Waana inaad labadaas sano ku soo afjartaan nabadaynta Soomaaliya oo hadda meesha wanaagsan aad marinaysaan.

Tan kan ku qoraan waa caadada ay UN-ka Soomaaliya kula dhaqanto: SOOMAALIDU WAA DAD WAR JECEL EE HADBA WAXA AY JECELYIIN MAQASHII. Labo bilood baa laga jooga markii R/wasaare Farmaajo Caalamka ku yiri:

Tan Soomaalida shanki ku abuurtay waxay tahay bal abeeyow ma dhici kartaa in Soomaaliya Doorasho ka dhacdo? Xitaa xoolaha Muqdisho xabada dariiqyada wiifaysa ka gambada ayaa og inaan Soomaaliya nabadu jirin.

Haddii Reer Galbeedku ciidamadooda Amisom Soomaaliya kala baxaan Soomaalida dhexdooda way heshiikarilahaayeenn. Laakiin haddii kala jar jarka gobol gobolaynta Soomaaliya ee rubac qarni la wado aan laga hortagin waxaa Soomaaliya noqonaysaa sida ku dhacaday dowladdi am qowmiyadii Kurdiya ee caalamka ka jirtay 1945-58 dabadeedna Shan dowladood oo daris la ah ay kala qaybsadeen ama kala jarjarteen: Kurdiga qaybta Ciraaq, Kurdiga Siriya, Kurdiga Turkiya, iyo Kurdiga Iran.

Si looga hortago in Soomaaliya la kala qayqaybsado, waxaa qof walba oo Soomaaliya ku waajiba in uu qalab qaato oo xilkiisa kaga aadan joojinita kala qaybsiga dalkii iyo ummaddii la dhihi jiray Soomaaliaya guto. Maadaama anaga dad Soomaaliyeen noogu dadaaleen inay Soomaaliya noo abuuraan.

Marka waa inay Soomaalida iska qabtaan nimanka mushaarka gumeysiga Soomaaliya uu bixinayo oo 21 DKMG ee Soomaaliya oo magac u yaal ah.

Haddii daraad oo jimcaa Cali Saalax, Madaxweynihi Yemen dharaar cad Sacuudiya u cararay, bin Cali Madaxw. Tunisiya shacabkiisi cayriyeen, Mubaarak shacabkiisi Masar cayriyeen, Qadaafi shacbkiisi ku kaceen, Bashir Al Asad shacbkiisi Suryia ku keceen, sidoo kale Shacabka Soomaalidaa oo walaalo ah waa inay sidasas u soo ceshadaan xurnimadooda . Dharaar cad baa Shacabka Carabta si geesinimo ah Xabadda iskugu dhigheen ayagoo ku dhawaaqaya ALLAAHU AKBAR xabada shafka iyo wajiga kaga dhacday, si aan sharafta iyo xornimadooda aan loo burburin.

Haddi Carabtiiba oo Dowladdu dhaba oo dhulkooda HOOYO shacabkoodu ku dhisay iska tuureen, Soomaalidu dowlad meel ku gaara oo siyaasad shisheeye iyo dhaqaale shisheeye 21 sano DKMG Soomaaliya laakiin ninka Madaxweynaha un la badalayo oo Soomaaliya dagaalo iyo burbur lagu hoobtay oo taariikhda Soomaaliya meeshii ugu mugdisanayd gaarsiiyay inay gasho u horseeday-shacabka Soomaalidu way ku kacdoomi karaan.

Shirka la sheegayo in Soomaaliya gudaheeda uu ka dhacayo Bishan ama Bilaha soo socda muxuu uga duwanyahay kuwii 21 sano lagu wareershay shacabka Soomaalida haddii ay wali xildhibaan iyo madax yihiin kuwii 21 sano shacabka Soomaalida burburinayay? Maxay tahay nabada ay 21 sano ku dhali waayeen oo muddo hal sano ama saddex sano ay ku soo dhali karaan?

GUUSHA SOOMAALIDDA BAY KU DAMBEEYNAYSAA
Ali E.H. Naleeye, editor
Mareeykanka soo xojiyay dagaalka Somalia ka wado iyo Shirarka QM u qabanayso DKMG dhulalka cadowga sojireenka Somalia: Kenya, Jabuuti (gumaysigi
faransiiskoo wali fadhiya) Itoobiya, Uganda(saldhiga CIA-da ee Afrika) oo soo badanaya

Contact Qaranka.com Email: ahassannn@yahoo.com

 
                        © 2006 QARANKA.COM| Design by Ali E H Naleeye