| Qaranka. com Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Muqdishu video | xiriir/contact |
|
C\kariim Jiirow Sharmarke Madaxwaynaha Jabuuti Intaad U Dabaaldagayso Doorashadaada, Waxaa kula Gudboon In Aad Shaash Xirato
Madaxwaynaha Jabuuti Intaad U Dabaaldagayso Doorashadaada, Waxaa kula Gudboon In Aad Shaash Xirato. By Musharaxa u taagan madaxwaynaha soomaliya C\Kariim Jiirow Sharmarke
Magacaygu waa C\kariim Jiirow Sharmarke waxaan ku Noolahay Washington Maraykanka
Sida aad la socotaan markii uu dhacay burburkii dowladii dhexe ee soomaliya, dad badan ayaa waxay yiraahdeen inta dowlada jabuuti jirto soomaliya cod bay leedahay, waxaa maanta cadaatay in madaxwaynaha jabuuti uu ku caasi garoobay soomaliya oo iyada xoraysey oo hiil iyo hooba ula taagnayd markii ey xornimada uu dagaalamayeen,
magaalada jabuuti waxaa ku wareegsanaa, miino iyo kornto waxaa markasta fur furijirey ciidanka soomaliya si waraku iyo akhbaartu u gaarto shacabka Jabuuti,faransiisku wuu carooday oo yiri soomaliya ayaan ku duulayaa ciidamadiisa ayuu keeney bada anagana heegan baan galnay madaxwaynihii soomaliya alaha u naxariistee maxamed siyaad waxa u yiri waxaad hayso soo daa! Talyaaniga iyo ingriiska ayaa la taliyey oo yiri soomaaliya ka faa’iidi maysid ee iska daa
intaa waxaa dheer siyaasiyiinta jabuuti uu isga ku jiro in ey ku socdeen baasaaboorka soomaliya, maanta waxaa dhacday soomaliya oo nabad heshay 6 bilood markii Amxaarku ku soo duulay oo shacabkii lagu xasuuqayo xamar in Shidaalku , bariiska iyo hubka ey uga soodagayeen amxaarka jabuuti, intaas waxaa dheer 16 kun oo ciidan ah oo afrikaan ah oo shacabka laynaya maalin kasta oo guryahoodii duminaya xitaa kama uu hadlin, marka shir iigad layskuguyimaado, marka ismaciil ma war lord baa mise waa madaxwayne.
Soomalidu waxay tiraahdaa”Labo nin oo dagaalameysa Ninka saddexaad ee la jooga haddii uu kala qaban Ama Waa nacab ama waa Nacas” marka ismaacil midka uu yahay saxaafada ha u sheego.Intii aan soo wareegayey Australia, carabta, yurub, kanada, marykanka kuli reer jabuuti oo dhan waxay sharci ku qaateen soomali baan ahay oo waan garab istaagnay si ey wax u helaan ilaa 150 kun oo reer jabuuti ah ayaa sharci qaadatay oo maanta daqli fiican soo galiya reerahooda, Isaguna baasaaboorkii jabuuti waa nooga dhaartay oo farnsiiska ayaa yiri ha siin soomaliya aqoonsigaaga.Niman daganaa Aadan yabaal ayaa waxay u aroor tagi jireen meel la yiraa Xagay dag,
nimankaas waa labaadi jirey si xuna waa loola dhaqmi jirey, maalintii danbe ayaa reer aadan yabaal ceel u dilaacay roobna u da’ay, nimankii wax baadi jirey ayaa dantu waxay ku qasabtay in aadan yabaal aroor u tagaan.nin ka mid ah ayaa gabyey waxa uu yiri “Aadan yabaal u aroor Abaalna kuuma yaalo miyey Galabta joogtaa” waxaan uga jeedaa madaxda iyo shacabka reer jabuuti soomaliya dhibkan way ka baxaysaa abaalkey idiin ku lahaydna meydiin fulin hortiina ayaa lagu boobayaa idinka oo cod leh oo dowlad ah taariikhdana baal mugdi ah ayaad ka galeysaan.
C\kariim Jiirow Sharmarke, e-mailkaygu waa Sharmarke95@hotmail.com
Contact Qaranka.com Email:
ahassannn@yahoo.com |