Qaranka. com
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Muqdishu video xiriir/contact
Abdirshid Jire
DUBAI, UAE: Soomaaliya ma Soomaali baa leh?

Sida ka muuqata cinwaanka qoraalkan ayaan waxaan doonayaa inaan idiin soo bandhigo suaa’shaas aan jawaabteeda weli la heyn, taasoo ay ka soo yeertay nin ajnabi ah oo u damqaday dhibaatada lagu hayo dhulkeenii gaar ahaan xaalufinta lagu hayo dhirta iyo daaqa uu dhulkeenii ilaahay ku manaystay.

Waxay ahayd barqo 11;00 kii subaxnimo markii aan hawl ka yeeshay dakadda weyn ee magaalada Sharjah oo ka mid ah wadanka Imaaraadka Carabta, markii aan gaaray dekedda ayaan waxaan arkay dhawr markab ama doonyo laga dajinayo dhuxul aad u tiro badan, waxaan ku leexday mid ka mid ah doomihii laga dajinayey dhuxusha si aan u ogaado halka ay ka timid anigoo dareensan inay soomaaliya tahay, waxaan hoos joogsaday doonni weyn oo la dajinayo shaqaalihii ayaan weydiiyey qofka iska leh iyo meesha ay ka timid, waxaa isla markiiba ila hadlay nin Masri ah oo igu yiri anigaa iska leh dhuxushaan ee maxaan kuu qabtaa?

waxaan iska dhigay nin doonaya inuu iibsado dhuxusha waxaana weydiiyey halka ay ka timid dhuxushan,wuxuu si fudud iigu jawaabay waxay ka timid Kudhaa,oo waa tan ugu fiican dhuxusha laga keeno soomaaliya,anigoo la yaaban sida uu ugu dhawaaqay magaca magaalada Kudhaa oo dad badan oo soomaali ah haddii la weydiiyo aanay garaneyn, ayaan waxaan ku celiyey maxay ku kala duwan yihiin oo dhuxusha Kudhaa uga qaalisan tahay ama uga tayo fiican tahay tan laga keeno meelaha kale

,intuu qoslay ayuu igu yiri ganacsiga dhuxusha ma haddaa kuugu horeysa,markiiba haa ayaan la soo booday, wuxuu yiri aan kuu kala sheegee dhuxusha waxaa ugu liidata tan laga keeno Baraawe waayo waa geed miroodkii sida liinta ama canbaha oo la soo gubay,laakiin anigu weligey kama ganacsan waayo waa xaaraan in geed la sugayey muddo sannado ah dheefsigiisa haddana si dhib yar loo jaro , intaa markuu is raaciyey ayuu madaxa gilgilay oo igu yiri ma la hubaa dhulkan inaad idinka leedihiin haddaad soomaali tihiin, waayo anigaa ka naxaya sida wax u socdaan ayuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisii.

Falaari gilgilasho kaagama go’dee waxaan bilaabay inaan isagii ku eedeeyo inuu qeyb ka yahay xaalufinta dhulkan lagu hayo,waana isla keeni weynay murankii, waxay igu noqotay arrin igu taagan oo aan hawshii aan u socdayba ku ilaaway,

waxaan u sii gudbay doon kale oo la dejinayo oo aan weydiiyey intii oo kale, laakiin markaan iyadoo aan wax ka ogahay qiimaha iyo noocyadeeda ayaan la sheekeystay shaqaalihii dejinayey doonta kale, waxay ii sheegeen ugu yaraan usbuucii in illaa 10-15 doon ay ka yimaadaan soomaaliya oo ay dhamaan ka yimaadaan koonfurta soomaaliya,waxaa gadaal iigu soo noqotay suaa’shii uu ninkii i weydiiyey ma la hubaa inaad idinku dhulkaan leedihiin?.

Abdirshid Jire, khalinle@gmail.com
DUBAI, UAE: Soomaaliya ma Soomaali baa leh?

Contact Qaranka.com Email: ahassannn@yahoo.com

 
                        © 2006 QARANKA.COM| Design by Ali E H Naleeye