Qaranka. com
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Muqdishu video xiriir/contact
Written by Muuqaal
Qormo xiiso leh oo ka hadleysa dilkii Kacaanku ku fuliyay Salaad Gabeyre iyo xubno kale


General Salaad Gabeyre

Qaybta koowaad

5tii Maajo 1971, ayaa maanta oo kale ka soo wareegtay, 39 sanno, kadib markii, General Salaad Gabeyre Kadiye, General Mohamed Ceynaanshe Guuleed, Abdulkadir Dheyl Abdulle, saraakiil iyo xubno kale ee ka tirsanaan jireen, qaybaha Ciidamada Xooggii Dalka, Madax iyo ashqaas rayid ah loo qabqabtay, wax lagu sheegay, shirqool ay damacsanayeen, inay xukunka kaga tuuraan, Golihii Sare ee Kacaanka.

Dad xogogaal ah, Madax iyo qaar ka mid ah, saraakiishii arrintaas loo xirxiray, ayaa qaba in aanu jirin inqilaab la diyaariyay, laakiinse, arrintan ay ku timid, loolan si aad u xoogeysanaayay, si hoose-na uga dhex socday, xubnihii ugu muhiimsanaa ee Golihii Sare ee Kacaanka.

Kadib markii, GSK dhexdoodii is-magacaabeen, Mohamed Siyaad Barrena, ay ka dhigteen Madaxweynahoodii, ayaa waxay ahayd, arrin General Salaad Gabeyre, uu aad u taageeraayay. Bal heshiiska dhexooda, ayaa, wuxuu ku qotomay, in la wadaago, talada iyo go'aamada la xiriira arrimo kala duwan, sida siyaasadda, amaanka qaranka, difaaca iyo guud ahaan, wax kasta oo ku saabsan awoodaha iyo nidaamka dowladeed ee dalka.

Mohamed Siyaad Barre, wuxuu wax badan, Golaha ka dhex doonay, awoodaha dhammaantood, ama qaar muhim ah in loo daayo, balse, wuxuu dareensanaa, in tallaabadaas uu is-hortaagi karo, General Salad Gabeyre oo ku dhegganaa, Goluhu inuu yeesho, hannaan ku dhisan talo wadaag iyo isla go’aamin, lagu meel mari karo, qaraaradiisa, inta ay ka dhalanayso, fursado iyo xaalad waddanka u bisleeya gaaritaan, isbeddel iyo nidaam siyaasadeed, ee dimoqraadi ah, suurogalna ka dhigi kara, in shacabka nidaamka xukunkooda dib loogu celiyo.

Salaad Gabeyre, wuxuu ahaa, sarkaalkii ugu sarreeyay, uguna awoodda badnaa, markii la sameynaayay, inqilaabkii 21kii Oktoobar, 1969, laguna tuuray, xukunkii rayidka. Sidaas darteedna, ciidammadii XDS oo waqtigaasi shacabku aad u jeclaayeen, ayuu ka heystay, taageerada ugu xoogga badan. Sumcaddaas, Generaal Salaad lahaa, daraateed, ayaa ahayd, mid welwel xoogan iyo dareen cabsi ama shaki ah ku heysay, damacii awood jaceylka iyo kaligii talisnimada ee Mohamed Siyaad Barre doondoonaayay.

Mohamed Siyaad iyo shaqsiyaad kale, ayaa, waxay bilaabeen tabo, koox kooxeysi ah, oo lagu kala qaybinaayay xubnahii GSK iyo mu'aamarooyin xeeladeysan, si, nqilaabkii 21ka Oktoobar, loo dul dhigi lahaa, inqilaab kale. Wuxuu u arkaayay, General Salaad Gabeyre inuu yahay, shaqsi, haba yaraatee, duruuftaas ay ku wada shaqeyn karin. Si uu gaaro yoolka hadafkiisa, wuxuu bilaabay inuu isticmaalo, tabo isku kala daadin ah iyo soo dhoweyn dhagar ah, inuu kula dhaqmo Salaad oo dhab ahaan, u muuqday nin aan xoog la isticmaalo, aan waxba looga qaadi Karin.

Madaxweynihii GSK inuu noqdo Mohamed Siyaad Barre, wuxuu Salaad Gabeyre kala kulmay, naqdi iyo eedo uga imaanaayeen, saraakiil waaweyn oo qaarkood arrintaas darteed aad uga caroodeen. Waxay ku yaqiineyneen, Mohamed Siyaad, muddadii Taliyaha XDS ahaa, iyo ka horba, inaan looga baran, hufnaan iyo karti uu kaga miro dhalin karo, wajibaad loo ikmado, iyo iyadoo xataa sidoo kalena, ku yaqaaneen, inuu yahay, qof aan ka maarmi karin, ku dhex noolaashaha, dhaqamada guracan ee qabyaaladda.

Xiliyadaas, xataa, waxaa ka dhex taagnaa saraakiisha doodo aan qarsoonayn, iyo in, su’aalo la iska weydiiyo, qaabkii loogu magacaabay, Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taasoo loo arkaayay, inay ku timid, qaab sharci darro ah iyo musuqmaasuq loo adeegsaday in lagu minjoxaabiyo, xeerarkii iyo heshiisyadii awood qaybsiga ee xiligii xuriyadda 1960kii, kuwaasoo, "criteria"- ahaan, saldhig looga dhigay nidaamka magacaabista, xilalka sare ee taliyayaasha ciidamada qalabka sida.

Abdirizak Haji Hussein oo Ra'isul wasaare ahaa 1964-67, xiligii geeradii Allaha u naxariistee, Taliyahii XDS General Da'aauud, ayaa si aan habkii awood-qaybsigii waafaqsanayn ugu takrifalay xeerkaas. Markuu soo magacaabayay Afweyne, inuu buuxiyo xilka taliyonimada XDS, iyadoo dhanka kalena, ay ka jirtay, Mohamed Abshir Haamaan, isna uu haayay xilka Taliyaha Boliiska. Labada nin, waxay wadaageen, heyb mid ah ee dhanka qabiilka ah.

Mohamed Ibrahim Egal, oo isna Ra'isul Wasaare noqday, 1967-69, ayaa isku dayay, inuu miisaankii isku dheelitirka awood-qaybsiga, si xeerkii lagu heshiiyay waafaqsan u soo celiyo, wuxuu soo saaray amar tababar loogu diraayo Afweyne Siberia, USSR. Kadibna markuu soo dhammeysto looga dhigaayo howlgab. Taasoo keenaysay, fursadaha taliynimada XDS magacaabisteeda inay ku soo baxaan, Labadii taliye ku xigeen midkood, General Mohamed Ceynaanshe Guuleed ama General Mohamed Ibrahim Liiqliiqato. Nasiib darro, qorshahaasi, wuxuu ka fuli waayay, xubno waqtigaasi siyaasiyiin u badnaa, oo u suurogashay, in Madaxweyne Abdirashid Ali Sharmarke, ka dhaadhiciyaan, xil ka wareejinta Siyaad Barre, in dib loo dhigo ilaa in waqti ah.

Mohamed Siyaad Barre, isna, waxaa u bannaanaatay, fursado waqtiga uu kaga faa'ideysanayo, taasoo ku hoggaamisay, in uu ku xirmo rag saraakiil ah reer koofureed iyo reer waqooyi isugu jiray. Salaad Gabeyre, oo muddo isku kacsanaan jireen, ayaa la hashiisiiyay, wuxuuna u arkaayay, inuu ahaa, qofka ugu muhiimsan, ee uu isku tiiran karo.

Waqtigaas, wuxuu Salaad, ka mid ahaa, koox kale oo qorsheynaysay, inay inqilaab sameeyaan, hase ahaatee, ku kala duwanaaday dhanka fikirka. Xubnaha kooxdaas, waxaa ka mid ahaayeen, Mohamed Farah Aydid iyo Abdullahi Yusuf. Kooxdu, waxay ku kala dareereen, iyadoo qof katsa is biday xiniin. Waxay ku heshiin waayeen, haddii lagu guuleysto qorshaha, qofkii madax noqon lahaa.

Xubno dhowr ah, oo ay ku jiraan, Mohamed Siyaad Barre, Mohamed Ali Samatar, Abdallaha Fadil iyo raggii kale ee reer waqooyi ah, lagana xusi karo, Ismaaciil Ali Abokor, ayaa waxay ku heshiiyeen, qabanqaabada iyo abaabulka inqilaabka in looga dambeeyo, Salaad Gabeyre Kadiye. Taasoo suurogashay, in uu guuleysto, maalin kadib, aaskii Allaha u naxariistee, Madaxweyne Abdirashiid Ali Sharmaarke.

1dii November 1969, Markii lagu dhawaaqay, xubnihii Golaha sare ee Kacaanka iyo Golihii Xoghayayaashii Dowladda, ayaa, Ismaciil Ali Abokor, isagoo reer waqooyinimo darteed ku xisaabtamaya, wuxuu rajo ka lahaa, inuu noqodo ninka labaad, ee ugu awoodda badan xubnihii Militariga ee xukunka la wareegay, Sidaas darteedna, wuxuu si hoose, ugu la heshiiyay, Mohamed Siyaad Barre, sidii loo khaarajin lahaa, General Mohamed Aynaanshe oo loo arkaayay, inuu aad ugu xaglinaayo, safna la yahay, Salaad Gabeyre, marka laga hadlaayo talooyinka ku saabsan, in awoodda noqoto, mid Goluhu u wada dhan yahay. Taasi, badelkeedana, Ismail wuxuu wacad ku maray, inuu wax ka fulinaayo, qorshe kasta, ee lagu dilaayo Salaad Gabeyre.

Waajib kala qaadashada dhexmartay Ismaciil iyo Afweyne, ayaa, iyadana waxaa dhankooda, ka waday, rag ay ugu horeeyaan, Ahmed Suleymaan Dale iyo Mohamoud Gelle Yusuf.

Genaral Mohamed Ali Samatar iyo Abdalla Mohamed Fadil, oo dhab ahaan, Salaad Gabeyre, la ahaan jireen, saaxiibbo waaweyn oo soo jireen ah, aadna isku dhexgalay, ayaa nasiib darro, iyagana, waxay noqdeen, kuwo waqtiyadii dambe, loo adeegsado inay si khiyaamo iyo dhagar ah, kula socdaan walaalkood Salaad Gabeyre.

Mohamed Siyaad Barre, wuxuu ka ballan qaaday, General Mohamed Ali Samatar, haddii uu Salaad meel ka saaro, xilkiisii taliyanimada XDS loogu deri doono, Wasiirnimada Gaashaandhiga oo ah xil laga wareejiyay Salaad iyo weliba inuu noqonaayo Madaxweyne ku xigeen iyo inuu u dalacaayo darajada Sareeye Gaas.

Sidaas darteed, ugu dambeyntii, Samatar iyo Faadil oo taliye iyo taliye ku xigeen isku ahaayeen, waxaa u suuro gashay, Salaad inuu ka yeelo qado uusan ku talagelin inuu kala qaybqaato isaga oo ay gurigiisa ka soo qaadeen, markii uu shaqada ka yimid. Waxay ka dhaadhiciyeen, isagoo aan dareensanayn, shirqoolka saaxiibbadii inay rabaan, sheeko gaar ahaanayd inay ku yeeshaan baar "KM 13".

Waxaa martiqaadkaasi, khiyaannada ah, ku suurogashay General Salaad in lagu shirqoolo, gacantana u galo rag uu si weyn u aaminsanaa, kana maleysanyen inay u hoggaamiyaan Maxkamad sharci darro ah, xeerkii xasuuqa Lr. 54, Golihii Sare Kacaankana soo saaray 1970-kii iyo Shahaaddo suur (marqaati-beenaalayaal) la soo wada farsameeyay, ayaa loo adeegsaday, shirqoolkii dilka, laguna fuliyay Salaad, Caynaanshe iyo Dheel, taasoo dhacday, 3dii Luulyo 1972, sannad iyo laba bil kadib, markii ay ku xirnaayeen, godad hul ah, oo ka mid ah xabsiga dhexe, taasi oo aan loogu talagelin xitaa in lagu xabiso nafley.

Xabsiga dhxdiisa, waxaa loogu geeysan jiray, qaababka ugu darran ee jir-dil lagu la kaco dad aadami ah. Waxaa la diiday Qoysaskooda, qareeno iyo suxufiyeen in ay soo booqdaan. Dilkoodii, waxaa kaloo u weheliyay, iyadoo la fasaxay, in la dhaco wixii hanti ah ay leehaayeen.

Siyaad Barre, ayaa ahaa, xaakin ku sheeggii daahsoona ee xukunkii shirqoolka soo saaray. Maalintaas kadib, waxaa u suurogashay, in awoodihii dalka oo dhan, kaligii gacanta u gasho, taaso natiijo taariikhi ah ka dhigtay in waddaankii Soomaaliya oo dhan burburiyo, qaranimadiina ay fashilanto.

Raggii ka dawaaqtamay dilka Alle u naxariistee, Salad Gabeyre, Mohamed Ceynaanshe,iyo Abdulkadir Dheel iyo awoodihii dheeriga ah oo isa siiyay Mohamed Siyaad, waxaa ka mid ahaa, General Mohamed Ali Shire, oo Alle dartii uga badbaaday, isna, in dhegta dhiigga loo daro, iyo Allaha u naxariistee General Ali Mataan Xaashi oo xannanuunkii u dhintay u muuqan karaan, kuwo su’aalo la iska weydiin karo, iyo iyadoo loo baahan yahay, in si qoto dheer loo baaro.

Mohamed Ahmed, mcamogli@gmail.com<> Muuqaal.com
Qormo xiiso leh oo ka hadleysa dilkii Kacaanku ku fuliyay Salaad Gabeyre iyo xubno kale

Contact Qaranka.com Email: ahassannn@yahoo.com

 
                        © 2006 QARANKA.COM| Design by Ali E H Naleeye