| Qaranka. com Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Muqdishuvideo | xiriir/contact |
|
Cabdixakiim Jaamac Jooje Sidee Looga Faa’ideysan Karaa Kheyraadka Dhulkeena ?
Sida aynu la socono Soomaaliya waa dal uu Allaah ku maneystay Kheyraad aad iyo aad u tiro baddan hadey noqoto Berri iyo Badba. Haddaba waxa aan rabaa inaan maqaalkeygan uga hadlo Nimcooyinkaas uu Allaah noogu deeqay iyo sida aynaan uga faa’ideysan. Sidoo kale waxaan ku iftiimin doonaa sida looga faa’ideysan karo nimcooyinkaas.
Soomaaliya waxa ay leedahay Xeebta ugu dheer Afrika, waxa ay baddeenu xiriirsan tahay min Raas Xaafuun illaa iyo Raas kambiyooni oo runti ku fadhida masaafo aad iyo aad u dheer. Annagoo xeebteenu ay intaas dhirir la’eg tahay, ayaa haddana waxaa nasiib daro ah inaad magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya aad ku arkeysaa kalluun qasacadeysan oo laga keenay dibadda, cajiib. Waxaad arkeysaa inaanay dadkeeni ku baraarugsaneen faa’idada uu leeyahay Kalluunka. Waxa aan aad ula yaabay warbixin laga qoray waddamo baddan oo Afrikaan ah, mar laga hadlayay dhaqaalahooda, ayaan waxaan la amakaagay warbixin laga qoray waddanka Maali, oo aan bad laheyn. Oo leh kaliya Haro, inta uu la’eg yahay kalluumaysigooda iyo warbixinta annaga Soomali ahaan nalaga qoray. Waxey aheyd wax aan marna isu dhaweyn.
Soomaaliya waxa ay leedahay labo Webi Jubba iyo Shabeele, waxa aynu leenahay dhul Beereed aad iyo aad u baaxad weyn, nasiib darro waxa beeran dhulka inta la beeran karo 8 %. Run ahaanti waa wax aad looga naxo. Soomaaliya oo idil dhulkeeda waa la beeran karaa saas oo ay jirto haddan wey ku kala fiican yihiin. Inta wabiyada u dhow oo ay Dowladdi dhexe markey jirtay la qiimeeyay ayaa oranaysay waxa beeran in ka yar 8%. Sida aad la socotaan Soomaaliya waxyaalaha inoo baxa oo aynu dunida ugu faani karno waxaa ka mid ah Muuska, Cambaha, Liinta banbeelmada, Sisinta. Laakiin nasiib daro aaway indhihi arki lahaa.
Soomaaliya waxa aynu leenahay Xoolaha nool, sida Geela, Lo’da iyo Ariga oo aynu dhaqano, hilibkooda iyo caanahoodana ku manaafacsano, waxna aynu iib geyno, laakiin aan hormarsaneyn aqoon daro jirta aawadeed. Dunida kale waxaa laga cunaa wax walba oo neefkaas uu Allaah xalaaleeyay laakiin annagu gaajo la’aan darted neefki waa lakala qeybiyay oo waxna waa la tuuraa, waxna waxa la yiri waa cadki dumarka. Oo neefki oo dhan wax yar baa laga cunaa. Digaaga oo kale waddankeena haddii la hormariyo waa lagu beeri kara, laakiin nasiib darro illaa iyo hadda dad baan laga dhaadhicin karin in digaag la cuni karo.
Soomaaliya waxa kaloo ay leedahay Macdan iyo shiidaal aan la ga faa’deysan, oo aan lala soo bixin, iyadoo aan loo heyn dhaqaale iyo aqoon lagula soo baxo. Waxaanu kaloo leenahay Beeyo, Timir aan hor marsaneen oo u baahan in la hormariyo.
Hawada Soomaaliya sannadka oo dhan waa caadi, malaha qabow, mana laha kuleyl xad dhaaf ah. Waqtigeenu wuu isku dheeli tiran yahay, oo sida dunidan aynu joogno oo kale malaha mar saacad lagu darayo iyo mar laga dhimayo. Waqtigu aad buu u barakeysan yahay oo malaha waqti ciriiri ah sida waddamadan oo kale,
Haddaba waxa, wax lala yaabo ah sida ayan dadkeenu arimahaas ugu baraarugsanayn, oo qofka Soomaaliya jooga uu isu arko inuusan waxba aheyn hadduusan Dibadda iman. Nin Hollandeys ah ayaa Berri annagoo joogna Holland nagu yiri Idinkoo leh dhul 20 jeer ka weyn Holland , miyaad Holland oo aad u yar wax usoo doonateyn. Runti haddalkaas Soomaali baddan waxey u arkeen cunsuriyad, laakiin wuxuu ahaa hadal wax nalagu barayay, oo Dersin ah.
Waxa haddaba isweydiin leh sidee ayaa Kheyraadkaas dhulkeena ceygaaga looga faa’ideysan karaa? Run ahaanti waa su’aal innagoo dhan noo wada taala, laakiin haddii aan xoogaa yar ku daro fikradeyda waxey iila tahay in loo baahan yahay arimaha soo socda:-
-Aqoon:
:-- In dadka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba ay waqtigooda uga faa’ideystaan sidi ay u baran lahaayeen xirfado waddankooda wax u tara sida Barashada Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Qodida Ceelasha iyo horumarinta Biyaha, Baaritaanka macdanaha sida batroolka iyo macdanaha kale. In dhalinyaradeen hadda galay jaamacadaha lagu baraarujiyo inay bartaan wax dalki anfacay maaha in gidii lawada aado IT oo qura.
-Dhaqaale:- In dadku uu galiyo lacagta ay heystaan dhulkeeni, oo ay maalgashadaan ama beeraha, ama kalluumeysiga ama ay warshado yar yar abuuraan, si looga faa’ideysto kheyraadka waddanka. Sidoo kale in la abuuro iskaashatooyin, ka shaqeeya horumarinta xoolaha, beeraha iyo kallumeysiga.
- Waddaniyad
:-
- Tusaale wanaagsan ( Role Model )
:Dadka Bulshada hormuudka u ah waxaan ka codsaneynaa inay dadka u horseedaan arimaha waddan jaceylka oo ay dadka ku baraarujiyaan inay waddankooda wax u qabtaan, oo ay waddankooda aaminaan.
- Aqoonyahanada:
- In ay dadka u iftiimiyaan oo ay ku baraarujiyaan qiimaha waddankooda, oo ay ugu soo gudbiyaan qaab qoraal ama Siminaaro.
- Suugaanyahanada
:- inay suugaan baraarujin ah oo ay kaga hadlayaan kheyraadka waddanka usoo gudbiyaan dadka.
- Waalidiinta
:- Inay ubadkooda kula taliyaan inay bartaan aqoonta uu dalki u baahan yahay sida, caafimaadka, injineeriya, Agriculture, Cilmiga barashada xoolaha, Kalluumeysiga I.W.M.
- In caruurta iskuulada lagu soo barbaariyo sida ay Mustaqbalka waddankooda ay uga qeyb qaadan lahaayeen, una baran lahaayeen maadooyinka waxtarka u leh Soomaaliya.
Waxaan qoraalkeyga kusoo gabagabeynayaa Soomaaliyeey dhulkiina aamina, oo ka faa’ideysta kheyraadka uu Allaah idinkugu deeqay. Waddan isla heysta inta aynu heysano ma jiro, ee wax ina heystaa, waa qanaaco la’aan iyo aqoon darro. Aqoon darada haddii la dadaalo waa laga bixi karaa ee aynu waddankeeni aamino. Aqoonyahanadeena aynu ka faa’ideysanao, ganacsatadeena aynu ku baraarujino inay waddanki maal gashaan si uu waxsoosaarku u bato. Waqtiga aynu ku dilno siyaasaddan qariban oo aynan garaneyn dhinac ay u socota, aynu isaga harno oo aynu ka fakarno Soomaaliya siday u ekaan doontaa sanadka 2011 ka, inshaa Allaah, waa shan sano kadib haddii nolol lagu gaaro. Ma sidanbaa laysu ceyrsan doonaa, mise horumar iyo wax soo saar ayaanu u jeesan doonaa. Waxa aan taariikhdan u qabsaday waa iyadoo waddamo baddan oo Yurub ah ay isweydiinayaan magaalo heble shan sano kadib sidey u ekaan doontaa. Allaah waxaan ka baryayaa sanadaa aan qabsaday inaanu aragno Soomaali oo mida, oo usoo jeesata horumarkeeda, kana tagta Qabyaalada iyo isxasadka, heshana Hogaamiye waddani ah, caadilna ah.
Wabilaahi Towfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje,
saicentadv@yahoo.com,
Social Development Adviser,Leicester UK
Contact Qaranka.com Email:
ahassannn@yahoo.com
|