Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

Shariifka, Madaxweyne xaalka Somalia ka dhigay ka daroo dibi dhal !!!

The Qaranka online

Abdi Dhuub Ali
17 Dec. 09

Marka laga hadlayo dhibaatooyinkii ka taagnaa soomaaliya 19kii sano ee ugu dambeeyay waxaa muuqanaya in ay ugu baaxad weyn tahay balaayada laga amakaagay ee soo jiitameeysay 24kii bilood ee ugu dambeeyay

Muqdisho waxaa iska caadi aheyd dilalka macnadarada ah sida kuwa ku yimaado falalka burcadnimada ah wixii ka horeeyay 2006dii markaasoo ay soo shaac baxeen waxa la oran jiray maxkamado oo markii hore ku bilowday qabiil qabiil markii dambase u xuub siibtay in ay damcaan in ay la wareegaan guud ahaan talada dalka inkastoo aan u suura gelin damacaasi oo ay ku hungoobeen

Waxaa lawada ogyahay in xiligaasi uu golaha maxaakiimta hogaanka u hayey Sh Sshariif oo haatan ah madaxweynaha federaalka xiligaasi shariif waxa uu ka dagaalamayey kalimada federaal iyo 4.5 haatana waa shaqsi si weyn u difaaca kalimada federaal iyo 4.5 waana tii ay goor dhaw madaxweynaha Puntland Faroole ay ku kala tageen kadib markii ay isla fahmi waayreen xili ay kuwada shirayeen Nayroobi

Hadii aan u soo daa dago ujeedada maqaalkani aan is weeydiinee kooxaha qaraxyada geysta ma waxay uga soo hojeedaan dowlada shariifka mise waa mashruuc ay heleen markii ay shariifka kala faaruqeen? jawaabta adinka ayaan idiin daayey Balse su'aasha kale ee meesha taal ayaa waxay tahay shariifka ma yahay madaxweyne cadaalad ah oo u qalma in uu dalka hogaamiyo? jawaabtaasna adinka ayaan idiin daayey.

Waxaa Madaweynaha dowlada FKMG Sheikh Shariif lagu xasuustaa arimo badan oo ay kamid yihiin in uu ahaa shaqsigii kooxahan noo qariyay amaba isaga oo aan iska baarin uu u dhiibay xilal muhiim ah sida Aadan Xaashi Caayroow oo uu u magacaabay xilka dagaal galinta maxaakiimta, Abuu Mansuur oo uu u magacaabay ku xigeenka Gaashaan dhiga Abuu Quteeyba oo uu u dhiibay amaanka gobolka Banaadir iyo xilal xoghaye yaal oo uu u wada dhiibay Shabaabka Waxaase la ogeyn in xiligaasi uu Shariifka ku qasbanaa in uu sidaas sameeyo iyo in kale maadaama uu isaga xiligaasi iska ahaa maqaar saar moorada la keensaday oo macno aan laheyn

Waxba yaysan arintaa ila durkine waxaa mudan in qof kastaa la xasuusiyo in aay taariikhda qori doonto waxa uu sameeyay xuman iyo samaan intaba Sheekh Shariif ,C/laahi Yuusuf Axmed, C/qaasim Salaad iyo Cali Mahdiba taariikhada ayaa qori doonto waxa ay leeyihiin wanaag iyo xumaan Hadii aan qalinka kula soo laabto kooxahan khawaarijta ee shacabka qarxinaya waxaan oran lahaa hadii Muslimiin la qarxiyo jano lagu galayo,gaalo la qarxiyana maxaa lagu galayaa? hadii labadaba jano lagu galayo maxay kuwa arimahaas aaminsan ee yurub jooga ee qarxiska soo safrinaya ay meeshooda isugu qarxin waayeen hadii ay run sheegayaan?

Qofka sida xorta ah u fakaraya waxa uu fahmi karaa in qorshaha ka dambeeyay is qarxintii Shamo Hotel uu ahaa qorshe in miudo ah laga soo shaqeeyay ahaana digniin ama fariin loo dirayey shacabka reer Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya taasi oo ay dirayaan kooxaha diidan nidaamka dowliga ah ee dalka ka jira Kooxahan ma diidana oo kaliya dowlada taagta daran ee uu hor boodayo Shariifkaasi oo ay markii hore isku jaalka ahaayeen balse waxa ay diidan yihiin nidaam dowladeed oo dhan sida uu isagaba (Shariifka) u diidan yahay in ay talaabo qaado dowladiisa dad badan ayaana taasi ka aaminsan waayo hadii uu doonayo in ay wax u socdaan uma dhaqmeen sida uu hada u dhaqmayo oo wuu ka roonaan lahaa Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa sac ninkiisa saynta kaga fadhiyo ma kaco waana tabtaasi oo Shariifka waa Madaxweyne xaalka Somalia ka dhigay ka daroo dibi dhal

Shariifka waa ninka ay ku qaadatay lix bilood oo kaliya in uu dowlada hal mar kusoo daro labo wasiir oo reer kiisa ah halka ALLE ha u naxariistee Maxamed Siyaad Bare ay ku qaadatay in dowladiisa uu kusoo daro nin reerkiisa ah mudo lix iyo toban sanadood marka lix bilood iyo lix iyo toban sano waad garan kartaan farqiga u dhaxeeya iyo sida loo kala duwan yahay oo loo kal wadani san yahay

Xitaa ficilkaasi foosha xun ee uu wadaadka sameeyay waxaa si weyn ula yaabay beesha caalamka oo la fajacday markii ay ogaadeen in wasiirka lacagta iyo kan warfaafinta ay isku beel yihiin hab dhaqanka wadaadka ma jirin cid ku kacday oo aan isaga aheyn 20kii sano ee ugu dambeeyay Arinta la xariirta labada wasiir ee beeshiisa ah ee uu dowlada kusoo daray ayaa waxa ay noqotay tan uu sababsan doono oo uu xilkiisa ku waayi doono maadaama labadii wasiir ee uu soo biiriyayna ay wax tari waayeen taasoo beesha caalamka ay aad ula yaabtay

Ma jiro qarax la geystay oo aan qorshe ka dambeyn hadii la inkiro iyo hadii kalaba waxaase aan is leeyahay qaraxii u dambeeyay waxa uu xambaarsanaa dhowr arimood oo is biirsaday hase ahaatee aan kusoo koobo qodobadan

1. in reer Muqdisho aysan mar dambe u yeeran golaha wasiirada oo xaflad hadii ay dhiganayaana ay iskood u dhigtaan

2. in laga fiigo meel uu wasiir ka dhaw yahay oo ay shacabka wasiirada iyo dhamaan madaxda dowlada ay ka cararaan

3. in baqdin xoog leh laga muujiyo meelaha xafladaha ah ee ay dadka isugu yimaadaan hadii la lagu qasban yahayna la tago iyadoo qof walba uu wadnaha farta ku hayo

4. in laga cararo xilalka iyo jagooyinka dowladeed oo la waayo cid rabta xil wasiir iyo jago toona Laakiin qofka sida waxashnimada ah u fakaraya ayaa waxa uu aaminsan yahay in arimahaasi jano lagu galayo oo xitaa qofkii sameeya aanu janada kabaha looga siibaynin oo uu kabahiisa la galayo si xor ah

Markaynu taasi ka gudubno oo aynu ka hadalno danta shacabka Soomaaliyeed maxaa walaalayaal inoo dan ah ka soomaali ahaan mise waxaynu ilaalinaa danaha reer galbeedka, carabta, afgaanistaanka, iyo ereteriyaanka

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye