Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

Taariikhda Ururka USC & Burburkii Ka Dambeeyay Dagaalada Sokeeye ee Dalkeena Ka qarxay

The Qaranka online

Cadde Amiin Maxamed
28 Jan. 2010

Ururka USC, waxuu ka mid ahaa Ururka ugu xoog weynaa ururada Halganka Siyaasadee iyo Militari la galay Xukuumaddii uu Madaxa ka ahaa Keligii Taliye, Maxamed Siyaad bare. Ururka USC, waxaa lagu aasaasay Magaalada Rooma, Dalka Taliyaaniga Bishii Janaayo 26, 1989. Ururka USC, waxuu dawr muhiim ah ka ciyaaray in dalka ka ceyriyo Hogaamiyihii Siyaasadda iyo Maamulka Talada dalkeena, S.Guuto, Maxamed Siyaad Barre. Islamarkaana waxuu noqday Ururka Bartilmaameedka ugu weyn Hawl-gal ku sheegii "Rajo Soo Celinta Soomaaliya, 1993dii". Waxaa Ururka mas'uuliyaddiisa la qaybsaday Kooxo Dib u Socod ah oo si bareer ah isu hortaagay inuu dhameystiro himilooyinkiisa siyaasadeed si loo helo Dawlad loo dhan yahay. Sababta ku kaliftay Kooxaha Dib u socodka ah inay carqaladeeyaan Ururka USC ilaa hadda ma cadda, balse, waxaa mawqifkooda siyasadeed, waxaa lagu tilmaami karaa inay ahayd naceeb iyo aamin darro beelaha ururka ku abtirsada dhexdooda ah.

Ayadoo ay aasaas u ahayeen beelaha Hawiye Ururka garabkiisa siyaasadeed, waxaa lagu dhisay dalka taliyaaniga, garabkiisa Militarina, waxaa lagu dhisay isla 1989 Magaalada Mustaxiil ee Dalka Xabashida, waxaana hormood ka ahaa Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid ilaa 1996dii ka dib markii toogasho lagu dilay, waxaana la wareegay wiilkiisa Xuseen Ceydiid waqti Ururku u kala jabay USC/SNA iyo USC/SSA.

Ujeeddada Ururka USC loo aasaasay, waxay jawaab u ahayd, ka dib markii laga war helay Wareegto ku saxeexan Madaxweynaha Soomaaliya, S.Guuto, Maxamed Siyaad barre oo lagu farayo Saraakiisha beelaha Daarood inay qaadaan talaabo lagu cirib tiraayo; Siyaasiyiinta, Aqoonyahaanada, Ganacsatada Waa-weyn iyo Ardayda Jamacadaha beelaha Hawiye muddadii u dhexeeysay 1989 ilaa 19191.

slamarkaana, waxuu qaadaay Siyaad Barre olole xoog weyn oo lagu baabi'inaayo degmooyinka beelaha Hawiye, Gobolada Dhexe iyo Konfurta Soomaaliya. Dhacdii ugu naxtinta badnayd, waxay ahayd bishii Nofeembar, 1989 weeraradii gardara ahaaa uu ku qaaday Gobolada Dhexe meel u dhaw Gaalkayo, halkaasi uu si ba'an ugu xasuuqay dad rayid ah oo aana waxba galabsanin. Xasuuqaasi waxashnimada ah, waxay si weyn u taabatay dareenka beelaha hawiye. Waxaana ka dhashay falkaasi bahalnimada ah inuu Jem.Ceydiid ka soo tago jagadiisa Safiirka Hindiya, waxuuna si toos ah ugu biiray xerada Tabarka Militari ee Ururka USC ee laga furay magaalada Mustaxiil. Guusha Militari ee Jen. Ceydiid waxay u fure u nqotay Ururka USC aaladd lagu ceyriyay Siyaada Barre iyo faqashii ku harsanayd dalka bishii Janaayo26, 19191.

Arrinta si kastaba ha ahaatee, Ururka USC, waxuu ku guuldareystay inuu maareeyo xalinta Siyaasadda Ururada kale ee la mawqifka ahaa: SNM, SSDF, iyo SPM iyo canaasiirta Hawiye ee ka dhex dhalatay Ururka USC dhexdiisa. Ka dib markii Cali Mahdi sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Dalkeena, waxay sabab u nqotay inuu Ururku u kala jabo Ururka USC/SNA garabka Ceydiid iyo Ururka USC/SSA garabka Cali Mahdi. Waxaa dhexdooda ka holcay dagaal muddo 4 bilood ka socday gobolka Banaadir, waxaana ku naf waayay dad fara badan, qaarna waxay naf ka raadiyeen waddamada jaarka na ah.Markuu Jen.Ceydiid geeriyooday, waxaa la wareegay Wiilkiisa, Xuseen Ceydii. Sidoo kale ugu dambayntii garab USC/SSA, waxaa la wareegay Hogaamiye Muuse Suudi. Bishii Agoosto, 1998, labada garab Xuseen iyo Muuse, waxay ku heshiiyeen inay wada hadal iyo nabad ku xaliyaan kfilaafka dehxdooda ah, inkastoo Muuse iyo Cali Mahdi iska horyimaadeen, Xuseen iyo Muuse waxay gaareen heshiis ah inay sameystaan Golaha Dib-u-heshiisiinta & Rajo Soo Celinta Soomaaliya (SRRC), sanadka 2002, iyagoo ka soo horjeedsaday Dawalada Dagaal Oogayaasha (DF).

Heshiiska Muuse iyo Xuseen, waxaa ka horyimid taageerayaasha Muuse Sudi iyo Cumar Finish oo taageerayo Dawlada Dagaal Oogayaasha, iska horimaadkaasi, waxaa ku naf waayay dad fara badan. Bishii Nofembar, 2004, Xuseen Caydiid, Muuse Sudi iyo Cumar Finish intaba waxay ku biireen Dawladda Dagaal oogayaasha.

Bishii Oktoobar 26, 1994 intaan go'aan lagu gaarin daad-gureynta Ciidamada UNOSOM, Golaha Amaanka QM, waxay u soo direen Madaxda Soomaaliya ergo inay gaarsiiyaan waqtiga ugu haboon inay tahay bisha Maarsa 31, 1995 dhamaadka hawlaha Ciidamada UNOSOM ka wadeen Soomaaliya; Kooxaha Soomaalida, Hey'adaha Kaalmada iyo Kuwa NGOyada, waxay weydiisteen in la kordhiyo.

Bishii Nofembar 1deeda, 1994 Generaal Caydiid iyo kooxaha taageersan waxay qabteen kullan dib u heshiisiin oo hal dhinac ah Koonfurta Soomaaliya. Taasina waxay ka soo horjeeday Digniinta ergada Golaha Amaanka iyo Wakiilka Gaarka ah ee QM Mr.Victor Gbeho oo isna ka digay la qabto kullan noocaasi ah in la qabto ka hor inta la dhammeynayo su'aasha ka qayb-galayaasha. Ka hor daadgureenta Ciidamada UNOSOM Jeneraal Caydii iyo Cali Mahdi, waxaya gaareen Heshiis ah labada dhinac SSA iyo SNA. Bishii Febraayo, 1995, waxay si wada jir ah u saxeexeen 3 heshiis oo ka mid ahaa inay si wada jir ah u maamulaan Gededa dayuuradaha iyo Dekeda xamar. Bishii Maarsa 9deeda, 1995, waxaa dib loo furay Geda Dayuuradaha iyo Dekedda Xamar.

Bishii Juum 15keedi, 1995, Jeneraal Ceydiid iyo taageerayaashiisa, waxay ku dhawaaqeen Dawlada ku meel gaar oo ay aqoonsi ka wayday AOU iyo QM.

Bishii Disembar, 1977, waxaa kullan lagu qabtay Qaahira, waxaa ka soo qayb galay dhamaan kooxaha Dagaal oogayaasha, marka laga reebo laba kooxood. Kullanka waxaa lagu soo saaray 13 ruux oo ka tirsan Golaha Madaxtooyada Soomaaliya, Ras'iisul-wasaaraha iyo Gole Baarlamaan. Kullamkaasi waxaa ka horeeyay kullan lagu qabtay magaalada Baydhaba oo hor dhac u ah si looga wada xaajoodo, lana faahfaahiyo ujeeddada kullanka iyo u diyaar garoowga kullanka Qaahira. Bilooyin ka dib wada xaajoodka iyo faajfaahinta ka dib, bishii Julaay 30keeda, 1998, Xuseen Ceydiid iyo Cali Mahdi, waxay go'aan ku gaareen inay si wada jir ah u sameystaan Maamul Goboleed, inkastoo taageerayaasha labada dhinac ka horyimaadeen guud ahaan maslaxa qabiilka iyo mid shakhsiba, waxaa aka mid ahaa iska horimaadkaasi furitaan Dekedda xamar.

Bishii Janaayo,2004 laba darsan ka badan oo ka mid ah Dagaal oogayaasha Soomaaliya, waxay ku heshiis ku gaareen dalka Kinya, waxay ugu yeedheen "Awood Qaybsi" (Awoowgiina dab lagu qabay, yay ka awood badan yihiin ooy geed ugu xidhan yahay), (Ma og tihiin Sagaaradu abaabarahay qodaayoo Saaladeeda ku aastaa.. Libaaxana ma asture Hilimaduu ka aruruu Digadiisa ku aslaa.

Caqligii wanaagsani Itaal inuu Ka Roon yahay bal eegoo U fiirsadaay).Waxay kaloo ka mid ahaa heshiiskooda inay sameystaan Gole Barlamaan ka kooban 275 xildhibaan oo matasha Dawladda Dagaal oogayaasha dalkeena uu Madaxweyne ka noqday Cabdullaahi Yuusuf (Hooyada Fidmada iyo Masiibada Soomaaliya), iyo RW.Maxamed Cali Geedi (Profeesar Caqli Caruureed Leh)). Bishii Mey, 2006, waxaa ka qarxay Caasimadda Soomaaliya dagaal u dhexeeya Dawladda dagaal Oogayaasha iyo Maxaakimiinta Islaamiga oo ay aasaaseen xubno ka tirsnaa Ururkii Al-itaxaad Al-islaami sanadkii 2000ka, isla bishii Juun, 2006 xoogaga Islaamiga, waxay gacanta ku dhigeen dhamaan Konfurta Soomaaliya iyo nawaaxigeeda. Dawladda Dagaal oogayaasha iyo Maxaakimiinta Islaamiga, waxay kullan ku yeesheen magaalada Khartuu, bishii Juun, 2006, haesyeeshee, wax natiijoo ah kama soo bixin, maxaayeelay, Maxaakimiinta Islaamiga, waxay ka koobnaayeen 11 beel kala duwan iyo waxay lahaayeen qaab awood kala geddisan.

Bishii Oktoobar 9, 2006 Dawladda dagaal Oogayaasha Soomaaliya iyo Isbahaysiga Rajo soo celinta Nabadda iyo Ka Hortagga Argagaxisada soo qaadeen dagaal xoogan meelaha ay ka fadhiyaan Ciidamada Max.Islaamiga magaalada Buur-hakaba. Bishii Okt.25keeda, 2006, waxaa dagaalka si toos ah u soo galay Taliska Maamulka Gumaysiga xabashida.Fara gelinta Xabashida siyasadda arrimaha gudaha Soomaaliya, waxay ka careysiisay dhamaan Soomalida meel kastoo ay joogaanba, haseyeeshe, waxay guul siyaasadeed lagu fashilay u ahayd C/dilaahi Yuusuf iyo Prof.Geedi.

Guul-darada Ururka USC, waxay xanibeen nolsha iyo siyaasadda buldhaweynta Soomaaliyeed. Ururka USC, waxaa qiimp dilay beelaha Hawar-gidir, Mudulood iyo Murasade. Halkii ay ka difaaci lahaayeen qaddiyada Ururka USC, waxay noqotay inay dhexdooda kolba koox lagu eedeeyo burburka Ururka USC: Ilaa Hawar-gidir iyo Abgaal indhaha faraha iska geliyaan, Murusadana sida carsaayo badeed hadba gees u carraro, Xawaadlana dirqi ku baxsado, Reer Xamar ay ka Ashahaataan iyo Raxaweyna ugu mahmaaho "Hawiye Naareed". Waxaa ayaan daro ah iska hor imaadka iyo khilaafka beelaha Hawiye inuu ka mid noqdo furaha Xal u helidda dhibaatada siyaasadeed dalkeena ka jirta, waayo, waxaa aad u adag tahay in la fahmo colaadda siyaasadeed beelaha Hawiye guntooda, iyo dulqaada la'aanta ay ka fursan waayeen inay maalinba maalinta xigta xujo iyo weji siyaasadeed hor leh la yimaadaan:.

Ururka USC, waxaa ka hoos dhashay: Maxaakamiinta Islaamiga, Xisbul Islaami, Alshabaab iyo Ururka Ahlu-sunnah-wal-jamaacah, Waxaa la qabtay 14 kullan dib u heshiisiin oo wax natiijo ah ka soo bixin. Waxaana sabab u ahaa mawqifka siyaasadeed beelaha Hawiye oo aan waxba iska beddelaynin, iyo aqoonyahaanada beelaha hawiye oo ka gaabsaday inay wax ka qabtaan ilaalinta xuquuqda bulshaweynta Soomaaliyeed oo runti u nuglaatay dhibaatada ku dhacaysa. Waxaa la qiyaasi karaa inay raali uga noqdeen gefefka iyo dambiyada siyaasadeed hogaamiyaasha beelaha ay ku abtirsadaan weliba inay nqoto dhacdo joogto ah. Haddaba, waxaa nasiib daro ah inay ka qayb galaan dhismaha dawladda, iyagoo u hogaansanayn sharciga, dhaqanka iyo siyaasadda bulshada. Dhibaatada dalkeena ka jirta, waxaa sii dhjeereeyay Madaxda siyaasadda dalkeena oo aan si caddaalad ah u sahminin habka lagu fulin karo hawlaha sida ugu fudud oo loo heli lahaa xal kama dambays ah. Waxaa mar kasta run loo ekeeysiiyaa dhamaan wixii xad-gudub ku ahaa xorriyadda Shicibka. Waxaa waajibku ahaa in la meel mariyo wixii lama huraan u ah xaqaa'iqda dhabta ah ee Soomaaliya ka jirta, maxaayeelay, Soomaalida, waxay u baahan yihiin kooxo ururo bulshadeed ama mucaarad xoogan oo isku xidhi kara maatida dulman si ay uga hortagaan dagaal Oogayaasha u awood sheegtay wax-garadka Soomaaliyeed.

Dadaalka Ururka USC, waxuu guulaysan lahaa, haddii uu beelaha Hawiye ka heli lahaa gacan waqtiga loo baahnaa inay ku adkeeyaan nabad galayada bulshada dhexdeeda. Waxaa markaasi loo guda geli lahaa wixii lagama maarmaan u ah qaybaha kale ee qaddiyada Ururka USC si loo dahageysto dhinacyada kale loogana jawaabo wixii su'aalo u baahna in laga jawaabo. Dhammaan waxay ku joogsadeen kabo aan jingooda ahayn oo ilaa waqtigan xaadirka ah ay ku socon la'ayihiin. Waqtigii wax la qaban lahaa waa la soo dhaafay, waxay hadda ugu indho cad yihiin "dawlad' markasta Diin-Diin aan soconaynin dusgiisa saaran tahay, waa dulmi iyo edeb darro iyo gar-darro garab og. Iyadoon cid ka biyo cabin libinta Ururka USC, waxay gacanta u gashay canaasiir anaani ah oo aan isku kalsoonayn, wax-garadkiisa siyaasiga ahna afka ka qabtay. Ururka USC wuu is ogaa inuu yahay urur xambaarsan Caddaaladda Ijtimaaciga Dalkeena, balse waxaa dhabarka ka toogtay Coomaadi baas Soomaalida cirka uga soo degay.

Ugu dambayntii, waxaa lagama maarmaan ah in la tilmaamo Dawladda Dagaal Oogayaash dalkeena halka ay maanta xaalkeeda taagan yahay: qaar ka mid ah Wadaadada Maxakamiinta Islaamiga oo huwan "Isbahaysiga Dib U Xorreynta Dalkeena", iyagoo ka caagan magaca Maxakamiinta Islaamiga, waxay nasiib u yeesheen inay ka mid noqdaan Dawaladda Dagaal oogayaasha dalkeena, islamarkaana, waxay ku guuleysteen in loo doorto Madaxweynaha DDO, Sheekh Shariif oo ah wadaada Siyaasadda Soomaaliya ku cusub, hasyeeshee, ka mid ah kooxaha hor iyo horaanba wax ka socon waayeen.

Baadi nimaan lahayn bay ag joogtaa.

WQ:Cadde Amiin Maxamed
Sabuni1956@yahoo.com

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye