| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
Sidee bay ku dhacday in UN-ka ay tiraahdo Somaliya baan ciidamo udiraynaa hadana aysanba hadal haynin ?
The Qaranka online
![]() Golaha Ammaanka ee Qaaramada Midoobay the United Nations Security Council NY Plaza Jawaabtu waa maya maxaa yeelay runtii Somaliyaan wax u qabanaynbaa bay UN-ku dhaqaale aysan horay u haysan ku helikartaa.
UN-ka ma Askar Peacekeepers bay la'dahay?
Ma Somaliya baa ah meel amni daro awgeed aan ciidamo loo dirikarin ?
Miyaan Hayadaha UN-ka oran Baniaadini xumida Somaliya taala maaha arin Caalamku uma dul qaado karo? Kolkii Labada Shariif ay Jabuuti kooxda Imbagathi kula heshiyeen in Ciidamo Caalami UN peacekeepers la keeno Somaliya ninka hogaamiya UN peacekeepers wuxuu ugu jawaabay labada Shariif iyo kooxda Imbagathi: "UNITED NATIONS (Reuters) - U.N. peacekeeping chief Jean-Marie Guehenno said on Tuesday he was worried about a possible plan to send U.N. troops to Somalia when it is unclear who controls militants on the ground. If their control of guns is at best weak or ... nonexistent, then the agreements will not be a solid foundation for a peacekeeping operation." -Reuters,29 July Wargayska Mareeykanka New York Times baa Bishan August 21 artiikalkan qoray: "If Russia’s invasion of Georgia ushers in a sustained period of renewed animosity with the West, Washington fears that a newly emboldened but estranged Moscow could use its influence, money, energy resources, United Nations Security Council veto and, yes, its arms industry to undermine American interests around the world. Even beyond the dispute over Iran, Russia could obstruct the United States at the United Nations Security Council on a variety of other issues. Just last month, Russia vetoed sanctions against Zimbabwe’s government, a move seen as a slap at Washington. The list of ways a more hostile Russia could cause problems for the United States extends far beyond Syria and the mountains of Georgia. In addition to escalated arms sales to other anti-American states like Iran and Venezuela, policy makers and specialists in Washington envision a freeze on counterterrorism and nuclear nonproliferation cooperation, manipulation of oil and natural gas supplies, pressure against United States military bases in Central Asia and the collapse of efforts to extend cold war-era arms control treaties. It’s Iran, it’s the U.N., it’s all the counterterrorism and counternarcotics programs, Syria, Venezuela, Hamas." . Sadarka saddexaad iyo kan ugu dambeeya wargeysa NYtimes waxa leeyahay waxaa laga yaabaa in xiliyaddii Mareeykanka UN-ka uga sharciyeeysanjiray TANU waa dawlad Terrorist si uu ugu duulo waa dhamaaday oo Ruushka ayaa dareemay in Mareeykanku (The anti-terror war) uu u isticmaalayo Gumeeysi qarsoon. Inta aan Somaliya ciidamo UN-ku u soo dirin waa in marka hore ay isku raacaan 5-ta dal ee VETO-da ku leh United Nations Security Council:Mareeykanka, Ingiriiska, Ruushka, Faransiiska iyo Shiinaha. Marka sababta ugu weyn ee UN-ka u tiraahdo Somaliya baan ciidamo udiraynaa hadana aysanba hadal haynin oo Mareeykankuna Somaliya dhulka ula simayo waa in marka adduunku wada qeeyla dhaamiyo yiraahda ciidamo ha la diro waa si uu u ceebeeyo oo aan Ruushka Veto Saarin marka United Nations Security Council u codeeyneeyso in Somaliya ciidamo UN-ka loo diro maadaama adduunku ka naxayo dhibaatada ka aloosan Somaliya. Hase ahaatee waxaa laga yaabaa in Ruushku mar labaad Somaliya Mareeykanku ku sirimaayo inuu bani aadaninimo rabo in UN-ka Somaliya ciidamo ugu dirto! qaasatan Veto-tadi Ruushka isticmaalay inaan Zimbaabwe lagu rogin cunaqabatayn dhaqaale ee UN-ka. Sida sharciga UN-ka u dagsan intaanan dal ciidamo loo dirin waa in shacabku ogalaadaa, meel dagaal ka holcayana aanan ciidama lagayn. Arintanu waa midda Mareeykanku ka baqayo in Ruushku ciyaaraa mar Security Council-ka 5-ta dal ee Veto-Powerka ku leh Council-ka:Mareeykanka, Ingiriiska, Ruushka, Faransiiska iyo Shiinaha. Shacabka Soomaaliya marka hore ciidamo in Somaliya la keeno ha ogaalaadaan buu Ruushku ku adkeeysa karaa? ( Waxaa haboonaalahayd haddii ay Maxaakiimtu warqad u qoraan Madaxweynaha Ruushka ayna ka balan qaadaan in ay u amaal gudinoonaan haddii Ruushku Veto saaro in aan Somaliya ciidan UN-ka peacekeepers loo dirin oo xitaa askartii Ruushka wax ku soo bartay warqadda u dhiibaan.) Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ninkii seexdaa siciis dibi dhalaa Haddii uu Mareeykanku siddii CIRAAQ YIRAA AMAANKA DALKEEYGA CIDNA KALA TASHANMAAYO OO SOMALIYA ANIGA IYO SAAXIIBADEEY BAA CIIDAMO U DIRAYA MAADAAMA AY DAWLADDA SOMALIYA NAGA CODSATAY. MARKAAS SIDII CIRAAQ BAA DUNIDA INTA BADAN KA SOO HORJEESANEEYSAA. Waxaa xasuus mudan markii Itoobiya loo fasaxayay in ay Somaliaya ku duusha Safiirka UN-ka u fadhiyay UN-ka JOHN BOLTON Galab Jimcaa oo xitaa AY safiiraddii qaar (WEEKEND Sabti iyo Axad) fasax dheer u qaateen magaalada New York, buu Fakis ka dabageeyay asagoo leh Sabti iyo Axad kasoo baaraan daga Isniintana waa inaad u codeeysaan in Somaliya cunaqabataynka Hubka ee UN-ka saartay laga qaado si IGAD u tababarto askarta Dawladda Somaliya oo Argaxisada Caalamka la diriraysa. Nasiib daro Isniintana 5-ta dal ee Veto-Powerka ku leh Council-ka:Mareeykanka, Ingiriiska, Ruushka, Faransiiska iyo Shiinaha weey u codeeyeen in Somaliya CUNAQABATAYNTA HUB LAGA QAADO.(LABO USBUUC KABACDINA ITOOBIYA SOMALIYA WEY KU DUUSHAY.) Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa wax badso wax la'aan bay leedahay. Markii Mareeykanku ka badbadiyay oo dal walboo rabo inuu ku duulo ama cunaqabateeyo ku yiraahdo dunida waa terrorist ama waa Diktatoor ku xaqgudba xuquuqda baniaadanka sida uu yiri Madaxweynaha Zimbawe Robert Mugaabe ee waa in UN-ka cunaqabteeyso. Ruushku wuxuu hurdada Saybeeriya ka kacay markii uu Mareeykanku yiri ciidamaan dhiganayaa dalaka xuduudka la leh Ruushka oo waagii hore ka mid ahaajiray Sovietiga si ay ula diriraan ARGAGIXISADA CAALAMKA sida Georgia, Uzbekistaan, iyo Kirgistaan--ABbbWWWsst... Miyaan Somaliyana... ku daray? Sidoo kale haddii dal UN-ka Cunaqabateen dhaqaale la saarayo waa 5-tan dalba isku raacaan. Haddii hal dal oo ka mida 5-tan diido UN-ka far ma dhaqaaji karto mana soo dhexgalikarto. Waxaad moodaa Sirta Mareeykanku ku sameeysanyahay oo xataa ilaa hadda shacbigoodu fahansanayn bal dawladaha dunida iskaba daaye in UN-ka Qeeybta United Nations Security Council ay ku dhisantahay. Waxaan xasuustaa Sanadkii 2005 baan 69 Dawladood warqad aan United Nations Security Council u qaray oo aan uga codsanayay inaan ciidamo shisheeye Somaliya lagayn baan markaan ninka markaas xukumay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay / United Nations Security Council xaafiiskiisa kula hadlayay nusaac waqti ku dhaw Mr. Vassilikas baa si kadis ah iiweeydiiyay su'aashaan, "AYAA WAAYO QABIILKA SHIIKH SHARIIF XASAN ee Baarlamaanka hogaamiya?" Ana kama waalin waxaana ugu jawaabay, "SHIIKH SHARIIF XASAN waa reer xamar oo asalkiisu waa Carab ama Greek maadama (Vassilikaas Greek ahaa), Maraakiibta Greekna Badda Soomaaliya kumanaan sano bay isticmaalayeen marka inaad na caawiso baan rabnaaa Bishan ay Greek Security Council-ka hogaaminayso in Greek wax noo qabato." Markaaso intuu indhaha toos iigu eegay buu yiri, "IISHEEG MAXAAD RABTAA INAAN SOMALIYA U QABANO?" Waa ilaaheey mahaadii Bishan August oo Security Council-ka waxaa Madaxweyne ka ahaa South Afrika, Mabeki oo muddo dheer la dirirayay Gumeeysigii South Afrika APARTHIED oo xitaa warqad uu Soomaalida u soo diray yiri Somaliya baa si qarsoodi ah hubku nooga soo dagi jiray waagaan APARTHIED la diririjirnay . Bishaan August baa Safiirka South Afrika Council-ka u fadhiya u qoray warqad dawlada Itoobiya asagoo yiri Itoobiya caqabad bay ku tahay nabada Somaliya. Waziirka Arimaha dibadda ee Itoobiya warqad jawaaba u diray UN Council-ka south Afrika hogaamiso asago asagoo sidii caadadu u ahayd inkaraya inay Itoob iya jabisay axdiga UN-ka dad shacabka Soomaalida oo aan waxba galabsana halaagtay. Waxaa isweydiin mudan abeeyow Ruushku haddii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay -Coucil-ka- la horkeenu Codeyn in Somaliya UN Peacekeepers loo diro Ruushku sidii uu cunaqabtayntii Coucil-ka ee Zimbabwe uu Veto u saaray ma usaari doona inuu yiraahado marka hore shacabka Soomaalida hasoo ogalaado? Zimbabwe oo Bad Istraatigiya lahayn hadduu Veto saaray Somaliya oo Ruushku Saldhig military ku lahaa jiray wey u dhawdahay inuu Veto Saaro Codeeynta Council-ka. Waxaa xaqiiqaa in Ruushku dan weyn ka leeyahay mustaqalbalkiisa Somaliya. Hadduu Ruushku maanta Soomaalida kala safto Mareeykanka iyo Ingiriiska, BARI AMAALKAAS SOOMAALIDA WUU U SHEEGA KARAA. ASAGOO LEH SOOMAALEEY XILIGII MAREEYKANKA IYO ITOOBIYA IDI BAABINAYEEN WAA ANIGII IDIIN HIILIYAY. Goor dhaw waxaa laga yaabaa sida Madaxw. Siriya Ruushku ugu martiqaaday inuu Weapon-shopping BOOQASHO HUB GADASSHo sameeyo ugu yimaado in Madaxw. Eritereeya asna Weapon-shopping boqasho loogu marti qaada lana yiraahdo Soomaalida Xaq-udirka hub aan kuu soo marsiino. Ingiriisku wuxuu ku maahmaahaa YOUR ENEMIES ENEMY IS YOUR FRIEND. Tasoo macneheedu yahay haddii Maxaakiimtu cadowogoodu yahay Mareeynkanka, cadowga Ruushka, Soomaalida iyo Ruushku waa saaxiib.
SABABTA UGU WEYN EE MAREEYKANKU uu uga cagajiidayo INUU CODEEYN ASKAR CAALAMI AH (UN PEACE KEEPERS) oo LOO DIRO SOMALIYA uu horkeeno UN Council-ka waa asagoo ka baqayo Veto-da ama ISBAARADDA Vladamir V. Putin RW Ruushka si darsi uu ku siiyo Mareeykanku inuu Ruushku Burburkii Sovietiga ee 1990-gii ka soo kabsaday sida Putin marar badan ku celceliyay oo Ruushku dulligii Mareeykanku ku hayay ka baxay.
Mar Waziirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska dalbaday in Ruushku soo celiyo nin KJB oo lagu tuhmay inuu magaalada London jaansuus kale ee KJB oo dalka Ingiriiska Jaansuus qarsoon ee Ingiriis ku sii noqday(double agent) uu sumeeyay Putin wuxuu Ingiriiska ugu jawaabay, "ma waxaa Ingiriisow ismoodeen inaad joogtaan xiligii aad Superpower-ka ahaydeen?, mise Ingiriisow waxaad Ruushka moodeen dalalkii aad waa gumeeysa jirteen? " AFAR arrimood oo kale baa ayaguna isbedelka caalamka ee xal u helida Somaliya ku lug leh: 1.Tan koowaad waa Dalalka Carabta oo ceeb aad weyn adduunka ka soo gaartay in Somaliya Dawlad ka mid ah Jaamicadda Carabta dal Madow Itoobiya oo ka mid ah kuwa dunida ugu faqrisan Gumeeysi ku qabsaday. Haddii Sharafta Somaliya wax loo dhimay sharafta Jaamicadda Carabtana iyo tan SHACBIGA CARABTABA waxbaa loo dhimay. Marka waxay u badantahay haddii Itoobiya diido in ay si nabada uga baxdo Somaliya in Carabtu Hubeeyso Xaq-udirika Soomaalida. Labada sabab ee dawladuhu ugu biiraan urur Caalami ama mid Gobaleeda waa aad iskaashi daqaale iyo difaac (BILATERAL DEFENSIVE Pact). Sababta ugu weyn ee UN-ka uga cagajiidayso in ay Itoobiya cambaareeyso jabinta Axdiga UN-ka markeey ay Somaliya ku duushay oo burbursay waa in aysan Carabtu dhihin Somaliya waa lagu soo duulay oo Axdiga Jaamicadda Carabta baan qoraya inaan Somaliya aan difaacno. 2.Tan 2-aad waa Faransiiska oo aad iyo aad uga walaacsan in in Xaq-udirirka Soomaalidu noqdaan difaacyaal Badda Soomaaliya oo Reer Galbeedku ku magacaabo Burcad-badeed iyo Faransiiska Jabuuti oo Saldhiga cusub ee Mareekanku uu cariiri ku hayo. Heshiiska Soomaalida ee Jabuuti dabada Faransiiska baa ka riixaya si haddii Dawlad Somaliya u dhalato uu Saldhiga Mareeykanka ugu guuro Somaliya ”Burcad-badeed Soomaaliyan” aysan Bab el Mandeb ugu fidin. Soomaalidu waxaa ilaaheey siiyay Bab el Mandab oo ay Xamaas Falasdiin haysan. Runtii Golfiga Cadan EE SOMALIYA waa Golfiyada dunida midka ugu qaalsan. Saliida dunidu ku shaqeeyso boqolkiiba 70% Golfiga Cadan ee Somaliya bay martaa. Runtii Golfiga Cadan EE SOMALIYA Niyuukalaar Atoom wuu ka qaalisanyahay. Dhawaan waa tii Madaxw. Faransiiska Sarkozy uu uga hadlay arinta Somaliya markuu booqasho ku tagay dalalka carabta sida Masar iyo Boqortooyada Sacuudiga. Warqad aan Sarkozy u qoray wallow uuna iisoo jawaabin waxaan ku iri sidatan: According to the Italian journal Corriere della Sera, the closest two points between Asia and Africa is the 27.4 Kilometers long Bab el Mandeb straight between the former French Somaliland, Djibouti and Yemen. It added that not only the Gulf of Aden is the one of the world’s busiest waterways that now there is oil in the region but in history the Gulf was like that. To counter balance the implicit U.N. support to the asymmetric Feudal Ethiopia military aggression, with its nearly 71 ethnic tribes and 71 spoken languages, Somalis might be forced, since it takes only a suitcase-fitted weapon in destabilizing the crucial Bab el Mandeb, to seek assistance from Somalia sympathetic nations such the Islamic Republic of Mauritania, the Islamic Republic Pakistan, the Islamic Republic of Iran, the new Islamic Republics of former Soviet Union, the Republic of Turkey, which ruled Somalia during the Othman Empire, and the Arab League. This could be the outset of religious war that could destabilize the Red Sea, the Horn of Africa, the Gulf of Aden, the Indian Ocean, the Middle East, and beyond. 3.Tan 3-aad waa Bush oo ku qasbay in Itoobiya Somaliya ku duusho oo muddo ku dhaw 60-an maalmood kadib xukunka Mareeeykanka ka dagaya. Zanaawina uu markaas Agoon noqodoono. Dhibka agoon la kulmana waa mid noloshiisa badalaya haddii agoonku diido inuu nabad kula noolaado dariskiisa. Bisha soo socota markeey dhamaato oo hal bil ka harto doorashada Mareeykanka xitaa Mareeykanku wuxuu ahaanayaa wax aan dawlad lahayn ama daciifa ilaa laga dhaariyo Madaxweynaha cusub bisha January 11, 2009. Taas waa haddii ilaaheey awsan iyaga isku dirin oo aysan dhihin hebel doorashada waa xaday ama ilaa dhawr kun oo codeyn qalad baa computerku laga helay, ama Obama baa la toogtay IWM. Xitaa Bisha Janaayo Madaxweynaha cusub waa inuu mashquul ku noqdaa soo dhisida waziiro iyo waziiro ku xigeeno. Waxay u badan tahay in Mareeykanku uu xiligaas wadi doonin dagaalka Somaliya laakiin uu wakiilo doonaa UN-ka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Sacuudiga IWM. Haduu ugu bato maraakiibtiisa Somaliya u fadhida buu dhihi doona Shiekh “HEBEL” GANTAAL MISSILE KU RIDA. 4.Tan 4-aad Waa ayadoo halka Faaiido ee Gumeeysiga Itoobiya Soomaalidu ka heshay waa qof kastoo Soomaaliya uu maanta uu soo gaaray xanuunka Gumeeysiga Itoobiya. Sidaas awgeen maanta badanaa Soomaalidu meel ayeey iska dhigtay DAGAALKII SOKEEYE IYO QABIILKII HURINAYAY. Maanta yar iyo weynba waxay Soomaalidu go'aansatay in ay meel iska dhigaan QABIILKA sida ka bilaabatay Gobolada dhexe oo Soomaalidii diririjirtay maanta garbaha ishaystaan si ay SHAHIID UGU DHINTAAN AYAGOO DHULKOODA HOOYO IYO CARUURTA SOOMAALIDA EE AAN TABARTA LAHAYN DIFAACAYA. 11-ka Bisha November Doorashada Mareeykanka kolkay dhacdo oo Bush xukunka ka dago Agoon Zenaawi 5 arimood buu mid ka dooradoonaa: 60 CASHO KADIB KOLKA BUSH XUKUNKA KADAGO OO MAREEYKANKU DOORTO MADAXWEEYNE CUSUB AGOON ZENAAWI WAA INUU 5 ARIMOOD MID KA DOORTAA: a). In haddii John McCain guulaysto uu ADEER ka dhigto McCain . Laakiin ADEER mcCain aabe Bush oo kale u noqonmaayo Zenaawi. MARKAAS ARINTU WAXAY NOQONAYSAA NIN WALABA TIISAA HAYSATA. Bal weydii agoon AABE iyo ADEER maa isku halbaa? Sida caadadu tahay adeer haddii Bishaan wax ku siiyo Bisha dambe inuusan waxba kusiin bay u badan tahay ..... Obssst! Miyaan iri kolkaas Alshabaab kun AMXAAR TIGREE IYO DABADHILIFKOODA SOOMAALIDA BAY DILI DOONTAA?. b). In Zenaawi hooyo iskala noolaado. Laakiin Hooyo Itoobiya waa faqri oo Zenaawi kama helayo lacag uu ku wado dagaalka Somaliya oo aad u qarash badan. c). In Zenaawi duurka galo sida agoonado qaarkood sameeyaan markii aabe dhinto oo laga yaabo in qalalaas ka dilaaco Itoobiya xukunkana laga rido Zenaawi. Kaligii taliyihii Afweyne markii dagaalkii Itoobiya ku jabisay asna xili dheer kama dambayn. Sadaam Xuseen dagaalkii uu Iran iyo Kuwait ku qaaday ugu dambaystii asagaa ku gubtay. d).In sida agoonada qaarkood yeelaan in agoon Zezaawi guriga EEDO aado. Eedadiis waa Afrikaan Union (AU), Ciidamadaas kuwa South Afrika iyo Nigeriya baa xaq-udirarka wax yeelikara. Laakiin Madaxw. South Afrika Mabeki oo waqti dheer Gumeeysiga Reer Galbeed la soo diriray wey ku adagtahay si Mareeykanku ugu cadaadi lahaa inuu Somaliya ciidamo usoo diro qaasatan markii Itoobiya iyo Mareeykanka Soomaalida dhiig badan ka daadsheen. BOQOLKIIBA LABAATAN 20% SALIIDA MAREEYKANKU ISTICMAALO WAXA AY KA TIMAADAA NIGERIYA. MARKA WAA U SAHAL IN MAREEYKANKU NIGERIYA KU CADAADIYO INUU ASKAR SOMALIAYA U SOO DIRO SIDA DAWLADDA NIGERIYA MARAR BADAN SHEEGTAYBA. Laakiin askarta Nigeriya labo arimood baa laga yaabaa iney xanibayso: Marka hore masaafo dheer bay marayaan askartiis inkastoo haddii maraakiibta Mareeykanka ee xeebta Somaliya gumeeysi ku haysata ay hubka u soo dajidoonto sida hadda gumeeysiga Itoobiya hubka iyo askartaba ugu soo dajiso walow ay Caalamka ka qariso. Tan labaad ee askarta Nigeriyaanka xakaminaysa waa ayagoo Dhulka Somaliya laga badiyo iyo ayagoo og in ay gumeeysi Mareeykan u dirirayaan oo aan kalsooni ama sabab ay ku dagaalamaan haysan e). Arinta 5-aad waa in uu AGOON Zenaawi xaraasho xoolihii aabe Bush sida Taankiyada Tigreega ku leeynayo ummada Soomaalida oo aan waxba ka halaynin oo Bush uu North Korea uga soo iibiyay iwm. oo uu Somaliya Askartiisa kala baxo, sida agoonada qaarkood u iibiyaan xoolihii aabahood ka dhintay ama u dhexlaan, markaysan awoodin in ay xoolaha sidii aabe u dhaqaan. Dadka siyaasada Somaliya u kuur gala waxay qiyaasayaan in Zenaawi xaraashi doono xoolihii aabe Bush uga dhintay ama uga tagay oo uu Somaliya ciidamada Mileeshiyada Tigreega-Xabishida iyo dhabadhilifkooda lulufka Zenawi ku nool Oromo-MARYACALAS kala bixidoono.
Laba bilood ka hor waxaa layslahaa abeeyow Soomaalidu nasiib daranaa!
Waxaase hadda bilaabi doontaa in la yiraahdo Soomaalidu nasiib
badanaa! Waa dad isku diina, isku dhiiga, isku dhaqana ah! XITTA MADOGA MAREEYKANKA WAXAY ISKU DAYAYAAN UGU DAMBEEYSTII INEY XILIGA DOORASAHADA AY MAREEYKANKA KA FA'IIDAYSTAAN OO OBAMA MADAXWEYNE U NOQDO MAREEYKANKA. Lacagaha la yiri (50 MILYAN doolar) Sacuudigu wuxuu ugu talagalay inuu ku bixiso nabadaynta Somaliya waa in Soomaalidu ku sameeysataa DOORASHO XOR AH OO CADAALADA -KANA MADAXBANAAN SHISHEEYE sidii DOORASHooyinkii 1960 , 1964 iyo 1967 Soomaalida walaalaha ay qabanqaabiyeen isna aamineen. WAXAA HUBAAL AH TAAS INEY DHAAMIDOONTO DOORASHOOYINKII AY 17-ka SANO CADOWGA SOMALIYA: ITOOBIYA, MAREEYKANKA, INGIRIISKA, KENYA, IYO FARANSIISKU U DHISAYEEN SOOMAALIDA oo 15-kaas dawladood intaan ka ahayn labo kaliya:-The Somalia sanca agreement iyo Somalia Cairo agreement mucjiso ahaan uu Cadowga somaliya ITOOBIYA, MAREEYKANKA, INGIRIISKA, KENYA, IYO FARANSIISKU ay 13-kaas dawladoodoo kaloo dhicisoobay ay Somaliya ugu soo dhiseen magaalada Jabuuti (oo militariga sirdoonka Faransiisku kor ka maamulayay), Adis Ababa, Itoobiya, iyo Nairobi kenya.
The Qaranka online
Wixii rayi (raýi) ama talo, waxaad iigu soo hagaajin kartaa E-mailkan:
Qaranka online
|