Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

Diyaarada afrikac Airways oo ka mid ah Diyaaradaha iskaga kala goosha Somaliya Somali-land iyo Dacalada Caalamka sida Dubai, Nairobi, Yaman, Campala, waxay si toos ah uga soo dagtaa Garoonka Wayn ee Ber Bera

The Qaranka online
14 Oct. 08

14-10-2008)Tan iyo Markii ay meesha ka baxday Diyaaradii ay samaysay Dowlada Jarmalka ee Somali- Airlines ayna meesha ka baxday Dowladii Milatari ayna gooni isku taageen Somali-land waxaa soo shaacbaxay Diyaarado yar yar oo dadka u kala qaada Somaliya Somali-land iyo Dacalada Caalamka kuwaasi oo kaabaya adeegii Diyaaradeed ee Sharciga ahaa oo Geeska afrika iyo dunida dacaladeeda u kala Gooshi jiray oo ay lahayd Dalkii Soomaaliya la isku oran jiray.

Ma ahan wax lala yaabo in Ganacsatadu ay is daba qabtaan sida labada Labada Gobo ee hoostagta diyaarada aan kor ku soo sheegnay oo ah Diyaarad inta la ogyahay uguv wayn Sadaxda diyaaradood ee ka Howlgala labadaasi meelood oo aan kor ku soo sheegnay.

Hadaba waxaa arintaasi Suurrto galiyay ka Hargaysa ahaan Madaxa Afrikac ee Somali-land Warsame Xasan gaas oo aad moodo in uu dib u habayn ku wado Shirkada Caanka ah ee Afrika Xafiiskeeda oo marka ad timaado aad Oranayso ma waxaad ku jirtaa Xafiiska Diyaaradeed oo ay leedahay Qadar Airways Mase waxaad joogtaa Holand Airways Xafiiskeeda sida uu u qalabaysanyahay iyo marka aad soo gasho Tixgalinta aad leedahay.

Warsame ayaa waxa uu ka midyahay Ganacsatada ay Diyaaradaha uga soo dagaan Ber Bera maadaama aysan afrika ka soo dagi Karin Madaarka Hargaysa halka Daalo Airlines iyo Jubba Airways, ay ka soo dagaan Madaarka Hargaysa taasi oo Macnaheedu yahay in ay ka wayntahay Diyaaradaha kale ayna tahay mida loo yaqaano Jetka oo ah mid aad u Horumarsan ka diyaarad ahaan.

Diyaarada afrikan Airways oo ka mid ah Diyaaradaha iskaga kala Goosha Soomaaliya iyo Somali-land iyo Dacalada Caalamka sida Dubai, Nairobi, Yaman, Jabuuti, Campala, Somali-land iyo Soomaaliya ayaa waxay si toos ah uga soo dagtaa Garoonka Ber Bera Usbuucii ilaa 5-Jeer, ayay timaadaa Somali-land Waxaa Mas’uul ka ah Marka aad Timaado Somali-land Warsame.Xasan.Gaas Diyaaradan ayaa ah Diyaaradaha ku yar afrika ee loo yaqaano Jetka.

Xafiiska Shirkadani oo aan Booqday mar uu aad Mashquul u ahaa ayaa Sarkaal ka mid ah Saraakiisha Ka shaqaysa Shirkadaasi waxa uu ii xaqiijiyay in ay hoos u dhigeen Tigidhadii oo ay ku sameeyeen qiimo dhimis aad u balaaran waxa uuna sheegay in 100% ay sameeyeen intii Macquul ah oo ay dadka baxaya iyo kuwa imaanaya Dacalada Caalamka ku qancaan.

Hadaba Maxaad ka Taqaanaa Shirkada Afrikan Airways Xafiiskeeda Hargaysa Maxaa xog ah oo aad ka ogtahay….

Diyaarada afrikac Airways oo ka mid ah Diyaaradaha iskaga kala goosha Somaliya Somali-land iyo Dacalada Caalamka sida Dubai, Nairobi, Yaman, Campala, waxay si toos ah uga soo dagtaa Garoonka Wayn ee Ber Bera Hadaba Diyaarada Waa Diyaarad Caynkee ah Maxaadse ka Taqanaa Xafiiska Afrika ee Hargaysa qaab Caynkee ah ayuu u Xardhanyahay.

Xafiiska Shirkadani waxa uu ku yaalaa ka soo Horjeedka Maqaayada Caanka ah ee Nasiibo waxa uu dhinaca Midig uga dhaganyahay Xafiiska Dahabshiil gaar ahaan laanta gar gaar waxa uuna ka soo jeedaa dhinaca qorax ka soo baxa, Waxa ku dheehan Midabyo kala Nuuc Nuuc ah oo aad ku dareemayso in uu yahay ama in ay Tahay Diyaarad aadan ku dalaynin oo Jetka ah oo ayada oo aan la damin ama aadan ku luloon aad ku tagayso Meesha aad rabto.

Marka aad marayso meel aan ka fogayn waxaa Durba indhahaagu qabanayaan Boor wayn oo ku xardhan Magaca Shirkada Afrikac Airways Ex.press, waxaa jooga Shaqaalo u heelan soo Dhawayntaada oo ay ka midyihiin Qaalid iyo Mustafe,Dad badan ayaa is weydiinaya Afrika maxay u qabataa Bulshada halkeebayse tagtaa aan kaala dhaco afrika wa tan qadadkeeda.

Shirkada ama diyaarada Afrika ee Jetka ah waxay tagaa dalal badan oo afrika Carabta ay ka midtahy Yaman, Dubai, Afrika Nairobi, Ugandha, Soomaaliya, Somali-land balse waxa uu ii Xaqiijiyay Gaas in ay dhawaan bilaabayaan qadad kale oo Cusub iyo Dalal Hor leh oo aan wali Duulimadyo aysan tagin.

Shirkada ayaa waxay samaysay ama u samaysay dadka Samarka uga yimaado Yurub ama kulaylaha oo hada dib ugu laabtay Dalalkoodii Qadad ama Konokshin ay ku Qanceen dadkaasi ayaga oo ku wargaliyay in aysan ku Mashquulin in ay Dubai marka ay tagaan ay Dalka ay rabaan diyaradooda ay Dilaty ka noqdaan waxayna u sameeyeen Qadad Cusub oo Cajiib ah taasi oo sahal ah.

Dadkii Yurub ka yimid ayaa u Duceeyay Afrika Airways Waxayna ku Yiraahdeen dal Dhawaysooy Afrikan airwaysey waadna Maqsuudisay namana Daalin ee noqo Duulimaadka 2008-ka ee Afrikab koobka u qaada.

Diyaaradan ayaa ka mid ah Diyaaradaha Afrika ugu Fiican kamana soo Dagi Karto Garoonka Hargaysa waana Diyaarada Jetka ah taasi ayaa keentay in loo Weeciyo Garoonka Wayn ee Ber Bera balse marka ay Diyaaradani Muqdisho ka soo Dagayso ayaa waxaad ka dareemaysaa in ay tahay mid Casri ah oo in ka yar 20- Talaabo ayay ku Duulaysaa hadana ku istaagaysaa halka Diyaaradaha kale ay soo maraan Wareeg dheer min hay Wayga ilaa Garoonkii Milatari ee Afisiyoni Balse Afrika ayaa si toos ah inta ugu soo Hay,wayga hadana Barkinka ugu soo Horeeya ku soo laabanaysaa ayada oo aan aadin Garoonka Milatari taasi oo kuu cadaynaysa in ay Tahay Diyaradani mid Casri ah.

Isku soo Duuboo Afrika Jubba iyo Daalo Airline ayaa hada ah Sadaxda Shirkadood ee ka Howlgala Muqdisho iyo Hargaysa Waxayna Xafiisyadooda Muqdisho ku kala ooli Joreen Afrika oo Daganayd Agagaarka Furayaasha ama Cali Kamiin, Jubba oo Daganayd Isgoyska Xamar Jadiid, Daalo oo Daganayd Balacksea, Xafiisyada Hargayasa Jubba oo Dagan ka soo horjeedka Suuqa Caanka ah ee Shiraaqle Afrika oo Dagan meel agagaarka Shirkada Dhabshiil iyo Daalo oo aan ka Fogayn.

Cabdixakiin Cilmi Xasan:
Cabdixakiin44@hotmail.com
Hargaysa Somali-land

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye