| Qaranka. com Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Muqdishuvideo | xiriir/contact |
|
Qormadii: Qaranka.com
Sir Culus: Soomaaliya oo laga yaabo in dowlad nabad keenta u dhalato
![]() Shirka shisheeyuhu Kambala Uganda u dhiga Somalia, RW Farmajo lagucasilay
30 Sept. 2011
Haddii aad magacan: Xiriirka Caalamka ee dalka Soomaaliya dib u raacdo waxaa ku arkeeysaa saddex dal Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga oo horay Soomaaliya u soo gumeeystay iyo Mareykanka oo dagaalkii labaad markuu dowladdii Talyaaniga jabshay ama qabsaday Soomaaliyan oo Talyaani xukumayna igu wareeji ka saxiiday.
Ruuxii Soomaaliya oo la yaabanaa waxa Soomaaliya muddo 21 sano ay dowlad ugu dhalaweysay bal fiiri shantan dowladood iyo taariikhda gumeeysiga ee Soomaaliya. Waxa kaliya oo isbadalay waa dowladahan oo dhulkii ay horay u gumeeysa jireen Soomaaliya si xeelad siyaasadeed ah ugu soo laabtay.
Maadaama haddii Xiriirka Caalamka ee dalka Soomaaliya ay yiraahdaan Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Mareykanka waa nahay ay dadka oran lahaayeen war gumeeysigii baa soo laabtay waxay ku barxeen Norway iyo Sweden oo Yuruboo dhan labadaan dowladood oo kaliya uu Mareykanku dagaalkaas ka dhowray dabadeedna warshadahooda aan la taaban ay ka fa'iideysteen dib u dhiskii Yurub ee Dagaalkii Labaad burburiyay, baa lagu barxay.
Ra'iisul Wazaaraha Turkiga Tayyib Erdogovan oo Soomaaliyoo 21 sano dowlad haysan booqasho ku yimid waxay hormood u tahay dabeeylaha cusub ee illaheey Soomaaliya u soo ifinayo.(Aamiin).
Afarta dowladood oo yurub ugu weyn waa Ingiriika, Faransiiska, Jarmalka iyo Talyaaniga oo loo yaqaan G7, oo mancneheedu yahay afartan dowladood waxay ka midyihiin 7-da dowladood oo dunida ugu dhaqaale weyn. U fiirso G7 aqlabiyadooda, ama 4 ka mid ah waa gumeeysigii Soomaaliya -Ohh sow marka arinta Soomaaliya nasiib daro maaha?
Nasiib wanaag sanadka soo socda waxaa doorasho Madaxweyne ka dhaceysaa saddex ka mid ah afarta dal ee Yurub ugu xoog weyn: Faransiiska, Jarmalka, iyo Talyaaniga.
Todobaddii sano laga soo bilaabo 2006 qabsashaddii ciidamada Itoobiyaanka dalka Soomaaliya kadibna ay ciidamo Ugandeesa dalka ku wareejiyeen ay haysteen waxaa saddexdan dal Faransiiska, Jarmalka, iyo Talyaaniga ee Yurub ugu dhaqaale weyn xukumay xisbiyo ka soo jeeda dhanka Middigta
Xisbiyadan middigta waxay aad ugu dhowyihiin xisbiga Republikanka ee Mareykanka ee Bush hogaaminayay.
Sanadka soo socda 2003 waxaa doorashooyin Madaxweyne iyo Rai'isul Wazaare cusub ka dhacayaan dalalka Faransiiska, Jarmalka, iyo Talyaaniga. Dadka u kuur gala siyaasada Yurub waxay qiyaaseen iney cadaatay in saddexdan dalba ay Xisbiyada Biddixda xukunka ku guuleysan doonaan.
Siyaadada reer galbeed waxay ku shaqeeysaa waxa la yiraa FACTORING sidda xisaabtoo kale. Bimathal lambarka 9, meeqa lambar oo isku hal ah baa ku dhexjira? Jawaabtu waa lambarka 3 ayaa saddex goor ku laba laabma marka faktarka 9-ka wuxuu noqon lambarka 3.
Askarta Mareykanka oo laga soo saarayo Ciraaq, Afgaanistaan, iyo RW Turkiga ee Soomaaliya booqday waxay la xiriirta isbedelka Xisbiyada Biddixda lagu soo dhoweynayo ama political Factoring ilaa cawska jiilaal waa lagam maarmaane.
Taas macneheedu waxaa weeye xisbiyada Biddixda siyaasadooda dibada waa: in dagaalada dunida nabad lagu xaliyo.
Ma xasuusata muddo ku dhow 20 sano ka hor RW Faransiiska xisbiga Biddixa Mitterand oo iyadoo muddo dhowr sanaa Yogoslaafiyaddii hore taangiyo ku garaaceyso caasimada Bosnia, Sarajeevo,intuu har cad oo xabadu ku dhaceyso shacacbka Muslimiyiinta ku yiri Jogoslavia hadaadan xabadda joojin tilaabo deg deg baan idinka qaadeeynaa.
Mitterand oo ah aabihii Xisbiga Biddixda Faransiiska ayaa usbuucii hore barlamaanka Faransiiska markii ugu horeeysay muddo 50 aqlibiyad ka noqday-waxaana lagu qiyaasay iney taasu hordhac u tahay guusha doorashada ee dhici doonta shan bil kadib.
Inkastoo aysan xumeyn in Soomaalidu ka cabato dhibka dabandhaabyada ay Itoobiya, Ugaanda, Amisom, Jabuuti, Kenya, UNPOS, hadana meesha isha ah ee dhibka Soomaaliya laga shido waa Washington iyo Burussel(caasimada EU), dabna wuxuu damaa gaaska lagu shidayo markii la jaro.
Marka ay xisbiyada Soshiyaalka la yira yurub qabsadaan, haddii ay Soomaalidu Maandooriyaha maskaxdooda maandooriyay oo ah QABIIL dhowr nin oo qabqablaa kaliya ay ka fa'ideysteen inta kaloo Soomaaliya ama ku la'tay ama macaluul u dhimaneysa ay iska joojiyaan, iney dowladaha garabka Biddixda ee Yurub u dhala doona ay jari doonaan lacagaha ay iminka EU-du ku bixiyaan Amisom.
Waxay u badan tahay markii colaad siyaasad kaliya ah ay muddo 21 sano ah ku dhinteen ku dhowaad bar shacabkii Soomaalida oo ah hal qoys oo walaala iney dhulkooda hooyo nabad iyo barwaaqo ku wada noolaada ay heshiidoonaan.
Qormadii: Ali E. H. Naleeye, Qaranka.com, editor
Contact Qaranka.com Email:
ahassannn@yahoo.com
|