| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
-“Siyasada Dhabayaco Iyo Huwan Waxaa ay somali dhaxalsiin doontaa ay qarankooda ku waayaan “ !
The Qaranka online
(22-05-2009)Marka hore waxaa rabaa in somalida u cadeeyo inaan taageersanahay in somaliya dowladnimo dib u hesho. Wax aan dowladnimo ahayna aan taageerada shicibka mudneeyn. Laakiin waxaa ilaha tahay dhaliilaha dowlada ka muuqda iyo toobiyaha ay heesyo midoodna inaan dib loogu soo celinayyo qarankii dumay ee soomaliyeed. Hadii aan taarikhda dib raacno , Muddo haatan laga joogo in ku dhow boqol sano ayaa waxaa soomalida u kacay ciidankii daraawishta oo doonayey in ay dalka ka xoreeyaan codowgii gumeeysiga , inta Somaliga ku hadasha hal dal iskugu keenaan, halggankaasi inkasta oo soo hooyey guulo badan hadana waxaa u sameeyey qaladadd badan oo ay timid in cadowgii somalida ay u adeegsdaan somali kale in lagu jabiyo loona kala qaybiyo dowlado kale duwan. Huwan waxaa ay ahaayeen qabaaildii somalida ee sayidka kala dagaalamay dhinaca waqooyiga iyo galbeedka, dhabayaco waxaa ay ahayeen ciidankii kala dagalamay kuufurta ee ina keenadiid ( central) , maanta waxaa ay joogtaa halkii ay 100 sano ka hor taagneed .
Dalkii Itoobiya waa iskaga baxday, cabdilaahi yousef waas is casilay, madaafiicdii wali waa socotaa, maxaakimtu ayaa qoriga isku jeediyey, hooyadii ooyinteeda laga maqlayey BBC ee somaali badan ka ooysiisay, ooyintii waa laba jibaartay, dadkii magaalada ku soonoqanayey markale ayeey dib ugu noqdeen xeryihii aay labo sano ka hor xamar banaankeeda ka sameeysteen, xagee nagal ahayaa , waxaan marar badan ka hadlay in soomaliya laba qolo isku haaystaan mid waa itoobiya midka kalana waa alshabaab. Itoobiya dalka ma ka baxday waa yaabe, alshaabe Somali dan ma u tahay ?
Waxaa arin laa xumaado ah in markii itoobiya baxday reer muqdisho ku baraarugeen , ciidamo beel ku habeeysan oo aagag kala xirtay, ummadii markiiba waa ka calool xumaatay oo tiri marka kale iyo anigaa taabsaday sar heblo ? , waxaa cadaatay in dadka In muqdisho dadka degan ay dhibaato qabiil danhiisa Wata ilaah ku ebtaleeyey. Waxaa La soo daristay aqoon la’aan ku saabsan waxa ay dowladnimo tahay , iyo habka dowladnimo ee maanta aduunku u shaqeeyo . War dowlad laguma noqdo anigaa leh wax ummada u dhexeeya, miyaanay noqon mida keentay dadkii wada dagaal galay ay qaybsamaan kadib markii dabamac galay qaarkood in ay sariftaan guushii dagaalka , qaarkalana ay dib ugu noqdeen xeryahooda iyo in hubkooda sigfeeystaan una arkeen in xalku yahay alshaabaab iyo faanoole fari ka qodneeeyn .
Waxaa soo baxay in dowlada markii lala dagaalay ay markiiba isu dhiibto itooobiya, ay ka aamusto ciidamada ay abaabuleeyso gobolada qaarkood, sunna wal jameeca ( koobi diimeedka cusub ) , waxaa itoobiya biloowday in ay yesto dowlada oo ay maciin bido in ay howlgeliso kuna sidigto hogaamiye kooxeedyo, lacag iyo hub dibada looga keenay . hogaamiyeyaal dowladeed oo aan la aqoon meel ay ummada ku furi doonaan, oo aan laheeyn qorsho cad oo siyaasadeed oo an ka ahayn in wax burburiyaan lacag urursadaan, noqdaan geedi baaboowgii beelaha looga danbeeyey inta ay ka dhimanayaan.
Waxaa soo baxday in sh sharif sh ahmed iyo daahir aweeys ay u dagalamayaan mar uun madaxwayne I dhaha. Islamarkaana aanay isa sugi Karin sidii kuwi ka horeeyey ee maanta meesha aan taaganahay masuulka ka ahaa oo qaarkood naga hooseeyaan, kuwii kalana dalal shisheeye u carareen. Ileen taariiikhda wax laguma qaato . waxaa cad in aanay qiimana ugu fadhin in muqdisho laga soo saaro barxad cad oo geela lagu kala iibsado iyo in kale. Waxaa dib u soonoolaaday Hagoomiyaashii dhiiga shacabka ku dararay . kuwii danta guud uu kala qiimo badan yahay shilimaadka ay ka helaan dhowr ajnabi reer galbeed ah . waxaa muuqata in sh. Daadir aweeys loo taagwaayey , oo ay ka samreen, kuwii dad ugu sokeeyey, saaxiibadii diinta, saaxibadii qoyska , waarid iyo walaalo intaba , yaa uu wax ka doonanayaa oo taageeri doona, beelaha dhulkooda doonayo inuu ku xukumo, shacabka somaliyeed ?
HUWAN;
Waxaa muuqata in shariif siyaasadiisu ay tahay mid soo nooleeynayeesa . hogaamiye kooxeed , sunna waljameeca iyo kuwo kale oo dowlad diid ah sida qabiil lagu wajaho mucaaradka ka soo hor jeeda . waxaa igu maqaala ah in wasiirada ugu afka dheer dowlada laga soo wariyey inuu yiri qabiilkeeyga ragga wadaada uga jira lala hadli maayo . waayo waa lala dagaalayaa oo aan xooog meesha kaga saareeynaa. Wasiirada dowlada kujira miyeysan ahayn kuwii laga rabay in ay nabada iyo dib u heshiisiina ka shaqeeyaan. Yey isku haleeynayaa in ay dowlad u noqdaan hadii aanay dadkoodii dhex tagi Karin. waxaa wax laga naxo ah in qabqablayaasha dagaalka ay arintaas ka dhaadhiciyeen dowlada . tasoo ah agenda lagu majaaxaabin rabo dowlada si ay mar kale ugu soo noqdaan masraxa siyasada maamulayashii qabiilka. Hadii ay dowladu ka waantoobi weeysana ay ila tahay qiyaamihii burburka dowlada somaliyeed. Iyo in la yiraahdo hadii arintu tahay shabaab iyo dowlad, dowald baan dooranay, hadii arintu tahay Itoobiyaan, sunna waljameeca iyo hogaamiye kooxeed, ciidamo qabiil iyo alshabab waxaa shacabke kala danbeeyn iyo xaqa in loo hogaansamo u dhow al-shabab. Waa yaabe miyaaneey dowladu arkeeyn in ay gacanteeda isku gowraceeyso ( political suicide ) marka ay ku xiratay itoobiyaan . hogaamiye kooxeed iyo sunna wal-jameeca .
Shabaab Ma Daraawish baa !
· Eebbow geyiga oo dhan waa nalaga guulaaye
Shabaab maanta meel kasta waa laga dagal san yahay, ciidanka ay dhisteen Xasaan turki iyo abuu mansoor rooboow ayaa ugu xoog badan ciidamada alshabaab iyagiina waxaa ay ka badin la’yihiin jubba iyo bay . hogaaminta , siyaasada iyo ciidamada muqdisho jooga waxaa ka taagnaa jahawareer. kadib marki uu geeriyooday gacantii midig ee sh.daahir aweeys ( abu cayroow ) oo ku talo galay in midig iyo midix ku kala hayo isaga iyo kan haatan u goostay dowlada ee indhacadde . sidaas darteed xasan daahir baalal uu ku duulo ma leh hadii uusan u hogaansamin waxa ay rabaan hogaanka sare ee shabaab. Beelaha muqdisho degan ciidamada shabaab kaga jira waxaa ugu badan beelaho aan ahayn kuwa xasan daahir aweeys ha yaaeeshee fakir ahaan taageersan, waxaa muuqata in hadii aysan dhawaan ka soo muuqan masraxa siyaada aytaageradoodu hoos u dhici doonto wadaada alshabaab. Waa yaabe ma waxaa ay ku sii dhiiran donaan dagaal faraha looga gubto oo lagu baabiyo dadkooda iyo dhulkooda mise waxaa ay la soo bixo doonaan waji ka duwan, kuwii hore hogaanka u hayey ee iyagu dhulkoodiina nabad ka dhigay, dadkoodiina nabadgeliyey dadkoodiina nabdaeeyey. Waxaa u joognaba waa talaabada hogaamiyeyaasha wadaadu qaadaan taodobaadyada soo socda iyo tan dowladu qaado oo noqon doonta mid ku guuleeysata quluubta shacabka somaliyeed in dowladnimo laga shaqeeyo iyo mid ay kor ugu qaadi laheeyd taageerada alshabaab kadib marka ay amxaaro iyo warlord ka doorato shacabkii iyada garbaha u ahaa. Waxa ila tahay in dowladu aan jaanis kale siin doonto wadadaa. Waqtiga fogna dowlada lagu kale tagi doono.
Hussein Abdikarim Ahmed –Gendish
Qaranka online
|