| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
Meesha kama tage waxna kama tare !!!
The Qaranka online
Ereyga Xukumada ama Aothrity marka aad maqasho waxaa kugu soo dhacaaya kala danbeeyn iyo xaq aad leedahay iyo mid laguugu leeyahay, dabacan kan aad leedahay waxaa kamid ah, inaad nabaddgelyo hesho iyo waxyaabaha public service loo yaqaan sida caafimaadka waxabarashada garsoorka hadii ay lacag yihiin iyo hadii eey free yihiinba dabcan adigana waxa xaqa laguugu leeyahay waxa kamid ah inaad ilaaliso waxyaabha public servicka ah sida nabad gelyada inaad canshuurta bixiso iyo waxkasta oo qaranimada wax u dhimaaya inaad ka fogaato.
Hadaba aan usoo naqdo Madaxweyne Shariif iyo oraahdeeydi eheed meesha kama tage waxna kama tare waxey eheeyd 31-Janaayo marki eey doorteen xubnihi badankooda ow asagu gacantiisa ku magacaawady waa Madaxweyne Shariife dabcan dad badan oo Soomaali ah waxa ay raja kaqabeen in Prsident Shariif ow ahaa ninkii xiligaas ku haboonaa, waxeyna sabab uga dhigaayeen marka hore,1 nin xog ogaal ahaa inow yahay 2, iyo inow nin degan asluubna leh yahay 3, dabacan diinta islaamkana ilaa heer yaqaan tan 4-aad waxa ay eheed ayaga oo maanka ku haayay 6-dii bilood, oo wali Hassan Daahir hal heeys u ahaa inow ahaa shaqsigi hogaaminaayay arimahaas iyo kuwa kale ayeey ku qotomiyeen aragtidooda waa dadka aaminay in Shariif xaalada murugsan ee Somalia wax kaqaba karo.
Dabacan waxa jiray dad kale oo Somalia iyo ajinabi leh oo ku doodayay inowsan waxba qaban karin kuwa Somalida ah ee naqdinaayay waxa eey ku doodayeen 1, horta inaan la aamini karin maadaama saaxibadii eey xaalada adag isla soomareen ow barqa cad kategay markii ow arkay wax asaga dantiisu kujirto 2,waxaa kale ay qaar hada wasiiradiisa kamid ahi idaacadaha kasheegeen sida Mr indhacade Shariif inow ahaa maqaarsaar xooga iyo xoolaha lagu dagaalamayayna aan wax kuleheeyn asaga, sidaas darteedana eey u'arkaan shaqsi ka goostay wax kale ay ku goodiyeen in la arki doono taageerida Shariif ee shacabku waxa eey la'egtahay Beesha caalamku ama international Community, waxa lasheegay neyad jabkoodii ugu horeeyaba inow ahaa in Shariif balan uga baxay oo,ahaa inowsan tartamin fursadna siiyo shaqsi ay ayagu rabeen, dabacan anigu taas waa ku raacsanahay Shariif waayoo dalka Somalia ayaa leh qofkastaana waxa ow xaq uleeyahay in la doorto ama ow wax doorto sideedana waxaaba ceeba ah in somalida loo isticmaalo sida qalab insturments) oo layiraah adiga hada matarr tami kartid taas qodob ayeey eheed dhinaca international Cmmunity.
Dhinaca kale waxa ay eheeyd dalka aduunka ugu faqiirsan inow yeesho 550mp oo kuligood mushaar looga rabo internationalCommuinty, tan 3-waxeey eheeyd markii Shariif kuguuleeysan waayay, iskudarka Ciidamadii Maxaakimta iyo kuwii ow saaxiibkii Yuusuf kadhaxlay mararka qaarna eeyba kala qabsadeen saldhigyadii policka isku soo duub shariif waxa ow balan qaaday kuna dhaartay inow Somalia nabad iyo barwaaqo gaarsii doono waxana ow soo dhisay xukumad 30 wasiir kor u dhaafeeysa waxana lasiiyay magaca Dowlada Midnimada Qaran, walow dadbadani uyaqaanaan coallation Srrc&Ars.
Akhristow bal igula noqo, Cinwaanka maqaalkeeyga oo ahaa,"Meesha kama tage waxna kama tare".
Sikastaba ha ku yimaado waxkastana ha sheegeen kuwa naqdiyay iyo kuwa taageerayba, Prisdent Shariif asaga oo Madaxweynaa ayow Xamar yimid roogi casaanka waa loo dhigay ogow intaasuna waa waxa wiill Soomaaliyeed oo dheexaa dhulka ugalay, Abwaan Mustafe Sheekh Cilmi ayaa cabiray marki ow lahaa Madaxweyne Mar idhaha waalayiri hadii hadafku sidaas ahaa waaba u,egyahaye.
Runti marka aad fiirso Dhismaha Dowlada Shariif waxey ka koobneeyd laba Group ragi gacanta midig u,ahaa Mr Yuusuf iyo kooxdii Shariif oo marki hore kala timid ASMARA marka aad sidhab ah u fiirso Wasiirada iyo sida loo qeeybsaday aad loogu dhibtoo maayo cida qeeybsatay inaad fahamto dadbadini waxa eey uyaqaannaan coallation Srrc& Ars ookala ah koxdii Abdullaahi Yuusuf srrc, iyo kooxdi Casmara, ee Shariif waxa waheliyay kuwa xamar loogu yimid oon ayagu labada gole ku jirin sida Governerka Mogdisho iyo Genral Qeybdiid walow sanad kadib lagu guuleeysatay ineey dhaxda kabaxaan maadaama labada kooxood mid leh aaney jirin waxaase la xusuustaa labada ninba ineey ahaayeen ragi Madaxweyne Shariif Xamar Kusoo dhaweeyay xili ow soo dhaweeyn ka waayay saaxiibkiisa ow asagu u heestay gacantiisa midig waa jaale Wasiir C/Qaadir Cali Cumare sikastaba inaan ku dheeraado marabo faalada ayaga dhexdooda waa ayaa dad badani waxey confuse kaqaadeen groupka shariif maqabiilnimaa kadhexeeysa madiinaa kadhexeysa masaaxibtinimaa kadhexeeysa masharci eey kala qorteenaa ka dhexeeysa waxa ay iskula sheqeeyaan ayaa dad badani ku wareersanyihiin waayo hadaad diin dhihi leheed waxad arkee ayagooo habara gaalaa salaan ku duugaaya anaba ayagoo leh sida tastuurku qabo ayaan wax ku xukumeeynaa ogow tastuurkuna waa kii ay ka dhaxleen Mr Yuusuf qodob lagama tirin lagumana soo derine.
Aan dib ujaleycno markii Prsident Shariif imaanayay meelaha eey Xukumadiisu ka howl bilaawday iyo meesha ay hada mareeyso waxaana wada xusuusanaa markii Dowladu Xamartimid in saldhigeedu ahaa Hotel lafweyn ilaa hoteel garguurte xarunta Baarlabaankuna eheeyd Gaadiidkii policka degmada C/aziiz dhinaca, Gobalada waxa Dowlada gacanteeda kujiray dhamaan Gobalka shabeelada Dhexe iyo Gobalka Hiiraan waxa sidoo kale laga taageersanaa labada Dowlad Gobaleed ee Galmudug iyo Puntiland gobalada kale qaarkood Dad badan ayaa banaanbaxyo ku soo dhaweeyay walow dadku xuriyada buuxda ay Dowlada ku taageeraan aaney laheeyn hadana dadku aad ayeey u daaleen waxeyna jeclaan lahaayeen mar uun ineey arkaan qarankoodii oo shaqeeynaya.
Dhinaca dibadaha, caasimad Caalamka kutaal oo aan taageera looga muujin majirto Mr Shariif:
Dhinaca beesha Caalamka waa Madaxweynihi ugu horeeyaya ee midowga Europe asaga dartii shir uqabteen si ay taageero dhaqaale ugu aruuriyaan waxa ow nasiib u yeeshay inow kahor sheego baahidiisa madaxdii midowga Europe.
Waxaa loo balan qaaday aduun dhan 250milyan oo Doolar laakiin su,aashu waxeey tahay aaway lacagtai? waxa ow iisheegay Wasiir golaha wasiirada kamid ah oo aan London ku kulanay bartamihii sanadkaan in layiri soo diyaarsada qorshaha iyo sida aad rabtaan lacagta inaad u isticmaashaan dabadeedna wasaarad maaliyada ayaa soo diyaarisay in horta marka hore 60.000000m lasiiyo oo ay mucaaradkooda kula heshiiyaan arintaasna mariki loola tegay qoladii Europe eey aad ula yaabeen dabadeedna layiri anagaa idin la soo xariireeyna ee iska taga.
Dhinaca mareeykanka waa Madaxweynihi ugu horeeyay ee Senator mareykan ahi Xamar ugu yimaado taas oo muujineeysa ilaa heerka ay isku dayeen Mareeykanku ineey garab siiyaan xukumada shariif laakiin xageey kudanbeeysay waxaa ow sheegay ninkaas Senator-ka ah inow hub siiyay Xukumada Shariif laakiin goordanabe Mareeykanku waxa ay sheegeen in hubkii eey dhiibeen inow gacanta Mucaaradka ku danbeeyay, bal aan dib ufiirino halka eey fursadahaasi ku danbeeyeen.
Aan ku hormaro taageeradii gudaha iyo halka eey ku danbeeysay dadka arimaha Dowlada shariif lasocday waxa ay sheegaan marka horaba inow ku hungoobay ciidama loo sheegi jiray inoow asagu leeyahay mushaarna ow siin jiray laakiin taasi waxa ay meesha kabaxday markii ow gudaha yimid asagoo isleh ciidankii 9000kun ahaa ayaa kuu diyaar ah laakiin markii xabadii bilaabatay wasiirkiisii gudaha, ahaana kusimihiisi intii uu banaanka asagu kajilaayay waxaaba ay dani qasabtay in wasiirki qudhiisa loosoo raro dhinaca waqooyiga Mogdishi si lafihiisa loo nabad geliyo ayada oo ladejiyay Dekada duqa ee degmada C/aziiz dhoor maalin kadib markii ay xaaladii kulu laatay waxaaba la arkay ragii lees lahaa heeyb ahaan iyo taageera ahaanba waxeey naqon, doonaan kuwa ugu danbeeya xabada rida waxaaba la arkay ayagoo xaafada islii ee Narobi bbc wax uga dhagaysanayay bal meesha ay dagaaladii Mogdisho marayaan ugu danbeeyntii natiijadii waxa ay isugu timid villa Somalia iyo Airaporka Mogdisho.
Dhinaca kale Gobaladii ugu horeeyn waxa gacanta ka baxay Gobalkii Shabeelada dhexe oo lagu tijaabiyay bal Shariif qaran waa waayee inow qabiil heesto nasiib daro 25 minit inka yar ayaa maamulki qaabka qabiil uga ariminaayay ku lose gareeyeen magaaladii xudunta Madaxweynuhu ku duugneed ilaa iyo hada meel eey jaan iyo cirib dhigeen lama haayo, taasi waxay eheeyd tijaabadii ugu danbeeysay ee lagu ogaanaayay Shariif, leeskuma daahine allah u naxariistee waxaa laqaarajiyay ninki ugu cad cadaa golaha wasiirada ee asagu sheegay inowsan xadro u imaan Gobalka, hiiraan diyaarna ow u yahay dagaal wixii lagu kala helaba waxaa isha lagu haayay bal waxa xukumada Shariif ku aarsan doonto balsa waxey kabad weysay baroor diiq dabacan islaamkana kuma wanaagsana baroordiiqu raganimadana meel ugama jirto laakiin waa iska calaal qofkii tabar kale waayo sameeyo sidaas ayaana gobalkii hiiraan gacanta uga baxay, walow Reer hiiraan isku day badan sameeyeen oo eey ka duwanaayeen reer jowhar weliba hada laftigeeda ay caro ku maqanyihiin Soomaalidu waxa ay ku maah maahdaa nin careysan lagama adkaan dhinaca jowhar qof laga qabsaday ow kamaqanyahay lama haayo taasina waxa ay udhigantaa abkow libaaxow allah kuu daaweeyo.
Isku soo duub marka laga hadlaayo shariif deegaanadii ow asal ahaan uga soo jeeday waxaa maanta gacanta shabaab kamaqan waa ceel dheer iyo galcad iyo Ruunirgood & Degmooyinka wada jir iyo dharkeenleey oo xamar ah waana inaad xusuusnaataa akhristow kuwaas laftooda shabaab dheel dheel ugama herin ee waalees kula rinjikacay silayaqaan ayaan leeysku farasaaray waxayna tusaale utahay in shabaabka laftiisu hadow arko rag jilibka u laaba inow jinadiisa meelo kale kadoontay dhimashadan ow dadku ula midyahay waxa tusaala u ah ayagoo guri ceel dib usheegaa lama arag.
Geba gebo waxan jecelahay inaan ku soo gebagebeeyo wxii kadhacay 3/12/09 waxa ay ahaayeen messagkii ugu danbeeyaya ee al-shabaab u dirto Mr Shariif waana inow laba mid uga jawaabo aniga aragtideeyda inow dib ufiiriyo wax qabadkiisii now fashilmayna qaato iskana casilo xilka magaca ku eg ee ow haayo ama hadii wax u hersanyihiin ow raga iska dhiciyo meesha inaan diin leesku heeyn tusaala badan ayaa horay loo bixiyay oyintii shaamo ugu danbeeysay.
Waxan ku soo gaba gabeeynayaa maqaalkeeyga aan ugu magac daray "Meesha kama tage Waxna kama tare" tixyar oo gabay ah oo Mr Shariif ku socota waxana tiriyay gabaygaan Abwaan Salaan Carabeey mar ow malaha dhaqankaan oo kale arkay (Waxowna yiri Dhedhan malaha Aadmigu waxow kugu dhaliilaaye Nin dharbaaxo quureed dugsaday dhaqanyadeed maalye dhashaadey sugtaa xaajadaad dhowrsataa ebide hadaad dhimato geeridu marbeey nolsha dhaantaaye)
Abwaan kalena waxa ow yiri asagoo lahadlaayay nin horjooge u ahaa oo jilceeyn kadareemay "Goomaalya reer iyo canyuub inaan ka guureeyno ama galab rag waa go'jiree inaad nageeyneeyso wax wal noo gudoon waadigii noo gerwadahaaye".
Soomaaliduna waxey kumah maahdaa Madaxtinimo sidaxaa laga dhowraa "Go'aan jilicsan gar eexeed iyo gacan xiran".
Wabilaahi tofiiq
Qaranka online
|