| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
Maquustow: Banaadir Boossaso Maaha
The Qaranka online
Wednesday August 13, 2008 -Maquuste: Qisooyinka Qabiilka Qandigow ku Sitaa Cidoow doono waa Qurmiyaa kuwana waa u Qaraar, kuwana waa Qadariyaa oo Qanininyow la ra baa Qaarna Qalbigow ku Qortaa waana Qoyaska Cidiisa, Duqii Qaainka ahaa Qaranka Qisadiisa ku Dheelay Qabiilkow Qaacsadaa.
Xiliga lagu jiraa waa Qaarkii uu Qadarinaayay ayow Qaniinayaa (waa Mudulood aan weli garan sida wax u socdaan,lana gaaray xiligii Maquuste uu isku baabin lahaa dhexdooda) Haddii waraabaha Maquuste uu marwalba nin Mudulood ah la baxo maxaa naga soo haraya,kii Proff iyo kii jaahilka ahaa ayuu marba mid la jaan qaadayaa oo uu cunayaa,dhulka leeysku haysto maaha Boosaaso iyo Burco,canshuurta dekeda Muqdisho iyo madaarka waxaa leh g/banadir,xoolaha laga qaado dekedaha dalka sida Boossaso,Barbera,Kismayo maxaa ka duway mida Muqdisho,Maquuste waxaa uu rabaa in uu xabad ugu gado lacagta canshuurta ka soo baxada Banaadir ciidamada copyga ee qabiilkiisa laguna xasuuqo shacabka canshuurta bixiyay,Ethiopia ayuu na dulkeenay haddaan loo midoowin Maquuste maa-lin walba nin ayuu cunayaa xaqiiqdii waa sidaa,haddii akhristow aad dhageeysatay qudbadii uu dhawaan ka jeediyay Maquuste Garowe,waxaa dhab noqotay in Maquuste uu yahay kaabo qabiilka Harti ama Majeertaaen,waxaa uu sheegay in eey diidan yihiin oo kaliya 4 nin kuwaas oo uu magacyadooda oo si cad laga maqlayay codkiisa,waxuu dhahay . Jaamac Cali Jaamac fidno ma daayo, Zakariye xaaji , Maxed cabdi xaashi wallaalkiis Xaabsade safiirka ahaan jiray C/aahi Cali Xaashi carbeed in kale oo reerka ah oo iga soo horjeeda ma jiro,sow ma cada in qabiilka Majeerteen eey rabaan in eey dalka,dadka iyo diinta gataan xaqiiqdii waa sidaa waana ku socotaa.Nin walbaa curud-kiisii ceel gee,waxaad moodaa in Maquuste uusan weli ka quusan dhiiga umada somaali,waxaad moodaa in uusan weli ka quusan dagaalka boobka iyo hagardaamada ciidamadiisa iyo kuwa copyga Ethiopia eey ka wadaan caasimada dalka ee Muqdisho.Maquuste waxaa u shaqeeya koox aan laheeyn sharaf,dadnimo,aqlaaq iyo garasho,waa koox dalka,dadka iyo diinta gadanaya,waxaa ugu danbeeyn soo gashay Caasha Cabdalla oo hadafkeeda siyaasadeed aad uu u cadaa, waxaa laga haya war Maquustow naga soo gaar,Baydha ciidamo qabiil baa nagu haysta Xiliga lagu jira sow akhristow ma aragtid in Maquuste uu yahay nin guracan oo aan nabad iyo wada noolaansho jecleeyn cidwalba oo ka hor-imadaa waxaa uu dhahaa waa nabad-diid,dastuurka waa in la raaca (sharciga) iwm Maquuste waxaa eey somaali rumeeysan tahay in aqoonta Maquuste eey tahay Qori,argtidiisana eey tahay kaligiis talis somalida waxaa eey dhahdaa dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid Maquuste waa Maquuste 8dii bishii April 1978ki howsha guracan uu Aabaha u noqday weli waa daba haya wax isbedel waligii kuma uu dhacin waxaase il quman oo somalida eey dhahdaa: Dad-qal looma gurguurto Maquuste iyo huwanta Ethiopia waa in dalka laga xoreeyaa.
waxaa uu soo xulay koox tuuga ah jecelna in umada eey dib u dagaalanto.Maafiyada Maquuste waxaa eey damacsan yihiin in gobol walbaa eey madax uga dhigaan kuwa ayaga taabacsan,sida midka Mudug,Dhuusamareeb,Hiiraan,Banaadir,sh/hoose iyo midka dhexe Kismaayo iwm.waxaa quman in eey umada ka hortagaan xukunka kaligiis talinimada oo eey wadaan Maquuste iyo inta. Maafiyada ah.
Gobolka Banaadir waxaa uu ka kooban yahay 18 degmo sida maanta uu yahay, Banaadir waxaa eey leedahay tariikh qadiin ah,haddii aan dib loogu noqon taariikhda G/banaadir waxaa imaaneeysa in wax la dhisi waayo,waxaa muhiim ah in aan aqrinaa G/banaadir taarllkhdiisa iyo marxaladihii uu soo maray ilaa iyo maanta,Tusaale: 1958 doorashadii ugu horeeysay ee ka dhacda dalka Soomaaliya ee dowladaha hoose qaasatan tii ka dhacday Muqdisho waxaa leeysku raacay oo SYL sha soo jeedisay in ninka noqonaaya Sindikaha uu noqdo nin magaalada ku dhashay dad ahaana u badan, sidaas ayaa waxaa ku soo baxay Mudane Cumar Istarliin oo dad faro badan eey yaqaanaan. Xisbiga Liberale ayaa ka danbeeya guusha iyo gobonimada la gaaray. 1960 kii waxaa sindikaha xamar ahaa Axmed Muude, asagaana ugu danbeeyay cid xalaal ah oo Muqdisho laga doortay oo ah Mudulood ah, waxaa ka danbeeya Cali Wardhiigleey 1969, marka waxaa loo baahan yahay cidwalba meesha eey degen tahay in eey maamulato mar haddii aad dowladii federaal ah eey dhaltay macnahana uu yahay in gobol-walba,degma-walba,tuulo-walba in eey ka taliyaan kuwa wada de ga ee ceelka wada caba,caradana wada beerta,dhiigana wada baxsada.
Xeeldheerayaasha aduunkaa xoolo raac ku tilmaamay, xildhibaan isku sheega qurmoon xaqa soomaali xabaalay, in eey xukumaan kuweey xaqireen, xasuuqeen oo xasideen weliba xeer hoosaad u sameeystay , xishoodlaawe xildhibaan xoolo badsiyaa lagu sheegay xarbiyaa kugu beegan ee xaniinyo lahaaw, kuwi xumeeyaya haweenka, dhalintiina xabaalay xaalufiyoo xabada haaysta haddii, eey isku xeeydeen in eey qarankan xukumaan xaasidow magacaa baŽ xarig jiidka jiraa xal hadaadan u haaynin, xishoodlaawe xildhibaan xarbiyaa kugu beegan.Ninka xabaalay xaqeeyga, xoolaheeyga xooga ku boobay, gabdhaheeyga xumeeyay,xaalmarin ma waxuu u qaatay inuu xoogaan igu haaysto.
Qowleeysatadii cadaanka Qarnigeey Qotamiyeen Qarankusheega Qaloocan Qaalibuu nala ahaa. Rag baa Qeeydka u xeeytay in eey Qiraan oo Qeeylo dhaan Qabiil ugu yeertey.
Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com
Qaranka online
|