| Qaranka. com Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Muqdishu video | xiriir/contact |
|
Eng. Falysal Cali Waraabe,
Guddoomiyaha xisbiga Muraacadka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe:- Sheekh Shariif kama saarikaro Soomaaliya xaaladda ay ku sugantahay {Soomaaliya hadda waxay ku milantay Itoobiya Puntland-na waa looga daray Soomaaliya Itoobiya waayo...
![]() Ciidamada Itoobiya oo Cabdulahi Yuusuf iyo Geedi iyo Xuseen Caydiid keeneen Caasimada Soomaaliya Muqdishu 2007
Guddoomiyaha xisbiga Muraacadka UCID ee maamulka Somaliland Eng. Falysal Cali Waraabe ayaa si adag uga hadlay markii ugu horeysay arrimaha dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Qaramada Midoobay ay ku fashilantay arrimaha Soomaaliya isla markaasna ay xaaladdu ka sii dartay intii uu wakiilka uga ahaa Qaramada Midoobay Axmed Walad Cabdalla.
Mr. Waraabe waxa uu si kulul u weeraray siyaasiyiinta Soomaalida oo sida uu yiri intii ay xal u raadin lahaayeen Ummaddooda isla markaasna hoos ka soo dhisi lahaayeen maamulo wax tar ah ay doorbiyadayaan inay tagaan dhulalka Gaalada oo ay soo qaataan ayuu yiri kursi iyaga lagu waardiyeeyo,, wuxuuna si kulul u weeraray Madaxweyne Sheekh Shariif oo uu sheegay inuusan ka bixinkarin xaaladda ay Soomaaliya ku jirto.
“Sheekh Shariif xaaladda Soomaaliya waxba kama bedeli karo, tuulkeediina ma heysto mana laha, xittaa waxba kama qaban karo deegaanada uu isagu ka soo jeedo iskaba daaye inuu yiraahdo waxaan ahay Madaxweyne Soomaaliya oo dhan, waxaana leenahay siyaasiyiinta Soomaalida iska daaya qiyaaliga aad ku jirtaan ee dadkiina wax dhab ah u qabta” ayuu yiri Eng. Faysal Cali Waraabe.
Sidoo kale waxa uu si kulul u weeraray maamulka Puntland oo uu sheegay inaysan maamul gooni ah u aqoonsaneyn, waxaana uu ku dooday inaan xittaa maamul lagu tilmaami karin sida uu yiri maamulka Puntland oo uu ku eedeeyey in musqmaasuq iyo wax isdabamarin uu ku caanbaxay, isla markaasna laga dhoofiyo dadka Soomaaliyeed, Ugaarta, ariga dhedigga ah iyo dhuxusha, wuxuuna isweydiiyey Mr. Waraabe in haddii ay maamul dhab ah yihiin ay wax ka qaban lahaayeen arrimahaasi oo dhan.
Eng. Falsal Cali Waraabe waxaa kale oo uu sheegay in Soomaaliya ay hadda ka mid noqotay dowladda Itoobiya, arrintaasina ay sababta ugu weyn leedahay sida uu yiri Puntland.
“Puntland waa meesha looga daray Soomaaliya Itoobiya, waayo buu yiri marwalba waxa ay u dhiibaan oo ay u gacangeliyaan Itoobiya dadka Soomaaliyeed, waxkasta oo ay qabanayaanna Itoobiya ayey kala tashadaan, waxaana iska cad in Soomaaliya ay ku milantay Itoobiya, taas eedeeda koowaadna waxaa leh Puntland” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo intaasi ku daray in siyaasiyiinta Soomaalidu ay caado ka dhigteen in markasta uu khilaaf soo kala dhexgalo ay Itoobiya ula ordaan si ay u xalliso.
Dhinaca kale Mr. Waraabe waxa uu sheegay inaysan mardambe soo noqoneyn sida uu yiri midnimadii Soomaaliya oo Somaliland ay tahay sida uu yiri qaran iskiis u madaxbanaan, isla markaasna sida uu yiri dadka Somaliland ay qaateen go’aan iyaga u gaar ah oo ah inay yihiin dowlad gooni isu taagtay, wuxuuna ku dooday in Soomaaliya iyo Yugandha ay u simanyihiin hadda, isla markaasna ay u yihiin labo dal oo Afrikaan ah.
Eng. Falysal Cali Waraabe,
Guddoomiyaha xisbiga Muraacadka UCID
Contact Qaranka.com Email:
ahassannn@yahoo.com
|