| Qaranka. com Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Muqdishu video | xiriir/contact |
|
A Yabarow
Dhul Badeed dhan 38,000 sq km oo Kiinya Maamulka Shiikh Shariif u Hibeeyey Waa Su抋al Da抴eynee Dalka yaa iska leh?
Soomaaliya oo noqotay xabaasha qashinka warshadaha iyo sunta Nuyuukilaarka ah
Macdantii iyo Shidaalkii Dalka oo Gacanta loo geliyo Shirkado an jirin
U gacan gelintii Soomaaliya oo dhan Itoobiya loo gacan geliyey Nasiib darada Soomaali ku dhacday waxay noqotay in raggii qaran dumiska waday 1978 ilaa 1991 ay abaalmarin u helaan hoggaankii sare ee dalka. Raggaasi waxay dhammaantood u qabeen in Itoobiya ay u qaybinayso dalka ayaga. Runtuse waxay ahayd in Itoobiya ay weligeedba ku hammiyeysay inay Soomaaliya liqdo si ay badweynta Hindya iyo Badda Cas inta u dhaxeysa ay u yeelato. Dawladda Itoobiya waxay ku guuleysatay inay raggeedii xukunka u dhiibato, kadibna waxay u fududeeyeen inay wadanka oo dhan wada qabsato. Waxaa iigu yaab badnaa inay madaxweyne dal iyo ra抜isul wasaarihii goobjoog ka ahaadaan safaarad dal kale furitaankeeda. Waxaa ka sii daran in ra抜isul wasaarihii calanka Itoobiya gacantiisa ku saaro, kuna tiraabo 创colaadda anaga iyo Itoobiya naga dhaxeysaa waxay ahayd gacan ku rimis创. Tiraabtaas wuxuu Cali Geedi ku ogolaaday inuu xaqdaro ahaa halgankii ummadda Soomaaliyeed ay gumeysiga Itoobiya kula jirtey ilaa iyo in ka badan 500 oo sano. Dhiiggii shuhadadii Soomaaliyeedna uu hudur yahay. Waxaase nasiib wanaag ah in ummadda Soomaaliyeed ka dhiidhiday iskana rogtay reeryadii gumeysiga ayna ku guuleysatay inay jabiyaan ciidamada Itoobiya ayna ku khasbaan inay dalka ka baxdo ayadoo duleysan.
Dhul Badeed dhan 38,000 sq km oo Kiinya Maamulka Shiikh Shariif u Hibeeyey
Sida la wada ogsoonyahay Kiinya waxay ilaa 2005tii baaritaan shidaal ka waday xuduud badeedka ayada iyo Soomaaliya u dhexeeya. Waxaanna tuhun laga qabaa inay dhul badeedka hadda loo hibeynayaa u ka mid yahay meelaha horay baaritaanka loogu bilaabay. Soomaalidu waxay tiraahdaa timir lafbaa ku jirta, oo aan uga golleeyahay maxay Kiinya hadda u rabtaa inay marinkii xuuduud baddeedkii laba dal weligi udhexeeyey u baddesho haddaan ujeedo guracani ku jirin? Maxaa xuduudka khadka u maro aduunkuna wada ogaa kor loogu soo durjinayaa? Maxaa Kiinya u boobeysaa dhulkeenna?
Tan kale, waxaa la wada ogyahay in 1954 Jubbaland Gumeystihii Ingriiskuu uu ku wareejiyey Gumeystihii Talyaaniga. Dabadeena in dawladdii marxuum Cabdirashiid Cali Sharmaake uuna Ra抜isul Wasaaraha ka ahaa marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal ay goosatay inay ka harto sheegashada NFD. Hadaba markii ay meesha ka baxday dawladdii Soomaaliyeed oo difaacaysay xuduudii qaranka ee aduunku citiraafsanaa ayaa sida uu qoray weriye caan ah oo Kiinyaati ah waxay ku heshiiyeen Ethiopia iyo Kenya inay dalka Soomaaliya kala goostaan. Arinta xuduud badeed ballarsiga ahina waxaa laga yaabaa ina hordhac u tahay mu抋amaraddaas weyn oo Kiinya ku dooneyso inay goosato Juubaland mustaqbalka haddii aan la helin ummad ka dhiidhida iyo dawlad dad wadaniyiin ihi hoggaamiyaan.
Haddaba Soomaaliyey toos oo fadhiga ka kac inta goori goor tahay. Waxaa la gudboon qofkasta oo Soomali ah inuu difaaco dhulka, badda iyo cirka Soomaaliyeed. Waxaa gaar ahaan masuuliyaddu saarantahay aqoon yahanada iyo war baahiyeyaasha iyo masuuliyiinta Soomaliyeed inay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa boobka cad ee dawladda Kiinya ay ku boobeyso dhulbadeedka Soomaaliyeed. Waxaan ku talinayaa in la qaado talaabooyinka soo socda:
In khubaradii soomaaliyeed ee amuurtaan ku xeelka dheerayd xogtana ka heysay heshiisyaddii badaha la raadiyo wixii ka nool, lana hawlgeliyo.
In hay抋dda UN-ka oo arintaan ku shuqulka leh xiriiro iyo qeylo-dhaamo dibad iyo gudaha ka imanaya loo diro oo looga soo horjeedo heshiiska guracan ee DKMG ay Kiinya lagashay, dacwad arintaas ku saabanna Security Council-ka la gaarsiiyo.
In qalabka warbaahinta Soomaaliyeed; maqal, muuqaal iyo mid qoranba diiradda saaraan sidii loo difaaci lahaa dhulbadeedka Soomaaliyeed.
Iyo in dawladda Kiinya looga digo cawaaqib xumada ka dhalan karta falka burcadnimada ah ee ay sameynayso.
A Yabarow
Contact Qaranka.com Email:
ahassannn@yahoo.com
|