Qaranka. com
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Muqdishu video xiriir/contact
Cali C. Xasan Naaleeye,editor
Sababta TFG-da Dagaalada Muqdishu u bilowday!!!

Hadalkan u Jornaalku "Globe and Mail" qoray maanta waxa ay la xiriira Faaladdiisa uu uga hadlayo dhibaatda Afrika soo gaari doonto haddii kacdoonka Liibiya ka socda xukunka ka tuuraan Kolonel Qaddaafi. Naagta u Jornaalku hadalkeeda soo xigtay waxay macalin culuunta siyaasada ka dhigtaa Jaamicada Morehouse ee ku taal magaalada Atlanta Georgia, Amerika .



Macnaha Ingiriiska haddii la soo gaabiyo waa sida tan: Mareeykan ahaan Qaddaafi fa'iidooyin badan ku qabnaa sida Lacagta Amisom lagu bixiyo ee Soomaaliya buu dhiibaa si danaha Mareeykanka loo gaaro, marka wax yar hadaan u dulqaadano ujeedadeena Soomaaliya iyo kuwa badanoo Afrikaana buu noo qabanayaa.

"The AU peacekeeping force in Somalia, with its 8,000 troops battling against the Islamic radicals who threaten to seize control of the war-torn country, could be weakened if the AU loses the money that Col. Gadhafi provided.

“It would change the African Union's dynamics completely,” Prof. Seay said. “The AU would become less effective. He's been such a key player in the AU. What will it mean for peacekeeping in Somalia and Darfur? Those peacekeeping missions are already hanging by a thread – they're already so under-equipped and under-staffed.”

Kolka markii ay TFG-da aragtay in xataa haddii Qadaafi xukunka aan laga ridin mar dambe AMISOM Mushaarka kama bixin doono maxaa yeelay arintu waxay sida Soomaalidu tiraahdo kaba tolihi baa kabo u baahan-oo Qaddaafi asagaaba laga yaabo haddii ilaaheey dagaal sokeeye ka samatabixiyo in uu IMF Banki lacag deyn ah weydiisto si dib ugu dhiso Libiya oo hadda u muuqata mid aad u burburtay.

Yurubka iyo Amerikana Dhaqaalahoodi baa hoos u dhacay marka "DKMG" oo awalba magac u yaal ahayd- Xamar Xisaab, Xarardheerana xoog. Tasoo macneheedu tahay TFG oo ay ku cawinaan argaxiso la dirir waxay dhashay Burcad badeed iyo Soomaalida oo Reer Galbeedka necbaata.

Madaama ay meesha ka baxday lacagihii Betroolka Carabta, baa Reer Galbeedku ku cadaadinayaa Uganda iyo TFG iney Miro dhalaan.

Arintu si kasaba hawdhacdo, laakiin Shariif baa Libiya ama Bahrain u duulay si uu Lacag Jeeg Bank u soo qaato ilaaheey wax awoodaa laakiin anigu u maleeymaayo iney dhici doonto, ugu yaraan sanadaha soo socda.

Marka maadaama Carab dambe Shiekh Shariif , shiekh IYO Sakiin aysan Juuni lacaga ka soo qaadandoonin, Dawladaha Reer Galbeed ay dawladda Gariiga ay ku murmin in aysan bilaash ama xisaab la'aan ku badbaadin karin, Sida Sharciga UN-ka uu in la yiraahdo markii ay dawladaasu dhul iyo shacabkiisa xukunto, waxay TFG-du gaartay go'aan dhul balaarsi ah si naftayda ay ku badbaadiso.

Laakiin nasiib daro Dagaalkii Saddexda maalmood ku dhexmaray Caasimadda Soomaaliya Muqdishu AMISOM-TFG iyo Xarakada Al-Shabaab Qasaarooyinka hoos ku yaala baa TFG-da soo gaaray.

Marka wax kastoo dhaca ilaaheey darsi buu uga dhigaa adamadiisu ay ka fa'iideystaan xitaa haddii qasaaro keento.

Markii haddii Baarlamaan magacii dawlada Soomaaliya wata oo Shisheeye Sanadkii 2004 Nayroobi ku soo dhiseen ay maanta Caasimada Soomaaliya ay askar shisheeye oo 8.000 kun dhan ay muddo labo sano dhul dhan 3 Kilomitir TFG-da ku ilaalintooda darteed askartaas shisheeye ku dhilteen kumanaan Soomaaliya,oo ay dagaalkan Bishan Feb 18, 19, iyo 20-keedi Qasaarooyinkan hoos ku qoran ka soo gaareen.

Iska ilaw beenta Mahiga uu Soomaalida u sheegayo in uu ka xunyahay Baarlamaanka iyo TFG-da waqtiga ay kordhisteen, maadaama uu ka gambanay in soomaalidu cambaarayso haddii UN-ku waqtiga TFG-da u kordhiso, miyeeysan Soomaalida la haboonayn in sida Masar iyo Tuuniisiya, Kacdoon Shacbi oo usbuuci hore Xamar ka bilawday sii wadaan.


Faalada Qaranka.com
Cali C. Xasan Naaleeye,editor
Sababta TFG-da Dagaalada Muqdishu u bilowday!!!

Contact Qaranka.com Email: ahassannn@yahoo.com

 
                        © 2006 QARANKA.COM| Design by Ali E H Naleeye