| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
- Dowladdii la Dhisaba Maxaa Dumiya?
The Qaranka online
Waxaa haddaba la is weydiin karaa maxaa sababa in dowlad kasta oo la soo dhiso dunto ilaa heer ay dadka Soomaaliyeed gaadheen inay ku qancaan in dowladdii la dhisaba iska dumi doonto?.
Dadka qaar waxay si dhibyar isaga dhahaan Soomaalidu waa dad aan dowladnimo aqoonin, suuragalna uma aha inay dolwad samaystaan; maxaa yeelay qabyaaladda ayaa kala muhiimsan inay dowlad noqdaan, fikraddaasina waa mid ku dhexfaafsan bulshada Soomaaliyeed dibad iyo gudoba, waxayse aniga ila tahay inayna arrintaasi sababta saxda ah ee ka danbaysa burburka dowladaha ahayn; maxaa yeelay Soomaalidu waxay gumeysigii reer Yurub iska kicisay oo ay dowlad dhisatay iyada oo inta ay maanta tahay wacyigeeda siyaasiga ahi aad uga yaryahay, dhiilada qabiilkuna kaga badantahay.
Haddaba haddii ay Soomaalida u suuragashay inay dowlad noqdaan xilli ay ka hooseeyeen dhan walba heerka ay maanta joogaan waxaan odhan karnaa Soomaalidu maantaba dowlad way dhisan kartaa, wayna hirgashan kartaa inay duntana way ka ilaashan kartaa .
Waa Maxay Sababaha Dumiya Dowlad Kasta oo la Dhiso?
1. Inta badan dowladda la dhiso waxay ka dhalataa shir lagu magacaabo dib u heshiisiin. Hindisaha shirkaas iyo hantida ku baxaysa midna kama iman Soomaali. Dadka ka soo qeyb galaya tiradooda iyo noocyadooda iyana Soomaalidu ma soo xulato.
Arrintaasi waxay daliil u tahay inaan go’aanka dhabta ahi Soomaalida gacanta ugu jirin ee ay qabanqaabiyayaaashu guddoonka rasmiga ah leeyihiin, qabanqaabiyayaashuna mar haddii ay xaddiyaaan ujeeddada shirka iyo natiijadiisaba waxaan shaki ku jirin inay xoogga saarayaan sidii ay marba waxa dantoodu ku jirto shirka uga soo bixi lahaa.
Sidaa darteed waxaan odhan karnaa shirarka dib u heshiisiinta looma qabto si loo gaadho dano Soomaaliyeed ama loo soo afjaro colaadda gaamurtay ee waxaa loo qabtaa hirgalinta ajandayaal laga leeyahay Soomaaliya, waxaana taas daliil u ah sida la isaga indho-tirayo in xal loo helo awoodaha waddanka ka jira ee hadhow caqabadda ku noqon doona dowladda taagta daran ee la soo dhisay, waliba waxaa intaa dheer in dowladda la soo dhisay laga doonayo inay dagaal ku qaaddo awoodaha aan loo baahnayn ee waddanka ka jira, taasina waxay keentaa in shir kasta oo dib u heshiisiin loo qabtay uu dagaal dhalo, taasoo keenta in dowladdii curdanka ahayd ay wiiqanto awooddeeduna ay ku soo uruurto inay xarumaha maamulkeedu dagganyihiin ilaashato.
Haddii ayna dowladdaasi dagaal galin sida middii Cabdi Qaasinna waxaa laga rabaa inay si xeelad ah uga takhalusto xoogagga khatartooda laga baqanayo sida Maxkamadihii lagu milay Dowladdii Cabdi Qaasim ee sidaas ku dhamaaday .
Sida badan dowladdu markii ay kaalin mucayan ah gudato ama wax tarkeedu soo yaraado waxaa la abaabulaa sidii shir kale oo dowlad kale lagu soo dhiso loo qabanqaabin lahaa.
2. Dowlad kasta oo la soo dhiso waxay dhalataa iyada oo aan taageero badan shacabka ka haysan; maxaa yeelay sida badan ma wadato mashruuc wadani ah oo Soomaalidu u soo istaagto ama shacbigu u qiiroodo, in kasta oo dowladdii Carta Soomaalidu aad u soo dhoweysay, haddana markii ay mashruuc la taageero oo xallinaya mashaakilka jira soo bandhigi wayday si dhakhso ah ayay taageeradii u lumisay.
3. Waxaa intaa sii dheer dowladda la soo dhisay halkii ay ahayd inay shacabka oo dhan ama aqlabiyadiisa matasho waxay dhalataa iyada oo aan matalin wax ka badan inta Baarlamaanka ku jirta
4. Dowladda la soo dhiso waxay waddanka timaaddaa iyada oo taagdaran oo awood ahaan ka hoosaysa ama aan wax quman dhaamin awoodaha iyo maamulada waddanka ka jira,
Si dowladdu uga badbaaddo bujinta oo ay u dhalato iyada oo xoog leh waxay ahayd in dhismaheeda laga qayb galiyo awoodaha iyo ururrada jira, waxaase muuqata in arrintaas la isaga indhotiro dhawr sababood oo kal ah:
a. Qabanqaabiyayaasha shirka oo si ula kac ah u fogeynaya awoodahaas aan loo baahnayn, hadafkooduna yahay in laga takhaluso ee aan rabin in laga qaybgaliyo dowladda la doonayo in la dhiso. Haddii aan la rabin in laga takhalusna inay sidooda u jiraan ayaa hadafku yahay, tusaale ahaan maamulada ka jira Puntland iyo Somaliland loogama yeedho shirarka, inaan dowladda taagta daran ee la dhiso xoog ku muquunin karinna waa la ogyahay, waxaana muuqata in lasii adkaynayo kala qaybsanaanta ee aan danweyn laga lahayn in dowlad Soomaaliyeed dhisanto.
b. Qolayaha laga soo qeybgaliyo shirka dowladda lagu dhisayo oo u arka haddii awoodo kale shirka ka soo qeyb galaan inay qadi doonaan, haddaba si qof kasta oo shirka ka soo qayb galay wasiir ama xubin baarlamaan u noqdo waa in laga dagaalamaa in cid kale shirka ka soo qayb gasho.
5. Dadka xubnaha ka noqda dowladda la soo dhiso ee ku meel gaadhka ah waa dad doonaya inay ku meel gaadhaan oo maalintii ay meel uga roon helaan iskaga baxaya,
6. Waxaa intaa dheer in dadka dowladdaas ka midka ahi ayna isku kalsoonayn dhexdooda oo xarigga isu hayaaba uu yahay hunguri iyo kuwa shirka ku martiqaaday kaliya. 7. Ka qaybgalayaasha qaarkoodna ayba caddahay inay meesha ugu jiraan ajandayaal dowlado kale inay hirgaliyaan ama difaacaan, arrintaasna waxaa tusaale ugu filan raggii curiyay Isbahaysigii ashahaado la dirirka ahaa iyaga oo xubno ka ahaa Baarlamaankii iyo Wasaaradihii Dowladdii Imbagaati lagu soo dhisay,ilaa iyo haddana wali xubno ka ah Barlamaanka DFKM. 8. Dowladda la soo dhiso xor uma aha go’aankeeda tasaruf walba oo ay samaynaysana waa in lagala tashsado waxa loogu yeedho Beesha Caalamka, arrinkaas oo daliil u ah in Soomaaliya ay ku jirto wisaaya ( Trusteeship)haddii dowladda cusubi ay khilaafto sida beesha caalamku rabto waxaan maqalnaa iyada oo la leeyahay xubneheedu uma duuli karaan meel Soomaaliya ka baxsan, waxaa sidoo kale loogu goodiyaa in maxkamadda danbiyada la soo taagi doono haddii ay sida la rabo yeeli waayaan. Haddba dowladda sidaas awaamiirta ugu shaqaynaysa ma qaadi kartaa go’aanno ay kula heshiinayso mucaaradka oo ay tanaasulaad ugu samaynayso si loo heshiiyo? Mise waxay xujo ka dhiganaysaa in qolo heblaayo dowladda laga qaybgaliyo beesha caalamku ma ogola? Xalse ma lagu gaadhayaa in la inkiro awoodaha waddanka ka jira ee aan la dhaafi karin? Dowladdaas aan xorta ahaynse ma keeni kartaa mashaariic Soomaalidu ku qanacdo mise waxay ku celcelinaysaa waddankayaga dad kale lagaga duuli maayo argagixisadana waan la diriraynaa budhcad badeeddana wax baan ka qabanaynaa? Iyada oo la ogyahay hadalkaasi inaanu Soomaali u socon ee ummado kale u jeedo, qofka Soomaaliyeed wuxuu sugayaa wax karaamadiisii u soo celiya iyo qorshe lagu xallinyao baahiyihiisa asaasiga ah ee dan weyn kama laha argagixiso la dirir iwm. 9. In badan oo ka mid ah go’aankii waddanka Soomaaliya wuxuu maanta gacanta ugu jiraa Itoobiya oo dano aan qarsoonayn ka leh Soomaaliya, shakina kuma jiro in danahaas ay ka mid yihiin in meesha laga saaro wax la yidhaahdo Soomaaliya si loo hirgaliyo riyadii Xayle Salaase ee ahayd in Soomaaliya la hoos geeyo Itoobiya. Waxaa haddaba is weydiin leh Itoobiya ma inagu caawinaysaa sidii loo dhisi lahaa dowlad Soomaaliyeed oo xoog badan mise waxay ku hawlantahay sidii loo wiiqi lahaa hadba rajadii Soomaaliya ka soo baxda? Dowladdii Carta markii la soo dhisay Itoobiya waxay shir u qabatay qabqablayaashii aan shirka Jabuuti ka qayb galin, waxayna dhistay isbahaysigii SRRC oo madaxnimadii dowladda Carta kagala wareegay shirkii Imbagaati, maanta oo dowlad uu Sheekh Shariif madax ka yahay Jabbuuti lagu soo dhisayna Itoobiya waxay billowday inay uruuriso rag ay ka mid yihiin Maxamad dheere, Moorgan, Xaabsade, Dabageed iyo kuwo kale si ay dhagax dhig ugu noqdaan mashruuca ay Itoobiya doonayso inay ku wiiqdo dowladda Shariif. Sidoo kale Itoobiya waxay xafiisyo ku leedahay Somaliland iyo Puntland oo ay si toos ah ula tacaamushaa maamulada ka jira haddii ay aqoonsantahay inay Soomaaliya dowlad dhexe ka jirtana waxay ahayd inay la xaasho dowladda la soo dhisay ee ay sheegtay inay taageersantahay. Waliba waxaa intaa sii dheer in Itoobiya ay goortii ay doonto soo jibaaxdo xuduud beenaadka ay la leedahay Soomaaliya iyada oo aan cidna faxas uga qaadanaynin arrintaas oo daliil cad u ah in qorshaha Itoobiya uu yahay inayna marnba aqoonsanin dowlad Soomaaliya ka jirta. 10. Beesha lagu sheego caalamka oo la moodo inay taageersantahay marba dowladda la soo dhiso ma jirto dowlad tii Siyaad Barre ka danbeysay oo ay aqoonsadeen, waxaana arrintaas shaaca ka qaadday Jandayi freezer oo ay BBC-du waraysi la yeelatay, waxayna si qayaxan u sheegtay inayna dowlad ahaan u aqoonsanayn dowladda ku meel gaadhka, dowladda Shariif ee hadda la soo dhisayna arrintaas waxba kama baddalin, waxaana laga akhrisan karay xafladdii caleema-saarka Sheekh Shariif ee aanu hal madaxweye ka soo qaybgalin midka Jabbuutina ha ahaadee. Macno weyn malaha kulamada lala yeesho madaxda dowladda ku meel gaadhka ah, waxa lagala hadlana kama badna arrimaha la dagaallanka waxa loogu yeedho Argagixisada iyo Arrimaha Bini’aadannimada, waxaana arrinkaasi si cad uga muuqday khudbaddii ergayga Maraykanku uu ka jeediyay doorashadii Sheekh Shariif ee uu ku soo koobay inuu rajaynayo inuu Sheekh Shariif Soomaaliya Argagixisada ka saari doono. Haddaba dowlad aan la aqoonsanayn oo shaqdeedu tahay inay soo doondoonto nin ama laba la leeyahy waa Argagixiso sida uu Ismaaciil Cumar Geelle sheegay ma dowlad sumcad leh bay noqon kartaa? Mise waxay heli kartaa awood ay is baddal ku samayso? 11. Waxaas oo dhan waxaa isku fuuqsaday nooca dadka loo soo xulo baarlamaanka iyo maamulka dawladda oo u badan dad in masruufkooda loo maamulo u baahan. Dad noocaas ah xilka la saaray ama dawladda loo dhiibayna wax ay qabato dumistaa u sahlan!. Qore:Sh. Xasan Maxamed Ibraahim Qaranka online |