Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

- Warbixintani waxaay ku saabsantahay Batroolka badda oo loo qodayo Dalka KEENYA

The Qaranka online
13 Jan. 2010

Bashir Shekh Moxamed
Amersfoort, HOLLAND

Keenya waxaa batrrolka badda u qodaya Shirkad NORWEY ah..... Waxaan idiinla socodsiinayaa in aan la soo shaqeeyay Allaha u naxariistee Ambassadoor Cabdullahi Ciise Moxamud markii uu Safiirka ka ahaa Dalka SWEDEN anigoo ah Xoghayaha Koobaad ee Safaaradda.

Markii aan SWEDEN ka shaqynayay waxaa jirtay in Allaha u naxariistee Ambasadoor Cabdullahi Ciise uu soo qalqaaliyay Shirkad Norwey ah oo Soomaaliya batroolka u baarta dhinaca badda ayadoo Dowladda Norweyna aay kharashkii baaritaanka batroolkaas ku baxay aay ballanqaaday oo ahaa toban malyan oo doolar. Shirkaddaas waxaa lagu magacaabi jiray WESTERN GECO waxuuna saldhiggeedu ahaa magaalada STAWANGER e NORWEY.

Shirkaddaasi waxaay bilowday baaritaankii sanadkii 1980 waana ku guuleysatay oo waxaa markabkii baaritaanka sameeynayay uu kasoo billaabay markii koobaad xuduuda badda ee Somaliya iyo Keenya illa Baraawe. Markii labaadna Baraawe illaa iyo Hobyo.

Baaritaankaas la sameeyay waxuu qaatay labo bilood kaddib markabkii waxuu u laabtay saldhiggiisii STAWANGER si uu u ogaado Natiijada baaritaanka . Natiijada baaritaankaas waxaay ahayd mid aay ku guuleysteen oo waxay noo sheegeen in labo god oo aad u weyn in aay halkaas qotomaan halkii godna keydka ku jirta aay ka badantahay keydka batroolka ee dalka NORWEY oo dhan.

Arrintani waa mid run ah oo waxaa jirta in aay raboorkaas ku qoreen bolletiin aay shirkadaasi bilkasta soo saarto ayagoo ku faanaya natiijada aay gaareen. bolletiinkii waxaay u qaybiyeen Shirkadihii kale oo batroolka baari jiray si aay ula socodsiiyaan guusha aay gaareen.

Sidaad la socotid illaa iyo lixdameeyadii waxaa jiray Shirkado badan oo batroolka ka baari jiray dhinaca BIRRIGA ee SOMALIYA, markii aay heleen bolletiinkii waay baraarugeen oo Soomaaliya ayeey isku wada shubeen ayagoo ka doodaya kana soo horjeeda sababta Shirkadda WESTERN GECO loogu oggalaaday in aay Somaliya batrool ka baarto ayagoo ku andacoonaya in baritaanka birriga iyo baddaba aay xaq u leeyihiin.

Sheekada waa idiinsoo koobayaa oo halkan kuma wada soo qori karo.... Loolan badan kaddib Shirkaddi WESTERN GECO ee NORWEY banaanka ayaa la dhigay waxaa laga xayiray in baaritaanka aay sii wado sababtoo ah heshiisku waxuu ahaa in aay baarto badda Somaliya oo dhan.

Kharashii baaritaankaas hore ku baxay waxuu ahaa laba malyan oo doolar. Siddedii malyan oo doolar oo hartay Norwey dib ayeey ula laabatay oo waxaay dhaheen kharashkan waxaan ugu tala galnay baritaan batrool .../..

Shirkaddii WESTERN GECO waxaay dhaheen annagu mar kasta guul ayaan heysanaa oo raboorkaas goor kasta oo aan beec ku raadsanaa waa ku faa iideynaa. Haddaba waxaa xaqiiqo ah in raboorkii natiijadiisii uu hadda miro u dhalayo ayadoo loogu faaideynayo Dalka KEENYA oo xuduuda nala wadaaga.

Sababta aay Keenya xuduudeena badda u rabto waxaay tahay in aay heleen raboorkii shirkadda sidaas darteed ayeey xuduudeena u daneynayaan ayagoo loolan ugu jira in aay illa iyo qaramada midoobay kasoo sharciyeystaan.

Hal tuubo oo kaliya haddii aay godkaas xuduuda ku yaalla ka helaanna batroolka Somaliya halkaas ayeey ka dhuuqi karaan.

Arrintaan si dhaqsiiyo leh si looga hortago waxaan la xiriiray nin sharciga caalamiga yaqaanna, waxaana aan la socodsiiyay in barlamaanka Soomaaliya uu kasoo horjeestay arrintaan , laakiin wali loolankii sharciyeenta xuduuda ee dalka keenya in wali laga wado qaramada midoobay.

Si arrintaan looga hortago waxuu igula taliyay in Soomalida dibadaha daggan aay mudaharaad sameeyaan ayagoo kasoo horjeeda arrinta aay Keenya waddo oo ah ballaarinta xuduudda badda si aay ugu soo dhawaato godka batroolka Soomaliya oo shirkaddasi WESTERN GECO aay ogtahay meesha aay qoditaanka batroolka ka sameeynkarto.

Si arrintan wax looga qabto waxaa loo baahanyahay in la helo qorshe mideysan oo lagu abaabuli karo banaanbax iyo dacwenta shirkadda GECO ee Norwey.

Intii karaankeyga ah waan dadaalayaa oo waxaan ballan la leeyahay sharciyaqaan caalimi ah ee deggen DEN HAAG si uu talo iiga siiyo arrinta ku saabsan dacweynta shirkadda, waxii aan kala kulmana waan idiinla socodsiin.

Waxaay ila tahay in arrintaan la gaarsiiyo Soomaalida oo idil si uu mudaharaadku u hirgalo.

Bashir Shekh Moxamed.r Amersfoort, HOLLAND
e-meil: bashirmohamud@yahoo.com

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye