| Qaranka. com Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Muqdishu video | xiriir/contact |
|
By Adam yabarow
-Waa maxay doorka Norwey, Ould Abdalla ee heshiiskii Badda?
Maah maah carbeed ayaa waxay leedahay: "Waxaa wax ugu yaab badan inaadan waxba ogeyn oo hadana adan ogeyn inaadan waxba ogeyn". Arintaas waxaa ku sifeysan cid kasta oo u qabta inay wax walba taqaan oo ku dooda in dadka kale oo dhan ay khaldan yihiin ayaduna saxan tahay. Ilaa bilawgii bishii April 2009, waxaa si is daba joog ah qeyladhaan u waday Ummadda Soomaaliyeed aqoonyahanadeeda iyo waxgaradkeeda ayagoo ka dhiidhiyaya dhaxalwareejinta dhul-badeedka Afarta Injineer ee ka dambeysay heshiiska khiyaamada qaranka qaranka Soomaaliyeed oo DMQ oo uu hogaamiyo Shariif Shiikh Sh. Axmed ay dawladda Kenya u hibeysay. Waxaa yaab leh sida uu Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo ay ahayd inuu asagu difaaco Badda Soomaaliyeed iyo Keyraadkeedaba uu si joogta ah u difaaco in go’aanka dawladdiisu gaartay mid saxan ku sheego. Waxaa ka sii daran in uu wasiirku si qayaxan uga hadlo wuxuusan garaneyn, asagoo ku tilmaamay Badda Soomaaliyeed 3300 km (sida ku cad SomaliTalk.com) halka ay gaareysoo 2000000 sq km sida uu caddeeyey Admiraal Guuto Faarax Qare oo ah Taliyaha Ciidanka Badda Soomaliyeed. Haddaba waxaan xog warsaday takhasuska Prof. Ibbi wuxuu yahay iyo wuxuu jaamacadda ka bari jirey, waxaana Professor-ka la sheegay inuu ahaa bare Ciyaaraha. Dabadeedna waxaan isku qanciyey inuusan wasiirku arintan takhasus u lahayn dabaashayna badweyn asagoon dabaal aqoon. Sababta oo ah waxaa isaga darsan sida loo qiyaaso dherarka iyo beddka oo ah laba hawlood oo aan shaqo isku lahayn. Waxaa kale oo xusid mudan inuusan wasiirku wax haba yaraatee tixgelin ah uusan siin khubarada Soomaaliyeed oo hawshaas ku takhasusay oo ay ka mid yihiin: Waaxda Toobogaraafiyadda Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidankii Badda Soomaliyeed, Ciidankii Difaaca Cirka Soomaaliyeed, Ciidankii Cirka Soomaaliyeed, Wasaaraddii Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, Khubaradii Wasaaraddii Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Khubaradii Shuruucda Badaha, Khubarada Shuruucda Caalmiga. Waxaan Hubaa in badan oo ka mid ahi inay Baarlamaanka ka tirsan yihiin sida G/Sare Xayd oo ka mid aqoonyahanaddii ciidanka badda, Maxamed Nuur Amiin oo shuruucda badaha ku takhasusay, Caydiid Ilka-Xanaf oo asana shuruucda ku xeeldheer iyo qaar kale. Markaan intaas uga gudbo arinta Professorka, waxaan aqristayaasha ugu soo celinayaa ama xasuusinayaa arimo marar badan hore loogu sheegay. Ugu horeyn heshiiska isfagaradka waxaa Kenya uga gollahayd laba walxood: 1) In cid dawlad Soomaaliyeed magaceed sheeganeysaa caddeyso in badda Soomaaliya qeybteeda Koonfureed ay tahay mid lagu muransan yahy. 2) Inaan dawladda Soomaliyeed aysan waxba ka qabin qoraalka xuduud badeedka Kenya u gudubsato UN-ka. Labadaas qodob labadaba waa ka heshey DMQ dawladda Kenya, waxaanna nasiib daro ah in baddii Soomaaliyeed muran la geliyo welibana lagu indha adkaado inay saxan tahay talaabadaas laqaaday oo khiyaamada qaran ihi Akhristaha Soomaaliyeed waxaan u caddeynayaan inaan heshiishkan sidiisaba uusan ahayn mid lagama maarmaan u ah gudbinta qoraalka qalfoofka baddeena sida ay qabto UN-ku uuna cadeeyey xoghaya gudiga xadeynta badaha Hariharan Pakshi Rajan oo 13kii May shir jara’id oo arinta khuseeya ku qabtay xarunta UN-ka sheegayna in haddii aan la helin heshiis ay wada saxiixeen laba dal ee xuduud baddeed lehi inaan UN-ku aysan arinta xadeynta xuduudooda geleyn. Waxaa kale oo markhaati u ah qoraalkii ay dawladda Kenya u gudubsatey UN-ka 1989kii sida ku cad Webpage UN-ka ee hoose. Waxaa Webpage-kan iyo kan ka hooseeyaaba caddeynayaan in xuduudda badda Kenya ee waqooyi la xadidi doono marka heshiis waafaqsan qaanuunka caalamiga ahi dexmaro Soomaaliya iyo Kenya. Akhristow bal eeg sida ummadda loo jaahwaeeriyey oo la isugu dayey in loo tuso in badda Soomaaliyeed la gelinayo maamul dawli ah haddii aan heshiis Kenya la gelin ka hor 13 May 2009.
English Sida kor ku xusan, 1989 Kenya waxay caddeysay in xuduudda baddeeda waqooyi ayan xadidneyn waagaas weyna gudubsatey qoraalkeedii sida Soomaaliyaba waagaas u gudubsatay keedii. Haddase, sida hoos ku cad Kenya waxay xuduudeeda badda ku gudubsatay dhab ahaan si khilaafsan qoraalkeeda ay gudubisatey sanadkii 1989kii, kadib markay waxay weligeedba doondooneysay ka heshay DMQ. (gujiwebpageka hoose) Hadaba marka la isu eego sida Kenya u rabto inay u boobto Badda Soomaaliyeed oo kor ku cad iyo sida uu dhigayo heshiiskii ay kala saxiixdeen dawladdihii Ingriiska iyo Talyaanigu 15kii July 1924 oo xuduudda laba dal ee aduunku citiraafsan yahay, waxaan akhristow kuu caddaaneysa in horor dal baddeena ku ah ay Shiikh Shariif Sh Axmed iyo dawladdiisu u hibeeyeen dhul badeed ay ku jiraan 4 Jasiiradood oo beddkiisu dhan yahay 116000 sqkm. (guji webpage-ka)http://www.law.fsu.edu/library/collection/limitsinseas/IBS134.pdf From the confluence of the rivers Ganale [Ganale - Dorya] and Daua, along the course of the Daua up-stream to the southern point of the small southerly bend of the latter river in the vicinity of Malka Re [Malca Rie]; thence in a south-westerly direction in a straight line to the centre of the pool of Dumasa [Damasa]; thence in a south-westerly direction in a straight line towards Eilla Kalla (which remains in British territory) to such meridian east of Greenwich as shall leave in Italian territory the well of El Beru [El Beru Hagia]; thence along the same meridian southwards until it reaches the boundary between the provinces of Jubaland and Tanaland; thence along the provincial boundary to a point due north of the point on the coast due west of the southernmost of the four islets in the immediate vicinity of Ras Kiambone (Dick's Head); thence due southwards to such point on the coast, Ras Kiambone [Chiambone] [Dick's Head) and the four islets above mentioned shall fall within the territory to be transferred to Italy.
Norway maxaa uga shan iyo toban ah Baddeena?
Waxaa kale oo layaab leh in dadkii qoraalkaas gacanta ka geystey uu ka mid yahay nin ku jira gudiga dhexdhexaadinta muranka baddaha ee caalamiga ah oo dhalashadiisu tahay Norwegian.
Waxaa kale oo la xaqiijinayaa in nin kale oo Wasaaradda Arimaha Dibedda Norway Xamar yimid kuna qanciyey in DMQ ogolaato inay heshiis Kenya la gasho asagoo mudo 3 saacadood ah warbixin arinta ku saabsan siiyey sida uu BBC-da ka sheegay Wasiirkii heshiiska saxiixay.
Hadaba su’aashu waxay tahay danta Norway dhul-badeedkaan ka leedahay maxay tahay?
Waxaa kale oo xusid mudan in shirkad Norwegian ah ay heshiis Kenya la gashay inay shidaal baddeeda Soomaaliya iyo ayada u dhaxeysa ka baarto 2005tii, waxaanna la tuhunsan in badda heshiiska lagu galay ay qeyb ka tahay dhul-badeedka hadda Kenya DMQ u hibeysay. Xog wareysi aan ganacsato Nairobi ku nool kala sameeyey arintaan waxay ii xaqiijiyeen inay ku shaacsan tahay Kenya in dhul-badeedka Soomaaliya laga goosanayo lagu tuhunsan yahay in shidaal iyo gaas fara badani ceegaagaan.
Waxaa tuhunkaas sii xoojineysa qoraalka UN-ka Kenya u gudubsatay sanadkaan 2009ka diyaariyeyaashiisa waxaa ka mid ahaa Wasaaradda Tamarta Kenya iyo Kenyan Petroleum Corporation(KPC) oo ay daraf ka ahaadeen qoraalka haddaan shidaal iyo gaas arintu ku lug lahayn.
Ka qeyb qaadashada KPC ee qoraalka iyo ka reebidda Keyan Ministry of Defence gudiga qoraalka ayaa ishaareysa in arintu aysan ku salaysnayn khilaaf xuduud ama bad muran badsigeed ee ay tahay arin shidaal iyo dhaqaale.
Mas’uul sare oo dawladdii Soomaaliya raggii ugu sarsareeyey kamid ahaa ayaa asna ii xaqiijiyey in uu fursad u helay in uu arko khariidad muujineysa nawaaxiyada dhulka iyo baddaba ee lagu tuhunsan yahay in shidaal ku jiro wuxuuna ii sheegay dhul-badeedka hadda Kenya goosaneyso inuu kamid yahay goobaha la calaameeyey.
Isku soo celceli, xaajadu waxay u muuqataa in Norway ay dooneyso inay soo saarto shidaalka iyo gaaska lagu tuhunsan yahay inay ceegaagaan badda Soomaalida laga boobayo.
Sdia uu qorayo webpage-kan http://www.innercitypress.com/los2somalia051309.html
Norway Wasaaraddeeda Arimaha Dibedda iyo Waaxdeeda Shidaalkuba waxay si toos ah uga qeyb qaateen sidii loo diyaarin lahaa qoraalada Kenya iyo Soomaaliyaba ay UN-ka u gudubsadeen.
Sida hoos ku cad waxaa 10kii Maarso 2009 Nairobi ku kulmay maskaxihii ka dabmeeyey khiyaamadaan oo kala ah Prof. Ibbi, Ku-xigeenka Oulad Abdalla, iyo safiir Wilhem Longva oo ka socday Wasaaradda Arimaha Dibedda ee Norway sida DMQ loo ogeysiiyo qorshaha Ould Abdalla ee ku aaddan qolfoofka badda iyo kaalmada ay ka geysaneyso Norway. Waxay qoraalka DMQ u gudbisay UN-ka ku cad in Mr Longva uu Muqdisho tagey 5-6 April asagoo ay casuumeen Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Ku-xigeenkiisa Prof. Ibbi si uu talo iyo taakuleyn uga siiyo siday u gudbin lahaayeen Qoraalka. Maalintii xigtey ee 7dii April-na waxaa Nairobi lagu saxiixay heshiiska ummadda lagu hagardaameeyey oo Kenya loogu hibeeyey 116000 sqkm Dhul-baddeedkeena ah.
Waa maxay doorka Ahmed Ould Abdalla?
Soomalidu waxy ku maahmaadaa "Nin wuxuu kugu falo waxaa ka daran wuxuu kaa damco". Ould Abdalla wuxuu arkay in masuuliyiinta dadka sheeganaya ee Soomaliya aysan dan ka lahayn dalkooda ama badankood aysan fahmi karin khiyaamada dalkooda loo maleegayo. Wuxuuna ku qancay inaan Soomalidu wax jira ahayn markay Nuur Cade iyo kooxdiisii aqbaleen in Shiikh Shariif iyo kooxdisa 275 xubnood Baarlamaanka loogu daro ayna la tartamaan nin 200 cod heysta ayadoon madashii doorashadaba la soo gaarin. Maalintaa wixii ka dambeeyey Ould Abdalla asagaa dalka siduu doono ka yeelaya. Qoraalka DMQ u gudbisay wuxu sheegayaa sida soo socta:
17kii April, webpage-ka Wasaradda Arimaha ee Dalka Norway press release lagu daabacay ayaa asna qoraya: Somalia is the first African country to submit such information. The submission was prepared with the assistance of the Government of Norway in consultation with the Special Representative of the Secretary-General (SRSG) for Somalia, acting on behalf of the Transitional Federal Government of the Somali Republic.
The Transitional Federal Government of the Somali Republic and the President gave their final approval on 6 April 2009 following meetings in Mogadishu attended by Ambassador Hans Wilhelm Longva of the Norwegian Ministry of Foreign Affairs.
http://www.regjeringen.no/en/dep/ud/press/News/2009/shelf_assistance.html?id=555771
Maxaa hadda nala gudboon?
Tallaabada ugu muhiimsan oo hadda hadhsani waxay ila tahay in Baarlamaanka awoodda la saaro sidii uu u fariisan lahaa una baa’bin lahaa heshiiskaan iyo kii magaalada Caruusha- Tanzania Kenya lagula galayba, islamarkaasna waa in go’aanka Baarlamaanka loo gudbiyo UN-ka inta ka horeysa bisha September 2009 bilowgeeda.
Haddii arintaa si wanaagsan u hirgesho waxay hakin kartaa in guddiga dhex dhexaadinta muranka baddaha arinta loo gudbiyo.
Arintu manta waxay jootaa meeshii uu Cabdullahi Suldaan Timacade ka yidhi:
"Hashaan gaadaweynow libaax uga gabanweynay, ayadoo sidkeedii go’ay oo galabta foolqaaday,
Inaan goroyo-cawl uga tagaa wey garaad li’iyee..."
By Adam yabarow
Contact Qaranka.com Email:
ahassannn@yahoo.com
|