| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
Howlaha Alshabab ma dagaal JIHAADI ah mise dabar-gooyta HAWIYE?
The Qaranka online
-
Garoonka Mogadishu waa la xiray, kan Kismayo waa la furay, Mukhtaar Rooboow iyo Dulyadeyn waxay dhaheen diyaaradaha way isticmaali karaan kan Kismayo.
Deeqahii Gargaarka ee goboladda dhexe Mukhtaar Rooboow ayaa mamnuucay,gobolka uu ka soo jeedo ee Bakool diyaaradaha samafalka har iyo habeen ayey ka degaan,Xudur ilaa Waajid.
Beesha Leesaan,waxay ka diiday in Berdaale uu ka dhigto fariisin,talada waxgaradka beeshiisa ayuu qaatay.
Fu-aad Shongole khudbad dheer ayuu ka jeediyay Masjid Abuu Hureyra ee Mogadishu,wuxuu Iclaamiyay in hantida iyo dhiiga Beesha Mudulood xalaal tahay,sidoo kale wuxuu ku baaqay in la laayo odayaasha golaha Midnimada dhaqanka Hawiye,wuxuuna si nabadgelyaa uga soo laabtay degaanka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ee Burtinle Puntland.
Garoomada iyo dekadaha Puntland way furan yihiin,dadka Mogadishu kama diin badna,Ethiopia waxay u tahay talis Melleteri.
Ahmed Abdi Ow Mohamud Godinle waa Isaaq,tababarkiisii Afghanistan kadib wuxuu fariisin ka sameystay Koofurta Somalia,wuxuu Iclaamiyay in dadka maatida laga dhextuuro Hoobiye,beesha u badan Mogadishu ee Hawiye kama hadlin,waxay meelaha lagu qaxweyo kaga khudbeeyaan waa Mujaahid.
Caqliga Baraarugsan ayaa leh,hada Jihaadka Maansuur ka wado Mogadishu maxaa u diiday Baydhabo iyo Xudur,miyeeysan Amxaaro joogin.
Nin lagu magacaabo Dulya deyn oo sheegtay Taliyaha Xasan Turki ayaa shir Jaraa’id ku qabtay Mogadishu,wuxuuna ku faanay inuu hogaamiyo koox la yiraa ,ARDAYDA DUGSIGA KAMBOONI,ayna burburtay Maxaakiimtii Islaamka.
Abuu Maansuur ayaa khudbad ujeediyay dad u badan beeshiisa,wuxuu leeyahay geeridu waxay ku badan tahay Habargidir,dagaalkana waa inuu galaafto Suuqa Bakaaro.
Dulya deyn Mogadishu wuu ka gaaray dantii uu lahaa maxaa yeelay garoonka wuu xiray,waxayna rajadiisu tahay in Kismayo u wareegaan diyaaradaha Isticmaala si beesha Kablalax Daarood uga hesho dhaqaalo.
Dadkii ugu dambeyay ee bulshada Hawiye waxay u barakaceen Madiino ,waxaa uga daba tegay Kooxda Ardada Komboni,kadibna hoobiye ayey ka dhex tuureen.
Magaalada Mogadishu way haawaneysaa,dadku Isbitaalada ayey tuban yihiin,qaarkood waa liitaan.diyaaradii qaadi lahayd hawada sooma geli karto,garoonka ayaa ka xiran,Hay’adahii dawada laga sugayay waa la mamnuucay,dadkii barakacay cuntadii loo waday waxay Fu-aad iyo Rooboow amreen in la booboo,hawdka ayey macluul ugu dhamanaayaan.xitaa gobolada dhexe ayey qeeyla dhaanta ka soo yeeree.
Shacabka gobolka Hiiraan way diideen qorshaha guracan.waxayna noqdeen degaankii ugu horeeyay ee af huurayaasha kitaabka beenta u qaatay UF,yiri.
Labadii Hogaamiye ee beesha Hawiye ugu jira kooxaha Islaamiyiinta sheegta,iyagoo isnaceb ayuu Xasan Turki af ku gaaleeyay,Xassan Dahir Aweys,bamkuu dhigay baa ku qarxay,Shariifkana rajo aan buurneyn ayuu leeyahay.
Mogadishu hada waa lama degaan,Ethiopia iyo Abuu Maansuur waa heshiis,dagaalku wuxuu ku socdaa AMISOM iyo Shacabka.
Madfacii loo tuuro garoonka wuxuu ku dhacaa,hooyooyin iyo Caruur meel ku oodan,Nabadoonkii Masjidka taga madaxa ayaa laga toogtaa,Micnahuna Hawiye weli waa ka maagayaa.
Ninka sheegtay Taliyaha Kombooni ee lagu magacaabo Dulya deyn,wuxuu amray in xaafadaha Mogadishu,gurigaan laga qaxin bam lagu tuuro,Weriye ayuu la hadlay,waxaa la waydiiyay,maxaad xamar u timid,wuxuu ku jawaabay,inaan Amxaaro la jihaado!!
Caqligaa diiday,isagana wuu qoslay” Waxaad tahay Ogaadeen,Somali waa qabiil ee Qabri Dahare iyo Godeey,maad ka xoreeysid Amxaaro,Ogaadeenka aad u dhalatay ,soow kuwaan gumeysiga ku jira”? ayaa si dad ban loo weydiiyay,markuu jawaab waayay ayuu bilaabay tabeelahiisa been guurka” Allaahu Akbar afka baarkiisa,Alle wuu arkaa,dadka kitaabkiisa ka dhiganaya gaashaan ummada lagu gumaado.
Isweydiin baa ku dhalatay qurba jooga Hawiye eeiska qoslaya iyo rag ay ugu horeeyaan odayaasha dhaqanka Hawiye,waxaana hada baraarugu yahay" Ma Dagaal Jihaada mise dabargoynta Hawiye”?
1: Fuaad shongole puntland nabad ayey u tahay
Hussein Hilowle
Qaranka online
|