| Qaranka. com Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Muqdishuvideo | xiriir/contact |
|
Ali E H Naleeye, editor Sir Culus: Mareykanka lagayaabo mar labaad sidii 90-kii abaarahii Somalia ugu isticmaalay inuu askar keeno, kolkaan ciidamo Afrikaana ilaaliya rashinka abaaraha dalbado; durbadiiba Lacagaha Abaaraha Somalia loo aruuriyay oo Amisom Taangiyo iyo Hub ku iibsatay si Muqdishu Shabaab ugula waregaan Kolkii 1991kii abaaro iyo dagaal sokeeye Soomaaliya ka socdeen Mareeykanku wuxuu yiri Soomaaliya 28.000 askari baan u soo dirayaa si dadka abaaruhu wax yeeleen uu u raashin usoo gaarsiiyo, kolkii uu askartii Soomaaliya yiri dowlad baan Soomaaliya u dhisayaa. Maadaama Mareeykana, Ingiriiska iyo Faransiiska oo Libya, Afghanistan iyo Ciraq dagaalo ka wadaan waxay u badan tahay iney Mareeykanku sidoo kale ka faa'iideysa doono abaaraha Soomaaliya uuna abaaraha mar marsiyo uga dhigi doono uuna ka dalba doono dalalka Afrikaanka sida Tanzania, Gaana iyo Nigeeriya iney 10-ka milyan oo Soomaaliya oo gaajo u la'anaya kaalmeeyaan. Haddii dowladahaan ka diidaan ciidamo iney Soomaaliya ciidamo usoo diraan, markaa waxeey u badan tahay inuu labo jibaaro kuwa Ugaandheeska iyo Burundi oo 20-kun uu ka dhigo si Soomaaliya qaska uu uga socdo si milatarigiisa ay xeebaha Soomaaliya ugu sii fidaan si uu uga hortago Milatariga iyo dhaqaalaha Shiineeska iyo Hindiga u dar dar ku koraya, Muslimka uu dagaal kula jiro iyo Jaziirada Carabta uu saliida ka helana uga sii ag dhawaado. Labo kun oo ka hor waagii Shiinuhu aduunka quwad ku lahaa oo Yurub badanaana uu baraf ku daboolnaa, Shiinuhu Xeebaha Soomaaliya buu markii soo gaaray dabadeedna dunida ku sii fiday si uu uga soo qaato waxyaalaha uu dalkiisu u baahanyahay. Laakiin haddii hada Mareykanku xeebaha Soomaaliya uu ISBAARO milatari u dhigto koritaanka dhaqaalaha iyo milatariga Shiinaha wuu yaraanayaa markaasan quwada Mareykanka uu aduunka ku leeyahay inuu isku dayo inuu kula tartamo ma dhaceyso. Markii uu RW Ingiriiska yiri lacag 50 milyan baan abaaraha ugu deeqnay, Soomaali badan xoogaa indhaha war wareejiyay oo ka yaabay deeqsinimada ama naxariista Ingiriisku u haya shacabka Soomaalida. Laakiin runtu waxay tahay marba haddii indhahaadu rumaysan waayaan maskaxdaada shakigaas wax unbaa ka jira. Laakiin waxaa cad in danaha Ingiriisku ka leeyahay Soomaaliya ay san ahayn kuwa Yurubku ka leeyahay Soomaaliia-maadaama u hor bood u yahay danaha Mareykanku ka leeyahay Soomaaliya oo la dirirka al Qaida. sidoo kale Barakicinta Soomaalida laga barakiciyay dhulkoodi hooyo Ingiriisku qeyb libaax buu ka qaaty. BARAKICIN-BRAIN DRAIN SYNDROME. Haddii qaxootiga Kenya laga daad gureeyay ay dhulkoodi hooyo joogi lahaayeen mar hore ayeey nabad Soomaaliya ka dhiga lahaayeen. Bal arka mucjisadaan oo ah in ay muddo 3 sano dhan ay ciidamada Ugaandha difaac naftoodaa ay ugu jireen Furdada iyo Airpoorka Muqdisho, laakiin maalintii RW Ingiriiska ku dhawaaqay in Soomaaliya abaareheed ku bixinay 50 Malyan doolar Amisom Caasimada Soomaaliya Muqdishu inta badan bay la wareereen. Maalinti ku xigtana Amisom waxay Muqdishu ka soo dhex muuqday Taangiyo badan oo aan horay magaalada loogu arag. Saddexda dawladood oo ciidamada Ugaandeeska iyo Buruundeeska dagaal gashada Mareeykana, Ingiriiska iyo Faransiiska waxay arkeen in Abaaraha Soomaaliya ay u adeegsa karaan hubaynta Amisom. Mareykana, Ingiriiska iyo Faransiiska oo Libya, Afghanistan iyo Ciraq dagaalo ka wado, dhaqaale fiicana aysan si toosa ugu heli karin kan ay ka wadaan Soomaaliya si kastoo guul ay uga gaari karaan dagaalka Soomaaliya wey sameeynayaan. Sidiisaba dagaal waa dagaal, oo haddii si cadaana dagaalka guul wax looga gaari waayo, si dabuulan baa guusha lagu raadiyaa. Sideedaba dowlado dagaal ku jira warkooda lama dhagaysto. 1991 xiligii dagaalka sokeeye ay dad badan macaluul ugu dhinteen, Mareykanku wuxuu u soo diray 28.000 kun askari si ay u caawiyaan dadka abaaruhu wax yeelayeen.Laakin muddo kadib Miidiyaha Caalamka iyo dowlada Mareykankaba waxay cadeeyeen in Mareykanku Soomaaliya uusan u tagin in uu gargaaro ee uu u tagay DAN MILATARI ee uu ka lahaa Geeska Afrika Waagii hore waxay Mareeykana, Ingiriiska iyo Faransiiska kharashka iyo hubaynta Amisom waxa ay ka heli jireen Shirarka caalamiga oo ay Soomaaliya ugu qabajireen dalalka: Norway, Ingiriiska, Mareykanka, Talyaaniga ama Bureselsoo ay ku kabi jieen xoogaa ay ka heli jireen carabta lacagta leh sida Sacuudiga, Qatar iyo Qadaafi Libya. Marka maadaama Yurub iyo Mareykana dhaqaale xumi Economic Crisis haysato, Carabtana kacdoon shacab ku soo furmay -abaiaraha Soomaaliya bay u arkeen inay lacagu shirarkii beenbeenta Soomaaliya ay ku aruursa jireen mid ka badan ka heli karaan. BBC-da ayaa sanadkii hore dhexdiisa sirtanaan shaaca ka qaaday oo tiri ninkii kaaliyaha u ahaa Meles Zenaawe baa nagu yiri waagii Caalamku abaarahii Itoobiya We are the world kooxihii ku heesayay ay hor kaca yeen, inay Milishiyadiisa TIGREENYA ee Zenaawe hogaanka u hayay:Tigreenya Liberation Front (TLF) oo kolkaas isku dayay inay kala wareegaan Adis Ababa Mengistu Xayle Meryem. Mareeykana, Ingiriiska iyo Faransiiska rabeen in Mengistu oo Midowgii Sovieti saaxiib la ahaa Mengistu oo SHUUCI ahaa inay xukunka ka ridaan ayagoo hubeeynayay Milishiyada TIGREENYA oo maanta xukunta Itoobiya. boqokiiba sagaashan 95% lacagihii Abaaraha Milishiyada TIGREENYA sida sawirkan hoose BBC ay baaritaan qoto dheer ay ku sameeysay uu cadeeyay, Milishiyada TIGREENYA waxay ku iibsatay DEEQDII ABAARAHA ITOOBIYA CAALAMKU u soo ARUURIYAY waxay ku iibsatay Hub ay magaalada Adis Ababa ugala wareegeen ciidamaddii magaalada Adis Ababa haystay Marxist Dirgy oo Mengistu hogaaminayay.
![]() BBC:Max Peberdy (middle) says the aid money went to the right causes - but Gebremedhin Araya (left) was posing as an undercover rebel Markab sida RAASHIN DEEQA baa maanta dekadda Muqdishu ku soo xirtay ama dad kumanaan oo abaaraha Soomaaliya baa xerada Qaxootiga Dadaab raashin loogu deeqa loogu qaybshay. Dalaka Reer Galbeed waxay keydiyaan RAASHI badan si ay u isticmaalaan haddii ay dhibaato lama filaana sida dagaal ay lagalaan dawladaha yar yar oo diida go'aanada ay dunida ka gaaraan inay fuliyaan ama aqbalaan ama uga hortagaan haddii ay ku dhacdo mucjisoyinka waweyn ee dunida mar mar ku dhaca sida dhul gariir, Tasunaami iwm. Laakiin nasiib daro raashinka DHOWR SANO KADIB wuu DHACAA. Marka waa inay helaan meel lagu daadiyo. Nasiib wanaag mar mar waxay helaan dad dunida dacalaheeda ku gaajaysan ama qaxooti badan oo ku soo furma dalalkooda oo raashinkaas dhacay la siiyo. Waxaad arkaysaa Miidiyaha caalamka qaasatan kuwa Mareykana, Ingiriiska iyo Faransiiska oo har iyo habeen soo ban dhigaysa Soomaali lafo lafo noqotay gaajo awgeed kuna wacdinayaan inay u naxariistaan dadkan Soomaalida oo milyano kor u dhaafaya oo gaajo darteed meel cid laa ugu la'anaya, oo ay teleefankan.... soo wacaan si kuntadan Abaaraha ee Baankaas ay lacag ugu soo diraan. Lacag Baan gashay daqiiqadu guduhooda baa Hub lagu iibsa kara ama KARADIT baa lagu sii iibsa karaa haddii dad ama baan DAMAAN qaadi karo in uu lacagtaas mudo cayimin ku bixidoono Xitaa Madaxweynaha Venezuela Hugu Chavez oo dalka Kuuba kanzar kula jirin baa 5 Milyan u soo diray Soomaalida abaaruhu ay soo gaareen. Laakiin waxaa nasiib daro u ah dawladaha Mareykana, Ingiriiska iyo Faransiiska oo ku mitidaya inay hantiyaan oo dhaxlaan dhulka Soomaaliya oo Istiraataji caalamiya Lacagaha iyo hubabka dagaalka lagaliyo waa sida qamaarka oo kale. Hadda qiyaas ahaan Amisom waxaa lacag lagu sheegayo abaaro ku socoto oo dhaw ama ka badan 3 Bilyan Kontooda Nairopi ama Kambaala ay ugu soo rideen Hayadaha gargaara bani'aadanka dhibaataysan. Lacagtaas Amisom si dhaba bay hal sano ugu dagaal galikartaa. Laakiin nasiib daro dawladaha Kenya , Ugaandha iyo Buruundi lacagtaas nuskeed dalaal ahaan bay u qaadanayaan. Marka qiyaastii Halka Bilyan iyo barka soo hara waxay ciidamada Ugaandeeska iyo Burundigu Muqdishu uga dagaal galikaraan muddo lix bilooda. Xiligaas wuxuu ku beegmayaa xiliga sanadka ahaa ee caalamku ugu daray dawladda magac u yaalka ah. Waxaa kaloo iyo soo dhawaanaysa xiligaas sanad kadib doorashada Obama. Badanaaba taariikhda Mareykanka xiliyada doorashada Madaxweynimada ay galaan dagaalada ay dibada ka wadaan way soo yareeyaan si ay waqtigooda tartanka Madaxweynaha oo waqti iyo maaliyad badan u baahan. Lama oga meesha uu Obama xiligaas Amisom ay lacag oga dooni doono. Way dhici kartaa in sanadka soo socda abaar kale dhici doonto. Laga yaabaa inuu Ugaanda iyo Burundi ku mahad celiyo Ciao-na yiraahdo oo ay iska tagaan. Laga yaabaa in Soomaalidu jab culus inay u geeysato ay iskooda iskaga cararaan. Laga yaaba in ciidamada Mareeykanka ee Afghanistaan 2012 ka soo guurinayaa inuu Soomaaliya u soo raro. Laga yaabaa inuu doorasho xoogaa cadaalad u eg sida Afghanistaan iyo Ciraaq oo moodo inay dhaanto midan haatan Itoobiya iyo Kenyaanku IGAD isku sheegaya ay Nairopi Soomaalida ugu soo dhiseen. Obama hamagii weynaa ee Soomaalidu u haysay markii la doortay wey ku hunguriyobeen oo waxay nowdeen nin bad qaaday XUNBO CUKSAY. Bal meeshiisa isdhig. Haddii qof Soomaaliya iyo qof Kenyaana ama Itoobiyaan uu ku wada weydiistaan cawinaad kumaad sii lahay garab? Marka Obama oo aabihiis Kenyaati yahay wuxuu Kenya siiyay garab badda Soomaaliya uga saxiixato ayadoo Norway UN safiirka UN u fadhiya uu dalaal uga yahay. Waxaan laga yaaba inuu mar dhow Gobolka Azania magac Soomaa/li ka fog la baxay in uu UN-ta uga saxiixo in ay goosato. Laakiin waxaa la hubaa HAL MID: Markii Soomaalidu aragtay sawirkan ay Museveni oo sidii Diritoor ciqaabaya ardo dugsi sare dhiganaysa oo wax gaf ah sameeyeen oo kale ay u hor yuuraraan 3-da nin ee isku sheegaya inay yihiin dawladdi dalka iyo dadka Soomaaliya, oo waliba hadaad sawirka si quman u fiiriso aad arkayso in Madaxweynaha Ugaanda Museveni koobkiisa koofiga uu miis gaara oo midigtisaa u saaranyahay, Dhigiisa Shariifna biyihiisa miiska weyn loo saaray, si caalamka loo tuso inay Soomaalida xitaa adoonta ay ka sii liitaan caqli iyo fikir ahaanba.
![]() HESHIISKA KAMBAALA: o.k! iga AQBLA HAL SANO baan XUKUNKA dowladinimadi IDINKUGU KORDHIYAY, ama Ciidamada Uganda oo Muqdishu idinku hayaan la soo bixin Shirkii KAMBAALA wuxuu Soomaalida kuwa gudaha ku nool iyo kuwa dibadda joogaba KICIYAY DHIIGOODA iyo DAREENKOODA FICIL AY DALKOODA SOOMAALIYA u QABAAN. oo wixii deeq ama awood ay hayaan ay soo gaarsiidoonaan walaalahooda har iyo habeen dagaalka GUMEEYSI u adeegaha MADOW :Amison ee dhulkooda HOOYO ka talinaya maanta si HEERYADA GUMEEYSIGA SOOMAALIDA looga TUURI lahaa oo Har iyo Habeen dagaalka FOODA HORE kaga jira. Wixii ka dhacay KAMBAALA oo si sharaf daraa loogu aasay QARANKII SOOMAALIYA oo AABAYAASHOODA IYO HOOYOYINKOO DA NAFTOODI IYO HANTIDOODIBA ugu HUREEN si ay CARUURTADA SOOMAALIDA SHARAF ugula NOOLAALAHAAYEEN DALKOODA.
Contact Qaranka.com Email:
ahassannn@yahoo.com
|