| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
DAREEN DADNIMA AYAA DOWLAD LAGU HELAA! SHACAB WADA INDHOOLAYAL AH? !!!
The Qaranka online
Dal waliba waxaa dhiso dadkiisa, waana mida kaliye ee looga qiyaas qaadan karo dunida hor martay sidaas ay tahay dadka Soomaalidu waxey ku mashquulsanyihiin qaabkii ay u heli lahaayeen dowlada iyo nidaam wanaagsan mana umuuqato wadadii ay ku heli lahaayeen.
In badan oo dadka soomaliyeed ka mid ah ma yaqaanaan waxa ay dowladu tahay waayoo waligood ma arkin dowlad dhaxe oo maamusha, waxaa jiro qaar kale oo iyagu soo arkay dowladii malatariga aheyd oo cuqdad weyn u qaaday una fahmay in dalka oo dhan ay leedahay dowladaas, waayoo waxaa qalbigooda kujiray qabiil iyo laan dheere iyo waliba laan gaab mana helin wax ku guubaabiyo iney iyagu leeyihiin dalka Soomaaliya.
Qofkasta oo Soomaali ah hadii aad wax ka weydiiso dalka Soomaaliya dhibaatada ka jirto wuxuu kuugu jawaabayaa inuu siweyn uga xun yahay dhibaatadaas hadana wuxuu kuu muujinayaa ineysan jirin wax rajo ah oo uu ka qabo in dowlad ka dhalato dalka soomaaliya, su’aasha waxey tahay waa kuma cida hortaagan dowladnimada Soomaaliya? Qofkee ayay dhibaato ku tahay in dowlad Soomaaliya ka dhalato? Hadii dadka ay isku mid ka yihiin saameeynta dhibaatada dowlad la’aaneed.
Aqristoo waligaa ma aragtay? Qof dhib heysto oo aan garan cida dhibka u geeysatay oo ka qaxeeyso waliba wiilka uu u dhalay ama aabaheed? dabcan hadii aad u kuur gasho waxa Soomaaliya ka socda waxaa ku fakareysaa ineysan jirin cid gaar ah oo leh dalka Soomaaliya oo ka diirnaxeyso dhibaatada dalka ka jirto.
Shacab walbo wuxuu dalkiisa u horseedaa inuu helo nidaam dowladeed laakin dadka Soomaaliyeed dalkooda waxey u horseedeen dhibaato iyo xaalad aan fiicneen inuu galo dadka Soomaaliyeed waxey aaminsanyihiin iney nabad kaheli karaan cid aan u dhalanin ama cadow ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed horay, waxaa loo yiri Nin Ku Dilay Harka Kuuma Jiido marnaba ma dhaceyso in dalka Soomaaliya uu nabad ka helo dad aan u dhalin ama aan ogoleen inuu helo dowlad iyo hurumar.
Waxaa layaab leh dalki aad u dhalatay Marti iyo Marqaati kanoqo ee waxaad ka warsugtaa dad aan u dhalinin ama shaqsiyaad ku shaqeeya maskax shisheeye, dalal badan oo aduunka ka mid ah ayaa dadkooda waxaa ay usoo hoyeen nabad shaqsiyaad fara kutiris ah oo iyaga ka dhashay hadana dadka Soomaaliya oo lagu tilmaamo iney yihiin dad maskax fiican leh oo inta badan marka ay hadlayaan ku fakara hami aad u sreya iyo horumar waa maxay sababta keentay in dalkooda uu sidaan ahaado? Waa suáal furan?.
Shacabka dareenka wadani-nimo leh ma aqbalaan cidii wax yeeleyneysaa horumarka dalkooda waxeyna geed dheer iyo geed gaaban u fuulaan sidii ay dalkooda ku dhisi laaheeyeen marnaba ma aqbalaan in caruutooda ay dib jir ku noqdaan wadamo kale oo waliba ay ku waayaan diintodi islamka, wax barashadi, iyo caafimaadka ubadkoda lakin shacabka Soomaalida maba u heystaan iney jirto nolol ka duwan mida ay hada ku jiraan waayoo Damir lawe aanan dalka iyo dadkaba rajo ka laheyn ayaa niyadi ka jabiyey. Waxa ay u fahansanyihiin nolosha macaan ee horumarsan iney leeyihiin dad kale oo aysan iyagu xaq u laheen iney helaan taa mid la mid ah.
Waxaan wada ogsoonahay shaqsi hogaan ma noqdo ilaa uu shacabka uu kasoo jedo ku dhiri galiyo gacanna uu ka siiyo sidii uu u gaari lahaa goal-ka ama hadafka uu tigsanayo, shacabka somaliyeedna waxa ay ku hingoobeen in kabadan 20 sano in ay helaan hogaan daacad ah oo mid kasta oo ay nasib u helaan qalbigoodana ay siyaan ku noqdo waxa ay somalidu u taqano kadaroo dibi dhal.
Waxaase layaab leh in shacabka soomaalida ay wali ku sii jiraan wadadii ay ku kasbadeen iney dalkoodii hooyo uu bur buro. Waxaana tusaale u soo qadanaya “shacabka Somaliyeed meel kasta ay dunida ka joogan waxaa qalbigooda si nadiif ah uga buuxo sunti horey aan ugu leánay ee aheyd qabiil” markaad tagto dal iyo dibadba gobabaha ay dadku ku caweyaan ama ku sheekeystaan waxaad arkeysa in fadhikudiri qabiil ku saleysan iyo kala taagerid 2bo shaqsiyad oo ku dagalamaya gudaha somaliya, taa waxaa usii dheer in ay taageero dhaqaale iyo mid idacadeedba gaarsiya kuna sii huriyaan dabka ka aloosan gurigoodi hooyo.
Soomaaliya waxey soo martay xili uu ninka wax dilaa uu ahaa ninka ugu fiican oo ay gabdhuhu qiimeeyaan guurkiisa iyo lasocodkiisa, qooyski aan laheen nin dilaa ah uu yahay qoos miskiin ah waxey dhaxalsiisay dadka soomaalida in la arko wiil hooyadii jidka ku garaacayo waayoo ninkii weynaa oo laga cabsan jiray canaan ma aqbali karo hooyaduna waxey rabtaa iney canaanato kuna faanto inuu mooryaan yahay oo waliba laga cabsado.
Sababaha kenay burburka ayaa waxaa laga dhehan karaa Hogaamiye Damirlawe ah oo dantisa mahane midkalaba u jeedi, Mooryaan gorati ah oo inuu wax dilo waxna dhaco aan aheyn uba jeedin, qabiil xaqdarro isku racaya dhigna ku banaysanaya, hooyo wilkeda dagal Qabiil u socdo oo u sii duceyneysa, shacab dantisa anan garanaynin dabadeedna qax iyo rafad aanan ka bixin, aqoon yahan isku taga oo kena xal; kan hadda tagan ka duwan oo dalka iyo dadka lagu bad badiyo, iyo wadaad diinta ka been shega jihadna ku banesta islamka dhexdiisa.
Hadaba, dowladnimo waxaa lagu helaa dareen wadaninimo oo horseedo iney dadku fahmaan qeeraadka dalkeena hoyo yala inuu yahay mid kasoo kala haraya, hadii shacabka soomaaliyeed ay u fahmaan iney iyagu leeyihiin dalka soomaaliya waxaa garab ku siin doona Allaha kownkan abuuray oo isago aad u jecel dadka go’aanka gaaro hadana fuliyo waliba wadada wanaagsan ku raadiyo.
Qaranka online
|